Sign in to follow this  
me

Amisom bombardment of populated areas of Muqdisho result: Civilian casualties.

Recommended Posts

me   

Saxafiyiin ku dhaawacamay madfac ku soo dhacay Agagaarka Ifka Xalane oo ay howlo Saxafinimo u joogeen. Posted: 5/10/2009 8:35:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

 

Madaafiic lagu garaacay Agaagaarka garoonka Kubad Cagta ee Muqdisho Stadium ayaa waxaa ku dhaawacmay Saxafiyiin xili ay howlo Saxafinimo u joogeen.

 

Kadib shir jaraa’id oo ay maanta ururka Al shabaab ku qabanayeen Maxkamada Ifka Xalane ayaa waxaa inta uu socday Shirkaasi Jaraa’id ku soo dhacayay agaagaarka Maxkamada Madaafiic farabadan taasi oo sababtay in wariyayaal gaaraya 3-wariye ay ku dhawacmaan.

 

 

 

Wariyayasha dhawacyada ay soo gaareen ayaa waxaa ka mid ahaa C/naasir Nuur Geedi oo ah Cameraman ka tirsan TV-ga lagu Magacaabo Horn Cable iyo sidoo kale Wariyeyaal ka tirsan Idaacada iyo TV-ga shabelle oo lagu kala Magacaabo Bashiir Qaliif Gaani iyo Max’ed Cabdi Naxar oo ay soo gaareen dhaawacyo fud fudud.

 

 

 

Sidoo kale waxaa dhawacyo ay ka soo gaareen dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa,waxaana sarkaalka u hadlayay ururka Al shabaab oo lagu magacaabo Shiikh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo ah Wakiilka Al shabaab ee gobolada Dhexe uu sheegay in madaafiicda ay ka soo dhacayeen sida uu sheegay goobaha ay ku sugan yihiin Cadawga waxaana daqiiqadiiba halkaasi ku dheceeyay dhowr madfac oo meesha ka dhigtay mid ay is qariyeen siigo iyo Qiic badan.

 

 

 

Wariyayaasha ay dhaawacyada soo gaareen ayaa waxaa loo qaaday cusbitaalka Dayniile ee duleedka magaalada Muqdisho kuwaasi oo iminka la soo sheegayo in xaaladooda caafimaad ay taha mid wanaagsan.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Sarkaal ka tirsan xarakada Al Shabaab iyo tiro suxufiyiin ah oo ku dhaawacmay madfac ku dhacay xaruntii hore ee Maxkamada Islaamiga Ifka Xalane

 

Sarkaal ka tirsanaa xarakada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Cali Max’uud Raage iyo tiro ka mid ah suxufiyiinta magaalada Muqdisho ayaa ku dhaawacmay madfac duhurnimadii maanta ku soo dhacay xaruntii hore ee maxkamada Islaamiga aheyd ee Ifka Xalane oo ku taala wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho xili uu halkaasi ka soconayey shir Jaraaid oo uu qabanayey sarkaalkaasi kaasoo u kaga warbixinayey goobo ay dagaaladii ugu dambeeyey kagala wareegeen ciidamada DF.

 

Suxufiyiinta ku dhaawacmay madfacan oo gaarayey ilaa saddex ayaa waxa ka mid ahaa Bashiir khaliif Gaani iyo Axamed Cabdi Naxar oo u shaqeynayey idaacada Tv-ga Shabelle iyo C/naasir Nuur Geeddi oo u shaqeynayey Tv-ga ETN waxaana la sheegay in sarkaalka iyo qaar ka mid ah weriyeyaasha ayaa la sheegay in dhaawacooda uu yahay mid fudud iyadoo mid ka mid ah suxufiyiinta loo qaaday dhaawaciisa isbitaalka Dayniile.

