Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him

Recommended Posts

Waraysi: Caaqil Cabdillaahi Maxamed Dheeg-(Maqal)-

Lasanod Online. Tuesday, November 02, 2010

 

 

 

 

 

 

 

WidhWidh,(lasanod Online)- Caaqil Cabdilaahi Maxamed Dheeg o ka mid ah Cuqaasha beesha Widhwidh ayaa waraysi uu Siiyey Xargaga ku sheegay in Beeshu La Heshiisay maamulka Somaliland.

 

 

Caaqilkan oo kamid haa cuqaashii sida xoogan u taageeri jirtay Hogaanka SSC ayaa waraysigan kaga hadlay waxyaabaha bedelay Mowqifkiisii hore.

 

 

 

Halkan Ka Dhegayso waraysigii Caaqil C/llahi

 

 

 

 

 

Source: Xargaga

Share this post


Link to post
Share on other sites

WidhWidh,(lasanod Online)- Caaqil Cabdilaahi Maxamed Dheeg o ka mid ah Cuqaasha beesha Widhwidh ayaa waraysi uu Siiyey Xargaga ku sheegay in Beeshu La Heshiisay maamulka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

There it goes another cheap lie - that the Garaad was alone in this and there were no Aqils with him in this peace conference between the G-Garaad subclan and SL Administration.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Widhwidh: Go’aankii Weftiga Somaliland iyo Giriifkii Madax-dhaqameedka Gobolka Sool

 

 

Wefti uu hogaaminayo wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa shalay gaadhay degaanka Widhwidh oo lagu wado inuu ka furmo wadahadal nabadeed oo u dhexeeya Xukuumadda iyo dadka degaanka gobolka Sool. Sida ay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, weftigan oo ay ka mid yihiin guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Wakiilada, wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir, Fu’aad Aaden Cadde, Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale, waxay degmada Widhwidh gaadheen abaarro 4:30 galabnimo.

 

Warku wuxuu intaa ku daray, in dadka degaanku aanay ka warqabin waqtiga imaanshaha weftigaas. “Sababo amaan dartood, weftigu wuxuu doorbiday inay ka dul degaan iyadoon wax war ah laga haynin. Inkastoo la ogaa inay degaanka imanayaan, haddana cidi ma ogayn waqtiga ay gaadhayaan Widhwidh,” sidaa waxa yidhi masuul magaciisa ka gaabsaday oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal.

 

“Soo dhawayni may jirin, maadaama oo aan laga warhayn xilliga imaatinkooda. Balse, dugsiga waxbarashada Widhwidh ayaa Aloollo lagu soo dayray, isla markaana si wanaagsan loo rusheeyay, kuraasina loo sii dhigay weftiga,” ayuu raaciyay. Siday ilahaa xogogaalka ahi tibaaxeen, weftigu markii uu ilaa 20 daqiiqadood joogay Widhwidh, waxa uu dalbaday in la gudogalo wadahadalka nabadeed ee gogoshiisu taalo.

 

Hase yeeshee, dadka degaanka ayaa ka horyimi dalabka weftiga Somaliland, kuwaasoo sheegay in wadahadalku ku fiican yahay inuu maanta furmo. “Gogoshan anigaa fidiyay, Madaxweyne Axmed Siillaanyo-na waa kii ku dhawaaqay inuu gogol fidinayo. Markaa taas uun baanu qaadanay anagu, sidii uun baananu gogoshan ku fidiyay,” sidaana waxa yidhi garaad Abshir garaad Faarax oo ka mid ah Madaxdhaqameedka gobolka Sool.

 

Garaadka ka hor, waxa halkaas hadalo kooban ka jeediyay qaar ka mid ah Isimada gobolkaas, kuwaasoo hadalkoodu ku koobnaa isbarasho guud iyo in wadahadalku yahay mid ay soo dhawaynayaan. “Wixii dambena shirku wuu inoo furmayaa,” ayuu raaciyay garaad Abshir oo aan waqti u cayimin furitaanka shirkaas.

 

Sida warku sheegay, weftigu waxay hadalkaas ku qaateen mid guudmar ah oo aan si toos ah uga tarjumayn gudogalka wadahadalkaa nabadeed. “Horta, waxaanu doonaynaa shirkan aad xidheen ee aad laasheen ee aad ku soo koobteen ‘wuu inoo furmay uun’ waqtiga oo nagu cidhiidhi ah awgeed iyada oo aanay nagu jirin wax baqdin ah oo aanu gurigayagii joogno, haddana waxaanu idiin cudurdaaranaynaa inuu shirkaasi galabta furmo oo aanu idinka codsanaynaa, aniga oo ku hadlaya afka xukuumadda Somaliland iyo afka weftiga intaba,” sidaana waxa yidhi guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo kelidii ka hadlay dhinaca weftiga dawladda Somaliland. “In galabta (shalay galab) uu shirkaasi furmaa maaha mid na qancinaysa,” sidaana waxa la sheegay inay ugu jawaabeen ilaa saddex ka mid ah madaxda dhaqanka bulshada degankaas oo hadalka iska daba maray.

 

Hase yeeshee, waxay balanqaadeen in shirkaas oo Salaasada maanta ka furmaya Widhwidh aanu noqon doonin mid daba dheeraada, culaysna ku keena cudur-daarashada dhinaca waqtiga ee weftiga wasiirka Daakhiliga Somaliland. Sidaa aawadeed, waxa la sheegay in taasi sababtay in gudogalka wadahadalkaas maanta loo riixo, iyadoo weftigu xalay u hoydeen tuulada Widhwidh ee subaxnimada shirku ka furmayo.

