Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

We Shall Destroy Somaliland Admin For Allah's Sake

Recommended Posts

^^Ok, I take it that you fully support Islam, without compromising with any other idealogies or political figures, and if that is the real case, then I would say, we will see in paradise, insha-Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Northerner, you are a good guy saxib, I was expecting you to come down hard on Alle-Ubaahne for his inconsiderate remarks. Keep the cool head. I wish I was as cool-headed as you are.

 

 

Alle-Ubaahne.

 

Dadka tartiibaa loola hadlaa. Qof walba ilaahaa og agtiisa waxa u yaallo. Tartiib saxib and yaree dagaalka badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Bil ramadaan ayaa lagu jiraa, markaas baad igu waanineysaa inaan ajarka iska tartiibiyo!

 

Waxaa ku fiicnaan laheyd inaa dhimatid si aan faataxo kuugu soo aqrino, insha-Allah!

 

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

soomaalidu waxay tiraahdaa: Ninba meesha buktaa isagay belbeshaa ,,,,,,,,

 

Ha kugu taagnaato sxb Alle u baahnow but i'm still saying you are dreaming and would advise you to wakeup ,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Alle-ubaahne, horta ii sheeg waxa laga wado "Labo duco la'aan bey tarmaan, hadal iyo hablo", Hablaha siday duco la'aan u tarmaan? Amaan miyaa mise waa la liidaaya dumarka? ma fahmin macnaha warkaas.

 

 

PS: Ajar in la badsado ma xumo laakiin tartiibaa dadka loola hadlaa. Hadalka dabacsan dabeecad fiicniday ka mid tahay saaxib ama xaq wado ama ha wadanin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninyahow Xoogsade markaad i aragtid maxaad iskaga dhigtaa nin caqli badan oo marmarka kale aad umadaas la hadleysid iska dhigtaa sida qof aan caqli bartiis lagu arkin?

 

Midhaa waxaad maqashay ninkaan maxaakimta ayuu u shaqeeyaa oo nin caqli badan iskaga dhig si uu barri jago kuu siiyo. Walee caqli ma lihid hadaad sidaas u fakareysid, waxaan ku mooday inaad intaas dhaanto.

 

Waxa meesha iigu qoran fasiraad uma baahna, abti, ee halkaas nooga sii wad sheekada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

muxuu tartiib u hadlaa meel baa gubanaysee ,,, gurigiisii buu dabkii ka holcayay bakhtiin kari la'ayahay markaasuu leeyahay guryo kele baan gubayaa ,,,,,,,,, ****** fooqal ****** iga dheh ,,,,

War maad qabiilka aad dadka igu yeereysid iska deysid, intaan lagu tuurin meeshaan? Mise waxaa rabtaa in lagu sheeg sheego oo la yiraahdo reer hebel baa nin waqooyi kasoo jeedo maanta kasoo tuuray website-kii hebel ahaa?

 

Caqli xumaa wuxu mar haduusan qaad afka ku heynin!

 

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Salaam aleykum

 

Can we first remind eachother that we are in this blessed month Ramadaan and take advantage of it?

 

Secondly, Whilst i fully support the courts (for now), i think it would be unwise to destabilise a whole region (Somaliland) and shed more blood. Havent we had enough? As far as i can see the Courts have their plates full. There are no disbelievers in Somaliland. We are all muslims therefore there is no need for dawah by force. The best the courts could do is to rebuild the cities they already control, create jobs, rebuild the infrastructure of the areas they control. There is the need for electricity, water, sewege drainage etc. There is the health and education to consider.