 

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsanaa xarakada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Cali Max’uud Raage ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in waxa la dagaalamaya aysan aheyn mujaahidiin balse ay yihiin wax uu ugu yeeray ashahaado la dirir mar kale doonaya inuu iibsado culimada dalka wuxuuna inta ku daray in dagaalka ay guulo ka gareen ayna ka qabsadeen iyaga iyo ciidamada xisbul Islaam-na ay la wareegeen goobo badan oo uu ka mid yahay garoonka Istaadiyo Muqdisho iyo deegaano, wuxuuna intaa ku daray iney dagaalka sii wadi doonaan illaa ay ka adkaadaan wax u ugu yeeray cadowga ILAAHAY.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ADNAAN   

Madaafiic BM-ka & Taangiyada AMISOM oo Gilgishey Muqidho

 

 

Daryanka Madaafiic aad u Xoogan oo ka dhaceysa Qoryaha loo yaqaano BM-ka & Taangiga oo ay Ridayaan Ciidamada Uganda ee ku sugan Xarunta Villa Somalia ayaa haatan si weyn looga Maqlayaa Guud ahaan Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Xaafadaha ku dhaw dhow Halka laga Ridayo.

 

 

 

Madaafiicadn oo ay Ridayaan Ciidamada AMISOM ayaa haatan si weyn ugu Hoobaneyso Qeybo badan oo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir Gaar ahaan Goobihii lagu Dagaalamayey Shalay ilaa Maanta ee Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley.

 

 

 

Ilaa iyo hada si Dhab ah looma oga Qasaraha Rasmiga ah ee ay Geysatay Madaafiicda ay Ciidamada AMISOM ku Garaqacayaan Xafadaha Dadka Rayidka ah ay ku dhaqanyihiin ee Wardhiigley iyo Yaaqshiid.

 

 

 

Waxii war ah eek u soo kordh Duqeyntan Dib ayey Shabakada Warbaahinta Somalimiror idin kaga Soogudbin doontaa in Sha,Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Amisom Kills 9 civilians in a Mosque, among the casualties a man and his daughter

 

Madafac ku dhacay Masjidka Cabdalle iyo Cawareere oo ku dhintay Mu,adinkii Masjidka iyo 9ruux oo kale

Posted to the Web May 10, 15:27

 

 

Muqdisho:-Madaafiic ayaa ku hoobanaysa qaybo badan oo ka mid magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka wardhiigleey Yaaqshiid iyo dayniile ,Iyadoo Madfac uu ku habsday masjidka Cabdalle iyo Cawareere waxaana ku dhintay ilaa 9 ruux.

 

9 Ruux ayaa la sheegayaa in uu ku jiro Mu adinkii Masjidka Cabdalle iyo Cawareere oo lagu magacaabo Cali Ileey iyo Gabar uu dhalay.

 

Waxaa Sidoo kale uu madfac ku dhacay xarunta Ifka xalan ee magaalada Muqdisho ,halkaasi oo uu shir jaraa id ku qabnayeen sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sh Cali dheere.

 

 

Madafiicda ayaa waxaa ku dhaawacmay Koox suxufiyiin ah oo ka qayb galaysay Shirkaasi jaraa id, waxaana kamid ahaa Suxufiyiinta dhaawacantahay C/naasir Nuur Geedi oo ah kaamaramaan u shaqeeya TV ETN iyo Bashiir Qaliif Gaani iyo Max’ed Cabdi Naxar oo ka tirsan Idaacada iyo TV Shabeele.

 

Madaafiicda ayaa ku soo dhacaysa Degmada wardhiigleey agagaarka Suuqa bakaaraha ,waxaana ku dhintay Haweenay ku sugnayd gurigeeda iyo dhawr kale oo ay qaraabi yihiin .

 

A/Cawale

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Amisom Kills 9 civilians in a Mosque, among the casualties a man and his daughter

 

Madafac ku dhacay Masjidka Cabdalle iyo Cawareere oo ku dhintay Mu,adinkii Masjidka iyo 9ruux oo kale

Posted to the Web May 10, 15:27

 

 

Muqdisho:-Madaafiic ayaa ku hoobanaysa qaybo badan oo ka mid magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka wardhiigleey Yaaqshiid iyo dayniile ,Iyadoo Madfac uu ku habsday masjidka Cabdalle iyo Cawareere waxaana ku dhintay ilaa 9 ruux.