 

Dhinaca kale, siday tibaaxeen wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay Widhwidh oo ka tirsan degmada Buuhoodle, waxa jira dareen cabsi leh oo ka jira degaankaas, iyadoo ciidanka Qaranka ee fadhigoodu yahay aaggaasna heegan la geliyay.

 

Dhinaca kale, guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka hor intii aanu shalay ka ambabixin magaalada Burco warbaahinta la hadlay, waxa uu faahfaahin ka bixiyay wadahadalka nabadeed ee la filayo inuu ka furmo tuulada Widhwidh. “Xisbiga KULMYE intii aanu ololaha bilaabinba wuxuu ku baaqay inuu maamulada gobollada Sool iyo Sanaag in nabadayn laga bilaab, socdaalkayagani wuxuu daba socdaa baaqaa,

 

Markii dambe ee madaxweynuhu ku guulaystayna wuxuu ku baaqay in gobollada bariga ee Sool iyo Sanaag la nabadeeyo, guddi ayuu magacaabay oo toban xubnood ka kooban wasiiro, Baarlamaanka iyo Lataliyeyaasha Madaxweyne ay ka mid yihiin laba xubnood oo weftiga ka mid ahaa Xajka ayey tageen, waxaa imika halkan maraya siddeed xubnood oo guddidaa ka mid ah, waxaanu ka turjumaynaa baaqii Madaxweynaha Somaliland uu ku baaqay,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

 

Wuxuuna intaa raaciyay; “Deegaan kasta iyo qof kasta oo wax tabanaya guddidu waxay diyaar u tahay inay meesha ay doonayaan ugu tagto, waanay ugu tegaysaa, waanay la wadahadlaysaa, cidii loo arko inay munaasib u tahay nabada ayaa lala hadlayaa odayaal ha noqoto, Madaxdhaqameedyo ha noqoto, siyaasiyiinta gobolka ka soo jeeda ha noqoto ama qurba-jooga banaanka jooga ha noqdaan, markaa waa la sheegi doonaa gogosha cida ka soo qayb galaysa.

 

Madaxweynuhu markuu gogosha fidiyey baaqii Isimada reer Sool iyo Sanaag way ka soo jawaabeen, gacmo furan ayey ku soo dhaweeyeen, anaguna waxaanu qabnaa in la wadahadlo, waana la wadahadlayaa, waxaananu qabnaa in qofkasta dan u tahay nabadu, Isimada iyo siyaasiyiintuba baaq ayey ka bixiyeen inay nabada taageerayaan, gogoshana ay diyaar u yihiin.”

 

 

Wargeyska Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Qolada *********** Ee Aanu Walaalaha Nahay Waxaan Leeyahay Cida Dhimanaysa Ee Labada Dhinac Ka Dhimanaysa Waa Idinka Qoriga Iska Dhiga Oo Nabada Qaata, Madaxweynaha Axmed Silaanyana Waan lahadlay...Waraysi Xildhibaan Maxamed Bulqaas.

 

 

HALKAN KA DHEGEYSO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Go,aamo ka soo Baxay Shirka Widh-widh .

 

Burco-(TogdhNews)- Shirkii ka Socday Magaaladda Widh-Widh ee u Dhexeeyay Xukuumadda Soomaaliland

 

iyo Madax Dhaqameedka Degaankaasi, oo la filaayo in uu maalinta Berito soo gaba gaboobo ayaa labada Dhinac isla Gaadheen Go’aamo ka kooban Dhawr qodob.

 

Sida ay u Xaqiijiyeen Jamhuuriya Xubno ka mida Waftiga Xukumada ee Shirkaasi ku sugani ayaa Qodobada Go’aamada la isla Gaadhay ee ka soo baxay Shirkaasi Waxa ka mida.

 

1- In la Adkeeyo Nabadda Si Wada jirana looga Wada Shaqeeyo

 

2- In la Fidiyo Gogosha Nabadeed oo anay ku Eekaan Degmo , Gobo l ee ay wada Gaadho Beel waynta gobolada sool sanaag bari

3- In La Fidiyo Maamul , Isla markaana la Balaadhiyo Barnaamijyadda Horumarineed ee laga Fulinaayo Deegaankaasi.

 

4- In Xukumadda Soomaaliland Mag Dhaw ka Bixiso Dadki Shicibka ahaa eek u Dhintay Dagaaladii ka Dhacay Wakhtigii Xukuumadda Rayaale.

 

5- In Ciidanka Qaranka eek u Sugan Degaankaasi Wada Shaqayn Wanaagsan la Yeeshan Bulshadda Deegaanka.

 

Togdheernews.com

 

Burco Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its a shame that secessionists are now insulting whole clans and their elders. But those who thought that you could live under a Hargaysa run by the likes of Siilanyu with dignity are getting their just deserts..

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know yall upset coz dagaal baa dhici waayay oo dad baa dhiman waayay .....

 

I told Xiin long time ago inaan soo dhawaynta Garaadada u diyaar garoobayo ... haduun bay bilow tahay halkaasaanay ka soconaysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Jacaylbaro:

I know yall upset coz dagaal baa dhici waayay oo dad baa dhiman waayay .....

 

I told Xiin long time ago inaan soo dhawaynta Garaadada u diyaar garoobayo ... haduun bay bilow tahay halkaasaanay ka soconaysaa.

Puntland want war becoz they like to see sool people suffer. Somaliland we love Sool and sanaag. WE are not like puntland and kill our people like that. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Originally posted by General Duke:

Its a shame that secessionists are now insulting whole clans and their elders. But those who thought that you could live under a Hargaysa run by the likes of Siilanyu with dignity are getting their just deserts..

Duke, honestly it is Faroole's fault, his actions are the cause of all these evils, he is agent :D , i thought in PL your spouse has to be somali citizen; this is what happens when you ignore the constitution, so intay goori goor tahay odayga and his VP hala cayriyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this