Sign in to follow this  
Maaddeey

Mushkiladda Soomaaliya.

Recommended Posts

Maaddeey   

Soomaaliya waxaa ka maqan dad naf, maal iyo waqti u hura, oo dantooda shaqsiga ama qoyskooda ka hormariya danta Dalka iyo Umadda Soomaaliyeed.

 

Sida la arko, dadkii wax galka ahaa oo Cilmi, Xikmad iyo Khibradba lahaa way ka soo carareen Waddanka markii ugu baahi badnaa, waxaa meeshii isugu soo haray, dad wax ma garato ah oon caqli iyo danimoba lahayn, maadaama qof ka xiga ama ka ceshanaya aysan lahayna iyagaa waddankii hoggaan u noqday.

 

Kuwii soo cararay, waxaa u muuqanaya qaladaadka faraha badan ey wax magaratadu sameynayaan, wayna ka xumaanayaan oo ka dhiidhinayaan, markey meelaha ay isugu yimaadaan ku sheekeysanayaan. Waxay la mid tahay Niman Culimo ah, oo Qur'aanka korka ka xifdisan lakin diiday iney Imaam Masjidka local-ka ka noqdaan, iyagoo ka cararaya commitment'ga, markii la keeno rag kale oon Quraanka xifidsaneyn ama Tajwiidka garaneynna way dacweeyaan, mid kasta oo la keenona waa uun sidaa.

 

Xalku muxuu yahay?, In Culimadu iyagu dadka tujiyaan, sax?. Sidaa oo kale kuwa Waddankii ka soo cararay ee Rag Rag dhalay ah ee daacadda ah, caqli iyo xikmadna u saaxiibka ah dalkii ku laabtaan, taladana majaraha u qabtaan.

 

Maxay idinla tahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^talada ah inay somaliya dad caqli u saaxiib ah u baahantahay waxay nala tahay in talo fiican tahay, dadkaasi ama dibad ama daakhil kay rabaan ha joogeene. laakiin dadka fiicani markay laabtaan sow wiilasha qoryaha xanbaarsana sidoodii markii ra'yi lagu khilaafo oo reerka ka fariista la yiraahdo sow layn maayaan oo gawrac ugu jiidi maayaan, :D

 

alshabaab, iyo jawaasiista mashruuca ka dhigatay iibinta dadka fiican maxaa laga yeeli?

Maaddeey S na maxaa laga yeeli?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^Khalliinii amshii calaa darbii sawiyyan, mush caaws altafit yumnatan aw yusratan ka iltifaatat al thaclab, khalliinii xattaa adruka ghaayatii aw amuuta fa'uctharaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Xiin, waxaad mooddaa mushkiladda Soomaaliya dhan in aad ku soo uruurisay dhalinyarada mayalka adag.

 

Qolooyinkan madaxa adag le ka hor dhibaatada way jirtay oo cawa-timaaddo maaha, 20 sano ay soo socotaa sxb.

 

Soomaaiyana caqli iyo xikmad kaliya uma baahna, ee waxay kaloo u baahantahay "sacrifice", balse nasiib darro iima muuqato cid diyaar u ah in ay isu taagto arintaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

adeer koonfurta somaliya siyaasiyan waxa ay ka degi la'dahay waa shabaab, waxa duulaanka ha waa shabaab,

 

dadka kale waa gacan ku gabad

 

marka koonfurta laga tago waa runtaa oo arrimo badan oo xal u baahan oo shabaab ka madax banaan baa jira, laakiin meesha sartu ka quruntay waa dhulka muhiimka ah ee caazimadu ku taal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this