 

9 Ruux ayaa la sheegayaa in uu ku jiro Mu adinkii Masjidka Cabdalle iyo Cawareere oo lagu magacaabo Cali Ileey iyo Gabar uu dhalay.

 

Waxaa Sidoo kale uu madfac ku dhacay xarunta Ifka xalan ee magaalada Muqdisho ,halkaasi oo uu shir jaraa id ku qabnayeen sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sh Cali dheere.

 

 

Madafiicda ayaa waxaa ku dhaawacmay Koox suxufiyiin ah oo ka qayb galaysay Shirkaasi jaraa id, waxaana kamid ahaa Suxufiyiinta dhaawacantahay C/naasir Nuur Geedi oo ah kaamaramaan u shaqeeya TV ETN iyo Bashiir Qaliif Gaani iyo Max’ed Cabdi Naxar oo ka tirsan Idaacada iyo TV Shabeele.

 

Madaafiicda ayaa ku soo dhacaysa Degmada wardhiigleey agagaarka Suuqa bakaaraha ,waxaana ku dhintay Haweenay ku sugnayd gurigeeda iyo dhawr kale oo ay qaraabi yihiin .

 

A/Cawale

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Duqayn ba,an oo ku socota Garoonka Stadio Muqdisho iyo Xarunta Xisbiga

Posted to the Web May 10, 15:09

 

 

Muqdisho:-Madaafiic culus ayaa waxaa ay ku socotaa goobaha lagala wareegay MMIS garabka DFKM ,Ciidanka Milateriga DFKM iyo AMISON ayaa waxaa ay ridayaan Madaafiic aan tiro lahayn.

 

Madaafiicdaan ayaa waxaa ay ku hoobanaysaa Garoonka Stadio Muqdisho iyo Xarunta Xisbiga,Dagaalka ayaa waxaad u muuqda in faraha uu ka sii baxayo dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay ka qaxaan guryahood.

 

Ciidanka AMISON iyo kuwa Milatera DFKM ayaa waxaa ay duqayn ba,an ku hayaan goobaha uu dagaalka ka socda waxaan ay sida muuqata ay gacan siinayaan ciidanka MMIS garabka DFKM oo goobo muhiim ah lagala wareegay.

 

 

Khasaaraha baahsan ayaa waxaa soo gaaray dadka rayidka ilaa haddana lama yaqaan khasaaraha dhabta ah.

 

A/cawaale

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Amisom kills more Somali civilians

 

Faahfaahin Qasaarihii ka dhashay Duqeytii Maanta iyo Dagaaladii ugu Danbeeyey

 

By Somalimirror on 10 May, 2009 7:58 PM in Main, Wararka

 

Xasuuq Madaafiic Xoogan oo khasaare gaysatay ayay Ciidamada AMISOM Maanta ku Garaaceen Xaafado iyo Degmooyin ka Tirsan Gobolka Banaadir Gaar ahaan Digmooyinkii Maalmihii ugu Danbeeyey ay Dagaaladu ka socdeen.

 

 

 

Degmooyinka Maanta Ciidamada AMISOM ay sida Xoogan ugu Garaaceen Madaafiicda isugu Jirta BM, Taangiga iyo Hoobiye yaasha waxa kamid ah Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley, iyo Yaaqshiid.

 

 

 

Duqeyntan oo Bilaabatay Duhur nimadii Maanta ayaa waxaa ku dhintay kudhawaad 20 ruux oo 15 kamid ah ay galabta madfac kula habsaday Agagaarka Masjidka C/lla iyo Cawareere waxaana ku Dhaawacmay in kabadan 40 qofood oo Rayid ah sida uu Shabakadda Warbaahinta Somalimirror uu u Xaqiijiyey Madaxa Gaadiidka Gurmadaka Degdega ah oo lagu Magacaabo Cali Muuse waxaan.

