Sign in to follow this  
Paragon

Fadeexad Diblomasiyadeed oo Shalay Ka Dhacday Madaarka Hargeysa

Recommended Posts

Paragon   

Fadeexad Diblomasiyadeed oo Shalay Ka Dhacday Madaarka Hargeysa

 

 

Hargeysa(Geeska) Des 23, 2009 -Fadeexad diblomaasiyadeed nooceeda tii ugu saraysay ayaa shalay ka dhacday madaarka Hargeysa, ka dib markii weftigii ka socday dalka Kenya lagu qaabilay calan aan ahayn calankoodii.

 

Waxa shalay magaalada Hargeysa socdaal ku yimid wefti uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Mudane Faarax Macalin. Weftigaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa, ayaa waxa soo dhawayntooda ka dhacday fadeexad martidii madasha joogtay badankeeda ku abuurtay naxdin kuna noqotay amakaag.

 

Weftiga ayaa markii loo gelbiyay dhinaca qolka martida ee madaarka Hargeysa, waxa la fadhiisiyay kursi loogu tallo galay, kaas oo halkii la dhinac dhigi lahaa calanka dalkiisa ee Kenya la dhinac dhigay calanka dalka Itoobiya. Hase yeeshe markiiba si deg deg ah ayaa calankii Itoobiya looga qaaday madashii weftiga lagu soo dhaweeyay, iyadoo ay sidaas amreen masuuliyiin Somaliland ah oo madasha ku sugnaa, kuwaas oo dareemay khaladka diblomaasiyadeed ee dhacay. “Waar miyaad iska soo qaadeen bahalka miyaydaan eeginba.” Sidaas waxa isagoo khaladka dhacay ka damqaday yidhi mid ka mid ahaa masuuliyiintaas.

 

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya iyo masuuliyiinta Somaliland oo ay ka mid ahaayeen shirguddoonka golaha wakiiladu midna ma soo hadal qaadin khaladka diblomaasiyadeed ee dhacay, laakiin guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya ayaa markii calanka la qaadayay wejigiisa laga dareemay sida uu uga xumaaday waxa dhacay.

Inkastoo ay ahayd khalad si dabiici ah u dhacay oo u muuqday inaan loogu tallo gelin lagana wada xumaaday sida muuqatay, haddana waxa hubanti ah inay tahay fadeexad, waxaana ka mid tahay waxyaabaha turqa xidhiidhka dalalka dunida.

 

Hay’adaha qaban qaabada iyo soo dhawayna wufuudda u qaabilsan dawlada Somaliland, waxa waajib ku ah inay si degen uga diyaar garoobaan qaabka ay u waajahayaan soo dhawaynta wufuudda dalka soo booqanaysa, taas oo haddii loo dhiibo dad aan xil kas ahayn halis gelin karta xidhiidhka dalka soo booqanaya iyo danta uu ka leeyahay Somaliland.

 

Dhawaan, ayaa waxa xidhiidhka dalalka Suuriya iyo Faransiiska halis geliyay calan khaldamay, ka dib markii Madaxweynaha Suuriya oo booqanayay Faransiiska lagu soo dhaweeyay calankii hore ee ciraaq hore oo ay isku muuqaal dhow yihiin calanka suuriya, taas oo kicisay xaraarada xidhiidhka siyaasadeed ee labada dal.

 

Source: www.geeska.net

 

 

Copyright © 2009 Wardheernews.com

 

-----------

 

A little counter-propaganda wouldn't harm, eh? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^^^They're fiercely pro Kulmiye news portal, so they do anything in their power to thrash the current regime. At times, I concur with their positions, but this one is made out of thin air.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A better term might have been "siyaasad" rather than "cuqdad".

 

Nonetheless, I commend Somaliland.org for its fierce independence and courage to taking on topics that would otherwise be ignored by the robotic media. Encouraging and soliciting fair and responsible reporting is one of the ways to serving the state in good health. We all may have different thoughts as to what constitutes “loyalty to country”, but I am pleased that Somaliland media is finally embracing certain elements other media outlets primarily those of Puntland have been practicing for years.

 

There is a saying in Puntland that "haddii shibiri dhuusto shacabka dhexdiisa, shabakad baa lagu soo sharixi sheex la'aan". :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

There is a saying in Puntland that "haddii shibiri dhuusto shacabka dhexdiisa, shabakad baa lagu soo sharixi sheex la'aan".

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Libaax,

 

This incident is not true. However, the Somaliland media has never had the same voice. Some are pro Udub like Qaranews, some are against it like hadhwanaagnews, Somaliland.org, and others are neutral like Geeska Afrika and Jamhuriya. So there is a balance in the Somaliland media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this