Sign in to follow this  
Siciid1986

War Deg-deg ah.Rabshado ka dhacay Ceerigaabo oo ay isku Faro-saareen Kulmiye iyo Udub

Recommended Posts

Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Udub ayay maanta Rabshado gacan ka hadal ah oo markii danbe hub la isku adeegsaday labada dhinac ku dhex mareen, kadib markii uu halkaas gaadhay wafti uu hogaaminayo Dr: Gaboose

 

Rabshadaha ka dhacay Ceerigaabo ayaa ahaa kuwo labada taageerayaal ee labad Xisbi ay isku weerareen shied iyo rasaas taasoo dhalisay in magaalada ay ka dhacdo dhibaato aad u balaadhan oo sababtay in xaalad colaadeed ay arrintii isku bedeshay inkastoo markii danbe ay rabshadahaasi istaageen xaaladuna caadi ku soo noqotay

 

Labada Xisbi ayaa midiba midka kale ku eedeeyay inay bilaabeen rabshadahaasi, waxaanu guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolkaasi sheegay in iyagoo si nabadgelyo ah u soo dhaweeyay wafti uga yimi Hargeysa xafiiskoodii ay soo weerareen taageerayaasha Xisbiga Udub kuwaas oo uu ku eedeeyay inay iyagu bilaabeen dhibaatada, balse Guddoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobolkaasi ayaa dhinaciisa kaga dooday inaanay iyagu waxba samayn ee la soo weeraray

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

way caddahay Udub inay markii laga wada dareere aiy rabshad iyo qas bilawado hase yeeshee dalkan dadkii u soo halgamay ayaa dhwaranaya una taagan nabad ilaalintiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Both are thugs/criminals. All they know is to mislead you poor poeple and caused you each other only to get their personal ultimate goal which to to rober you all..

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is a good lesson for Gaboose ,, he was told not to come to Erigavo several times but he decided to do so ................

 

Ilaahay ha u naxariisto qofkii dhintay ......

 

 

It shows the level of the residents in supporting Somaliland parties ..... laakiin dee nimanku sowkuwa reer Burcana ka daray maaha :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (imagescalrbu1q1Waaheen)Warar hordhac ah oo naga soo gaadahaya magaaladda Ceerigaabo ayaa ****olka ka qaaday inuu galabta ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo labaatan jir ah oo ka mid ah taageerayaasha Udub oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Maxame Cabdi “ Casoowe” kaasoo u dhintay dhaawac ka soo gaadhay tacshiirad la sheegay inay ku rideen taageerayaasha Kulmiye

 

Warkaas ayaa waxa uu intaa ku darayaa in loo qabtay falkaasi nin magaciisa lagu sheegay Diraac oo ka mid ah sida la sheegay Taageerayaasha Kulmiye kaasoo la sheegay in loo tuhun san yahay Dilkaasi balse ilaa hada ma cada Dilkaas cida geysatay

 

 

 

Sidoo kale waxa dhaawac soo gaadhay ilaa todoba qof oo kale kuwaas oo lagu daweynayo Cisbitaalka Ceerigaabo, sida la sheegayna dhaawacyadaasi waxa ay u badan yihiin budhadh iyo dhagaxaan

 

Arrintan ayaa waxay ka dhalatay markii uu maanta gaadhay Ceerigaabo Dr: gaboose iyo wafti uu hogaaminyaa kuwaas oo markii la soo dhaweeyay isku dayay inay dadka la hadlaan balse rabshado ay dilaaceen kuwaas oo ay labada dhinacba markii danbe rasaas isku adeegsadeen

 

Xaalada magaaladda Ceerigaabo ayaa aad u kacsan ilaa hadana ma muuqato wax xal ah oo lagu furdaamiyay dhibtii dhacday, marka laga reebo Ciidamo badan oo la geeyay halkaas si ay amaanka u sugaan

 

Tan iyo intii lagu dhawaaqay kaadhadh cusu oo lagu galo Doorashada in dadka la siinayo, waxa Ceeerigaabo ka taagan ismaan-dhaaf ka dhashay xulista shaqaalah ka qayb qaadanaya Diiwaangalinta kuwaas oo ilaa hada la isku mari la’ yahay

