Sign in to follow this  
General Duke

Somaliland Parliment speaker believes in the unity of Somalia.

Recommended Posts

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Qaybe Oo Caddeeyey Inuu Aaminsan Yahay Midnimada Soomaaliya

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 3 January, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa markii u horreysey caddeeyey inuu aaminsan yahay in la soo celiyo midnimadii Soomaaliya.

 

“Waan aaminsanahay midnimada Soomaaliya,†ayuu yidhi Mudane Qaybe oo lagu waraystay barnaamujka HAL-ADAYG ee Telefishanka Madaxa banana ee Somaliland, isaga oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan ra’yiga ay dad badan oo reer Somaliland ahi ka qabaan mudane Qaybe oo ah inuu aaminsan yahay Soomaali weyn oo aanu daacad u ahayn Somaliland.

 

“Sideedaba midnimadu wax wanaagsan weeye, laakiin, waa inay caddaalad ku salaysan tahay,†ayuu raaciyey.

 

Waraysigaas oo ka baxay Telefishanka SLTV habeenkii Axaddu soo gelaysey, ayaa mudane Qaybe si saraaxi ah ugaga jawaabey su’aalo badan oo laga weydiiyey aragtidiisa siyaasadeed, xaaladda waqtigan Somaliland marayso iyo khilaafaadka ka taagan golihiisa ee ka dhashay xeerka loo diyaarinayo doorashada Golaha Wakiillada ee lagu wado inay qabsoonto dabayaaqada bisha March.

 

Isaga oo jawaabta su’aasha la xidhiidha mabda’iisa midnimada sii watana, waxa uu yidhi, “Mabda’iyan midnimadu waa wax wanaagsan, laakiin, “practical†ahaan waa inay caddaalad ku salaysnaataaâ€.

 

Mudane Qaybe oo la weydiiyey; Markaa guddoomiye, haddii dadku aqbalayaan in Soomaaliya lala midoobo mar kale, [adigu] waad ku talin lahayd?†Waxa uu yidhi,

 

“Anigu shakhsi baan ka ahay Somaliland, wixii ummadda Somaliland doorato ayaan ka mid ahay. Midnimo caddaalad ku dhisan oo shacbiga Somaliland qaato waxba kama qaboâ€.

 

Mudane Qaybe, waxa uu waraysigaa ku caddeeyey in haddii doorashada Golaha Wakiillada ee loo muddeeyey bisha 29 March ay qabsoomi kari weydo, isla markaana mudada loo kordhiyo golaha hadda fadhiya in aanu isagu kasii mid noqonayn golaha, marka mudada xilkiisu dhammaado bisha May.

 

Guddoomiyuhu waxa uu ka jawaabey su’aal la weydiiyey oo ahayd, “maadaama adiga oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, aad sidaa u hadlayso [arrinta midnimada] miyaan la odhan karin raalli kama tihid in doorashadu si cadli ah dalka uga dhacdo? Waxana uu yidhi,

 

“Waxaan raalli ka ahay inay si caddaalad ah u dhacdo [doorashadu]â€.

 

“Midna waan kuu sheegayaa,†ayuu yidhi Qaybe, “Haddii doorashadu wakhtigeedii ku dhici weydo oo la yidhaahdo Golaha Wakiillada waa loo kordhinayaa, aniga bisha May ee 2005 ayay igaga egtahay, xataa haddii Wakiillada loo kordhiyoâ€.

 

Guddoomiyaha Wakiillada, mudane Qaybe oo beryahanba la hadalhayey inuu socdaal ugu baxayo dibadda. Waxaana jira tuhun had iyo goor ka dhasha socdaaladiisa dibadda oo ay dadka qaar ku tilmaamaan inuu u baxo ama ka shaqeeyo hagardaamada Somaliland, isla markaana uu bixiyo xogo iyo tallooyin u adeegaya mabda’iisa midnimada Soomaaliya, kuna lid ah Somaliland. Balse, Qaybe, wuxuu wararkaas u beeniyey si cadho leh.

 

“Waxa jirtey wakhti aanan Somaliland aaminsanayn oo aan albaabo badan ka soo xidhay,†ayuu yidhi.

 

“Taana waxa igu kellifey dad sidaa u hadlaya. Cid Somaliland igu khasbaysaa ma jirto. Haddii aan doonayo inaan Somaliland ka hor imaaddo waan ka horimanayaa,†ayuu raaciyey.

 

Waxa uu sheegay in Maraykan ay ugu dambeysey 1999kii mar uu Madaxweynihii hore, marxuum Cigaal safar u raacay, Ingiriiskana horraantii 2004 oo iyadana u raacay wefti Madaxweyne Riyaale hoggaaminayey.

 

“Anigu waxaan tagaa Abu Dhabi, UAE oo hadba waan isa soo jeeg-gareeyaa [medical check up]†ayuu yidhi Qaybe.

