Sign in to follow this  
Kamaavi

Cabdulaahi Xasan oo Jeelka Boosaaso Lagu Dilay

Recommended Posts

Kamaavi   

War hada soo Gaaray Shabadaka O'gadentoday ayaa sheegaya in Wiilasha Jeelka Boosaaso lagu hayay Mid ka mid ah oo lagu Magacaabo Cabdulaahi Xasan uu Maanta u Dhintay Jirdil loogu Gaystay Jeelka Waxaa Arrintaas Masuuliyadeeda Qaadaya Faroole oo ah Hogaanka Maamul Gobaladkeedka Puntland. Aaska Wiilka ayaa Loo diiday Dadka Shacabka ah ee soo Jeda Gobalka Soomalida O'gaadeniya Waxaana Goobtaas Yimid oo Joogay oo kali ah Ciidamo ay Wateen G/Sare Cali Nuur iyo Axmed Taraan iyo Duqa Magaalada Boosaso C/risaaq Xareed.

 

Wararka aan ka helayno Boosaaso ayaa sheegaya in marxuumka la dilay loo gaystay jidhdil aad u badan jidhkiisana aysan jirin meel aan bur-bursanayn waxaana maata lagu aasay xaabalaha maagalada Boosaaso.

 

Jirdilkan ayaa waxaa gaystay Xubnaha Maamulka Boosaaso ee PIS iyo Xubnaha ka socda Sirdoonka Tigreega kuwaas si wada Jir ah su,aalo u waydiina Wiilasha.

 

Warhaabinta O'gadentoday Waxay Tacsi Guud u Diraysaa guud ahaan Ummada Soomalida O'gaadeeniya oo magaca Cabdulaahi Xasan u Dhintay iyo Gaar ahaan eheladii iyo Qaraabada Cabdulaahi Xasan.

 

O'gadentoday

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

War Deg-Deg ah oo naga soo gaadhay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in maanta lagu dilay muwaadin u dhashay O'gaadeenya oo ku xidhnaa xabsiga ku yaala magaalada Boosaaso, Marxuumka oo lagu magacaabi jiray allaa ha unaxariistee Abdullahi Hassan Ali oo kamid ahaa wiilashii todobaadkan laga qabtay Boosaaso mid kamid ahana loo gacan galiyay gumaysiga Itoobiya.

 

Wararka aan ka helayno Boosaaso ayaa sheegaya in marxuumka la dilay loo gaystay jidhdil aad u badan jidhkiisana aysan jirin meel aan bur-bursanayn waxaana maata lagu aasay xaabalaha maagalada Boosaaso.

 

Waxaa baryahanba socday oo isa soo tarayay warar dhiilo xambaarsan oo loo gaysanayo muwaadiniinka ka soo jeeda O'gaadeenya ee ku dhaqan gobalada bari ee Soomaaliya ee maamulo Faroole. Arinta oo ah arin aad looga xumaado ayuu Saaladii Jamhaca ee la soo dhaafay uu Faroole u hanjabay dadka ka soo Jeeda O'gaadeenya & NFD in aysan ahayn dad Soomaaliyeed difaacayana danaha Itoobiya una dulqaadanaynin cid cadaawad u haysa Itoobiya in aysan ku noolaanaynin gobaladaas uu Faroole maamulo waa sida uu Faroole kaga khudbeeyay masaajidka Al-huda ee ku yaala magaalada Garawe & Idaacadda VOA qaybteeda Af-Soomaaliga.

 

Bogga Waraahinta Qorahay Online waxaan halkan tacsi uga diraynaa dhamaan eheladii uu ka geeriyooday marxuunka xaqdarada uu Faroole ugu dilay Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mid ka mid ah dhalinyaro reer ********iya ah oo ay hayeen Puntlland oo duhurkii geeriyooday

Posted to the Web Nov 02, 15:18

 

 

Boosaaso:-Nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa 5 dhalinyaro ah oo ay Maamulka Puntland ka qabtay Dekeda Magaalada Boosaaso iyagoo ka yimid dalka Yemen ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

Ninkaan Dhalinyarad ah oo lagu magacaabo C/laahi Xassan Cali ayaa saaka waxaa laga soo qaaday Xabsiga Dekada Boosaaso ka dib markii xaalada caafimaadkiisu ay xumaatay waxaan la keenay Xarunta Caafimaadka oo lagu magacaabo Sadex Xidigood si uu u qaato dawooyin bale C/laahi Xassan Cali ayaa geeriyooday.