 

When the people of Puntland and Somaliland see that the Courts are delivering what their authorities couldnt deliver, they will decide to set up their own courts. In the meantime i suggest that the courts concentrate on what matters.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

“Isma Oga Agoon Iyo Ninkii Aabaheed Dilay”

 

 

Somalidu waxay ku maahmaadaa “waxay abeeso leedahay ilmaheedna leh” waxa kale oo ay tidhaa maahmaah kale “Ilko abeeso hoostay ka xidhiidhsan yihiin” 

Waxaan uga socda “walaalaheenna” reer Somalia hadday yar yihiin iyo hadday weyn yihiin, hadday askari yihiin, hadday siyaasi yihiin, hadday waranle yihiin iyo hadday wadaad yihiinba waxay u haystaan inay xaq u leeyihiin inay ina xukumaan ama inoo taliyaan. Somaliland waxay u haystaan inay tahay amaano aynu u sii hayno intay soo kala jeesanayaan iyagu. Inta badan maba sugi karaan intay kala dhamaanayaan ee iyagoo qoladii wax eryatay kuwii ay eryadeen u sii muuqdaan ayaabay soo jeestaan oo yidhaahdaan “meeday Somaliland?” “iska soo celiya amaanadii” 

Waar illayn belaayo habeen kama tegin! 

Inaguna waxaynu mar walba ku ducaynaa “Ilaahayow walaalahayaga reer Somalia nabad iyo degenaansho sii”  arrinteenu se waa “ninkaad kabahiisa tolayso ayaa kafantaada tolaaya” 

Aan u soo noqdo kuwan u danbeeyay ee la yidhaa Maxkamadaha.

Maxkamadahu iyagoon cagahaba isku taagin ay markiiba waxay ina yidhaahdeen: 

Maxkamadaha: fiiri walaalow, midnimaa la rabaa no. Somaliland wax la dhahaa ma jidho. Iska dhaafa warkaas. Anaagaa idin xukumayna haddi kale xoog aan idinku qabsanaynaa.

Somaliland: oo sheekh maxkamdaw siday wax u jiraan sawnagan dalka dhan ee jira ah ee dastuur leh ee golayaal baarlamaan leh ee ciidan qaran leh ee boolis leh. Ee shacab heegan ah leh. Ee nidhi xornimaydayadii aanu waa hore tuurnay waanu la soo noqonay. Miyaydaan ka war haynba?

Maxkamadaha: walaalkiis. Waxaas looma jeedo hadda. Koofur waa la xoreeyey. Waa la mideeyay. dalka dhan min Raas Kaamboonni ilaa Saylac shareecadda islaamka inaan ku xukunnaan rabnaa annaga. Sidee adiga waaye?ma jirrantahay? ma waalantay? Weligaas baad qaldaan ahayd.

Somaliland: Weger! oo sheekh maxkamadaw, distoorkayaga ma akhriday, af caribina waabu ku qoranyahaye, sawta ku cad inuu ku salaysan yahay shareecadda islaamka? Clankayaga se ma aragtay inuu tawxiidku ku qoranyahay? Inaanu se dad muslimiin ah nahay oo iyaba wadaadadooda leh oo ay diinta u dhigaan ma ka war qabtay? Anagu maantaabaanu u masaajid iyo malcaamad quraan badanay sidii Ilaahay noo abuuraye. Waar bal lama aragtan kaalaya. 

Maxkamadaha: Waxaas oo dhan warkeed dhaaf. Looma jeedo ayaan ku dhahay. Midnimo ayaa la rabaa. “far keliyi fool ma dhakhdo” Taa ma maqal miyaa adiga? 

Somalliland: oo sheekh maxkamadaw, haddaynu laba foolba kale leenahay maad kaaga adigu iska dhaqatid ama far keliyi ha kuu dhaqdo amay yay kuu dhiqini? Maxaa aniga wejigayga kaa galay? Ta kale anigu waaban dhaqday kayga oo weliba weyseystay. Waar bal bixisandan eega hadda? 

Maxamdaha:Haddee “inamal mu’minuuna ikhwatun” ma maqlin miyaa adiga”

Somaliland : oo sheekh maxkamdaw, “Fil ixsaani wal khayri” miyaanay taasi ahayn? Ma khasab iyo jujuub baa?

