Sign in to follow this  
Kamaavi

Considerable Disagreements Among Alshabaab

Recommended Posts

Kamaavi   

Ururka Al-shabaab iyo Sheekh Xasan Turki oo isku fahmi waayay maamul u samaynta Jubooyinka.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay Masuul sare oo ka tirsan xarakada al shabaab ayaa inoo sheegay inuu jiro is faham soo kala dhex galay saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab iyo Sheekh Xasan Turki.

 

Wararka ayaa sheegaya sheekh Xasan Turki iyo saraakiishaasi isku fahmi waayeen qaabka maamul cusub loogu sameynaayo Gobolada Jubooyinka tasoo kamid aheyd qodobo labada dhinac ay ugu heshiiyeen heshiis dhawaan lagu saxiixay magaalada Baydhabo.

 

Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheekha u sheegeen in ay u dhisayaan maamul ka madax banaan Xizbiyada ka jira soomaaliya, halka Sheekh Xasan Turki ku dooday maamulkasta oo loo sameynaayo Jubooyinka inuu ku dhisnaado qabiilada dega deegaanka.

 

Sheekh Xasan Turki oo dadka u yaqaanaan aabahii ururka Al shabaab ayaa horey uga carooday maamul horey loogu sameeyey deeganada Jubooyinka isagoo markaasna ku dooday in beesha uu ka dhashay wadaadka lagu dulmiyey maamulka hadda ka dhisan gobolada Jubooyinka.

 

Lama saadaalin karo qaabka loo maareyn doono qilaafka ka dhex jira Al-shabaab iyo Wadaadka hoggaamiyihii hore ee kaambooniyiinta haddase kamid noqday Al-shabaab Sheekh xasan Turki,balse la arki doonee halka uu ku danbeeyn doono murunkaan soo kala dhegalay madaxda al-shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

War aan la rumeysan karin oon source lahayn baad soo qortay, wax kale ma jiraan, isdeji.

 

..halka Sheekh Xasan Turki ku dooday maamulkasta oo loo sameynaayo Jubooyinka inuu ku dhisnaado qabiilada dega deegaanka.

^^Sheekha sidaa kama suuroowdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Rumayso ama ha rumaysan laakiin markaad tixraac waydo si habsami leh ayaa loo waydiistaa. Qoraalka anu ma qorin. Fikirkayna ma ahan. Waan soo dhajiyey uun. Dad akhrisan ayaad la mid tahay.

 

Saas ay tahay ninka kala hadlaaya waa adiga.

 

Sheekha sidaa kama suuroowdo.

Ina iska hadle, sheekhu shuurada ma cuno yaa dhahay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^I think I look younger than my age, what do you think? How old do you look, or what do strangers guess as your age?(If you don't mind my asking.) :D

 

On serious note, ask for the source when and only when you can't find it, and in a civilized way.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Alshabaabka Kismaayo oo maanta xiray Shirkada Xawaalada ee Amal Express xarunteeda kismaayo.

 

Ciidamada amaanka ee maamulka kooxda Al-shabaab ee magaalada kismaayo ayaa saaka abaare 10:00 subaxnimo albaabada isugu dhuftay shirkada xawaalada Amal Express xarunteeda kismaayo iyadoona maamulku ku amray in shaqaalaha ay xiraan shirkada ilaa iyo amar danbe uu kaga yimaado dhanka maamulka ka arimiya magaalada kismaayo.

 

Qaar kamid ah masuuliyiinta shirkada xawaalada Amal express ee magaalada kismaayo oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in ay saaka u yimaadeen ciidamo uu hogaaminayay taliyaha saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo,uuna amar ku siiyay in la joojiyo shaqada islamarkaana la xiro shirkada, isaga oo aan u cadeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeeysa shaqo joojinta shirkadda,

 

haseyeeshee warar hoosaad aynu helay ayaa waxa ay sheegayaan in shirkada loo xiray buugag ay bixisay shirkada kuwaasi oo la sheegay in ay ku sawirnaayeen qaarada soomaaliya islamarkaasina tilmaameysay sida loo kala heysto wadanka soomaaliya, iyagoona ku xusay goobaha ay ka kala taliyaan Dowlada KMG, Xarakada Alshabaab, Ururka Xizbul Islaam iyo Dariiqada Ahlusunna waljameeca.