 

Allaha u naxariistee marxuun C/laahi Xassan Cali ayaa dadkii meydkiisa dhaqa aysan ku arag wax jir dil ah oo ku yaal jirkiisa ilaa haddana lama yaqaan in ninkaan dhalinyaada uu qabay wax xanuun ah, Allaha u naxariistee marxuun C/laahi Xassan Cali ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha ku yaal Biyo kulule.

 

Culimo,udiinka Puntlland ,Isimada iyo waxgaradka kale duwan ayaa si weyn uga horyimid in dadka soo jeeda Soomaaligalbeed oo muslin ah loo gacan geliyo Itoobiya, shacabka ku nool Puntlland ayaa si weyn uga xun dadka loo dhiibayo Itoobiya arinkaas oo diin ahaan aan ku banaanayn.

 

Mid ka mid ah Culimo.udiinka Puntlland oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyey dhimashada Allaha u naxariistee marxuun C/laahi Xassan Cali oo ka mid ahaa dhalinyaro reer ********iya ah oo ay xireen Maamulka Puntlland

 

War oo faahfaahsan dib ayaan idin kala soo socodsiin donaa Insha Allaahu

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Cabdullahi Xasan cali Alle ha u naxariistee waxa lagu dilay ficil fulay nimo leh

 

Waa mujaahid waa nin cadow dilay waxuuna lamid yahay mujaahidinta maalin walba shiida

 

Ilaahay ha ka aqbalo, eheladii iyo qarankii uu ka shahiidayna samir iyo iimaan ha ka siiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Jafe can't you see their are more important issues that puntland needs to deal with at this very hour?

 

Sxb get your priorities straight for one sec. We just had an attempted hijacking of an airplane at bossaso. We had the recent explosion in bossaso.

 

We can't really be worrying about that onlf issue at this very moment.

 

The two above issues has been solved by bossaso local municipiality who issuing out identity cards to natives and non-natives alike to keep track of the people in the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^what more important issues? you should know everyone has his/her own priorities so plz stop being arrogant and rude here Cowkow.

 

Allaha u naxariisto, mujaahidka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

C/laahi Xassan Cali oo dannab (koronto) lagu dilley xabsi ku yaala Puntland

 

2 November 2009

 

Mid ka mid ah dhalintii Puntland ay doonida kala degtey ayaa ku geeriyoodey gacanta maamulka kadib markii dhowr maalmood lagu hayay maraanmarid iyo xabsi, loona diidey in isbitaal la geeyo

 

Cabdulaahi wuxuu ka mid ahaa 5 dhalinyaro ah kuwaasoo kasoo jeeda gobolada Soomaali Galbeed (********iya) oo Yemen ka timid oo illaalada Madaxweyne Faroole ay kala dageen dooni ay ku safrayeen oo baroorsinka soo dhigatay dekeda Boosaaso, isaga si gaar ah ayaa loo hayay, wuxuuna ahaa ninka lagu heystey tuhunka ugu weyn.

 

Muddo dhowr maalmood ah ayaa lagu hayay xarun sirdoon oo qarsoodi ah oo lagu maraanmaro dadka maamulka heysto , wararka ayaa sheegaya in Cabdullaahi uu xanuunsaday intii uu ku jirey gacanta maamulka balse loo diidey in wax isbitaal ah la geeyo, kadibna uu ku geeriyoodey xabsigii.

 

Ciidamada ayaa rug caafimaad geeyey isaga oo meyd ah kadibna sheegey in uu isbitaalka ku dhintey.

 

Shaqaalaha caafimaadka rugtaasi oo dabcan cadaadis weyn heysto ayaa sheegey in jirkiisa uusan ka muuqan wax dhaawac jirkiisa ka muuqday kaasoo iftiimin lahaa in dhimashadiisu ay lug ku lahayd jir dil xun oo loo geystey.

