Sign in to follow this  
Jacaylbaro

MAXAMED MOOGE - His Death in An Ambush

Recommended Posts

Jidgoyntii Lagu Dilay Mujaahid Maxamed Mooge iyo Mujaahidiintii Wehelisay Waxa ka waramaya Boobe:

 

 

23 Sano , ayaa laga joogaa Bishii June 1984-kii xilligaas oo Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan iyo Mujaahidiin wehelisay ay ku shahiideen Jid goyn cadowgii u galay Meesha la yidhaa Meer meerta oo u dhaxaysa Awaare iyo Dhagax Buur.

 

 

Haddaba jidgoyntaasi lagu dilay Mujaahidiintaas , gaar ahaan Taariikhdii iyo shakhsiyadii Abwaan Maxamed Mooge, waxa nooga waramay Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

 

 

Isagoo ka hadlaya xilligii la dilay Maxamed Mooge waxa uu yidhi ‘’Alle ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Mooge liibaan wuxuu shahiiday oo uu dhintay Bishii June 1984-kii , xilligaasi oo lagu dilay Jid goyn loogu galay meesha la yidhaahdo Qaswareen ama Meer meertada oo ka shishaysa una dhaxaysa Awaare iyo Dhagax Buur.

 

 

Maxamed Mooge , gaadhi Land Crusser ah oo Toyota ah oo noocii hore ee Siible qafasle ah ayay saarnaayeen isaga iyo dhawr toban Mujaahid ayay ahaayeen , gabadh Faadumo la odhan jiray ayaa iyaduna la socotay ,

halkaas ayaa Ambush jidgoyn loogu galay waxana u galay dadkii halganka dhabarka kala dagaalamay.

 

 

Ilaa 15 Mujaahid ayaa ku dhintay oo Maxamed Mooge ka mid ahaa, Aadan Guhaad oo Aadan Waali la odhan jiray ayaa ka mid ahaa waxa uu ahaa taliyihii Amniga SNM, waxa kale oo ka mid ahaa nin taliye ahaa oo Daa’uud

la odhan jiray iyo gabadhaas dhawr iyo toban qof ayay ahaayeen halkaasi ayayna ku dhinteen.

 

 

Dirawalkii wuu Baxsaday halkaas dagaal balaadhanbaa ka bilaabmay oo dhex maray Beeshii uu Maxamed Mooge ka dhashay iyo Beeshii Nimankii jid goynta galay , dagaalkaasi wuxuu bilaabmay Bishii June 1984 wuxuu

dhamaaday 1986-kii.

 

 

Dad badan baa dagaalkaas naftooda ku waayay’’.Boobe Yuusuf Ducaale isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ‘’Alle ha Naxariistee Marxuum Maxamed Mooge Liibaan Bishii June 5, 1984 ayaa isaga iyo Mujaahidiinti Maalintaa lala dilay waxa lagu aasay Meesha laga galo Awaare Geed ku yaala oo Weerane la yidhaahdo oo dhinaca Midig kaa qabanaya’’.

 

 

Boobe Yuusuf Ducaale oo sharax ka bixinayay taariikh nololeedkii iyo shakhsiyadii Marxuum Maxamed Mooge , waxa uu yidhi ‘’Maxamed Mooge wuxuu ahaa Mujaahidiintii halganka Soomaaliyeed ka qayb galay waxa uu ku horeeyay Jabhadii SSDF, waxa uu ku danbeeyay Jabhadii SNM, Alle ha u Naxariistee wuxuu dhashay ilaa 1943-1944-kii, waxana uu ku dhashay

 

 

Magaalada Hargeysa , gaar ahaan Xaraf, Waxbarashiidii dugsiga Dhexe waxa uu ku dhamaystay dugsiga Axmed Guray , ka dibna tababar Macalinimo ayuu qaatay’’.

 

 

Boobe waxa uu sheegay in Alle ha u Naxariistee Marxuumku isagoo macalin ah uu Fanka Bilaabay.

