Sign in to follow this  
xiinfaniin

The language of leadership.

Recommended Posts

Fabregas   

Originally posted by xiinfaniin:

^^They made a compelling case yaa doctoore. I wonder what the cynics will say next.

dee koley, anigu I don't consider myself a cynic :D , meyey ninki Kashafa beryahan? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D

 

I know you are not a cynic adeer...

 

Kashafa is on our side. He wanted Ethiopia out, and Ethiopia will be out IA.

 

Rag kalaan u danleeyahaye'e adigu waad fiicantahay saaxiib!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masha-Allah,

 

ilaahay ha daayo Sheikh Shariif. He is working tirelessly to fix the flaws of the opposition. I hope we can get someone like him from the TFG to fix the faults of the government.

 

Only contructive dialogue and negotition is required to achieve a win-win situation for all of us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SHIIKH SHARIIF: “Asmara ma joogaan xubno xil-ka-qaadis nagu sameyn kara, mana jiro qalad aan sameynay oo xilka nalooga qaadi karo”

 

Arbaco, July 23, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadis ay sheegeen in ay ku sameeyeen Xubnaha Isbaheyisga Dib u xoreynta ee fadhigoodu yahay Dalka Eritrea.

 

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in xubnaha ku sugan Asmara aysan dhameyn kuwo xil ka qaadis ku sameyn kara, wuxuuna sheegay in uusanba jirin qalad ay sameeyeen oo uu ku muteysan karo xil-ka-qaadis.

 

“Waxaa xil-ka-qaadis nagu sameyn kara seddex meelood labo meel xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta, sida aan ognahayna xubnaha Asmara jooga intaas ma dhama”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan jirin sabab xilka looga qaado, “waxaa xilka nalooga qaadi karaa xil gudasho la’aan iyo in aan qaladaad sameyno, taasina ma aysan dhicin, kaliya waxa nagula heysto waa maxaad nabadda uga shaqeyneysaan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagoo ku sugan dalka Jibouti u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

 

“Haddiiba cid qalad ku jirto waxaa qaladkaas galay Xubnaha Asmara oo ka hor-yimid mas’uuliyiintooda, sida shareecada Islaamka qabtana waa in loo hoggaansamaa mas’uuliyiinta”ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan xubnaha Asmara xor u ahayn afkaartooda, isla markaana ay faragelin ku heyso Dowladda Eritrea oo uu sheegay in aysan rabin in ay Soomaaliya xasilooni hesho Ciidamada Itoobiyana ay ka baxaan, “Ciidamada Itoobiya haddii ay Soomaaliya ka baxaan taasi dhibaato ayay u arkeysaa Eritrea, sidaas darteedna ma ogolaaneyso in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay in ay ka shaqeeyaan sidii Ciidamada Itoobiya looga saari lahaa Soomaaliya, “Waxa loo wada halgamayay waxay ahayd in Ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya, marka waxaa is-weydiin leh maxaa ku jaban haddii Itoobiyaanka la saaro dalka iyadoo aan xabad la adeegsaneynin”ayuu yiri Shiikh Shariif.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay wada dhisteen Xubno ka socday Maxkamadaha Islaamka, Xubno la baxay Baarlamaanka xorta ah oo laga saaray Baarlamaanka Dowladda Federaalka, Xubno ka socda Bulshada Rayidka iyo Soomaalida Dibadaha ku nool ayaa wuxuu haatan noqday mid labo u kala jabay oo weliba leh labo hoggaan oo iska soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this