 

Mudane Qaybe oo la weydiiyey inuu soo furfuray albaabadaa uu sheegay inuu ka soo xidhay Somaliland, waxa uu yidhi,

 

“Anigu ma waxaan ahay Wasiir Arrima dibadeed. Ma England iyo Maraykan ayaan tagaa, mise Carabta ayay xadhkahaasi yaallaanâ€.

 

“Markaad hawlahaas oo kale qabanayso waa inaad meel ka socotaa. Anigu ma ihi Wasiirka Arrimaha Dibadda, su’aashaasina ma taagna,†ayuu raaciyey.

 

Qaybe waxa kale oo uu markii u horreeyey qirtay xidhiidh muddo dheer la tuhunsanaa inuu la leeyahay Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Mar la weydiiyey wararka sheegaya inuu xidhiidh la leeyahay Cabdillaahi Yuusuf iyo maamulkiisii Puntland, isla markaana uu marar badan ka hordegey tallaabooyin ay Somaliland qaadi lahayd? Waxa uu yidhi mudane Qaybe,

 

“Cabdillaahi Yuusuf waa nin aanu weligayo is naqaaney. Maalintii uu Sool soo galay ayaa iigu dambeysey xidhiidhkiisa,†ayuu yidhi.

 

Ma sheegin waqtiga ay ciidamada Cabdillaahi Yuusuf soo galeen Sool, balse, waxa la filayaa inuu u jeedo dabayaaqadii Dec, 2003 markii ciidamada Puntland sida buuxda ula wareegeen magaalada Laascaanood.

 

Waxana uu yidhi, isaga oo ka warramaya wixii ay ka wadahadleen xidhiidhkoodii ugu dambeeyey, “Nayroobi baan kula hadlay oo aan idhi ciidanka naga saar, wuxuuna yidhi, aniga ma aha ee waa Ina Cabdi Xaashi. Waxaan ku idhi adigaa Madaxweyne u ah askarta Sool ku jirta iyo Ina Cabdi Xaashi ee amar sii. Maalintaas ayaa iigu dambeyseyâ€.

 

“Haddii aan doonayo Cabdillaahi Yuusuf xidhiidh inaan xidhiidh la yeesho cid iga hortaagani ma jirto, cid Somaliland igu khasbaysaa ma jirto, Somaliland taladayda ayaan ku joogaa,†ayuu raaciyey, isaga oo wararka noocaas ah ku cambaareeyey kuwo uu ku tilmaamay “dad cayayaan ah†oo aan waxba ogeyn, kuwaas oo ay saxaafaddu waraysato. Waxaana dadkaa ka mid ah oo uu xusay Wasiirkuxigeenkii hore ee Xannaanada Xoolaha, Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ay isku deegaan ka yimaaddeen Qaybe, isla markaana, la ogyahay inuu aad u dhalliilo mudane Qaybe.

 

Waraysiga waxa uu bixiyey Qaybe, mar culays weyni kaga yimi shirguddoonka xeerka Doorashada iyo ansixinta miisaaniyadda 2005, taas oo sababtay inuu iscasilaad qoro Kuxigeenkiisa 1aad, mudane Cabdulqaaddir Jirde oo golaha sii wadi lahaa maadaama la sheegay in Qaybe u baxayo dibadda. Waxaana intii xiisadda xeerarkani kacsanayd la maqlay in Qaybe ugu hanjabey mudanayaasha golaha inuu iskaga tegayo Somaliland oo uu bilaabayo ololihiisa Soomaaliweyn oo lagu xamanayey.

 

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ee Maamulka Oo Sheegay In Uu Aaminsan Yahay Midnimada Soomaaliya, Arrintaas Oo Buuq Ka Abuurtay Caasimada Labaad Ee Soomaaliya Hargeysa.

 

Hargeysa.Somalia(Radiolascaanod.com)Mon.03/01/05: Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Maamulka Beelaha Dirta Waqooyi Axmed Maxmed Aadan Qaybe ayaa sheegay mar uu waraysi la yeeshay TV-Hargeysa in uu aamin san yahay midnimada Soomaaliya oo aan cidi ku khasbi Karin in uu ku sii sugnaado Maamulka .

 

 

Waraysigan Qaybe bixiyey oo uu kaga waramayey arrimo badan ayaa buq ka abuuray Caasimada Labaad ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed ee Hargeysa ee ay hatan ku sugan yihiin jabhada SNM ee Soomaalidiidka ah.

 

 

 

Qaybe mar wax laga weydiiyey in uu aaminsan yahay midnimada Soomaaliya ayuu yidhi “Waaan aaminsanahay Midnimada Soomaaliya†waxa kale oo qaybe la weydiiyey in uu safarka haatan dibada ugu baxayo , in uu soo xidhayo xadhkihii uu maamulka isaaqiya ku lid ka ah,waxuuna qaybe isaga oo arrintaas ka jawaabay yidhi “ Hadii aan doonayo cidi iskama kay hortaagi karto, laakiin hada waxaan u baxayaa caafimaadkayga sidii aan u soo baadhi lahaa, maraykana waxa aiigu danbaysay 1999â€.

