Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Delegations from the Kenyan parliament visits Somaliland pics

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland oo Cawa Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefdi oo Ka Socda Barlamanka Kenya

Written by Qarannews

Dec 22, 2009 at 12:41 PM

Hargeysa (Qarannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada wefdi balaadhan oo ka socda Golaha Baarlamaanka ee dalka Kenya.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayo, Mudane, Faarax Macalin, oo ah Gudoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka ee dalka Kenya, waxa ay booqasho dhawr maalmood ah ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

rayaale%20iyo%20barlaman%20kenya1.jpg

 

 

rayaale%20iyo%20barlaman%20kenya.jpg

 

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu marka hore wefdiga uga waramay taariikhdii sooyaalka ahayd ee Somaliland tan iyo markii ay is raaceen wadankii la isku odhan jiray Somalia iyo markii ay qaranimadeeda kala soo noqotay dalkaasi.

Madaxweynuhu , waxa kale oo uu wefdiga ugu mahad naqay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland,iyagoo inta ay dalka joogaan indhahooda ku soo arki doona horumarka ay ku tallaabsatay Somaliland, gaar ahaan dhinaca Nabad gelyada, Xasiloonida, Geedi socodka dimquraadiyada iyo arrimaha kale ee ku saabsan horumarka dalka.

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Waxa ayaan darro ah, iyada oo arrimahaasi ay Somaliland qabsatay in caalamka, gaar ahaan wadamada Afrika ay dhagaha ka furaysteen aqoonsiga Somaliland iyo taageerada ay u baahan tahay , mudnaantana had iyo jeer la siiyo meesha dagaalka iyo qalalaasuhu ka socdo oo ah walaalahayaga Soomaaliya".

Madaxweynuhu , waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada Afrika ay albaabadoodu isku furnaadaan, gaar ahaan dhinaca Isgaadhsiinta iyo Ganacsiga, taasi oo wax weyn ka tari doonta in Afrika marka hore ay iyadu is tix gelis isna barato.

Hogaamiyaha Wefdiga, Mudane, Faarax Macalin, waxa uu Madaxweynaha, Xukuumada iyo shacbiga Somalilandba ugu mahad naqay soo dhaweyntii fiicnayd ee isaga iyo wefdigiisu ay kala kulmeen mudadii gaabnayd ee ay Somaliland joogeen , isagoo tibaaxay in indhahoodana ay ku soo arki doonaan meelo badan oo Somaliland ka mid ah inta ay dalka ku sugan yihiin.

Gabo gabadiina, waxa uu Mudane Faarax cadeeyay in socdaalkoodani uu noqon doono mid sii xoojiya xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya, isagoo aan noqon doonin kii ugu danbeeyay ee ay dalka Somaliland ku yimaadaan.

Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada mudane Siciid Cadaani, warsaxaafadeedkaasi oo uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabkada qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

I noted that many occassions. I wonder if there is an official reception room in Hargeysa state house?

This trully looks like a family living Room.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Top diplomats have come and gone, but still Somaliland IS unrecognized by any country.

I think the only thing they talk about is develop Somaliland instead of recognized it

 

 

PLEAS WAKE UPP PEOPLE :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland President Meets With Kenyan MP's.

Written by Qarannews

Dec 23, 2009 at 09:02 AM

Hargeisa (Qarannews)-President Dahir Rayale Kahin met yesterday with a delegation from the Kenyan parliament currently on a visit to Somaliland.

The Kenyan delegation is led by Mr.Farah Ma'alin MP, deputy speaker of the the Kenyan parliament.

 

President Dahir Rayale Kahin welcomed the delegation from Kenya's parliament to Somaliland and spoke of the ties between the two nations. Mr. Rayale remarked on the current political, social and economic situation in Somaliland.

President Rayale thanked the delegation for undertaking this visit to Somaliland and encouraged them to explore Somaliland's nascent democracy by engaging with all members of the Somaliland society.

 

 

President Rayale concluded his remarks by stating "It is unfortunate that Somaliland's considerable achievements have been overshadowed, in the African arena, by the need to add address the terrible situation in Somalia. However, Somaliland's peace, stability and democratic credentials must be acknowledged by Africa and the World, and these achievements should be a blueprint for solving the dilemna in Somalia".

The head of the Kenyan delegation, Mr. Farah Ma'alin, thanked the people and the government of Somaliland for the warm welcome extended to the visiting parliamentarians. Mr. Ma'alin remarked that this is not the first visit by Kenyan MP's to Somaliland, an indication of the strong ties between the two nations.