 

Ilaa iyo haatana ma jiraan mas'uuliyiin ka tirsan maamulka kismaayo oo ka hadlay sababta ka danbeeysay in la xiro sharikada xawaalada ee Amal Express xarunteeda kismaayo.

 

Ma ahan markii ugu horeysay maamulka Al-shabaab ee magaalada kismaayo uu xiro qaar kamid ah shariikadaha xawaaladaha ee magaalada kismaayo.Hhoraantii sanadii 2009 ayay ahayd markii uu maamulka xiray qaar katirsan xawaaladaha magaalada kismaayo.

 

kala soco wararka xaqiiqda ah

 

 

Beder114@yahoo.com

Kismaayotimes.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Madmadoow ka dhex jira Alshabaabka Kismaayo

Published: 23 March 2010

 

KN: Wali lama magacaabin afayeenka wilaayada islaamiga ee Jubooyinka, sababtuna waa muran wali ka taagan xil ka qaadistii Sheekh Xassan Yacquub, laakiin halka ay sarta ka quruntey waa gudoomiyihii xilkiisa waayay

 

 

Hubanti la’aan ayaa ka jirta sida dhabta ah ee uu xaal yahay, laakiin waxaa muuqda astaamo soo xoogeysanaya oo muujinaya ismari waa ka dhexjira maamulka.

 

 

Rag xilalka laga qaaday oo uu ka mid yahay gudoomiyihii hore Sheekh Zeeylici iyo afayeenkiisii oo saluugsan xilka madaxa dacwada ee loo dhiibey Sheekh Xassan Yacquub iyo taliyeyaal ciidan ayaa la fahamsanyahay in ay ku jiraan wax lagu tilmaami karro gadood.

 

 

Arrintani waxay keentey in aanan wali la magacaabin xilka ugu saameynta badan ee afayeenka wilaayada, xilkani markii dhawaan laga qaaday Xassan Yacquub waxaa la dhimey awoodihii uu lahaa qofka qabanaya taasoo ka dhalatay ku takrifal xad dhaaf ah oo uu ku kacay Sh. Xassan Yacquub oo mar usoo muuqdey in uu isaga cid kasta ka sareeyo.

 

 

Haatan waxaan xilkani awood loo siiyey in uu magacaabo gudoomiyaha taasoo siineysa qayaarka ah in uu xilka ka qaadi karo marka uu doono, haatan wali lama buuxin booskaasi.

 

 

Dilkii dhawaanta Kismaayo ka dhacay ee taliyihii Dhoobleey ayaa iyana soo kordhiyey muran cusub, wararka aan heyno ayaa tibaaxaya in muranka dilka ninkani uu haatan lugaha la galay murankii horey u jirey ee xil ka qaadista.

 

 

Waxaa xiran saraakiil sarsare oo la’isku mari la’yahay sida laga yeelayo, waxaa ka mid ah gudoomiyihii Dhoobleey Sheekh Maxamed Carab.

 

 

Horey waxaa u jirtey in markii isku shaandheynta lagu sameeynayay maamulka in ragii xilkooda waayay ay ku doodeen in madaxda Alshabaab ee isbadalkan sameeyey aysan awood u lahayn in ay taasi sameeyaan, waxayna ku doodeen in wilaayadu ay tahay mid iskeed u madax banana.

 

 

Si kastaba, macluumaadka ku saabsan arrintani ayaa si weyn looga illaalinayaa dhagaha iyo indhaha saxaafada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this