Sign in to follow this  
Br. Nur

Good News ( Warsan )

Recommended Posts

Br. Nur   

Allah wuxuu ogeysiiyey Nabi Daud:

 

 

Daaudow, Haddey ogaan lahaayeen kuwa iga sii jeeda ( oo aan i xasuusan), hilowga aan u qabo iney ii soo laabtaan, iyo sidaan u jeclahay tawbadooda, wexey la dhalaali lahaayeen hilow ay ii qabaan dartii.

 

Daaudow, taasi waa sidaan u raadinayo kuwa iga sii jeeda, hadaba ka warran jaceylka aan u qabo kuwa i doonaya oo isoo raadinaya?

 

 

Allah SWT wuxuu leeyahay:

 

Waan ka xishoodaa addoonkeyga oo gacmihiisa igu baryaya asgaoo leh " Rabbiyoow, Rabbiyow" oo aan celiyo ( anoon ka aqbalin ducadiisa), markaasey Malaa'igtu waxay leedhay, " addoonkani ma aha mid istaahila in loo dambi dhaafo" Markaa baa ku dhihi " Laakin anigaa ahal u ah Taqwada, iyo dambi dhaafka, waxaad markhaati ka noqotaan inaan u dambi dhafay addoonkeyga"

 

 

Waxaa ku soo arooray Xadiithka:

 

Hadduu addoonku gacmahiisa cirka u taago ( asagoo Allah baryaya) oo caasi ah, Malaa'igtu way ka xijaabta codkiisa Allah, markaasuu ku celceliyaa aaagoo leh " Rabbigeeyow" markaasey Mala'igtuna ka xijabta codkiisa Allah, markaasuu mar afraad ku celiyaa "baryada Allah " markaasuu Allah dhahaa, " Ilaa gormaad iga xijaabeysaan codka addoonkeyga?" Waa i kan adoonkeygow, waa i kan , waa ikan addoonkeygow waa i kan, waa ikan addoonkeygoow waa ikan"

 

 

Allah wuxuu leeyahay:

 

Bani Adamow, gacmahayga ayaan kugu uumay, waxaanan kugu rabbaayadeyey nicmaddeuda, adigana waad i khilaafeysa, waanad igi caasineysaa, haddaad ii soo llabato, waan ku cafiyaa, Hadaba, halkeed ka heli ilaah anigoo kale ah?

 

 

Allah wuxuu leeyahay:

 

Addoonkeeygoow, waxaan kaa abuuray jirid la'aan, waxaanan kuu yeelay maqal, aragti iyo caqli,

Addoonkeygow, waan ku asturaa ( ceebahaaga) igamana cabsatid, waan ku xasuustaa, adiguna waad i illowdaa, waan kaa xishoodaa, adigana igama xishootid. Yaa iga weyn aniga oo jira? qofkee soo garaacay albaabkeyga oon ka furi waayey? qofkeena wax i warsaday oon wax siin waayey? ma bakhayl baan ahay ( wax siinta) , si uu addoonkeyga iiga bakhiilo (ducada)?

 

 

Waxaa u yimid Rasuulka Allah SAWS nin reer baadiye ah:

 

Markaasuu ku yidhi, " Rasuulkii Allow, yaa xisaabinaya khalqiga maalinka qiyaamaha?

 

Markaasuu Rasuulka Allah SAWS ku yidhi:

" Allah (ayaa xisaabinaya)"

 

Markaasuu ninkii reer baadiyeha ahaa yidhi:

" Ma ruuxiisa" ? Markaasuu Rasuulka Allah SAWS yidhi. " ( Allah ) Ruuxiisa (ayaa xisaabinaya uunka) markaasuu ninkii reer baadiyeha ahaa qoslay asagoo leh:

 

"Allow adigaa mahad mudan"

 

Markaasuu rasuulka Allah ku yidhi ninkii, maxaad la muusootay ( qososhay) nin yahow reer baadiye?

 

Markaasuu yidhi :

 

"Rasuulkii Allow, Deeqsigu markuu kaa gacan sarreeyo wax buu cafiyaa, markuu kula xisaabtamana , wax buu saamaxaa"

 

Rasuulka Allah wuxuu yidhi: Ninka reer baadiye wax buu gartay."

