Sign in to follow this  
General Duke

Ceelbuur: Al Shabaab lose more ground to Ahlu Sunna?

Recommended Posts

Dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo Ahlu Sunah oo ka socda Degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud.

 

Dagaal ayaa ka bilowday Degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud, halkaasoo mudooyinkii u dambeeyay ay gacanta ku hayeen Xoogaga taabacsan Ururka Alshabaab.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa u dhaxeeya Xoogaga Alshabaab iyo Maleeshiyaad taabacsan Dariiqada Ahlu Sunah Waljamaacah oo gacanta ku heysa inta badan Gobolka G/gaduud.

 

Dagaalka ayaan ilaa iyo iminka laga heyn faah faahin, hase ahaatee waxay wararku sheegayaan in xaalada degmada ay cakiran tahay, isla markaana qadkii isgaarsiinta Degmada uu yahay mid aad u xun, waxaana dagaalka uu soo gaaray ilaa caawa maqribkii.

 

Ilaa iyo hada ma jirto cid ka hadashay dagaalkaas ka socda Degmada Ceelbuur, iyadoona wararku ay sheegayaan in dagaalka uu ahaa mid ay soo qaadeen Maleeshiyaadka Ahlu Sunah oo xurguf weyn u dhaxeysa iyaga iyo Alshabaab.

 

Dagaalkan ayaa daba socda dagaalo horay ugu dhex maray Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay gacantooda gashay Xoogaga Ahlu Sunah Waljamaacah oo haatan u muuqda inay isku ballaarinayaan inta badan Gobolkaas.

 

Wixii warar iyo macluumaad ee ku saabsan dagaalkan ka socda Ceelbuur kala soco wararkeena dambe

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka dhacay Degmada Ceelbuur oo ay Xoogagga Al-shabaab u awood sheegteen maleeshiyaad weerar ku soo ahaa

Posted to the Web Mar 14, 20:01

 

 

Ceelbuur:-Dagaal Xoogan oo khasaaro fara badan uu ka dhashay ayaa waxaa uu dhex maray Xoogagga Al-shabaab iyo koox maleeshiyaad beeleed ah oo lagu soo abaabulay magac dariiqada Suufiyada.

 

 

Dagaalkaan ayaa waxaa galabta uu ka qarxay deegaanka Wabxo oo hoos tagta Degmada Ceelbuur ee Gobolka Gal-gaduud, Dagaalkan ayaa waxaa uu socday saacado badan ,Xoogagga Al-shabaab ayaa iska caabiyey maleeshiyaad rabay in ay la wareegaan fariisamahooda.

 

 

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii sirdoonka Al-shabaab ay ka war heleen col ku soo wajahan kana yimid Guriceel waxaan ay daba gal ay ku sameeyeen fashiliyeen dagaal xooggan oo ay maleeshiyaad beeleed la soo abaabulay ay rabeen in ay ku qabsadaan Degmada Ceelbuur.

 

 

Sarkaal u hadlay Xoogagga Al-shabaab ayaa u sheegay saxaafada in ay fashili yeen shirqool la soo abaabulay khasaaro xooggan ay u geysteen maleeshiyaad kii la soo abaabulay.

 

 

Ciidanka Al-shabaab ayaa ka furtay tikniko dhow ah oo aan ilaa hadda aan la aqoon qiyaastooda walow warar hordhaca ah oo soo gaaray warqabadka Halgan ay sheegayaan in ilaa 4 gaari oo Tikniko ah ay la wareegeen xoogagga Al-shabaab.

 

 

Ciidankii Maleeshiyaadka ee ka yimid dhanka Guriceel ayaa waxaa la sheegayaa in ay sii baacsanayaan ciidanka Al-shabaab oo dhamaan kala wareegay fariisa mihii ay dagaalku ka dhaceen,maleeshiyaadka ka yimid Guriceel ayaa kala fir xaday ilaa haddana lama yaqaan meel ay ku sugan yihiin.

 

 

Wixii warar ah ee Dagaalkan ku soo kordha kala soco Halgan.net

 

A/cawaale

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

12 killed as Al Shabaab and Ahlu Sunnah battle in central Somalia

 

15 Mar 15, 2009 - 1:39:02 PM

DHUSAMAREB, Somalia Mar 15 (Garowe Online) - At least 12 people were killed in fierce battles that erupted in central Somalia on Saturday and continued into Sunday, Radio Garowe reports.

