Sign in to follow this  
Paragon

And...a hero dies...Somalia's first president passes away

Recommended Posts

Eebba ha u naxariisto Aabaheen Marxuum Madaxweyne Md. Aaden Cabdille Cismaan (Aaden Cadde).

 

Eebboow ka waraabi janadaada Fardowso. Dhamaan waxaan rajeynaa dadweynaha Soomaaliyeed, qaas ahaan dadka dalkooda, diintooda iyo dadkooda si wanaagsan u wada jecel, iyo gaar ahaan reerkiisa iyo qaraabadiis soke in uu Eebbe ka siiyo samir iyo iimaan, anagana naga wada siiyo.

 

Aamiin, aamiin, aamiin.

 

istockphoto_2608623_somalia_flag_with_cl

 

The flag is not half-staff for his memory, but it is the closest.

 

NB - This thread will remain a 'sticky' one on the coming week in his memory and tacsi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

May allah rest his soul in peace and reward him for his good deeds.

 

Samir iyo iiman to his family and to all Somali speaking people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Geeridu waa xaq, alle hau naxariisto Madaxweyne Cadde, samir iyo imaan awlaadiisa, ehelkiisa, saxiibadiis, iyo waxii yiqiin intuba. Amiin.

 

The flag is not half-staff for his memory, but it is the closest.

Sxb, dad Muslim ah yaanu nahay, geeri baa noo timid, dad Islaam hadaanu nahayne qaab aan u tacsiyeyno ayaa jirto, marka fadlan ku dhaqan maadama aan dad Muslim ah aanu nahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by N/AA:

Sxb, dad Muslim ah yaanu nahay, geeri baa noo timid, dad Islaam hadaanu nahayne qaab aan u tacsiyeyno ayaa jirto, marka fadlan ku dhaqan maadama aan dad Muslim ah aanu nahay.

Calm down Sir, flying the flag half-mast is not anti-Islamic.

And certainly it aint issue to raise at this actual moment when the nation is in mourning.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Sh Shariif oo Tacsi tiraanyo leh u diraaya eheladii iyo qarabaadii oo ka geeriyooday Aadan Cabdulle Cusmaan. (09-06-07)

 

Doha - Qatar

 

 

Tacsi Tiiraanyo leh

 

Waxaan anigoo ku hadlaya magaceyga, kan Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed iyo kan shacabkaba hawada u marsiinayaa dhambaal tacsi ehaladii ,qaraabadii , qoyskii iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliyeed , anigoo uga tacsiyeynaya geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane/ Marxuum : Aadam C/lle Cismaan, oo shacabka Soomaaliyeed ay ku xasuusanayaan inuu ahaa maaxweynihii ay indhaha ku kala fureen madaxbanaanidii ka dib , kuna caan baxey gumeysi naceyb iyo inuu isla markii ay labada gobol ee koofurta iyo waqooyi xoroobeen uu u istaagey dib u xoreynta umadda Soomaaliyeed ee gumeysiga gacantiisa ku hartey .

 

Geerida Marxuumku waxey ku soo aadey xilli uu dalka Soomaaliyeed goboladiisii xorta ahaa ay gacanta u galeen gumeystaha madow ee Itoobiya, taasoo waajib ka dhigeysa in la qaado tallaabooyinkii ku dayasha mudnaa ee ay qaadeen hogaamiyaashii wadaniyiinta ahaa ee uu ka mid ahaa marxuum Aadam C/lle .

 

Waxaan Allaah uga baryayaa inuu marxuumka ka waraabiyo jannooyinkiisa , uuna ku galladeysto naxariistiisa ballaaran, eheladii , qaraabadii , qoyskii iyo shacabweynaha Soomaaliyeedna uu sabir iyo iimaan ka siiyo.

 

Innaa Lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

 

 

Sh.Shariif Sh.Axmed

Guddoomiyaha GMIS

Share this post


Link to post
Share on other sites

masjidka.jpg

 

ALLE HA KUU NAXARIISTU

 

madax.jpg

 

A TRUE SON OF SOMALIA

 

ciidamo.jpg

 

SOMALIS WILL NEVER FORGET YOU AND THEY SHOULD NOT BECAUSE OF YOUR CHARACTER AND NATIONALISM AND LOVE FOR SOMALIA....

 

caan13.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Ina Lilaahi wa inaa Ilayhi raajicuun.

 

*though I have something to say to those TFG aka Xabashi daba dhilif, I will keep it to myself, it's not approriate for now*.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

بسم الله الرحمن الرحيم

 

 

"يا أيتها النفس المطمئنة ارجعي الى ربك راضية مرضية فأدخلي في عـبادي وادخلي جنتي"

 

"وبشر الصابرين الذين اذا اصابتهم مصيبة قالوا انا لله وانا اليه راجعـون"

 

" كل نفس ذائقة الموت "

 

صدق الله العظيم .

Illaahay haa u naxariistu Madaxweyne Adam CabduAllah Cusmaan Cadde

 

Illahay baanu uga baryanaa inuu janada ka waraabiyo, iyo in uu ehelada iyo dhaamaan shacabka soomaaliyeed samir iyo iimaan ka siiyo

 

Geeridu waa xaq, maalmo uun baa la kala danbeen, cid ku hadhasa dunidan majirtu, kulu man calayhaa faan

 

 

Madaxweyne Cadde waa halyey aad u qiima badan, oo taariikhda Somalia baal dahaba ka galay, waaxaa uu ka mid ahaa hogaamiyaashii xoriyada, waa madaxweynihii soomaaliyeed ee ugu horeeyey, waa ninkii soomaali u horseeday midnimo, wadanimo, dowladnimo, gacmo isqabsi, dimoqraadiyad

 

Illaahay haa ka abaal mariyo waxa uu umadda soomaaliyeed u qabtay marxuumku

 

 

Jazaaka Allahu khayran yaa Madaxweyne Cadde

 

Dadka soomaalidu waxey ubaahanyihiin nin daacad u ah dadka iyo dalka, oo dadka midnimadooda iyo horumarkooda ka shaqeenaya ee uma baahna mid fitnah iyo kala qeybin dadka walaalaha ah ka shaqeenaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this