 

 

Waxaa ku soo arooray xadiithka , in markii nabi Aadam uu mu caasiyey Allah, uu Allah u yeedhay:

 

" Adamoow, ha ka qalbi jabin eraygeyga ah " Ka bax ( jannada)" maxaa yeelay dartaada loo uumay ( jannada), laakin u deg adduunka, naftaadana u dulli yeel darteyda, isuna jajabi jaceylkeyga, ilaa uu gaadho hilowgaad u heyso, aniga iyo jannada meel weyn, kaaly an mar kale ku geliyee( jannada)

 

Aadamow, sow maadan jecleyn inaan kaa ilaaliyo inaad khaldanto? Adam wuxuu yidhi , haa, ( Allah wuxuu yidhi : Haddaan kaa ilaaliyo inaadan dambi ku dhicin, adiga iyo dhashaada, hadaba, yaan ugu hagar baxaa naxariisteyda? ( oo u baahan doona?)

kumaan u fidiyaa deeq, maxaanan dadka isku jecleysiiyaa? yaanse u dambi dhaafaa?

 

Adamow, dambi dulli aad noogu noqoto ayaan ka jeclahay, daacad aad aad la imaato ood ku faanto

 

Adamow, taaha dambiileyaasha ( ka calool xun wexey sameeyeen) ayaan ka jeclahay tasbiixsiga kuwa istustuska ah.

 

 

Wallaahu Aclam

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Walaal Nur,

Allaha kaa abaal mariyo dacwada aad noogu yeedheyso. Hadii Eebe idmo mar walba waan akhrin doonaa maqaaladaada. Ogow in dadaalkaaga xushmo iyo xiiso badan loo hayo.

Mahad badan,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Baashi

 

Jazaakallahu Khairan, soo dhoweyntaada iyo niyaddaada waalaalnimo oo fiican, Allaha ku tuso ajarkeeda maalin uusan maal iyo ubad wax tar laheyn, illaa qof Allah ula yimid qalbi fiican. Amin

 

Maalmaha soo socda, hadaba inta Allah waqti uu i siiyo ayaan soo qori doonaa taagtayda, hadaba igi kaalmee ducadaada in Allah i waafajiyo wuxuuu jecelyahay, eray ama ficil.

 

Walaalkaa

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buubto   

Asalaamu Aleikum Wr Wb

Mansha Allah, jazaaka laah kheyr xasuusinta aad na xasuusisay in ilahay loo laabto. Walaahi waa layaab sida aan isku dhagatirno iyo sida uu ilahay noogu naxariisto. Aad aan uga helay. waad ku mahadsantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaalayaal

 

 

Allah naxariis badan ayuu no soo dajiyey, hadaba, ha laga faaiideysto bishan barakeysan.

 

Hana la isu soo duceeyo, Rasuulkana ha lagu salliyo salaat farabadan.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafsa   

That was by far the most profound article I have read to date! I needed to hear all of that....Jazaa kalaah Nur.

 

 

O son of Adam, so long as you call upon Me and ask of Me, I shall forgive you for what you have done, and I shall not mind. O son of Adam, were your sins to reach the clouds of the sky and were you then to ask forgiveness of Me, I would forgive you. O son of Adam, were you to come to Me with sins nearly as great as the earth and were you then to face Me, ascribing no partner to Me, I would bring you forgiveness nearly as great at it. It was related by at-Tirmidhi (also by Ahmad ibn Hanbal). Its Isnad (chain of authorities) is sound

 

A servant [of Allah's] committed a sin and said: O Allah, forgive me my sin. And He (glorified and exalted be He) said: My servant has committed a sin and has known that he has a Lord who forgives sins and punishes for them. Then he sinned again and said: O Lord, forgive me my sin. And He (glorified and exalted be He) said: My servant has committed a sin and has known that he has a Lord who forgives sins and punishes for them. Then he sinned again and said: O Lord, forgive me my sin. And He (glorified and exalted be He) said: My servant has committed a sin and has known that he has a Lord who forgives sins and punishes for sins. Do what you wish, for I have forgiven you. It was related by Muslim (also by al-Bukhari

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

walaal ilaah khayr haku siiyo,maqaaladaada waan jeclahay run ahaanti,waxa khayrka in la is fara waa waajib ina wada saaran dhammaanteenba.

