Sign in to follow this  
Daandurreey

Beesha Galdogob supports president FAROOLE rejection of sheeq shariif's friends

Recommended Posts

The enemy of puntland is plenty. my community is finaly speaking out. beentii oo laga sameestay madaxweene faroole is now exposed.

 

 

Raxanreeb.com - Beesha Galdogob Oo ku Taageertay Siyaasada Madaxweynaha Puntland & Daaficida Jiritaanka Puntland

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa dhowaan hadal uu u jeediyey shacabka Puntland waxaa uu ku daafacay siyaasada maamulka Puntland isaga oo si qoto dheer uga waramay dad aan wadin danta shacabka iyo deegaanada Puntland kuwaasi oo qaarkood ku jira dawladda FKMG Soomaaliya.

 

Madaxweynaha oo goob fagaaro ah kala hadley dadweynaha Puntland maalintii Ciida ayaa sheegay in la magacaabay Wasiiro ka mid noqonaya Xukuumada FKMG Soomaaliya, iyadoo shaqsiyaadka laga qeyb geliyay ee ka soo jeeda beelaha ku abtirsada Puntland ay noqdeen kuwa aan lagu soo xulin rabitaanka shacabka iyo la tashiga dawladda Puntland sida uu cadeeyay Madaxweynaha, waxaana Madaxweynuhu ku dhawaaqey in aysan matalin dadka iyo deegaanka Puntland Wasiirada la magacaabay oo gaaraya saddex Wasiir.

 

Madaxweynaha ayaa diidmada ragga Wasiirada loo magacaabay u cuskadey.

 

Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ragga saddexda ah labo kamid ah ee ka soo jeeda Puntland ee ku jira Xukuumada cusub ee Farmaajo in aysan ahayn kuwa matali kara Puntland, waxaana Madaxweynuhu ku sifeeyay in ay ka mid ahaayeen rag ay isku fikir yihiin saaxiib aad u dhowna ay la yihiin Madaxweyne Shariif oo in badana ka shaqeeyay siyaasad ka soo horjeeda jiritaanka Puntland, isla marahaantaasna markii ugu dambeysayna ka shaqeynayey xafiisyada Madaxweyne Shariif, shaqsiyaadkaasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in aysan Golaha Wasiirada cusub kaga qeyb gelin hab cadaalad ah oo ka dhashay la tashiyo iyo wadahadal, balse ay meesha ku yimaadeen xeerinta arimo badan oo ay ka mid tahay ka shaqeynta danaha gaarka ah ee Madaxweyne Shariif.

 

Hadalka Madaxweynaha & fasiraada dadka qaarkii.

 

Hadalka uu jeediyey Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ahaa mid lagu daafacayey siyaasada iyo jiritaanka Puntland ayaa dadka qaarkii oo ku abtirsada mid ka mid ah labada Wasiir ee uu dhaliilay Madaxweyne Faroole ayaa hadalka Madaxweynaha u rogay hab aan cadaalad iyo run ku saleysneyn taasi oo ah in ay warka u rogeen in Madaxweynuhu ka xun yahay Wasiirka ay heleen beesha Tanade *******, (Galdogob) taasi oo xaqiiqda ka fog.

 

Kadib markii wararkaasi aan runta ku saleysneyn ay soo galeen suuqyada ayaa waxaa RBC Radio la soo xiriiray Cuqaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ku abtirsada Beesha Galdogob waxayna cadeeyeen mawqifkooda ku aadan siyaasada Puntland, iyaga oo sheegay in hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland uu yahay mid ku saleysan go’aan rasmi ah ayna ku taageersan yihiin in aan meesha la keenin shaqsi aan matalin beelaha degan Puntland kaasi oo la shaqeynayey dadka burburka dawladda Puntland har iyo habeen u taagan.

 

Cuqaasha, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Galdogob ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad fara kutiris ah oo aan matalin ama ku hadli karin magaca Beesha Galdogob kuwaasi oo wada dacaayado ka dhan ah Madaxweynaha Puntland, isla markaana waxaan mar labaad iyo saddexaadba cadeyneynaa anaga oo ku hadlayna magaca Beesha Galdogob in aan taageersanahay hadalka Madaxweyne C/raxmaan Faroole, Beeshuna ay ka tirsan tahay beelaha Puntland degan ee laga qadariyo, talo ahaana ay maamulka uga dambeyneyso” ayey yiraahdeen Cuqaasha, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beesha Galdogob ee degta gobolada Nugaal iyo Bari.

 

Talo soo jeedin ka timid Cuqaasha, Waxgaradka, Siyaasiyiinta & Qurbajoogta Beesha Galdogob.

 

Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha Galdogob ee ku jirta Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka Puntland ay u sare kacaan wax ka qabashada dadka daneynaya siyaasadaha horseedi kara burburka Puntland, ayna cambaareeyaan oo ay meel uga soo wada jeestaan kuwa doonaya in laiska horkeeno bulshada Galdogob iyo Madaxdooda waxaa kaloo lagama maarmaan ah in ay cadeeyaan in aysan marna raali ka aheyn shaqsiyaad aan beesha si guud ahaan ah u matalin , isla markaana aan meesha ku iman la tashi lala yeeshay beesha uu ka dhashay iyo maamulka uu ka soo jeeda ee Puntland balse meesha uu ku tagey ka shaqeynta dano shaqsiyadeed oo guracan.

