Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Mahadsanidiin reer Landhan iyo Odhawa

Recommended Posts

A special thanks also goes to Reer Sweden, gaar ahaan Reer Stockholm, banaanbixii weynaa ee dhigeen.

 

Kumanan ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden oo shalay bananbax ay kaga soo horjeedan qabsashada Itoobiya ay qabstay Soomaliya ka sameyey Stockholm.

 

Shalay galab saacadu markeey aheeyd 16.00 galabnimo ayaa waxaa Sergel Torget oo ku taal magaalada Stockholm iskugu soo baxay kunonan Soomaali ah oo iskugu jiray Dhalinyaro iyo waayeel , haween iyo rag iyagoo lu muujinayey diidmadooda ay diidan yihiin in Itoobiya ay qabsatay dalka Soomaliya iyagoo waliba watay boorar ay ku muujinayeen erayo ay ku diidan yihiin joogitaanka ciidamada xabashida ee ku sugan meelo fara badan oo Soomaaliya ah.

 

Earayada booraarkaa ku qornaa ayaa waxaa ka mid ahaa " Itoobiya waa in ay soomaliya ka baxdaa " , "Mareeykanku wuxuu dagaal ka abuurayaa Soomaliya" "Somaali diidow sillac u dhimo " "dadka Soomaaliyeed waxeey xaq u leeyihiin ineey nabad ku noolaadaan" ," Waxaan u mahad celineeynaa oo taageereynaa Dowladda Sweden siyaasadeeda ku aadan Soomaliya" iyo erayo kaloo fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Markacadeey.net

 

mudah3.jpg

 

mudah6.jpg

 

mudah7.jpg

 

The sawiro are a bit dark, so fully brighten your monitor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Finland as well. Aad ayaad ugu mahadsantihiin qaranimada iyo daljecelka aad soo bandhigteen.

 

Bannaabax ballaaran oo looga soo horjeeday joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo weerarada gardarada ah ee ay ciidamada mareykanka iyo kuwa Itoobiya ku hayaan koofurta Soomaaliya ayaa maalintii jimcaha aheyd ee 12. Jan 2007 ka dhacay magaalada Helsinki ee dalka Finland. Bannaabaxaas oo ay kasoo qeyb qaleen dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray haweenka, culimada, aqoonyahannada, waxgaradka, cuqaasha, dhalinyarada iyo carruurta soomaaliyeed ee ku nool wadanka Finland kuwaasoo ka kala yimid gobolada dalka.

 

Bannaanbaxa ayaa waxaa uu ka billowday faras magaalaha Helsinki iyadoo socod dheer lagu maray wadada ugu caansan magaalada Helsinki ee Mannerheimintie iyadoo ay hor kacayeen boliska wadanka Finland. Dadkii halkaas isugu soo baxay ayaa waxey ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo gardarada qaawan ee ay ciidamada mareykanku ku baabi�nayaan shacabka soomaaliyeed. Bannaanbaxayaasha ayaa waxey tageen xafiiska midowga Europe iyadoo qabanqaabiyeyaasha bannaanbaxa ay halkaas kula kulmeen Dr. Paavo M�kinen oo ah kuxigeenka masuulka xafiiska Yurub ee Finland isagoo u ballan qaaday inuu farriintooda gaarsiin doono madaxda ugu sarreysa midowga Yurub iyo xafiiska weyn European Commisionka.

Banaanbaxida Finland

 

fn14.jpg

 

fn12.jpg

 

fn3.jpg

 

fn2.jpg

_________________

 

Eebbe haduu idmo, Reer Koronto as well will hold banaanbax next Saturday at US Consulate in Koronto at noon. Will be updated, Eebbe haduu yiraahdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another mahad, Eebbaa mahad lahee, goes to Reer San Diego, Mareykanka.

 

Magaalada San Diego waxaa ka dhacay bannaanbax lixaad leh oo lagaga soo horjeedo weerarka gardaradda ah ee ay ciidamada Itoobiyaanku ku qabsadeen Koonfurta Soomaaliya, iyo duqeynta ay dayuuradaha Maraykanku u geysteen shacabka deggan Gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya.

P1010047_JPG.jpg

 

P1010057_JPG.jpg

 

P1010055_JPG.jpg

 

P1010056_JPG.jpg

 

P1010020_JPG.jpg

 

P1010018_JPG.jpg

 

Warbixinta inta ayaa ka aqrisan kartaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Again another dankis goes to Reer Jineefa [Geneva], Iswiserlaan.

