Sign in to follow this  
Juje

Maxamed Dhere Arrested...!

Recommended Posts

Juje   

War degdeg ah:Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Mudane Maxamed CumarXabeeb(Maxamed Dheere) oo caawa xabsiga loo taxaabay

 

dheere.jpg

 

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir isla markaana ahaa duqii hore ee magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Xabeeb(maxamed Dheere) ayaa caawa xabsiga loo taxaabay kadib markii ciidamadda itoobiya ay ka baadigoobayeen magaalada Muqdisho tan iyo shalay.

 

Galinkii danbe ee maanta ayaa ciidamo si aad ah u qalabeysan waxay hareereeyeen daarta tahiil warsame ee MK4 waxayna markii danbe gudaha u galeen guriga tahliil warsame halkaa oo ay kul akulmeen Gudoomiyihii hore ee gobolka banadir Maxamed Cumar Xabeed Maxamed Dheere iyo axmed Tahliil warsame oo ku xigeen u ahaa isla markaan ay isku fiicnaayeen waxaana loo lamaynayaa in uu halkaa ku dhuumaaleysanayey balse logu wargaliyey ciidamada Ethiopia in uu halkaa ku jiray ilaa shalay oo uu dansanaa Mobilekiisa .

Maxamed Dheere ayaa la qabtay isagoo ku dhuumanaya guri ku yaal koonfurta magaalada Muqdisho isla markaana qorsheynaayay inuu u baxsado dhankaas iyo Puntland.

Ciidamada Itoobiya ee faraha ku dhigay ayaa ku eedeynaya Maxamed Dheere danbiyo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo inuu si qaldan u adeegsaday awoodda iyo taageerada ciidamada Itoobiya taasna ay keentay dhimashada ciidamo badan oo itoobiyaan ah sida uu sheegay sarkaal sare o oka mid ah ciidamadda ilaalida qaranka ee dalka Itoobiya oo caawa iyaga oo aad u hubeysan soo qabtay Maxamed Dheere.

 

Maxamed Dheere ayaa waxaa kale oo lagu eedeynayaa inuu waday qorshayaal uu ku majaxaabinaayo dowladda federaalka ee Soomaaliya isla markaana uu wax ugu dhimaayo hanaanka dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.

 

Sarkaal u hadlay ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in Maxamed Dheere loo gacangalin doono dowladdda Soomaaliyeed iyo xukuumadda ku meelgaarka ah iyadoo maxkamad caadil ah la soo taagi doono si uu isaga difaaco danbiyadda lagu soo eedeeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Ciidamada Ethiopia oo galabta qabtay gudoomiyihii gobolka Banaadir Max’ed cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).

Shabelle: MUQDISHO

 

Ciidamada Ethiopia eek u sugan gudaha Magaalada Muqdisho ayaa galabta gacanta ku dhigay gudoomiyihii gobolka Banaadir Max’ed cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).

Ciidamado Ethiopain ah oo aad u qalabaysay ayaa galabta waxa ay isku gadameed daarta Tahliil Warsame iyagoo gudaha u galay daartaasi,waxaana ay durbadiiba halkaasi ugu tageen gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere iyo Axmed Tahliil oo ka mid ahaa ku xigeenadiisi xiligii uu ahaa gudoomiyaha gobalka Banaadir

Sida ay idaacada Shabelle u xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan dawlada faderaalka KMG ah oo diiday in magacooda la soo xigto ciidamada Ethiopia-ka ayaa waxaa ay si kala gooni gooni ah shirar gaagaaban ula qaateen Max’ed Dheere iyo Axmed Tahliil kulamaadaasi oo ka dhacay gudaha daartasi,waxaana markii danbe ay ka xaysteen Max’ed Cumar Xabeeb (Maxed Dheere) oo aan la ogayn halka ay la’aadeen iyo qaabka ay ku wadeen midna.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku daryaan in ciidamada Ethiopia-ka ah ay sidoo kale halkasi ka heleen hub aan la sheegin tiradiisa isla markaana anay cadeyn cidda iskalahayd inkasta oo wararka qaar ay tibaaxayaan in uu lahaa Max’ed Dheere oo uu halkaa kensaday Markii uu ka warhelay in gurigiisa lagu soo wajahanyahay.

