Sign in to follow this  
Shiikh_Yaasiin33

Maxkamadaha oo gaaray Buur Hakaba

Recommended Posts

Wararka maanta Arbaco 19/07/2006-da

 

30 Tikniko ah oo uu horkacayo Abuu-mansuur oo taageera maxkamadaha oo maanta gaaray Buur-kaba

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Buur-kaba ee gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay maanta gaareen ku dhowaad illaa 30 Tikniko ah iyo maleeshiyooyin faro badan oo uu horkacayo Sheekh Muqtaar Roobow Abuu-mansuur oo isagu si weyn u taageera golaha maxkamadaha islaamiga ee Muqdisho iyagoo ka ambobaxay magaalada Muqdisho.

 

Maleeshiyooyinkan oo intooda badan la tilmaamay inay yihiin kuwo u daacad ah maxkamada beelaha Digil iyo Mirifle ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho laguna magacaabo Al Bayaan waxaana wehliya guddoomiyaha maxkamadaasi Max'ed Ibraahim Bilaal, iyadoo ay diideen mas'uuliyiintii maanta halkaasi gaartay inay ka hadlaan ujeedada ka dambeysay safarkan deg deg ah.

 

Intii ay ku sii jeedeen degmada Buur-kakaba ee gobolka Bay ayay mas'uuliyiinta maxkamada Al Bayaan horey u qaadeen jidgooyooyin yiilay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo lagu qaadi jiray lacago baad ah, iyagoo markii ay halkaasi gaareen kadina kulan la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka beelaha Digil iyo Mirifle ee halkaasiku dhaqan iyadoo ujeedada kulamadaasi oo aan la shaacina ay tibaaxayaan in looga arrinsanayay sidii taageero buuxda loogu heli lahaa maxkamada Al Bayaan ee ku magacaaban beelaha dega gobolada Bay iyo Bakool.

 

Arrintan ayaa noqon karta mid ay xasaasiyad weyn ka qaadan mas'uuliyiinta sar sare ee dowladda oo uu ugu horeeyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo horey ugu eedeeyey maxkadaha Muqdisho inay duulaan ku soo yihiin gobolada Bay iyo Bakool oo fariisin u ah dowladda KMG ee Soomaaliya, waxayna arrintani soo dedejin kartaa eedeymo iyo shakiyo faro badan oo soo kala dhex gala maxkamaddaha iyo dowladda federaalka oo la filayo in la isku hor fariisiyo dalka Suudaan magaaladiisa Khartuom.

 

 

Garaad Salaad Xirsi

Muqdisho, Somalia

garaadcadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Maxkamadaha oo Baydhabo udhow iyo Cali Geeddi oo arintaasi hadal kulul ka yiri

Wednesday, July 19, 2006

 

APL

 

Baydhabo(AllPuntland)- Malleeshiyaad hubaysan oo ah kuwo kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool isla markaana ku mabda'a ah maxkamadaha ayaa ciidamo geeyay degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay, halkaasi oo ay ka taliso dawladda Soomaaliya.

 

Maxkamad Islaami ah oo lagu magacaabo Al-Bayaan ayaa looga dhawaaqay dhawaan gobollada Baay iyo Bakool, waxaana madax looga dhigay rag ku abtirsada Digil iyo Mirif.

 

Ciidanka dagay meel u dhow Buur hakaba ayaa waxay dareen ka dhalisay gudaha magaalda Baydhabo ee dawladdu fadhido, waxaana jawaab arintaasi ka bixiyay Cali Maxamed Geeddi , raysulwasaaraha Soomaaliya.

 

Cali Maxamed Geeddi oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa maxkamadaha digniin kulul ku siiyay inay joojiyaan is ballaarinta baaxadda leh ee ay wadaan, wuxuuna ugu baaqay inay ku ekaadaan magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu maxkamadaha ku booriyay inay tixgaliyaan xabbad joojintii ay wada gaareen dawladda Soomaaliya.

 

Cali Geeddi wuxuu kaloo sheegay in maxkamadaha ay taageero ka helaan dawladda Ereteria .

 

Xubno ka tirsan Maxkamadda islaamiga Albayaan oo wata Gaadiid kuwa dagaalka ah ayaa maanta gaaray degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, iyadoo xubnahaasi ay kulamo la yeesheen qeybaha kala duwan ee Buurhakaba.