 

 

‘’Tababarka Macalinimo wuxuu ku qaatay dugsigii Camuud , Macalinimadiisu wuxuu ka bilaabay dugsiga Xaafada New Hargeysa , degmada Oodweyne ayuu ka shaqeeyay , isagoo Macalin ah ayuu Marxuum Maxamed Mooge Fanka Bilaabay’’.

 

 

Boobe Yuusuf Ducaale isagoo sharaxaya kaalintii uu fanka kaga jiray Maxamed Mooge waxa uu yidhi ‘’Maxamed Mooge waxa uu ahaa inta tirada yar ee laamaha badan ee fanka Kulmisa , Maxamed Mooge nin hal abuur ah ayuu ahaa heeso ayuu lahaa, heestiisii ugu danbeysay wuxuu tiriyay Bishii April sanadkii 1984-kii midhihii waanu helay , laakiin laxamkii wuu lumay’’.

 

 

Boobe waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi ‘’Heestaas oo uu qaadayay Maalmihii uu dhiman doono waxana hal ku dhigeedu ahaa (Ha I Hiifin Aabooy’’ kama hadhine qayrkay anigaa u horeeyoo halganka iyo dagaalkana waxa lagu hogaanshaa hawraarahaygoo, kuwaasi ayaa ka mid ahaa midhihii heestaasi ha I hiifin Aabooy , Midho ahaana way ku taalaa’’.

 

 

‘’Marxuum Maxamed Mooge waxa uu ahaa nin heesaaya oo waliba codkii ugu quruxda badnaa ee Soomaalida rikoodhka galay ayuu lahaa, wuxuu ahaa nin jilaa ah’’.

 

 

waxa kale oo uu ka hadlay kaalintii halgankii SNM uu kaga jiray Marxuum Maxamed Mooge waxana uu yidhi ‘’Maxamed Mooge ilaahay ha u Naxariistee wuxuu ahaa nin halgamaa ah oo aan halgankii Soomaaliyeed aan ka baaqan oo marna SNM ku soo dagaalamay saddex sano ka hor aasaaskii SNM ka mid ahaa jabhadii SSDF, Maxamed sidaasi ayuu ku shihiiday oo ay adkayd in Bedelkooda loo helo.

 

 

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayay Shakhsiyadii Maxamed Mooge Waxa uu yidhi ‘’Alle ha u naxariistee Maxamed kaas ayuu ahaa nin xarago badan ayuu ahaa, nin xishood iyo xarago badan ayuu ahaa, nin Halganku ka dhab yahay ayuu ahaa oo bilaabay sanadkii 1978-kii , oo uu ka mid ahaa SSDF isagoo Addis ababa joogay oo ku sii sugayay SNM’’.

 

 

Boobe oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi ‘’Marxuumku duruuftaas qalafsan ayuu u badheedhay ee aan dabeecad u ahayn ninka Fanaanka ah oo iska jecel nolol Raaxo leh oo fudud, waxa ka mid ahaa waxyaabihii uu ku dagaal galay kamankiisii oo hees gaar ah uu u tiriyay ayna ka mid ahaayeen deg degooyoow maxaan kula dal maray , waxyaabaha dhaxalka ah ee uu Alle ha u naxariistee uu ka tagay Kamankaas ayaa ka mid ahaa oo hada yaala oo geli doona meelaha taariikhda lagu kaydiyo’’.

 

Boobe waxa uu sheegay in Maxamed Mooge uu mar qudha guursaday oo uu dhalay gabadh la yidhaahdo Yaasmiin oo xilligan degan Magaalada Nairobi ee Kenya.

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta marxuunka Allaha u naxariisto, inkastoo aanan annigu aqoonin heesihiisana aanan aqoonin haddana waxaan ogahay inuu yahay nin xaggina ku weyn oo magaciisa ayaan maqlaa ama moogayaasha iwm. hadaad haysid heesihiisa balka halka ku soo tuur aan dhageysto bal e...

