Sign in to follow this  
Jacaylbaro

TFG and ARS Reach An Agreement - More Parliament Seats

Recommended Posts

Wadahadaladii dhinacyada dowlada iyo isbahaysaiga dib u xoraynta garabka Jabuuti uga socda dalka Jabuuti ayaa xalay heshiis awood qeybo ah laga gaaray.

 

Wadahadalaan oo maalintii shalay aheyd ay isku mari waayeen gudiyada siyaasadda qaabka loo qeybsanayo Awooda Barlamanka ay yeelantooda dowlada cusub ee ay wadaagayaan dhinacyada heshiiska uu uga socda dalka Jabuuti ayaa xalay waxaa magaaladaasi lagu gaaray heshiis balaaran.

 

C/Raxmaan C/shukur Warsame oo ah hogaamiyaha xubnaha isbahaysiga dib u xoraynta uga qeyb galaya wadahadalada Jabuuti oo saakay aroor hore la hadlayay idaacada Shabelle gaar ahaan Barnaamijka Xulka wararka ayaa sheegay in qodabada lagu heshiiyay ay ka mid yihiin in 275-xubnood lagu kordhiyaa Barlamanka Hada jira oo 200-ay yihiin isbahaysiga halka 75-ta kalena ay noqonayaan Bulshada rayidka Ganacsatada iyo siyaasiinta qurba joogta ah.

 

Xiligaasi kadib ayaa waxaa la sheegay in la isku keeni doono 275-xubnood oo ka socda Barlamanka KMG ee haatan jira iyo 275-ka socda isbahaysiga dib u xoraynta garabka Jabuuti kuwaasi oo la sheegay in ay soo dooranayan gudoomiyaha Barlamanka kaasi oo shaqeyn doona mudo labo sano ah.

 

Barlamnakaasi ayaa la sheegay in uu yeelan doono madaxweyne kaasi oo soo magacaabi doona Raiisul wasaare,waxaana la sheegay in heshiiskaasi uu ku dhaqan gali doono mudo bil ah kadib.

 

Sidoo kale C/raxmaan C/shakuur Warsame mar idaacada Shabelle ay wax ka weydiisay arinta ku aadan bxitaanbka ciidamada Ethiopia ayuu sheegay in heshiskii ay ciidamadaasi ku baxayeen uu wali sadiisii yahay islamarkaana ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Dastuurka haatan u dagasan Barlamanka KMG ayaa la sheegay in gudi loo xil saaro doonao kaasi oo wax ka badalaya maadaama uu marxalad cusub galay,waxaana rintaasi loo xilsaara gudi ka shaqeeya oo wax ka badil doono mudo bil ah gudahood.

 

Waxaa kale oo ka mid ahaa heshiiskii xalay in maxkamad loo xil saaro sidii ay u baari laheeyd dambiyda Caalamiga islamarkaana la qabto shir looga hadlayo arimahaasi,waxaana la sheegayaa in heshiiskani maanta barqadii si toos ah loo saxiixayo oo qalinka lagu duugo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xaaji, waxaan u maleenayay inaad mar tiri arrimaha Soomaaliya waxba igama galin, xageen kuugu hagaagaa saaxiiboow :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

With the technology of today everyone can be a xildhibaan.

 

We can have a parliament of 20 million people and we will vote with our computers.

 

IT peoples can you do this?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

They might have double posts for each ministry/office. One minister will work from monday-wednesday and the other will work on thursday, saturday and sunday. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Deputy 550 people who otherwise would have been unemployed will have jobs. Think of all the second wives and the children and qaraabo that will benefit from this.

 

Originally posted by B_G:

They might have double posts for each ministry/office. One minister will work from monday-wednesday and the other will work on thursday, saturday and sunday.
:D

lol...to undo what the other did I guess.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

So this is what a shared rule mean, 275 [tfg]and 275 [lslamist courts], knowing Somalis every tuulo or qabiil, sub-qabiil will want a seat or else!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Xaq:

550 seats. is there a building in Somalia big enough to fit them?

lol...malla yaabtay?

 

QUOTE]Originally posted by nuune:

United States of Somalia, even America doesn't have that number!

275 +ka ayaanba awal la yaabanaa waaba hadda iyo double...

 

 

Toloow haddii Waqooyi iyo Jacaylbaro oggolaadaan inay soo noqdaan ma another 550 baa lagu darayaa?

 

Wuxuu waalanaa waa jago iyo kursigu ha socdo...

 

Ilaahoow Caqli noo yeel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by nuune:

^^ Sxb, Ilaahoow mey thousand MP ka dhigaan, bal nabad un ha ku soo dabaalaan wadanka.

Nabad kastaa sii waari mayso haddaan caddaaladi ku xigin..........I think saaxiib all this mayhem was caused by lack of justice.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this