 

Maxamed Ibraahim Bilaal iyo Sheekh Muqtaar Roobow Abu Mansoor ayaa kamid ah xubnaha iminka kusugan gobolka Baay.

 

Maxkamadaha waxay iminka wadaan inay saamayn ku yeeshaan dadka deegaanka gobolka Baay isla markaana ay taageero ka helaan.

 

Dhawaan guddoomiyaha maxkamadaha Islaamiga Muqdisho Sheekh Shariif wuxuu beelaha Digil iyo Mirifle ugu baaqay inay maxkamadaha kusoo wareejiyaan dhammaan hubka ay wataan.

 

Dawladda Federaalka walaaca ay ka qabto maxkamadaha wuxuu soo jiray tan iyo markii ay magaalada Jowhar la wareegeen, ayadoo madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf uu sheegay in maxkamadaha ay ka go'antahay inay ku duulaan magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

 

Maxkamaduhu waa ay beeniyaan war walboo kusaabsan inay doonayaan inay duullaan ku qaadaan magaalada Baydhabo, taasoo ay ku raacday Jaamacadda Carabta oo ay taageero dhow leeyihiin maxkmadaha.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Related Articles

 

Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com|

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

NOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOWWWWWWWWWWW

:eek: :eek: :eek: :eek: :mad: :mad:

NOT THIS TIME

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Ciidammadii Maxkamadaha ee maanta gaaray degmada Buur-hakaba oo la xaqiijiyay inay ka tageen

Posted to the Web Jul 19, 19:44

 

 

Baydhabo (PP) – Guddoomiyaha degmada Buur-hakaba Maxamed Cabdi Xuseen (Ow-kaari) oo haatna ku sugan degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in ciidammadii Maxkamadaha ee maanta gaaray Degmada Buur-hakaba inay ka baxeen halkaas.

 

Ow-kaari wuxuu sheegay in ciidammadaas ay kulammo la yeesheen madaxda Degmadaas ee isaga ka hoosaysay, waxaana uu ka dhawaajiyay inay u sheegeen xubnahaas mar uu la hadlay inay ciidammadaas u sheegeen inay u yimaadeen Buur-hakaba inay halkaas ka wadaan ciidamo la sheegay inay ka goosteen dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba Maxamed Ow-kaari ayaa sheegay in imaatinka ciidammadaas ay maanta soo gaareen Degmada Buur-hakaba oo uu isagu madax ka yahay ay qal-qal iyo cabsi weyn ku abuurtay dadweynaha degmada Buur-hakaba iyo kuwa gobolka Bay oo dhan, waxaana uu sheegay inay hadda dib ugu laabteen Magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka yimaadeen.

 

Dhanka kale; Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ahaa mid ka mid ah xubnaha Maxkamadaha ee ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool maantana gaaray degmadaas isagoo wata in ku dhow 25-gawaarida dagaalka ah ayaa daboolka ka qaaday inay halkaas u tageen dano gaar ah oo uu ku sheegay inay doonayeen inay ka soo wadaan ciidammo ka soo goostay dowladda federaalka Soomaaliya oo codsaday inay ugu yimaadaan degmada Buur-hakaba ayna ka soo laabteen isla maanta.

 

Arrintaan ayaa waxay shaki weyn ku beertay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho oo u arkay howlaha ay wadaan Maxkamaduhu inay yihiin kuwo ay ku doonayaan inay ku burburiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya taasina ay tahay mid fashil iyo ceeb ku keeni doonta Midowga Maxkamadaha Muqdisho oo ayaamihii danbe laga jeclaa magaalada Muqdisho, balse abuuri karta in si deg-deg ah loo naco loogana hortago.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpos - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Ignorant remark, how does it trouble me when I am not even there, as for the courts I suggest they refrain from this type of provocation. It plays into the hands of those who want an all out war.. I do not want it..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

GD sxiib adigoo xanaaqin anigana aad igu tilmaamin waxaanan ahayn, si caadi ah lee u dheh waxaas kama xanaaqo...

 

 

Go figure:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhubad, everyone has his opinion, nothing is sacred but the religion of Islam, thus my position is not static. I have welcomed the progress in Banadir and may it grow and may there be justice.. I also have been dishartened by the actions of my government..

 

We need to rethink many things, there is a nw reality and we need to grap the opportunity it presents...

 

Wiilo, you made comments regarding my person without any knowledge of how I feel, that is ignorant...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this