Sign in to follow this  
Suldaanka

Ahmed Mohamed Siilaanyo condemns the massacre in Mogadishu

Recommended Posts

Axmed Siilaanyo Oo Ku Tilmaamay Dagaalka Muqdisho ka socda Kii Hargeysa Siyaad Barre Ku Qaaday Sannadkii 1988-kii

 

Hargeysa (Harowo.com) March 30 -07- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa si weyn u dhaleeceeyey ciidamada Ethiopianka iyo Maamulka Cabdilahi Yuusuf dagaalada ay ku hayaan beelaha magaalada Muqdisho wuxuuna ku tilmaamay Axmed Siilaanyo weeradadaasi lagu hayo Muqdisho kuwa la mid ah duqayntii ay dawladdii Siyaad barre ku qaaday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Sannadkii 1988-kii.

 

 

"waxaa muqdisho ka dhacaya waa xasuuq loo badheedhay oo Cabdilaahi Yuusuf ninkaa la yidhaahdo iyo kuwa uu keenay ay ku hayaan beelaha Muqdisho, waan ka xumahay, waa ayaan darro weyn dawlad sheeganaysa inay shacabka u taliso oo haddana xasuuq ilaa heerkaasi ah ku haysa, waxaan dareemaya maanta ta muqdisho ka jirta inay la mid tahay tii hargeysa ka dhacday sannadkii 1988-kii oo diyaaradii hargeysa ka kacday ay dib u garaacayso, waxaa ku dhimanaya waa hooyooyin, waxaa ku dhimanaya waa dumar iyo caruur waxaa ku dhimanaya waa maati, waxaan hubaa in qof caqli leh oo maskax ku jirto uu maanta taasi samaynaayo, waan ka xumahay dhiigga qubanaya waan ka jidhidhicoonaya waxaan ilaahay uga beryayaa in uu ku guuleeyo halganka ay ku jiraan".

 

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye wuxuu sidoo kale ku tilmaamay Cabdilaahi Yuusuf kaligii taliye ka sii xun Siyaad Barre " Siyaad barre saleelo ayuu noqonayaa, weli dunida aynu joogno maanta lama arag nin yidhahada kaalayo shacabka aan ka dhashay ila laaya, laakiin cabdilaahi yuusuf wuxuu wadaa waa raad qabiil isagaana qoomamayn " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayey aqoon badan isku leeyahiin Cabdilaahi Yuusuf iyo wakhtigii halgankii ururkii SNM wuxuuna dhawr jeer xukuumadda somaliland usoo jeediyey in kuna cel celinayey in cadawga Somaliland ay leedahay uu yahay Cabdilaahi Yuusuf, waa hadalkii ugu kulula ee ka soo baxa siyaasi somalilander ah oo lagu canbaraynaayo falalka Cabdilaahi Yuusuf iyo Ciidamada Ethiopianku ay ku hayaan dadka dega magaalada Muqdisho.

 

dhinaca kalana magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dagaaladii ugu cusla ee abid ka dhaca magaalada Muqdisho sida ay xaqiijisay Ururka Laanqayrta Cas ee dunida waxaana la sheegaya in 200 oo qof ay ku dhaawacmeen halka 80 kalana ay ku dhinteen, dagaalada ayaa weli caawa ka sii socda magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warsaxaafdeed ay soo saareen Xisbiga UCID

 

Justice and Welfare Party (UCID)

 

PRESS RELEASE

 

March. 31st, 2007 Hargeisa, Somaliland.

 

Waxa xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka UCID aad uga xun yahay sida fooshaxun ee ka baxsan dhammaan shuruucda jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa iyo xeerarka xuquuqal insaanka ee Geneva Convention ee lagu xasuuqayo dadweynaha aan waxba galabsan ee reer Muqdisho ee dalka Somaliya.

 

Ma jirto sabab lagu qanci karo si loo adeegsado xasuuqa isirka ku salaysan ee ka socda maalmahan magaalada Muqdisho, waxaana ku tilmaami karnaa maamul dadkiisii dagaal kula jira oo na xasuusinaysa xasuuqii ka dhacay Somaliland ee ay u geysatay regime-kii Siyaad Barre oo sababay dhimasho iyo barabax laxaad leh ee ka dhacay Somaliland sannadihii siddeetanaadkii.

 

Wuxuu na xasuusinayaa oo kale diyaaradihii ka kici jiray garoonka diyaaradaha Hargeisa ee lagu garaaci jiray dumarka iyo carruurta, looguna marmarsoon jiray la dagaalanka dad ka soo horjeeda dawladda.

 

Markaas dadkan sida naxariis darrada ah loo laynayaa waxay keeni doontaa in dadka reer Muqdisho ka xanaaqaan magac Somalinimada, kuna kallifto inay ka goostaan Somaliya ugu dambaynta oo ahayd sidii Somalilandna ku kalliftay inay maamul madaxbannaan samaystaan.