 

Maxamed Mooge , gaadhi Land Crusser ah oo Toyota ah oo noocii hore ee Siible qafasle ah ayay saarnaayeen isaga iyo dhawr toban Mujaahid ayay ahaayeen , gabadh Faadumo la odhan jiray ayaa iyaduna la socotay ,

halkaas ayaa Ambush jidgoyn loogu galay waxana u galay dadkii halganka dhabarka kala dagaalamay.

Waxaan umalaynayaa meeshaas loo galay waa dhulka Soomali galbeed, right? su'aashedydu waxay tahay yaa ugalay? ma isla qabiilka uu ka soo jeedo laffo kamida (inside job) mise qabiilo kale oo localka aad u taqaanin ******ta ayaa jidka u gashay mise amxaaro illeen cidamaddii militeriga soomaliya meelahas kama shaqayn jirine! just curious adeer JB!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^And one more q to find out, Mujahadid in my understanding means a figter(in the Somali case a fighter in any form of struggle) Fisalbilalal, so my question is, was he part of the SNM forces? Has he ever fought in a war?

 

Alla Yarxam

Share this post


Link to post
Share on other sites

As the article is saying YES he was part of the SNM forces and even before that he was part of the SSDF forces ,,,,,,,,,,

 

Yes, as far as i know he fought in many wars during this period ,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayid   

Mujaahid wuu yahay oo waa intaan SNM hadafkeedii laga leexin oo waxan maqlay 1da luulyo ladnaanay ayuu ku heesi jiray, 21ka oktoobar luufoownay iwm.

Alaha u naxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The man was fighting the Barre regime, he should not blamed for anything that happened after that point.

 

A famous man, may Allah give him mercy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xigsiimaha Daruurtiyo marbu Xaysku hoora; Nimcoy lagu Xasuusta Aduunyoy!!

Marba Xaaluf iyo Haraad Abaar laysku Xiira; Dadku Xagal wareega Xumaataa

Xidiga isdoorsho ninkii Xoolo lahaan jiray; marbuu Xaabka qaata Xistigii wax mooda

Aduunyoy Xaalkaa ba'; Aduunyoy Xaalkaa ba'

 

Aduunyo

 

 

For the Diaspora community:

 

Walaalkey Dhaqyow; Dhiigaygiiyow

Dhoofkiinu wuu; igu Dhereranyee

Wax ku Dhibaa ilaahay; ha idin Dhaafiyee

Dhulkii hooyo waa kii; Dhalashadiina waa mid

Waa idin Dhaariyee; ha is Dhalangediyina

 

Ha is Dhelin Gediyina

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

What does the word "Mujaahid imply?

 

I don't know how he died, but I finding myself singing some of his songs (lyrics; Abdi qeys):

 

"Heestaan waa xasuuso,

xubin weeye gaaro

nafteeydaan la xiqiyo,

i xanuujineeyso,

yaan xumaati loo qabin"

 

Ma xayirin danaha guud,

mana gelin xumaan ebid,

xabashina uma gelin

 

Xeebataa jabuuti,

soomali laga xaday

haddii aan xagaa tagay

ma jibinin xeerke

maxaa laigu soo xeray?

 

Agoon xoolo kama dhicin,

xog dalkeeyga ma anan bixin

xeebtaa jibouti

soomali laga xaday

ma jibinin xeerke

maxaa laigu soo xeray?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

I have it in audio, together with a real blues song

 

"walac anigoo ku seexday maxaan welbahaar la toosay"

 

i don't think you will find a link with the lyrics, it is vintage!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaan Daayo Heestaba

Haysto erayadydaba

Ama aan hubkaba dhimo

Hiyigayga gaabsado

Miyaa Lay hudhudiinoo

Hadal layga yeedhisiin

 

Also by Mohamed Mooge Liiban(IHN)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this