 

Ugu dambeyn Beesha Galdogob ee degta gobolada Nugaal iyo Bari waxaa ay raali gelin ka bixineysaa hadalada gefka ah ee Madaxweynaha Puntland loo geystay markii uu eedeeyay siyaasada Shariif ee looga soo horjeeda Puntland hadalkaasi oo loo rogay meel uusan ahayn, waxayna mar labaad iyo saddexaadba Beeshu taageeraysaa siyaasada Madaxweynaha Puntland isla markaana ay uga dambeyneyso hagitaanka siyaasada Puntland.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

well done galdogob. ina kalif hashi works for himself and shariif. shariif is his mentor and the community internally knows who he is and his hostility towards puntland.

 

well done.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

well done galdogob. ina kalif hashi works for himself and shariif. shariif is his mentor and the community internally knows who he is and his hostility towards puntland.

 

well done.

looooooooooooool subxaanalaah! war ilaahey ka cabso oo qof aadan aqoon ama aadan wiligaa filinka daawan, wax haka sheegin... Khaliif xaashi iyo Sheekh Shariif maba is aqoon ilaa iyo dhawaan loool ajanabi bee isku ahaayeen.... Ilaaheey kacabso saaxiib....

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

^^ waraa ninka siyaasada ugu badsho ayaan ahay in SOL laakiin meeshaan waxa wada jooga waa rag qabiil iyo eexasho lafaha ka ruugtay... That's the reason why you never see me in here. Laakiin mar mar baan iska soo galaa oo aqriyaa daaca qurunka meesha ku qoran...lool..

 

 

JB looool war waa sheekh! qowdhan yahoo!

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Tuujiye:

quote:well done galdogob. ina kalif hashi works for himself and shariif. shariif is his mentor and the community internally knows who he is and his hostility towards puntland.

 

well done.

looooooooooooool subxaanalaah! war ilaahey ka cabso oo qof aadan aqoon ama aadan wiligaa filinka daawan, wax haka sheegin... Khaliif xaashi iyo Sheekh Shariif maba is aqoon ilaa iyo dhawaan loool ajanabi bee isku ahaayeen.... Ilaaheey kacabso saaxiib....

 

Wareer Badanaa!!!
Waa runtaa isma aqoonin shakhsiyan aan ka ahayn xilligii xaafiiska Madaxweynaha looga magacaabay Xoghayaha Xiriirrada. Si kale wax ha looga sheego iyo jagadaan uma qalmo laakiin hebel baa wata war ma ahan. Cali Ismaaciil Giir (Ex. Xoghayihii Xisbiga ee Jaamacaddii Ummada Soomaaliyeed) sootii C/llaahi Yuusuf wadan jirey illaa 1991-kii, Daandurreey taas ma moogyahay? Mise wuxuu leeyahay Galdogob baa laga soo doortay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Abwaan sidaad Gabbal aad u dhibto aan kuu dhibo caawee, adigu inta Shariifka TFG-da madax ka noqday, TFG loyalist baad soo baxday ma is tidhi? Waliba xaga sheekh shariif lagaama marki karo? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Zack:

Abwaan sidaad Gabbal aad u dhibto aan kuu dhibo caawee, adigu inta Shariifka TFG-da madax ka noqday, TFG loyalist baad soo baxday ma is tidhi? Waliba xaga sheekh shariif lagaama marki karo?
:D

lol...Zack...sxb waxba igama dhibteen haddii la hubo inaan Sharif loyalist ahay, laakiinse I am not. Haddii la yiraahdo maanta shariifka malla bedelayaa oo ma habboon tahay liiska dadka haa oranaya xagga KORE ayaan ka geli lahaa, mana ahan inaan qabiil iyo dano gaar ah u leeyahay balse maslaxadii aan ka fileyney ee dadka iyo dalka siday ahayd ugama soo dhalaalin mana filayo inuu ka soo raynayo waxaana dhab ah in isbeddel loo baahan yahay. Ninayahow anigu I care less about odayaashaan is-daba-maraya waxaan loyalist u ahay Soomaaliya iyo qarankeenna iyo nabad iyo wada-noolaasho soo noqdaan. Jago kama rabo, xoolo kama rabo just inaan neecaawdii udgoonayd ee dalkeenna ee sida ninka reer miyiga ahi halo dhawr ah amase riyo dhawr ah inta maalo uu geed hoostiis u seexan jirey kuna hurdo bogan jirey haddii Ilaah caafimaad ugu daro ayaan rabaa. Just that oo weliba maanta Alxamdulillaah fursadaha dhaqaale, aqoon iyo tiknoolajiyo maantay ay adduunka kobocday wax badanna laga bedeli karo qaab nololeedkii hore. Tuulo Soomaaliya ku taal oo aan dad ka xigo ma jirto, meel kastana waa ii dhul Ilaah sida dhulalkaan nalaku soo dhaweeyey ee aan martida ku nahay aan u degneyba!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this