 

The fighting sparked after militias loyal to the clan-based Ahlu Sunnah Wal Jamee'a attacked a town in El Bur district, in the southwest of Galgadud region, local sources reported.

 

 

Witnesses in Wabho town, where the fighting was concentrated, said most of the dead victims were fighters on both sides.

 

But at least one female civilian was killed in the crossfire, according to villagers.

 

Eight people were wounded in the battle, which lasted for hours as fighters regrouped and reinforcements.

 

It was not immediately clear who had the upper hand in the battle, but the latest reports indicate that hundreds of residents are fleeing the area.

 

Al Shabaab and Ahlu Sunnah militias have battled for control over Galgadud region since late 2008, when Ahlu Sunnah fighters forced out Al Shabaab.

 

There are growing concerns of renewed violence as both groups sent reinforcements to the area.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ayaa saaka mar kale saaka dib uga qarxay deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud, halkaasoo shalay ilaa xalay dagaalo ku dhex mareen Xoogaga Alshabaab iyo Maleeshiyaad taabacsan Culumaa'udiinka Suufiyada ee Ahlu Sunah Waljamaacah.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan oo daba jooga dagaaladii dhowaan Gobolka G/gaduud ku dhexmaray labadaas dhinac ayaan faah faahin rasmi ah laga heyn, inkastoo dagaalka uu markii hore ka dhacay Tuulo u dhow Ceelbuur oo lagu magacaabo Wabxo.

 

Dagaalada saaka dib uga bilwoday tuulooyin ku dhow dhow Ceelbuur ayaa la sheegay inay geysteen dhimashada ugu yaraan 10 ruux oos ida la rumeysan yahay ay ku jiraan dhinacyadii dagaalada.

 

Waxaa xadidan wararka laga heli karo dagaalada, maadaama qadka isgaarsiinta uu yahay mid aad u xun, waxaana Saraakiil u hadashay Dariiqada Ahlu Sunah Waljamaacah ay sheegeen in dagaalka ay ku jabiyeen Kooxda Alshabaab.

 

Dagaalka ayaa u muuqda mid ku sii fidaya Deegaanada Goboka G/gaduud, waxaana cabsi laga qabaa in dagaalo kale ay ka sii qarxaan deegaano hor leh, waxaana barakac xoogan uu ka bilowday Degmada Ceelbuur iyo tuulooyinka ku dhow dhow.

 

Horay ayay labadan dhinac dagaalo ugu dhex mareen Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, kaasoo aaqirkii shabaabka looga itaal roonaaday lagana wareegay gacan ku heynta labadaas degmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo ka socda qeybo ka mid ah gobolka Gal-gaduud.

(Mogadishu, Axad, Maarso, 15, 2009, (Hornafrik Media)

 

Xaalada deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen gobolka Galgaduud ayaa saaka kacsan halkaasoo ay ka soo baxayaan warar ku saabsan in wali ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda oo kala ah Urur Diimeedyo hore ugu dagaalamay gobolkaasi kuwaas oo kala ah Al shabab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

Dagaaladan oo qarxay shalay galinkii dambe kadib markii sida la sheegay ciidamo taabacsan Ururka Ahlu sunna waljamaaca ay gaareen deegaanka wabxa ee gobolkaasi, ayaa waxaa wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in xiisaduhu hada sidii ay ku bilowdeen ay ka yara degan yihiin.

 

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah qoysas ku dhaqan degmada Wabxa labada dhinac ee dagaalamaya, ayaa waxaa dagaaladan ka soo gaaray khasaare ilaa 4 ruux oo geeri ah oo ka kala tirsan dhinacyadaasi.

 

Lama oga inta uu la egyahay khasaaraha gaaray rayidka, hase ahaatee waxaa Barakac baahsan uu ka jiraa deegaanada dagaaladu saameeyeen waxana ay dadku u soo qaxeen dhanka degmada Baladwayne iyo deegaanada ku dhaw dhaw ee gobolka Hiiraan.

 

Ilaa hada ma jiraan wax warar ah oo ka baxay dhinacyada dagaalamaya.laakin waxaa goobjoogaashu ay sheegayaan in dhinacyada colaadan ku lugta leh ay wadaan gurmad xoog leh iyadoo aysan jirin wax dadaala ah oo lagu qaboojinayo dagaaladan.