 

2342a.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaalayaal

 

Waxaan maanta rogrogay bogag hore oo qaarkood illin iga keenay markaan marlabaad akhriyey waxaan qoray waxaad ku soo jawaabteen, Allah ha nagu kulmiyo jannooyinkiisa ballaadhan, amin.

 

 

Nur

 

2004 Nurtel Softwaano Series

Softening your hearts with Love of Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Reer Guuraayow

 

Ha la dadaalo, waa maalmo qiimo badan, badeeco qaali ah ay howl fudud, qofkuu Allah u fududeyo

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

jzk khyra walal Nur.

 

In ilaaheey loo noqda weey wanaagsan tahay, oo sidoo rasuulkeena SCW noo sheegay ilaaheey waa uuga farax badan yahay adoonkiisa inoo usoo laabto, then nin meel saxaraa ah maraayay oo watay Rati ee u saarneed sahayda safarkiisa, woxoow ag seexday geed ratigiina woow ka dhumay, markoo soo kacay oo ratigii meel kasto ka raadshay oo ka quustay ayoo geedka hoostiis iska fadhiista asagoo sugaya Geeri ineey u timaado.

 

asagoo meeshii iska fadhiya ayaa ratigii soo kor istaagay, markaasoo farxad darteed itoo gacmaha kor u taagay oo Yiri: ILAAHAYOOW adigaa adoonkeey ah ANINA Rabigaa aan ahay, woxoow la gafay farxad darteed, ilaaheey ninkaas sidoo u farxay woow uuga farax badan yahay adoonkiis inoo u soolaabto..

 

Sidoo kale Xadiisul Qudsi oo nabiga noogu sheegay: in hadii ummadda dhan ee yeeshay qali ninka ugu faajirsan ilaaheey mulkigiis waxba kama nusqaamineyso, hadii eey yeeshtaanna qalbiga ninka ugu muminsan ilaaheey mulkigiis waxba kuma siyaadineyso..

 

Marka inaa Alle u noqoto una tawbad keento waa wax adi nafsadaada u fiican, qof kalana ee uugu jirin faaiido

 

 

Wabilaah At-tawfiiQ

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allah wuxuu ogeysiiyey Nabi Daud:

 

 

Daaudow, Haddey ogaan lahaayeen kuwa iga sii jeeda ( oo aan i xasuusan), hilowga aan u qabo iney ii soo laabtaan, iyo sidaan u jeclahay tawbadooda, wexey la dhalaali lahaayeen hilow ay ii qabaan dartii.

 

Daaudow, taasi waa sidaan u raadinayo kuwa iga sii jeeda, hadaba ka warran jaceylka aan u qabo kuwa i doonaya oo isoo raadinaya?

 

 

Allah SWT wuxuu leeyahay:

 

Waan ka xishoodaa addoonkeyga oo gacmihiisa igu baryaya asgaoo leh " Rabbiyoow, Rabbiyow" oo aan celiyo ( anoon ka aqbalin ducadiisa), markaasey Malaa'igtu waxay leedhay, " addoonkani ma aha mid istaahila in loo dambi dhaafo" Markaa baa ku dhihi " Laakin anigaa ahal u ah Taqwada, iyo dambi dhaafka, waxaad markhaati ka noqotaan inaan u dambi dhafay addoonkeyga"

 

 

Waxaa ku soo arooray Xadiithka:

 

Hadduu addoonku gacmahiisa cirka u taago ( asagoo Allah baryaya) oo caasi ah, Malaa'igtu way ka xijaabta codkiisa Allah, markaasuu ku celceliyaa aaagoo leh " Rabbigeeyow" markaasey Mala'igtuna ka xijabta codkiisa Allah, markaasuu mar afraad ku celiyaa "baryada Allah " markaasuu Allah dhahaa, " Ilaa gormaad iga xijaabeysaan codka addoonkeyga?" Waa i kan adoonkeygow, waa i kan , waa ikan addoonkeygow waa i kan, waa ikan addoonkeygoow waa ikan"

 

 

Allah wuxuu leeyahay:

 

Bani Adamow, gacmahayga ayaan kugu uumay, waxaanan kugu rabbaayadeyey nicmaddeuda, adigana waad i khilaafeysa, waanad igi caasineysaa, haddaad ii soo llabato, waan ku cafiyaa, Hadaba, halkeed ka heli ilaah anigoo kale ah?