Somaliland: sheekh maxkamadaw waxaan ku weyday. Horta goormaad wadaadka noqotay oo aad wadaaddada weliba intaa dheeraatay? Ma “subxaan. Almuqayir alxwaal” baa arrinkaagu? Nimankan se aan raadinayay ee godobta hore iga hayay ee berigii dadkayga xasuuqay ee Turki iyo Morganba ku jiraan ma sheekhyay noqdeen oo afka haddaydin gacanta ka gelisaan idin qaniini maayaan baad leeday? Mise waxay ku yidhaahdeen anagaa sida loo laayo naqaan oo markay magacayaga maqlaan bay goojo dhabarka saarayaan ee aan idin hor kacno?

Maxkamdaha: Xasuuq? Haddee Xasuuq maxaa waaye adiga. Somali oo dhan aa dhimatay. Taliskii Siyaad Barre somali waa wada laayay. Qabqablayaashi somali waa dileen. Adle kelikaas maa wax ku gaareen?

Somaliland: oo sheekh maxkamdaw, ma waxaad leedahay boqolkii kun ee qof ee gacantiina ku dhintay iyo hantidii dadkaygu 200 oo sanno tabcanayeen ee badhna burburiseen badhna bililiqaysateen wax ka soo qaad ma leh?

Maxkamadaha: Haddee waxaas maxaa ka nool yaaqii? Kuwaas dhintayna waa shahiideen Alla ha u naxariistaa ku filan no? adduunkaan aad ka warramaysona waxaa la dhahay “inama dunyaa licibun wa lahwo” Haddee maxaa ku flaysiin. Wixii oo laydinka dhacayna. Aakhiraas helaysiin kii oo toman jibaaran. Sadaqo waaye.

Somaliland: oo sheekh maxkamadaw, iminkana ma waxaad leeday haddana aanu idin layno jannadaydin geliye. Oo aan idin burburino waxii baaba noqda aakhiro aydin ka heli haddana eh? Idinku janada ma ku gelaysaan markaa na laysaan? Mise anaguumbaa janada nala jeceshiin?

Maxkamadaha: maxaa? Haddee Sidee adiga waaye? Anagana jannada waa rabnaa. Anaga diinkaan fidinaynaa ka dib idinkaan idin dilaynaa anagana janaan gelaynaa maxaa wacay diinkii aan fidinnay idinkana janaa gelaysaan shahiid baa noqon rabtaan.

Somaliland: haaaa!oo sheekh maxakamdaw, ma waxaad leeday agoontii aydin waalidkood layseen hantidoodiina waxna burburiseen waxna biliqaysateen haddana aan idinkana idin layno oo bisinka idiin qabato oo waxii aydin dib u dhabdhabateenna aan misna burburino?

Wallaahii sheekh maxkamdaw horaa loo yidhi “isma oga agoon iyo ninkii aabaheed dilay” anaguna aargoosi iyo xumaan baanu ku xishoonnay, adiguna maanta ayaad leeday haddana qoorta soo dhigo. Waaba “kaaf iyo kala dheeri.”  Weliba hadda sheekh arrinka ku noqo oo sida xabadda loo rido ee dulmiga laysa ridana anaa ku baray oo kugu qacan qabtay. “shabeel nin rabbaystay riyahuu ka cunaaye ma isku kay rogay rafiiqay” Tii Allay noqon. 

Waar hoy sheekhoow ka joog.

 

A.Geeljire

http://www.somaliland.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Alle-ubaahne:

Our honorable leaders in the Islamic Courts of Somalia are firmly determined to destroy the un-islamic Administration of the breakaway region, recently known as Somaliland.

 

Surely, Allah's angles will witness such destructions as they did to the other great wars of Islam against its enemies.

 

And surely we will come out with victories by freeing the good people of Hargeysa from the despicable warlords of Riyaale Kaahin and associates.

In your d.r.e.a..m.s waryaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this