 

 

 

Dadkan khasaaruhu soo gaaray ayaa waxay isugu jiraan kuwo ay alexia Rasaasta habawga ah ee ay iswaydaarsanayaan Xoogagga Dagaalamaya iyo kuwo Guryahooda ay ugu Tagtay Madaafiicdii ka imaanaysa Ciidamada AMISOM oo dagaalka kaga jira oo qura dhinaca Duqaynta goobaha dagaalku ka socdo iyo nawaaxigooda waxana kamid ah Goobaha ay Madaaficdu Dhibaatada ka geysatay Suuq-Bacaad, Siinaay, Wardhiigley, Cabdale iyo Cawareero, Suuqa Bakaaraha, Xaafada Bangaariyada iyo K.P.P.

 

 

 

Sidoo kale Ilaa 3 Wariye ayaa ku Dhaawacmay Madfac ku Dhacay Maxkamada Ifka Xalane Xili ay ku howlanaayeen Shir jara’id oo uu Xilagaa ku hayey halkaa Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolada Dhexe Sh.Cali Dheere.

 

 

 

Wariyayaasha Madfacan ku Dhaawacmay ayaa lagu kala magacaabaa: Bashiir Qaliif Gaani , Max,ed Cabdi Naxar oo u Shaqeynayey ( Idaacada Shalle),iyo C/naasir Nuur Geedi oo Sawirqaadi TV ah.

 

 

 

Dhanka kale Dagaaladii Dhacay 24 Saac ee ugu Danbeeyey ayaa waxa lagu qiyaasay wadarta qasaaraha ka dhashay ee soo gaaray Dad Rayid ah in kabadan 30 Ruux oo Rayid kuwaas oo 6 kamid ah ay Hal qoys ahaayeen oo gurigooda madfac kula habsaday iyo Dhaawaca in kabadan 100 Ruux .

 

 

 

Isku soo wada Doob oo Dagaalada ka socda 4 tii Maalmood ee ugu Danbeeyey Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku Dhintay in kabadan 50 Ruux oo Rayid ah iyo Dhaawaca in kabadan 300 oo Rayid ah.

 

 

 

Ilaa iyo hada Majirto Cid si dhab ah ugu istaagtay Joojinta Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho in kasto oo ay jiraan Baaqyo Dhowr ah oo lagu Dalbanayo in la joojiyo dirirta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Hassan Dahir and his ability to destroy amazes me. This man come to the capital right after President Sharif is offered a over 200 mil in aid and almost immediately people start to die and war breaks out.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^It is not Xasan Daahir that is bombing innocent civilians but those Ugandees read this thread and see the atrocities committed by the AMISOM Ugandees.

 

They killed a man and his young daughter along with another 12 civilians while taking shelter in a mosque. Those innocent people whose lives were brutally taken deserve justice.

 

AMISOM commanders should be brought before a war crimes tribunal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

So there were no reports of fighting this heavy and violent the whole time President Sharif is president and amisom is here. But it just happens to start right after Hassan Aweys comes to mogadishu and people start dying at a huge rate. Unlike President Sharif, hassan aweys is not very educated so he resorts to fighting. He is the worst person in Somalia and must have been sent by eritrea to cause trouble.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by somalipride:

So there were no reports of fighting this heavy and violent the whole time President Sharif is president and amisom is here. But it just happens to start right after Hassan Aweys comes to mogadishu and people start dying at a huge rate. Unlike President Sharif, hassan aweys is not very educated so he resorts to fighting. He is the worst person in Somalia and must have been sent by eritrea to cause trouble.

Watch this link.

 

http://news.bbc.co.u k/1/hi/world/africa/ 8013712.stm

 

Sharif was paid to kill innocent Somalis. It is Amisom that is killing Somali civilians. Sharif got money to destroy the nationalist elements in Somalia last week. So instead of blaming Aways maybe you should look at the situation objectively.

 

Sharif gets money, Amisom gets money and innocent Somalis die.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

I am with xassan daahir aweys these guys must go

lol...who do you think cannot see what you want? You want the destruction and lawlessness to continue around the South. By the way if you guys say Southerns afaareheenna ka baxa adiga yaa kuu banneeyey inaad kuwa South-ka ka hadasho...if you don't mind me asking and this is based on adiga sharciga aad degsatey but NOT based on my principle as I think that you are a Somali and have the right.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this