Sign in to follow this  
Liibaan

Xaflada Dabaaldagga iyo Damaashaadka Sanad Guradii kowaad ee Halganka Hogaanka SSC

Recommended Posts

Liibaan   

Nabad-flag.jpg

 

 

Soo dhawaynta Xuska Hogaanka SSC iyo Ujeedada loo unkay

 

Oct 14, 2010

 

UK(Riinji.com)Qormada manta waxa ku bilabayaa marka hore magaca Alle ee naxariista guud iyo mida garka ah ba naxariista ,an u soo noqdo su'aasha ah maxaa kenay SSC.....

 

SSC waxa ka dhalatay kacdoon ka yimi shacabka deegaanka Gobolada SSC oo ku jiray dhibato an kala go'o lahayn labatankii sannadood ee ugu danbeyey iyaga oo loo kala qaybiyey hab beelaysan oo ay ku heshiiyen labada maamul ku sheeg ee dhinacyada ka xiga deeganka beeshu degto iyadda oo hayadaha caalamka iyo dawladaha deeqda bixiya ay u gudbiyen in aney deeganadasi nabad ahayn oo an la tegi karin. Akhristow waxad ogata in ay mar walba ay adeegsadaan kuwo u dhashey deeganka laga hor joogo horumarka iyo nolosha ay ku haystan deeganadoda mid la mida ah in ay gadhaan lagana sameyo been abuurka an radka lahayn marmarka qar waxaba dhacda in kuwa u dhashey deeganka la yirahdo dhib ka abura deeganka oo ay isku layaan wiilasha da'a yarta ah hab beelaysan si loo kala dhex dhigo utun beeesha SSC dhexdoda oo aynan talo isugu imaan waxayse meesha ka saren in Allaha awooda leh u isagu konka xukumo iyo dad u dhashay dhulkana aysan ahayn afarta iyaga ag jogta ee ay leyihiin qaybah bulshada oo dhan ayna keentay in la sameyo Hogaan ay u dhantahay beesh SSC inteda cafimaadka qabta. SSC yey dan u tahay SSC waxay dan u tahay qof kasta oo ka mid ah beesha degta deganka ha ahado Siyasiyiin ,SHacab,DHalinyaro , Caruur ' Jilasha inaga denbeya oo ay noqoneyso beer an u aburney iyo Deganka laftigisa oo ad modid in ay faro ba'an ku hayaan beelaha derisyada ah oo manta aysan jirin wanag iyo walaalow idaa lakiin ay jirto in la isku tix geliyo awooda ad ledahay iyo midnimadada . SSC yaa tagera 80% waa dhalinyo da'adodu ka yartahay 1960 oo ku dhalatay xoriyad oo aminsan Dadkoda iyo Dalkood oo ay hogaminayaan Alla ha xafido labo Garaad Jamac oo labadu ay isku darsaden aqoon Maadiya iyo mid Diniya labadaba waxana u dheer wayo Aragnimo iyo DHul marnimo oo iyada laftedu ah aqoon. Waxan u hambalyeynaya una mahad celinaya dhalinyarada SSc ee isu tagey ka dhabeynta soo celinta karamadii ay beeshu ku lahayd Somalida dhexdeda waxan idin sheegaya waxa wax badela ama kacdoon sameeya waa dhaliyarada waxana loo bahanyahay in an tagerno cidkasta oo dhalinyaro ama wayel ah oo wada danta SSC waxan idinka codsanaya in an ka hor tagno cid kasta oo ka soo hor jeeda wax noqoshada dadkena iyo degankena haddu dono ha u dhasho SSC. Waxa jira akhiyaar badan oo leh isimo iyo aqonyahano ah da'ada ka weyn 1960 oo wada dadaal la mid ah midka dhalinyarada oo an marnaba la ilawi kari ,waxa iyana jira dad dhibato ku haya shacabkoda oo aminsan in aysan ku nolan karin caro SSC oo ku qanacsan in ay ka tugsadaan beelaha kale ee la midka ah waxana halqabsi u ah rer Ssc keligood ma istagi karan waxan u shegaya war waxa la baryaa Galada ee majiro labada beelod ee ad hos jogtan mid ay beeri u godo ama batrool haysata ee dhibatada ka daya dadkina iyo mamulkiina lama huran waa cawska jilal. wa bilahi tawfiiq.

