Sign in to follow this  
Che -Guevara

Xaabsade on Holhol Situation

Recommended Posts

Xaabsade:"Garaadada shirka cidna kama joojin karto, oo haday hadlaana cidna uma diidi karto"Waraysi

Warkii 28-Jan-2010 iyo Qormadii: NEWS

 

Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa siyaasiyiintii la kulantay Garaadadii kulanka ku lahaa tuulada Hohol ee gobolka Sool,ayaa waraysi dheer oo uu kaga waramayo sida wax u dhaceen,iyo waxay isku afgarteen odayo-dhaqameedkaas waxa uu siiyey Wargeyska Ogaal,waraysigas oo dhamaystirana waxa uu qornaa sidan hoose:

 

 

Axmed Cabdi Xaabsade oo isagoo ku sugan Laascaanood uu xalay waraysi la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in aanay cidi ka joojin karin haddii Garaadadu shir qabsanayaan, balse ay isku afgarteen in qorshaha shirku u furnaado, haatana ay dib ugu laabtaan Garoowe oo intooda badani ka yimaadeen. Waraysigaas oo uu kaga hadlay shirkaas, ambabaxa Garaadada ee dhinaca Puntland, xaalada amniga Laascaanood iyo qodobo kale, waxa uu u dhacay sidan;

 

Ogaal: Waxa jiray guddi aad ka mid tahay oo Hargeysa ka baxay oo Holhol tegay, markaa bal wixii aad kala kulanteen faahfaahin naga sii?

 

Xaabsade: Guddiga waxa hogaaminayay Baashe (guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Wakiillada) – haddaan faahfaahin kaa siiyo, annagu waxaanu u tagnay nimankaa iyo Ciidanku in aanay isku dhicin oo aan meeshaa colaadi ka dhicin, taasna waanu ku guulaysanay. Nimanka Isimada ah waxaanu isla garanay in aanay hadlin, wixii ay qabeena way iska qarsadeen. Markaanu taas isla qaadanay, habeen iyo maalin baanu la joognay, waxaananu galay faallo dambe, nimankaa waanu is afgaranay, hadalkuna wuu noo furan yahay oo in aanu sii wadahadalo waanu ku heshiinay.

 

Ogaal: Markaa markii aad Holhol tagteen Shirkii waad joojiseen miyaa?

 

Xaabsade: Haa, waanu joojinay…

 

 

 

Ogaal: Hadda Ciidanku ma waxay joogaan Holhol?

 

Xaabsade: Mayee, iyaguna way soo baxeen.

 

Ogaal: Garaadadii Shirka qabanayay xagee bay joogaan?

 

Xaabsade:Way tageen.

 

Ogaal: Xaggee bay tageen Garaadadu?

 

Xaabsade: Waanu ambabixinay oo xaga Puntland bay tageen.

 

Ogaal: Tirada Garaadada Garoowe u ambabaxay waa imisa?

 

Xaabsade: 11 baa u ambabaxay, waxaana ka hadhay Garaad Jaamac oo ka mid ah labadii walaalaha ahaa ee halkan (Laascaanood) isku haystay oo isagu yidhi tegi maayo halkaas (Garoowe).

 

Ogaal: Marka hore ujeedada Shirku maxay ahayd?

 

Xaabsade: Wuxuu ahaa arrimo dhaqameed oo beesha (***********) ah – annagu waxaanu moodaynay inay wax kale oo xumaan iyo colaad ah iyo siday berigii hore u odhan jireen dagaal hala galo ayaanu moodaynay.

 

Ogaal: Mar haddaad ogaateen in Shirku arrimo dhaqan yahay maxaad u xidheen?

 

Xaabsade: Dee dawladda Somaliland baa tidhi haddaan amar dawladda laga haysan meeshaa lama tegi karo.

 

Ogaal: Laakiin, Madaxdhaqameedka qaarkood waxay sheegeen in shirku u socdo oo aanay cidina ka joojin karin, taas ka waran?

 

Xaabsade: Haa, waanu wada soconaa, muddona waanu wada joogaynaa inta aanu hawlahayaga

 

dhamaysanayno.Shirka ay sheegeen ciddina kama joojin karto oo hadday damcaan inay hadlaan niman la xukumo maaha. Laakiin, waxaanu isla garanay in aanay ka hadlin oo aan meesha lagu shirin.

 

Ogaal: Laakiin, Garaad Saleebaan wuxuu sheegay in Shirku socdoba?

 

Xaabsade:Anagaaba nidhi shirku ha inoo socdo oo ha inoo furnaado.

 

Ogaal: Ilaa intee buu furnaanayaa?

 

Xaabsade:Ilaa intii aanu annagu wax ka soo saaro.

 

Ogaal: Shirka sowtan aad leedahay waaba lagu kala tegay, waqtiga aad wax ka soo saaraysaa waa goorma?

 

Xaabsade:Dee waa mar dambe…Arrintaas baa noo furan, waxaananu rabaa in aanu soo dhawayno oo aanu ku soo darno Somaliland (Garaadada).

 

Ogaal: Maxaa ka jira in shirka tuulada Holhol lagu qabanayay uu xidhiidh la lahaa shir hore Nairobi ugu qabsoomay?

 

Xaabsade:Lama lahayn, lamana yeelanayo, mana jirto arrintaasi.

 

Ogaal: Waxa la sheegayaa in dhinaca Puntland ay ka yimaadeen siyaasiyiin uu xubin Wasiir ahi ku jiro, isku gobolna aad ka soo jeedaan, ka waran taas?

 

Xaabsade:May imanin, waxbana kama jiraan.