 

Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareen, ayaa waxaa horey ugu dagaalamay dhinacyda hada dagaalamaya waxaana halkaasi la wareegay Ururka Ahlu sunna waljamaaca.dagaaladani waxay daba joogaan kuwii hore uga dhacay gobolka galgaduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sherban Shabeel bro u seem to be one of those little kids brought up in the west who dont know nothing about Ahlu Sunna. Sxb these wadaads have been their for hundreds of years but its the shabaab who's been foreign and trained in afghanistan and financed by arabs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culumada Ahlusunna Waljamaaca oo Gaaray Ceel Buur:

 

Wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka Galguduud ayaa xaqiijinaya in jayshka culumada Ahlusunna Waljamaaca ay dul fadhiyaan degmada Ceel Buur oo ahayd in muddo ahba halka ay ka soo duulaan huwanta khawaarijta ee ay hormuudka u yihiin kooxda al-shabaab

 

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa la soo sheegay gurmad iyo is aruursi ay wadeen kooxaha khawaarijtu, taas ayaana sababtay in culumadu ay u istaagaan difaaca diinka iyo shacabka kana dul qaadaan manaxayaasha ah.

 

 

Ciidanka Ahlusunna ayaa saaka waaberigii la wareegay 4 xarumood oo ay ku sugnaayeen kooxaha ajaanibta iyo indha shareratada isugu jira. Waxaa ilaahay qaddaray in ay goobihii oo idil isaga carareen una jiheysteen dhanka koofureed iyo Xamar.

 

 

Culumadu ayaa imika waxay dhinac ka joogaan magaalada Ceel buur iyadoo weli la tuhunsanyahay in haraadigii khawaarijtu ay ku suganyihiin meela ka mid ah magaalada gudaheeda. Culumada ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan dhallinyarada la duufsaday inaysan dagaalamin oo ay isa soo dhiibaan si ehelkooda loogu gacangeliyo.

 

 

Hoggaanka ciidan ayaa la sheegay inay u badnaayeen culumo horay uga soo qaxday isla degaanka Ceel Buur. Waxayna culumadu muujiyeen farxadda Bisha mowlid inay la wadaagi doonaan walaalahooda reer Ceel Buur. Magaalada Ceel Buur ayaa ka dhigan buqcaddii ugu dambeysay ee khawaarijta gobolka G/Guduud.

 

 

Wixii warar ah ee ka soo kordhana dib ayaan idin la socodsiina doonaa inshaa Allah.

 

 

Xafiiska Wararka ee Ahlusunna Waljamaaca

 

 

XaFiiska__Camm

 

Sahal114@hotmail.com

 

 

Halgan-10@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Originally posted by wacdaraha_aduunka:

Sherban Shabeel bro u seem to be one of those little kids brought up in the west who dont know nothing about Ahlu Sunna. Sxb these wadaads have been their for hundreds of years but its the shabaab who's been foreign and trained in afghanistan and financed by arabs.

Well said,

 

Also, the rule by the barrel of the gun is over. Local groups should exercise their god given rights in governing their lands as they please. Basic freedoms should not be touched on, and self-styled holy factions should be looked on with suspicion.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sherban Shabeel:

Ahlu Sunna = fake "islamic" group created by Ethiopia

^^^^^^I agree with 100% but there time is up soon insha alaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ceelbuur,15-March-2009:-Waxaa saakay aroortii hore dib u bilaawday dagaalkii u dhaxeeyya Xoogaga Ahlu Sunnah & Maleeshiyaadka Shabaabka Tuulada Geed Qorow oo u dhaxeysa Dac & Wabxo, mida dambe ayaa la sheegay iney magaalada Ceelbur dhanka konfurta kaga beegan tahay una jirta ilaa 10-KM, waxaana la sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ku dhawaad 12 qof ay dhimatay tiro 8 ruux gaareysana waa dhaawacantay ka dib dagaalo ka dhacay tuulada Waxbo ee hoos tagta Degmad Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud, kaasoo u dhaxeeya sida aan warka ku heleyno xoogaga Ahlu-suna iyo xarakada Al-shabaab dagaalkaasi oo biloowaday xalay ilaa saakayna [Mar 15] soconayay.