 

Sabtidii oo aay taariikhdu tahay 13.01.2007, ayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland ku qabatay xarunta qaramada midoobay ee Geneva horteeda bananbax weyn oo looga soo horjeedo qabsashada itoobiya ee Soomaaliya iyo weerarada dhulka iyo cirka ee lagu hayo shacbiga ku dhaqan dagmooyin badan oo ka tirsan J/Hoose ee koonfurta Soomaaliya iyada oo lagu marmar siyoonayo argagixisa ayaan raadinaynaa.

 

swz17.jpg

 

swz15.jpg

 

swz10.jpg

 

swz4.jpg

 

wsi1.JPG

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Oslo, Norway, aad ayaad ugu mahadsantihiin.

 

Oslo (Calanka) 18-Janaayo-2007

 

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway banaanbax balaaran oo ey soo qaban qaabiyeen jaaliyadaha Soomaaliyed ee ku dhaqan dalka Norway, kaasoo lagu taageerayay Maxkamadaha Islaamka loogana soo horjeeday duqeynta Mareykanka uu ku hayo dalka Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

 

Oslo14.jpg

 

Oslo15.jpg

 

Oslo13.jpg

 

Oslo4.jpg

 

Next, banaanbixii Reer Koronto, coming up. Stay tuned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^LOL, keep up the good job bro. Those pictures overshadow the Qabilist TFG supporters.

 

I express gratitude to those who are protesting against the aggression of the Ethiopians.

 

I doubt Somalis in Utah will protest, there aren’t that many to us here. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bal kalaya, ninka Miskiin macruuf la yirahdo so ma aho ninki Maxkamada kaso hor jedey oo u saxabtumayey TFG, maxa is badaley? Hana dihin amxaaradan kaso horjeeda, waayo dhowr usbuuc ka hor markaad la jirtey TFG waa ayaki dahayey amxaroo ban so wadana oo nala socdo, so it must not be the Ethiopians in our country. Miskiino miyad ka xanaqsantahay guritaanka laga gurey meesha tolka ee Baidoa oo la'aadey casimada? Walle un tas bas bey noqonkarta, hadi kale ii no sheeg wax aan amxaaro aheyn oo aad hada uga so horjeysatay TFGda, kowdhi markey wateen oo Baidoa bas joogeen waad lasocoteyee.

 

Hadi aada ka jawabikarin nac-nacda nagala tag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aad ayee u mahadsanyihiin reerkeyga ila degan ee Reer Koronto, who finally braved the cold wind current and snow.

 

Dankis Reer Koronto.

 

Mudaaharaad ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Somaaliyeed ee kunool Toronto iy Nawaaxigeda iyagoo la kaashanaya ururo Ajnabi ah ayaa lagu qabtay magaalada Toronto.

 

Mudaharaadkan oo ka dhacaya ka soo horjeeda Qunsuliyada dowlada Maraykanka ay ku leedahaya magalada Toronto, ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo ay ka muuqato Qiiro iyo Xamaasad, iyagoo watay BOORAR ay ku qornaayeen Ereyo lidi ku ah Dowlada Itoobiya iyo Dowlada Maraykanka.

 

banaanbax_toronto28.jpg

 

banaanbax_toronto32.jpg

 

Keynaan

 

banaanbax_toronto5.jpg

 

banaanbax_toronto20.jpg

 

banaanbax_toronto21.jpg

 

banaanbax_toronto35.jpg

 

banaanbax_toronto7.jpg

 

banaanbax_toronto30.jpg

 

So far we had seen banaanbaxyada dibadjooga ka dhigeen from:

 

Reer Minneapolis, Mareykanka

Reer London, Ingiriiska [two times]

Reer Ottawa, Kanada

Reer Frankfurt, Jarmalka

Reer Helsinki, Finland

Reer Stockholm, Iswiidhan

Reer San Diego, Mareykanka

Reer Oslo, Norway

Reer Geneva, Switzerland

Reer Koronto, Kanada

 

Reerahaas dibadjooga kor ku xusan dhamaantood dhan aad ayee u mahadsanyihiin. Also a special thanks goes to Reer Nairobi iyo Reer Koonfur Afrika, kuwaas oo warar banaanbax laga maqlay, oo sawiro laga heynin.

 

Laakiin maxaa ku dhacay Reer Denmark? Australia? Holland? Belgium? New Zealand? Columbus, Mareykanka?

 

Mise waa dhigeen wararkooda mala daabicin?

 

Kamoon, hala kaco. Jiif ma jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by mystic:

^^^LOL, keep up the good job bro. Those pictures overshadow the Qabilist TFG supporters.

 

I express gratitude to those who are protesting against the aggression of the Ethiopians.

 

I doubt Somalis in Utah will protest, there aren’t that many to us here.
:(

Don't worry sis you have done yours here ,for that we thank you, our beloved Mystic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Time to choose who's side you are on, the Somalida xalaasha ah fighting to free Somalia or Dabadhilifs serving their masters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this