 

 

Allah wuxuu leeyahay:

 

Addoonkeeygoow, waxaan kaa abuuray jirid la'aan, waxaanan kuu yeelay maqal, aragti iyo caqli,

Addoonkeygow, waan ku asturaa ( ceebahaaga) igamana cabsatid, waan ku xasuustaa, adiguna waad i illowdaa, waan kaa xishoodaa, adigana igama xishootid. Yaa iga weyn aniga oo jira? qofkee soo garaacay albaabkeyga oon ka furi waayey? qofkeena wax i warsaday oon wax siin waayey? ma bakhayl baan ahay ( wax siinta) , si uu addoonkeyga iiga bakhiilo (ducada)?

 

 

Waxaa u yimid Rasuulka Allah SAWS nin reer baadiye ah:

 

Markaasuu ku yidhi, " Rasuulkii Allow, yaa xisaabinaya khalqiga maalinka qiyaamaha?

 

Markaasuu Rasuulka Allah SAWS ku yidhi:

" Allah (ayaa xisaabinaya)"

 

Markaasuu ninkii reer baadiyeha ahaa yidhi:

" Ma ruuxiisa" ? Markaasuu Rasuulka Allah SAWS yidhi. " ( Allah ) Ruuxiisa (ayaa xisaabinaya uunka) markaasuu ninkii reer baadiyeha ahaa qoslay asagoo leh:

 

"Allow adigaa mahad mudan"

 

Markaasuu rasuulka Allah ku yidhi ninkii, maxaad la muusootay ( qososhay) nin yahow reer baadiye?

 

Markaasuu yidhi :

 

"Rasuulkii Allow, Deeqsigu markuu kaa gacan sarreeyo wax buu cafiyaa, markuu kula xisaabtamana , wax buu saamaxaa"

 

Rasuulka Allah wuxuu yidhi: Ninka reer baadiye wax buu gartay."

 

 

Waxaa ku soo arooray xadiithka , in markii nabi Aadam uu mu caasiyey Allah, uu Allah u yeedhay:

 

" Adamoow, ha ka qalbi jabin eraygeyga ah " Ka bax ( jannada)" maxaa yeelay dartaada loo uumay ( jannada), laakin u deg adduunka, naftaadana u dulli yeel darteyda, isuna jajabi jaceylkeyga, ilaa uu gaadho hilowgaad u heyso, aniga iyo jannada meel weyn, kaaly an mar kale ku geliyee( jannada)

 

Aadamow, sow maadan jecleyn inaan kaa ilaaliyo inaad khaldanto? Adam wuxuu yidhi , haa, ( Allah wuxuu yidhi : Haddaan kaa ilaaliyo inaadan dambi ku dhicin, adiga iyo dhashaada, hadaba, yaan ugu hagar baxaa naxariisteyda? ( oo u baahan doona?)

kumaan u fidiyaa deeq, maxaanan dadka isku jecleysiiyaa? yaanse u dambi dhaafaa?

 

Adamow, dambi dulli aad noogu noqoto ayaan ka jeclahay, daacad aad aad la imaato ood ku faanto

 

Adamow, taaha dambiileyaasha ( ka calool xun wexey sameeyeen) ayaan ka jeclahay tasbiixsiga kuwa istustuska ah.

 

 

Wallaahu Aclam

 

 

Nur

I am speechless breathless overwhelmed by tears and amazement. Brother Nur you can’t imagine how your article has stirred me up! Still trying to catch by breath (literally) Such compassion! Such compassion! Every time I finish a sentence I can’t stop the tears from flowing and emotions overtaking me . I will try very hard to finish reading the full article without choking with tears and guilt. Hadda ma awoodi karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this