 

Dagaaladan ayaa sida la sheegay ka bilowday tuulada Geedo Qorow shalay galinkii dambe kadib markii wadada loo galay kolonyo uu watay sarkaal lagu magacaabo Xuseen Cabdi Cameey oo ka tirsan Xoogaga Ahlu Sunnah, kaasoo xalay u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaalkii shalay dhacay, ka dib markii shalay ay gacan ku hayta deegaankaasi la wareegeen ciidamo tabacsan Ahlu-suna waxaana deegaanadaasi markale dib u soo gaaray isla shalay ciidamo ka tirsan xoogaga Al-shabaab sidaasina uu dagaalku ku bilowday sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

 

Dadka dhintay oo isugu jiro kooxihii dagaalamayay iyo dad rayid ah ayaa waxaa ku jiray 2 qof haween ah oo rasaastu ay ugu tagtay meel ka fog goobta lagu dagaamayay waxaana laga yaabaa in khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi uu intaasi ka badan karo maadaama ay tahay deegaanada lagu diriray meel ay deganaayeen dad reer miyi ah oo ku firirsan goobahaasi islamarkaasina rasaasta lays weydaarsanayo ay dhici karto in meelo badan ay dad iyo duunyo ku waxyeeleyso.

 

Dagaalka oo dhowr mar laysku soo laa laabtay ayaa waxaa inta badan uu ka dhacayay xoogiisa deegaano ku teedsan tuulada Wabxo iyo inta u dhaxeyso degmada Ceel-buur waxaana haatan wali socoda sida aan warku ku helayno dagaalo goos goos ah inkastoo ilaa hada aan la haynin qasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi uu dhaliyay, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in dagaalkaasi ay ka qeyb qaadanayaan gaadiidka dagaalka.

 

Dad badan ayaa isaga cararay guryahooda iyaga oo ka cabsi qabo in waxyeelo ay ka soo gaarto dagaaladaasi iyo rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayaan waxaana dadku ay soo gaarayaan xadka Gobolada Hiiraan & degaan ka tirsan Gobolka Galgudud, sida ay ii sheegeen dadka ku dhaqan deegaanada Xadka ee Gobolka Hiiraan oo aan qadka foneeyaha kula xariirnay saakay.

 

Isku soo wada duubo dagaaladaani ayaa sida la wada ogyahay waxaa ay daba socdaan dagaalo bilihii la aaynu soo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud kuwaasoo u dhaxeeyay maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Xoogaga Ahlu-sunnah waxaaan laysku hayaa gacan ku heynta Gobolkaasi ilaa hada ma muuqato wax waan waan ah oo laga dhaxwado labadaasi dhinac inkastoo horay loogu baaqay in dagaalka la joojiyo miiska wada hadalkana laysugu yimaado.

 

source: wadanka.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Yaanan laysku dambaabin, dhallinyaro.

 

Labada dhinacba waa ineey gar-qaataan oy rabshada masaakiinta ka joojiyaan. Madax-adeyg looma baahna.

 

Masaakiinta ku le'atay halkaa Allaha u naxariisto. Amin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So they've been around for centuries. Where were they when Ethiopia invaded? Why is it that only now when the war is over they start thumping on their chests?

 

I agree that there's certain people in shebab that are a negative influence on the group, but Somalia would be an Ethiopian province right now if it weren't for Al-Shabaab.

 

Al-Shabaab for life!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sherban sxb ummadda somaaliyed waxa diintooda heerkaa iyo tirada gaarsiiyey waa qolada ahlu sunna oo weligood meel walba joogi jirey oo diinta ummada wax bari jirtey. waxaan huba qof walba baadiye ama magaala haku dhashee, wadaadada ahlu sunna baa diinta bartey oona jiilalki ka horeyana barey. Al-shabaab dad ey islaamisey iyo islaam bartey ma jiraan. As i suspect your somali proficiency is of the lower level I'll throw in a bit of english... It was the ethiopians knowing that theyr stay would never be accepted then the meaning-less orders of recruiters abroad or the leaders in the bushes in somalia who'd never offer themeselves as suicide bombers (which killed far more somalis then ethiopians including 30 mothers who were cleaning they're streets)but happily took these kids and told them to blow themeselves up.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this