Majirto cid ka tirsan dawlada faderaalka KMG ah oo ogolaatay in ay ka hadasho qaabka iyo sababta loo qabtay gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb (Maxed Dheere) waxaase la tuhmayaa in uu tilaabadaan ku mu taystay dhowr arimood oo ay ka mid yihiin arimo loo soo jeediyay oo uu ka dhaga adeegay taasoo ay ka mid ahayd amar lagu siiyay in uu hubka dhigo isla markana guriga uu daganaa uu ku wareejiyo Maamulka cusub ee gobalka Banaadir iyadoo uu sidoo kale Max’ed Dheere horay dhaleecayn ugu soo jeediyay saraakiil ka tirsan ciidamada Ethiopia ee jooga dalka Soomaaliya

Waxaa ay qabashada Max’ed Dheere kusoo aadaysaa maalin ka dib markii gurigii uu daganaa ay baritano ku sameeyeen ciidamada Ethiopia ayna hubka ka qateen halkaasi inkasta oo uu isagoo halkaasi isaga dhaqaaqay ka hor intii aanay ciidamada Ethiopia soo garin .

Waa tilaabo muujinaysa in Ethiopia ay si wayn u ciqaabayso mid ka mid ah raggii ugu firfircoonaa marka laga hadlayo dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho uguna dhawaa Madaxwaynihii iscasilay Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isaga qudhiisa intii aanu xafiiska isaga tagin ay wadamo ay Ethiopia ka mid tahay ugu caga jugleeyeen in ay cunaqabataynayaan taasoo ku riixday madxwaynaha in uu soo gaba gabeeyo damicii uu ku hogaaminayay dawlada fedaraalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I wonder who is next?...Cadde...Yey...Gacmadheere...Qayb-diid? Darwiish...Xuub-Sireed...Qanyare? He thinks Itoobiyaanka xoog baan u jeclahay khudbadiisii ahayd inay Qanyare badbaadineyso...? Dabageed iyo Maxamed Dheereba waa jeclaayeen waana la xiray.

 

Where is Dabageed...? Still in Ethiopian jail

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ what if the TFG somehow keeps on going? will it still be "dead" from you side? :D

 

Mohamed Dheere down. Another warlord down.

 

Now, Adan Madoobe waa in laga takhalusa ileen isaguba waa warlord kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yup and Riyaale who is another major warlord, Faysal Ali Warrabe, Big Ears and the rest.

 

Who arrested Mohamed Dheere? Could they not arrest Riyaale in Hargaysa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^The problem with the South was caused by warlords.

 

If the warlords are excluded from the poliitcal daily life, then there is a bright future for Southern Somalia.

 

I think Col. Yey and Mohamed Dheere are a very good start. Now, it shouldn't stop there, people like Adan Madoobe (who came to power using clan melitia), Abdi Qaybdid, Qanyare and all other clan leaders who were responsible for the unrest and civilwar should have the same faith.

 

Whoever arrested him, I think they are doing a good thing. The demise of another evil man should be welcomed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i also agree that all those warlords who ruined somalia to get arrested. but we have to ask ourself if the forces that are arresting them are doing it for the good of somalia. if it's ethiopia, i doubt we have reason to celebrate. they would simply replace them with other warlords. so, therefor they are not doing it for the interest of somali people.

 

they are simply game with us. game that is called "DIVIDE AND RULE SOMALIS WHEREVER THEY ARE"

 

Btw, i don't regard riyaale a warlord.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by General Duke:

^^^Yup and Riyaale who is another major warlord, Faysal Ali Warrabe, Big Ears and the rest.

 

Who arrested Mohamed Dheere? Could they not arrest Riyaale in Hargaysa?

:D:D:D:D

 

Wadadaad socotaana

 

waa wadiiqa halysan

 

oo walaac baa ku dilaaya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaq   

this is embarrassing. i can imagine the tigres sitting in their office laughing and shaking their heads, saying "these somalis are so easy".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this