Sign in to follow this  
Siciid1986

Fagadhe oo Sheegay in Xukuumadu Dayacday

Recommended Posts

“In Sannad ka badan Mushahar iyo kiro toona maanu qaadan, imikana…”Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), Safiirka Faransiiska ee Somaliland…Waraysi

 

“Hargeysa waxa jooga rag Mushahar ka qaata Somaliland, Jabuuti iyo Faransiiska, laakiin anigu…”

 

Paris (Bnn)- Danjiraha Somaliland u jooga dalka Faransiiska Mr. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), ayaa markii ugu horaysay ka waramay xaaladiisa Caafimaad ka dib qaliin saacado badan qaatay oo dhowaan lagu sameeyay iyo muranka ka dhashay dhaqaalihii Xukuumaddu ugu talogashay.

 

Maxamuud Saalax Nuur oo u waramay shabakadda wararka Internet-ka ee Hadhwanaagnews, waxa uu sheegay in hadda laga wareejiyay Cusbatalkii lagu qalay oo gaar loo lahaa, kuna yaala caasimada Faransiiska ee Paris. “Laf-dhabarta ayaa la iga qalay, wuxuuna qaliinkaygu qaatay waqti dheer oo ilaa afar saacadood iyo badh ah. hadda Caafimaadkaygu sida dareenkaygu yahay, aad buu u wanaagsan yahay,” ayuu yidhi Ambassador Fagadhe. Wuxuuna intaa ku daray, in todobaadyo kooban ka dib Dhakhtarkii qaliinka ku sameeyay dib u eegi doono, si looga saaro Birro xilligii la qalay la geliyay. “Alxamdulilaah, waanu ka kaaftoonay in Cusbatalka nalagu qabsado, sidii ay dhibaatadu ugu dhacday ragii Addis Ababa joogay sida Talaabo oo kale (Wasiir Kuxigeenka Caddaalada),” ayuu yidhi Mr. Fagadhe oo ka waramay sidii loogu gurmaday markii uu qaliinka galay oo uu sheegay inay gacan dhaqaale siiyeen jaaliyadda Faransiiska oo uu tilmaamay inay dhamaantood wada shaqeeyaan.

 

Mar la waydiiyay kaalmada uu ka helo Xukuumadda Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Horta, warbaahinta ama Xukuumadda ha noqotee aad baa looga hadlay. Markaa, si aanu arrintaa u caddayno halka aan ka joogo iyo Safaarad ahaanba waxa mawqifkayagu yahay – arrinkani wuxuu gaadhay heer Wasiirro ay mawaaqiif kala duwan oo is jiidhsan kala qaateen, gaar ahaan wixii xaga dhaqaalahayaga ku saabsan sidii dawladda gacan nooga siin lahayd ama ha ahaato Kiradii guriga ama ha ahaato Mushaharkayagii ama hadday tahay intii aan Cusbatalka ku jiray,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Labada Wasiir ee isku qabtay anigaa u dirnay iyo isagaanu ugu dhiibnay oo aanu nidhi u *** iyo waxaas, arrintaas waan la yaabahay. Waayo, muddo dheer markii aanu sugaynay, muddo toban bilood ama sannad ka badana wax Mushahar ah iyo wax kiro ah iyo caantayn nala siiyay ma jirto, wax naloo soo dirayna ma jirin....Labadaa Wasiir ee arrintaa isku qabtay, midi waa Wasiirkaygii oo waa Wasiiru-dawlaha Khaarajiga, ka kalena waa Wasiiru-dawlaha Caafimaadka oo ah nin aanu saaxiib gaar ah nahay. Waa run oo way jirtay inaan Taar diray oo aan idhi, ‘haddii aad sidaa mashquul u tahay oo dhibaato dalkii ka taagan tahay, wixii aad ii haysay ninkaa (Wasiiru-dawlaha Caafimaadka) ii soo mari’, laakiin runtu waxa weeye, waxba lama soo marin oo waa dhab…Wasiiru-dawlaha Khaarajiga Siciid Maxamed Nuur wuxu yidhi, ‘ninkaasi baanu ugu dhiibnay oo uu yidhi iigu dhiiba’ arrintaa waxba kama jiraan, waxbana layguma dhiibin Wasiiru-dawlaha Caafimaadka. Imikadaa qudheeda, taageero waan u baahanahay, mushaharkayagii waanu u baahanahay, guryaha kiradoodii waanu u baahanahay.”

 

Danjiraha Somaliland ee Faransiisku waxa uu walaac ka muujiyay saamaynta taban ee ay arrintani ku yeelan karto sumcadda Somaliland. “Arrintaasi sumcada wadanka uma wanaagsana, Safiir la diro oo xaalada aan ku jiro ku jirana lama arag, lamana maqal. Way jiraan niman la iska magacaabay oo mushahar ka qaata dawladdaha ay joogaan, laakiin anigu dawlad kale oo aan mushahar ka qaataa ma jirto oo aan isku halayn karaa ama ninka kale ee nala shaqeeya….Rag baa Hargeysa jooga oo mushahar qaata, Somaliland ka qaata, Jabuuti ka qaata, Faransiiskana ka qaata, cid ay ka socdaan iyo meel ay ka socdaana aanaan garanaynin. Rag noocaas ahina way jiraan oo wax laga naxo ah, mana doonayo inaan waxaas sheegee, waa nalagu khasbayaa, waana nalaga hadlinayaa,” ayuu yidhi Danjire Maxamuud Nuur Fagadhe.

 

Ambassador Fagadhe waxa uu ku dheeraaday waxyaabo xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Faransiiska ku saabsan oo ay Safaarad ahaan qabteen iyo barnaamijyo dhinaca horumarinta iyo La-dagaalanka Argagixisada ah oo ay Faransiisku balanqaadeen.

 

Wargeyska Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Hadda ma waxaad i leedahay is caawimaad naga dhexeyso? Gurmadkii soomaalinimadda xatta ma la laalay?

 

War ninka tolweynaha soomaaliyeed hiilkooda haka horjoogsan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Armuu naga caroodaa ninyow, gabaygu waa culus yahay illeene. :D

 

PS: aan ***** **** haddii loo kitaab dayo e' waa kii abwaanku lahaaye, taloow ma adaa u kitaabo dayey? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

lool@J11 & Oodweyne

 

good comeback Oodka,

 

laakiin odoga Fadhage ah taarkiisaa isoo gaaray, oo saasuu issue u noqday mooyee, dad badan oo lacagtayada ka mudan waa hubaal inay jiraan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this