 

Arrimahan ayaa waxay dhaceen wakhti Komishanka Doorashooyinku ay u xadhka xidheen sidii ay tobanka bishan u bedeli lahaayeen bedelaada kaadhadhkii hore, balse dhacdooyinkan ayaa la filayaa inay Suul-daaro ku noqdaan ku talagalkooda inkastoo aanay ilaa hada wax war ah soo saarin

Share this post


Link to post
Share on other sites

PICT0523.JPG

 

PICT0527.JPG

 

PICT0525.JPG

 

Dad goob joogayaal ah, ayaa warbaahinta u sheegay in mudadii rabashadu socotay magaalada Ceerigaabo lagu dhex arkayay dad shicib ah oo xabbado ridaya. Xaalladda magaalada ayaa hadda degan. Ma jirto xaqiiqo dhab ah oo daaha ka roggaysa sababta gacan ka hadalka taageerayaasha labada xisbi dhexmaray dhalisay.

 

Hase ahaatee, waxay wararku sheegayaan in Weftiga Guddoomiyaha ololaha gobollada Bariga ee Xisbiga KULMIYE Dr Gabboose hoggaaminayay oo gaadiid badan wata lagu soo dhaweeyey halkaas, isla markaana lagu wareejiyey Magaalada, ka dibna wakhti la gaadhsiiyey xafiiska Gobolka ee Xisbigaa taageerayaal UDUB ka tirsan oo dhalinyaro u badani ku weerareen xafiiskooda, kuwaasoo ka biyo diiday qaabka xamaasadaysan ee KULMIYE magaalada ku dhexmaray.

 

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa ah tii ugu horreysay ee taageerayaasha Xisbiyada ku dhexmarta Somaliland. Inkasta oo aanu weli si rasmiya u bilaabmin ololihii doorashada ee Xisbiyada oo aanay Guddiga doorashooyinka Somaliland weli ku dhawaaqin xilliga uu bilaabmayo ololuhu, haddana waxa jira dhaqdhaqaaqyo badan oo hoggaamiyayaasha Xisbiyada siyaasaddu ka wadaan Gobollada dalka si ay u dardar-geliyaan xafiisyadooda gobollada iyo degmooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

It is a good lesson for Gaboose ,, he was told not to come to Erigavo several times but he decided to do so ................

 

Ilaahay ha u naxariisto qofkii dhintay ......

 

 

It shows the level of the residents in supporting Somaliland parties ..... laakiin dee nimanku sowkuwa reer Burcana ka daray maaha
:D

Why cant gaboose campaign in ceerigabo it’s a Somaliland city he is a member of registrated political party of Somaliland , its udub Who used teenagers to throw stones at The kulmiye supporters haven’t u seen the video how he was welcomed with open arms in ceerigaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Idinka hadii habar dhalmadu ku adkaatana Udub baa ka dambaysay dhaha ,,, :D

 

 

Waar meesha laba taageerayaal baa isku shiiday nothing serious ..... qofka dhintayna Ilaahay ha u naxariisto laakiin Gaboose dad badan baa meesha kaga kacsanaa ,,, inuu farsamo kele isticmaalo bay ahayd

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muwaadinki somalilanderka ilahay ha u naxariisto, laakin udub jacayl baro maha qaar aynu manta baraneyno maha gaboose meeshe campaign bu u yimi not inu rabshad ka rido.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Haji Xandjuf, but the campaigning haven't started yet, so why is he doing campaigning way before the other parties? it was better for him to wait just days before the election campaigning starts with all 3 parties.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Originally By Ducaale.

Haji Xandjuf, but the campaigning haven't started yet, so why is he doing campaigning way before the other parties? it was better for him to wait just days before the election campaigning starts with all 3 parties.

 

Gaboose did the same as did cismaan hindi and and jug soo dhacay. The issue is that Udub are disperate smelling defeat, they are trying to initiate chaos so that election would be postponed.

 

To Mr Africa Own: if Erigavo is so udub why organize and pay for stone throwers? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this