 

 

 

Mar wax laga weydiiyey xadhkihii uu hore u soo xidh xidhay in uu wax ka soo furfurayo ayuu qaybe sheegay in uu hore uga soo horjeedi jiray maamulka Isaaqiya hasa yeeshee hada aanu ahayn wasiirka arrimaha dibada ee maamulka dirta waqooyi ee taasi u taalo wasiirkaasi.

 

 

 

Qaybe mar waxa laga weydiiyey in ay xidhiidh lee yihiin Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuu sheegay in ay aqoon wanaagsan isu lee yihiin, xidhiidhkii ugu danbeeyeyna uu la yeeshay sannadkii 2003, cid iska hortaagi kartaana aysan jirin.

 

Qaybe mar uu ka waramaye dhinaca Golaha wakiilada ee beelaha dirta waqooyi wuxuu sheegay hadii uu dhamaado xilligan goluhu oo ku eg bisha May ee sannadkan cusub ayuu sheegay in aanu dib uga mid noqondoonin hadii xataa la kordhiyo, oo iskaga tagi doono, Qaybe ayaa la aaminsan yahay in ay isku dhaceen kuxigeenkiisa koowaad oo sida uu sheegay ku xigeenka Qaybe in aanu doonayn Qaybe in aanay doorashooyin ka dhicin Maamulka beelaha Isaaqiya. waxa kale oo haatan soo shaac baxay in Qaybe ka Cadhooday beelaha Isaaqa oo la filayo in aanu dib ugu soo noqondoonin.

 

 

 

Waraysiga Qaybe uu bixiyey ayaa waxa uu buuq xoogle ku abuuray dadka iyagu taageera maamulka dirta waqooyi ee ku nool Hargeysa iyo Burco oo muddo 14 sanno ah ku jiray beercadaad ay u qabaan in ay mar’uun dawlad noqdaan , hasa yeeshee ay marwalba dhirbaaxo kaga imanayso kuwo ay aamineen in ay wax la raadiyaan.

 

 

 

Baadida qofbaa kula daydayi Daalna kaa badani , dadku muudi duulwada dhashoo wax u dahsoonayne , aanse doonayn inaad hesho daayin abidkaaye.

 

 

 

Radiolascaanod.com

 

Hargeysa Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

 

radiolascaanod@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BBC Somali Service News Editor

 

somali@bbc.co.uk

 

This is a major news development which gives more catalytic grease to the Somali chaotic political scene. Why it is not in your news broadcast menu? Or is your man in Hargeisa has his own agenda?

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Qaybe Oo Caddeeyey Inuu Aaminsan Yahay Midnimada Soomaaliya

 

http://www.somaliland.org/ns.asp?ID=05010305

smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaybe is an indivitual and has the right to believe whatever he wants. As he personaly said, nobody asked him to support Somaliland, it was his own personal believe and now if he changed, that is also his own personal view.

 

But the general perception of the Somaliland people is that, Qaybe has been a failure. He has been a real drag to the progress of this young republic and not only on the Sool issue. So, I think, it would be a delight for every Somalilander if he just left - for good - this time.

 

It seems the sifting and sorting of who is true to the cause is about to pick up pace. More "sleeper cells" would show their true colours and only then would Somaliland take concrete steps towards progress.

 

May Allah protect Somaliland from the munaafiqiin.

 

As Kownein would say:

 

Baduba waa tuftaa

Bakhtiga Baaxadaa lihiye,

Ha inaga baxo biidhiqaatuhu!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Smith, you didn't hear :D Qudhac has invited me to his house for the June 26 to July 1st Somali Independence Week. icon_razz.gif He is confident, because he supports Qaybe's decision :eek: It's just that with Ayoub Sheikhs and Sami_Gyrls (I'm still laughing Bari :D ) alive, he can't out and be open icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Originally posted by HornAfrique:

He is confident, because he supports Qaybe's decision :eek: It's just that with Ayoub Sheikhs and Sami_Gyrls (I'm still laughing Bari
:D
) alive, he can't out and be open
icon_razz.gif

I wouldn't be surprised if he did. He certainly would not be the first to do an about-face after seeing the light... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

I Believe Qaybe HERO AND LOYAL PATRIOTIC for all Somali Landers, and Somalis

Qaybe is working for his people Somaliland, and he believes somaliweyn and unity as long as it is based cadaalah fairness.

 

So Qaybe is extraordinary hero, he wants caadalah fairness and power sharing between north and south,

 

Qaybe is intelligent man; I hope he will keep his peaceful campaign for unity among all Somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by SOO MAAL:

So Qaybe is extraordinary hero, he wants caadalah fairness and power sharing between north and south,

 

Qaybe is intelligent man; I hope he will keep his peaceful campaign for unity among all Somalis.

Two words for you lil boy: warlords + Mbagathi.

 

Hornafrique

I'm not a uniform-wearing goon like you. I believe in free speech mate. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Hornafrique

I'm not a uniform-wearing goon like you. I believe in free speech mate.

:eek: :eek: What's free speech if you're always spitting vile ;)icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this