 

Waxa kaloo xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID uu cambaaraynayaa caqliyadda kornayl Cabdillaahi Yuusuf ee ku salaysan xoog iyo muquunin iyo in beeli xoog ku qabsato beel kale oo Somaliya ah iyadoo la iska indho tiraayo dhammaan shuruucda adduunka iyo xataa qawaaniinta asaasiga ah ee diinteena suubban.

 

Waxa Xisbiga UCID ugu baaqayaa dhammaan ururada caalamka, jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa, AU-da, EU-da iyo Jaamacadda Carabta inay si degedeg ah u soo farageliyaan una joojiyaan xasuuqa ka socda magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Isla marrkaana lagala noqdo ictiraafka la siiyey maamulkii Mpgati lagu soo dhisay.

 

Waxaannu kaloo ugu baaqaynaa dawladda Itoobiya inaanay marna daraf ka noqon qaybaha ku dagaalamaya Muqdisho, isla markaana ay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo Somaliya.

 

 

 

Alla mahad leh.

Ing. Naasir Xaaji Cali Shire

Xooghayaha siyaasadda ee Xisbiga UCID.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Qof kastaa oo miyarkiisu taam yahay ayaa ka danqanayo waxa maanta magaalada Muqdisho ka dhacaya, Siilaanyona waa nin soomaaliyeed garankarana dhibka maanta taagan.

 

 

Go figure:.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Alley lehe Siilaanyo waa rag ah! Oo uu dhiig Muslinimo iyo Soomaalinimo ku jiro! Allaa Yacizak!

Raggu kala duwanaa!

kala damiir wanaagsanaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

I support Silanyo's his bid for presidence of Somaliland however I don't support his comments of Abdullahi Yousuf. I do believe Abdullahi is not the only person behind this war in Mogadishu, go and fegure out! ask yourself where are other mogadishu leaders such as Ali Mahdi Mohamed, Xusseen Aideed, Cusmaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

The blame for the war in the south and all the dead somali's in the south lies at the feet of one man and that is that money hungry ******* Cabdulahi yusuf. i think his sole intention now is the elimination of the majority clan in Muqdisho which he despises and i think he will try his hand at attempting a genocide like siyaad barre did to my people in the north. the future is grim for the people in the south as long as this man is alive

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Condemning this indiscriminate shelling of residential areas is the least any person with an ounce of decency can do.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Originally posted by Paragon:

Alley lehe Siilaanyo waa rag ah! Oo uu dhiig Muslinimo iyo Soomaalinimo ku jiro! Allaa Yacizak!

Raggu kala duwanaa!

kala damiir wanaagsanaa!

He is no Coward like Riyaale, He obviously doesn't care what Melle thinks of his condemnation. Riyale simply is sycophantic.

 

 

This war, though tragic, and if won completely, will benefit all somalis including Puntland. Ethiopia will think twice again before it wages a war inside a somali town on behalf of a favoured warlord.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahmed Guree,

 

How did you come to that conclusion then? you know your moronic thinking doesnt stop reaching new levels does it?

 

Silaanyo is an honourable man and if he criticises A yusuf for what he is doing in the south then that is the most comendable and un-gabiilist thing he can do in the present situation.

 

You need a reality check because your clanninst tendencies are rotting the few brain cells that you had left

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Good for Silaanyo. Silence would have meant that Somaliland doesn't care of whta is happening in Southern Somalia. I am glad that someone finally stood up and said something.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by A.J. Timacadeh:

Ahmed Guree,

 

How did you come to that conclusion then? you know your moronic thinking doesnt stop reaching new levels does it?

 

Silaanyo is an honourable man and if he criticises A yusuf for what he is doing in the south then that is the most comendable and un-gabiilist thing he can do in the present situation.

 

You need a reality check because your clanninst tendencies are rotting the few brain cells that you had left

silaanyo is only honourable to you .

we well know of ethiopians interferance with Somaliland politics way before even Puntland got involved.

 

The descrimination and exploitation faced by Somalis who are non Somalilanders in hargeisa or berbera.

these folks are treated in pathetic way while the Xabashi there are treated better off.

The Berbera port is partialy under Meles who pay no peny for its usage.

 

So you see he has to cleanup his house before he shades crocodile tears to the people of Mogadishu.

 

If silanyo has real balls let him condemn Meles

not C/Yussuf.

Walee Xaar kulul bu sidheyni.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

did silanyo condemn A/Yussuf or the Ethiopioans?

If it is the former then he is a bloody qabilist.

 

sxb waxaa kugujira cuqdad xun.First you need to listen if not read well the speech by Siilanyo. He clearly mentioned and condemed the Unjustified air raids conducted on Xamar.So do you wana tell me that the air raids was done by A/y or the handicaped TFG?.Unlike many who justified the air raids conducted On Hargeysa in 1988.This man condems the ongoing Genocide taking place in Mogadishu. The other thing with you is that i Fail to understand this qabiil sickness going on with you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this