 

Ogaal: Magaalada aad hadda joogto ee Laascaanood xaaladeedu waa sidee?

 

Xaabsade:Laascaanood xaaladeedu way fiican tahay, waraysi iyo waxaas baanu hadda wadnaa, in badana waanu joogaynaa.

 

Ogaal: Dhinaca amniga ka waran, magaalada ma Bandoo baa saaran?

 

Xaabsade:Dee Bandoogu waa iska jiraa oo wixii 8:00 loo gaadho (laga bilaabo) Bandoo way jirtaa, dadkuna iyagaaba iska xeroonaya oo qaraxaa iyo waxyaabahaa dhacdhaca ayuu nin waliba gurigiisa ka gelayaa.

 

Ogaal: Xubnaha Wasiirada ah ee Somaliland ka socday ee Holhol tegay hadda ma Laascaanood bay joogaan?

 

Xaabsade:Haa, waanu wada soconaa, muddona waanu wada joogaynaa inta aanu hawlahayaga dhamaysanayno

 

 

 

Dhinaca kale, Wefti isugu jira Wasiiro iyo Mudanayaal oo hore safar ugu tegay Tuulada Holhol ee gobolka Sool, ayaa la sheegay inay hadda socdaal ku joogaan magaalada Laascaanood.

 

Xubnaha Weftigaas ayaa kala ah: Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada somaliland oo ay weheliyaan wasiirka cadaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe), wasiiru dawlayaasha waxbarashada Maxamud Garaad Maxamed, Kaluumaysiga Cabdi Xirsi Ducaale, wasiir ku xigeenka hawlaha guud C/risaaq Cawil Bacaluul,Arrimaha gudaha iyo siyaasiga Axmed Cabdi Maxamud (Xaabsade).Source:Wargeyska Ogaal.

 

Hassan Dirie.

 

Contact:xassand2000@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

A bad news for Macno Yare and the seccessionst gang.

 

 

Ogaal: Mar haddaad ogaateen in Shirku arrimo dhaqan yahay maxaad u xidheen?

 

Xaabsade: Dee dawladda Somaliland baa tidhi haddaan amar dawladda laga haysan meeshaa lama tegi karo :D .

 

Ogaal: Laakiin, Madaxdhaqameedka qaarkood waxay sheegeen in shirku u socdo oo aanay cidina ka joojin karin, taas ka waran?

 

Xaabsade: Haa, waanu wada soconaa, muddona waanu wada joogaynaa inta aanu hawlahayaga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Even Xaabsade understands the political blunder and the Hargeysa policy that went bad :D

 

Garoowaan u ambabixinay ku lahaa

 

Mee my friend NGONGE :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

Xiin-Seems his arguments were not well thought out. Makes him sound bit incoherent.

He is an opportunist and maybe wanted to keep things up in the air. Not a good sign for our secessionist folks who have put all their hope on this one man..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Read the passage below, OOdka.

 

Xaabsade: Guddiga waxa hogaaminayay Baashe (guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Wakiillada) – haddaan faahfaahin kaa siiyo, annagu waxaanu u tagnay nimankaa iyo Ciidanku in aanay isku dhicin oo aan meeshaa colaadi ka dhicin, taasna waanu ku guulaysanay. Nimanka Isimada ah waxaanu isla garanay in aanay hadlin, wixii ay qabeena way iska qarsadeen :D . Markaanu taas isla qaadanay, habeen iyo maalin baanu la joognay, waxaananu galay faallo dambe, nimankaa waanu is afgaranay , hadalkuna wuu noo furan yahay oo in aanu sii wadahadalo waanu ku heshiinay.

 

Putting elders under the gun did not work awoowe :D

 

one fears the safety of Xaabsade

 

Che you are right he was bit incoherent as expected but read the passage above especially the underlined :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Remember it was Xiin saying there were no Somaliland troops in Holhol a few days ago... He even made the comment of 'where are JB's and Ood's troops' :D

 

I sometimes think Xiin and Duke rise from the same bed to do their rendition of 'Comical Ali' daily right here on SOL... Tsk, tsk.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Nimanka Isimada ah waxaanu isla garanay in aanay hadlin, wixii ay qabeena way iska qarsadeen

 

Xaabsade, Jan. 28, 2010.

 

Dont blame xiin, I have a time on my hands, and I am only reporting the news . It just happens that today's news is more interesting, and more favorable some would say than the one we had yesterday :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Mintid Farayar: Name droping wont help your situation lad, focus on the topic..Xabsade is turning white.
:D
.

Duke,

My apologies, bro. I shouldn't lump you with Xiin.

 

P.S. From your point of view, don't you think you should upgrade us from 'secessionists' to 'expansionists',

given the current situation :D:D

That's, of course, looking at it from your Puntland-centric lenses...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mintid Farayar:

situation lad, focus on the topic..Xabsade is turning white.
:D
.

P.S. From your point of view, don't you think you should upgrade us from 'secessionists' to 'expansionists',

[/QB]

 

Adeer, thanks for the honesty, you secessionists or SNM are trying to expand into SOOL? And the people of SOOL are saying no. I think the rest of the secessionist should learn from this man in being straight.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

 

LOL@ "expansionists" :D

 

Saaxiib, it was never a secret that Riyaale wants to control the whole of Somalia. Surely since he controls the lands of the Somaalidiid clan with such impudence, then all other clans must submit as well, eh! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mintid Farayar:

P.S. From your point of view, don't you think you should upgrade us from
'secessionists'
to
'expansionists'
,

 

Adeer, thanks for the honesty, you secessionists or SNM are trying to expand into SOOL? And the people of SOOL are saying no. I think the rest of the secessionist should learn from this man in being straight.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this