 

Riinji.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Zack,

 

Waad ku mahadsantahay walaaltinimada aad muujisay

 

Viva Western Somalia/ONLF, Viva SSC,

Viva SomaliWeyn/All Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Sidee shacabka Buuhoodle u xuseen Sanadguuradii 1aad ee Hogaanka SSC

 

c-150x150.jpg

 

Waxaa maanta ka dhacay magaalada buuhoodle ee xarunta maamulka SSC munaasabad balaadhan oo lagu mamuusayo sanad guurada 1aad ee SS oo

 

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qayb gala dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Buuhoodle, waxaadna dadwaynihii goobtaasi isuugu yimid wajigooda ka dheehan karaysay farxad iyo raynrayn iyagoo isuugu hambalyaynayay sanadkan sanadkiisa inay nabadqab ku gaadhaan.

 

kubeegan maanta oo 16 oct ee 2010 sidoo kalana lagu taageerayo raysal wasaaraha cusub ee Dalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed.

Intii ay socotay munaasabadaasi ayaa waxaa hadalo halkaasi kasoo jeediyay masuuliyiin kaladuwan kuwaasi oo intooda badan hambalyo

udiray Shacab waynaha reer SSC meel kasta ay joogaa sidookalana soo dhaweeyay Raysalwasaaraha cusub ee Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed.

 

Gabo gabadii munaasabadaasi ayaa dadwayanahan banaanbaxayay waxay socdaal lug ah kusoo wada mareen wadooyinka waawayn ee dhexmara

magaalada buuhoodle kuwaasi oo ku dhawaaqayay halku dhigyo kala duwan oo ay kutaageerayaan maamulka SSC somaliya. Sawirada Goor Dhaw ayaan idiin soo gudbinaynaa idanka ilaahay

 

DSC003661.jpg

 

DSC003294.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Maamulaka SSC Oo Xalay U Dabaal Degay Sanad guuradii 1aad+sawiro.16-10-2010

 

3.jpg

 

Nairobi:(X.M.Net):-Xaflada si weyn loo soo agaasimay oo ay Maamulka SSC ugu dabaal dagayeen Sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay tan iyo markii la’aas aasay maamul SSC.

 

Xafladaasi oo K dahacday Hoolka weyn ee SIR ali Club ee Magaalada Nairobi e dalaka Kenya .

 

Xafladaa ay waxaa ka soo qeyb galay Dhaamaan xubnaha jaalaiad Nairobi ee SSC oo si heersre ah ugu labistaa Clamaka buluga ah e dhexda ka Xardhantahay xidigta Shanata geesood leh oo ay ka dhex muuqato astaanata Maamulka SSC.

 

Xafladaasi oo ay ka soo qeyb galeen Madaxda Maalmulaka SSC iyo Xubnaha jaalaiaya ee ku sugan magaalada nairo iyo Marti sharaf aad u afarabadan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiya Ururka Dhalaianyara Saxafiyinta Soomaaliyeed Mudane Faran Cabdulahi Catosh oo Qudbad aad u soo jiidatay Dareenkii Jaaliada SSC Rereyaii Catoosh ee Dhaxal galaka ayaah waxaa kamiada ah” Maamulka SSC waxaad u taqanaan Sool Sanaag Iyo Ceyn laakiin aniaga Waxaan u aqanaa Soomaalinomo Sinaan Cadaalad” hadalkaasi oo soo jiitay Dhamaan Dareenkii Xubnaha Jaalaiayad Nairobi ee SSC.

 

Ugu dameytiii waxaa qadka Teleefoonka ku lahadalay Xubanaha Jaaliada SSC madaxweynaha SSC Mudaned suleebaan ciise ahmed kaar (xaglo toosiye ) iyo afhayeenka SSC ahmed mohamed xasan (gacmayare ) oo dhamaantaoaad si wanaagsan uaga warbixiye Xalaada ay ku suganyihiin Gobolada sool Sanaag iyo Ceyn islamarkaana Halmbalyo Udiray Umada Reer SSC meelkasoo aya dunida kaga Noolyihiin.

 

Si kastaba ha ahaatee Xadladaani ayaa ku soo idlaatay jawi macaan oo aad u degan kaasoo ay ku dheehantahay farxad iyo reen reen.

 

 

13.jpg

6.jpg

2.jpg

3.jpg

 

Xafiiska Warqabadka Nairobi.

 

XANANO-NEWS

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Happy Birthday SSC

 

 

Hambalyo Hambalyo Dhamaan Shacabka SSC Sanad Guuro wacan, Kulu caam wa antum bil khayr

 

 

Waxaan Allah weyn ka baryanaa kna rajeenanaa in sanadkan sanadkiisa aynu ku gaadhno Guul, Gobanimo, xoriyad, nabad, horumar, bashbash iyo barwaaqo,

 

Waxaynu Allah uga mahad celinaynaa midnimada aynu haysano.

 

Long Live SSC

 

Long Live United Somalia

 

 

Thank you Liibaan, for your positive contributions

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this