 

Maamulka ayaa si xusul duub ah ku aasay Cabdullaahi iyadoo lagu duugey qabuuro ku yaala Biyo Kulule, si aan fursad loogu helin aragtida jirkiisa.

 

Arrintani waxay argagax galisey dhamaan dadkii u doodayay siideynta ninkani oo qorshuhu ahaa in gacanta loo galiyo maamulka Xabashida.

 

Maraanmarista ninkani oo ay ka qeyb qaateen saraakiil xabashi ah ayaa la fahamsanyahay in loo adeegsaday dannabta korontada iyo biyo quusin “hafin”, garaacis iyo saqaf kasoo raaricin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

I didn't mean to repost but just compare this vertion of the news:

 

 

Originally posted by xiinfaniin:

Allaha u naxariistee marxuun C/laahi Xassan Cali ayaa dadkii meydkiisa dhaqa aysan ku arag wax jir dil ah oo ku yaal jirkiisa ilaa haddana lama yaqaan in ninkaan dhalinyaada uu qabay wax xanuun ah, Allaha u naxariistee marxuun C/laahi Xassan Cali ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha ku yaal Biyo kulule.

with this one below:

 

 

Originally posted by Jafe101:

Maamulka ayaa si xusul duub ah ku aasay Cabdullaahi iyadoo lagu duugey qabuuro ku yaala Biyo Kulule, si aan fursad loogu helin aragtida jirkiisa. Arrintani waxay argagax galisey dhamaan dadkii u doodayay siideynta ninkani oo qorshuhu ahaa in gacanta loo galiyo maamulka Xabashida.

 

Maraanmarista ninkani oo ay ka qeyb qaateen saraakiil xabashi ah ayaa la fahamsanyahay in loo adeegsaday dannabta korontada iyo biyo quusin “hafin”, garaacis iyo saqaf kasoo raaricin

So how could these two vertions of the same news become sky and earth to each other? They are totally opposite.But both of them cannot be true, right?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Monday, 02 November 2009 11:59

 

War dhiilo xambaarsan oo naga soo gaadhey Boosaaso ayaa sheegaya in mid ka mid ah 4 Wiil oo Xabsiga Boosaaso ku jirey mid ka mid ah halkaas ku dhintey.

 

Sida warku sheegayo Wiilkan oo lagu magacaabi jirey Cabdulaahi Xassan Cali ayaa u dhintey jidh dil ba'an oo ay u geysteen Sirdoonka Itoobiya iyo Ciidamada Maamulka Faroole.

 

Wiilkan ayaa ka mid ah 5 will oo Maamulka faarole bisha Oct 19 ka qabteyn dekeda Boosaaso iyaga oo ka soo noqdey wadanka Yemen. Mid ka mid ah Wiilshan ayaa todobaadkii hore Sirdoonka Itoobiya diyaarad khaas ah ku qaateen.

 

Faroole ayaa maamlmahan Idaacada uga hanjabayey shacabka Og'adeniya, isaga oo ku tilmaamey in aysan ahayn dad haysta dhalashada Somaaliya.

 

Dhinaca kale, odey dhaqameed ka soo jeeda Gobolka bari oo lagu magacaabo Suldaan Afguduud ayuu Maamulka Faroole xabsiga dhigey kadib mar uu ka hadley falka guracan ee maamulka faroole kula kacayo shacabka O'gadeniya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Waxaan filayaa qabqable Faroole iyo saaxiibadii sixun ayay uxisaabtameen, mana ayna darsin waxa kadanbeeya aragtidooda gaaban. Hadii ay udhaga nuglaadeen cadowga Itoobiya fariintiisa ah inay ladagaalaan shacabka O'gadenia miyuu iloobay in aan nahay kuwa marwalba dariska ah mise wuxuu isleeyahay ninka maanta O'gadenia udhashay kma hadli karo dilka foosha xun? Waxaa xaqiiqa ah inuu dulqaadkii dhamaaday wixii ay galabsadeenna laga gooyn. Yay nabaddu dan utahay?

 

Ninkii durbaanka tumay qaylo dalbay, war nadaa rag kuguma daayee wuxuu kugu daayaa latusaa.

OG'ADEN ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this