Mr. Ma'alin stated that the delegation is looking forward to meeting with government officials, members of both chambers of the Somaliland parliament, opposition parties, as well as, Somaliland's economic and social organizations during their visit to Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftigii ka socday barlamaanka Kiiniya oo la kulmay golayaasha qaranka

Written by Qarannews

Dec 24, 2009 at 01:13 PM

 

 

Hargaysa,(Qarannews)- Waxa maanta kulan uu dhex maray waftigii ka socday barlamaanka dalka Kiiniya iyo golayaasha qaranka ee Somaliland, golaha wakiilada iyo guurtida, kulankani oo ay hogaaminayeen shir gudoonka wakiilada iyo guurtidu

 

 

d1c976fdfd.jpg

 

Waftiga Barlamaanka dalka Kiiniya ka socday oo ayaamahanba ku sugnaa dalka ayaa waxa hogaaminaayay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Axmed.

 

Kulankaasi maanta xog waraysiga ahaa ee dhex maray labada dhan ayaa waxa goobtaasi khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka akhriyay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Axmed, isga oo ku booriyay in ay Somaliland ilaashadaan nabadgalyadooda horumarkooda isga oo sheegay in aan dimquraadiyadu ku iman nin cad oo yimaada Somnaliland oo yidhaa waxaa sameeya waa dimuquraadiyade, isga oo sheegay in aan reer galbeedka iyo kuwo kaleba aan dhamaantood loo qaadan in ay wadaan danaha Somaliland, isga oo ku dhiiri galiyay in ay Somaliland iyadu dhisato wanaageeda

 

 

Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Kiiniya waxa uu sheegay in socdaalkiisu uu salka ku hayo u kuur galida xaalada Somaliland iyo xaga ay wax marayaan.

 

 

d85dbf0e7e.jpg

 

Dhanka kalena gudoomiye ku xigeenka golaha guurtida mudane Fure ayaa, si aad u qoto dheer uga waramay waftigaasi una sheegay jmarxaladihii kala gadisnaa ee ay soo martay Somaliland, waxana uu ku amaanay booqashada ay waftiga Kiiniya ku yimaadeen Somaliland iyo golahaba.

 

Waftigani ayaa hore ula kulmay xukumada Somaliland iyada oo uu madaxweynaha Somaliland sidoo kale warbixin dheer ka siiyay xaalada guud ee uu dalku maraayo, iyo iyada oo labada dhan ay is wadaarsadeen wada hadalo dhamaantood is faham ku dhamaaday.

 

Sida ay doontaba ha ahaatee waxa dhawaanahanba dalka aad u soo booqnaayay waftiyo kala gadisan oo ka kala socda caalmka, iyo gaar ahaan kuwa socday gobolkaba, iyada oo dalka ay yimaadeen waftiyo ka kala socday Igad, midowga Afrika dalka Masar, Baanka aduunka, iyo kuwo kaleba.

 

 

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii baarlamaanka Kiiniya oo Gebiley booqday maanta.

Written by Qarannews

Dec 25, 2009 at 03:59 PM

Hargeysa(Qarannews)-Weftigii uu Hogaaminayay Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Kenya Mudane Faarax Macalin ayaa Maanta Waxa ay Kormeer Ku soo Mareen Magaaladda Tog-wajaale Taasi oo ay Kormeerkoogaasi ku Wehelinayeen Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Weftigan Waxaa Magaaladda Togwajaale Ku soo Dhaweeyay Badhasaabka Gogolka Gabiley Mudane Maxamed Axmed Aw cabdi (Xabiib) waxaana Qaddo Sharaf Loogu Sameeyay Magaaladda Arabsiyo ee Gobolka Gabiley.

 

Weftigan oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay booqday magaalada Berbera,Sheekh,kullana la yeeshay mudanayaasha labada aqal ee wakiilada iyo guurtida ayaa Sidoo kale Waxaa weftigaasi Caawa Casho sharaf Loogu Sameeyay Madaxtooyadda JSL taasi oo uu ku Marti qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

 

Qarannews desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Casho-Sharefeed U Sameeyey Weftigii Uu Hogaaminayey Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya 25 Dec 2009

Hargeysa (OWN)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md Xuseen Cali [Ambassador Cawil], ayaa xalay casho sharef ugu sameeyey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa weftigii ka socday baarlamaanka dalka Kenya ee todobaadkan booqashada ku jooga Somaliland.

Sii Akhri

 

 

http://oodweynenews.com/display_page.php?articleid=13236

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Jacaylbaro:

Good development indeed.

War ninyow Faarax Macalin imaatinkiisa Good Development ma'ahaan. Trust me. Wuu hadlaa un. And sooo many brocken promises.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this