Sign in to follow this  
Liibaan

SooDhaweyntii Hogaamiye KuXigeen Cali Sabarey Booqashada Ciidamada Jiida hore ee SSC

Recommended Posts

Liibaan   

hogaanka1.jpg

 

Sabarey oo Saxaafada la hadlaya

 

 

Soo Dhaweyntii Hogaamiye Ku Xigeen Cali Sabarey & Booqashada Ciidamada Jiida hore Ee SSC

 

Waxaanu ka anba baxnay magaalada Buuhoodle goor aroornimo hore ah, waxaanu udiyaar garawnay safar dheer wuxuuna socdaal kayagu ku wajahnaa magaalada Dharkayn Geenyo, waxaanu sii marnay deegaamo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen Dandan, Xamar laguxidh, Balicad, waxaanuna saacado kadib gaadhnay magaalada dharkayn oo socdaalkayagu ku salaysnaa

 

Markii aanu gaadhnay magaalada Dharkayn ayaa ugu horyan waxaanu tagnay Qasriga Madaxtooyada oo dhnaka Bari kasaaran Magaalada halkaasi oo uu ku sugnaa ku xigeenka Hogaanka SSC Co,Cali Xasan Axmed (Cali Sabarey) Soodhawayn iyo iswaraysi dheer kadib waxaanu ugubnay dhanka magaalada anago dadwayna waxka waydiinay dareenkooda waxaanay ii sheegeen inay aad ugu faraxasan yihiin in magaalda dharkayn ay saldhig unoqoto hogaankii SSC ayna halganka dib uxoraynta kaalintooda kaqaadanayaan.

 

Intaasi kadib waxaanu wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Co,Cali Sabarey aanu kaga anba baxnay Magaalada Dharkayn anagoo booqasho ku tagnay fadhiisinka ciidamada jiida hore ee gobolada SSC, iyadoo halkaasi uu Hogaanku kulan albaabadu uxidhan yahay kula yeeshay saraakiisha kala duwan ee ciidamada SSC ee kusugan Jiida hore intaasi kadibna heegan lagaliyay dhamaan Ciidamada SSC ee fadhiisimada kala duwan kuleh deegaamada ku hareeraysan magaalada Dharkayn.

 

Kulankaasi kadib ayaa waxaanu waxka waydiinay Co,cali sabarey waxqabadka 1aad ee uqorshaysan haatan Golaha Khusuusida iyo hogaanka SSC ee ay ku dhaqaaqi doonaan waxaana uu iisheegay in hawl galka 1aad uu yahay dib uxorayn todobaadada soosocdana uu sitoosa ubilaaban doono halgalkii dib loogu xoraynlahaa magaalada laascaanood.

 

Iskusoo wada duuboo deegaanka dharkayn ayaa waxaa laga dareemayay dhaqdhaqaaq milatari iyadoo habeenimadii xalayna laga warhelay in maleeshiyaadka maamulka hargaysa ee kusugan magaalada laascaanood ay qorshaynayeen qaabkii weerar loogu qaadi lahaa magaalada dharkayn.

 

 

Halkan Ka Daawo Sawirada

 

hogaanka7.jpg

 

hogaanka3.jpg

 

Coll Sabarey ku Xigeenka Isbedeldoonka

 

1273089342_Hogaanka.jpg

 

hogaanka6.jpg

 

Sabarey oo Khudbad ka dhegaysanaya Horjoogaha Ciidanka

 

 

hogaanka5.jpg

 

Mujaahidad Reer Sool

 

hogaanka4.jpg

 

hogaanka2.jpg

 

Mujaahidiinta Qaranka Soomaaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

gaadhigi ina dafle ugu deeqay dagaalki haye 1983 bey wali haystaan iyo hubki darawiishta eeh ina cabdlla xassan ka tagay , allah ha u sahlo iyo oday sonkor qabba iyo dhowr caruur iyo labba dumar ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

lool@ Gaadhigi ina dafle, you sure are right on that 1 the 1 technical pick up truck looks very old.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Xaji

ileen waxaad unasan weydey dagaal haye baad xasuusan tahay. Aadan Carab iy o dagaalkii haye. Gabay: Goobjoog

 

 

Codkiisuu bogtaa aar haduu coodi loogsade'e

Habeenkuu cashada deeqda helo camal higoodkiise

Cartankiyo jibaadkaad waxuu cunay ogaataaye

Anaguna caraad baan aqaan caawa oo kale'e

Cuud iyo hadaan goobtii helay amase ciilbeelay

Warku how cadaadee bal maan caalamka u sheego

Inkastoonba curadba u ahay inaan canaan qaado

Colka oo duulan maalintii hadii la i caleen saaray

Cimrigiisu nin uu dheeryahoo caarif aan ahaye

Waa lagu casali baan is idhi caana waad tahaye

Caqligaan ka fiirsaday tashiga kii u cidhib roone

Waxba nolosha lama caabudee ceebta ma ilaashay

 

Kolse hadaanan caafiyad dab iyo ciidan tabanaynin

Casar iyo inaan duhur wax galo caariyaan bidaye

Waa caado tuug galab in aan ceelka weeraro'e

Ma cadceeda oo soo baxdeybaan cudud idiin sheegtay

Cadadkeeda guutada miyaa samada caad fuulay

Ciir iyo habaas qudha miyey dunidu cowlaatay

Markii caara dhuubtiyo la riday saban cabaadaaya

Shinbiraha cidoodiyo jugtii fule ma cayntaaray

Ma caraystey qaaraan dhulkaba cagaha saaraynin

Geesiga dagaalka u cinbaday ciidhe ma utoogtay

Cirka lama marshee shiishka hoos ma ugu wada ciirshay

Ma ku culay buntukhu dhowr gu'buu naga cabaysnaaye

Midna looma caaline sidii cawsha ma useenay

Caydiga ma laynee nin raga caymo ma udiidnay

 

Cuqli waalid waa ubadka kaca waalidka cisayne

Caanaha hablahayaga kuwii soo cabaye nuugay

Ee lagu canqariyaa iblays soo cawaansadaye

Iyagaa cashiirada na baray loo cariigsado'e

Casar iyo miyaa garashadii lagu caqiibeeyey

Nin kastoo calaacalay miyaan ugu calool daacay

 

Dhaaxaa kufrigu caawiyee nagu cadaadsheene

Ingiriis carow waana kii cawda loo jaraye

Ma cidlaan ka helay gaalo aan lagu cabanaynin

Waa taan cadaadaye timihii iga ciroobeene

Ku mana caar guduudeyn xinaha lagu caseeyaaye

Sidii ciistihii hore miyaan dhiiga ku cilaantay

 

Haye waa carada ay dhawaan nagu cidhiidhyeene

Caasimada hawd buu noqdiyo cadan yartoodiiye

Isagoo camiran baa doraad la igu caasiyaye

Kun calaamad laan soo dul dhigay oo cadaawaha'e

Bal inay cawaan wuxu yihiin malo caruureed leh

Dhar cagaaran iyo mood wixii guriga ceegaagay

Ilaa cadayna kama qaadanino weys cajabiyeene

Carwaan mooday subaxdii markii ay nooga carareene

Ma ku caranay awrtuba dhirtay caasha marisaaye

 

Gobaa culuse nabadii tolkay u cidi jiidaayey

Waa taa intaa caarideen cunaha taagteene

Intaan duul indhaha kor u calaqay hoos usoo celiyey

Ee aan cidaadaha ka dhigay soona cigan weyday

Cilmi iyo rag taariikh watoo caaqilaa furiye

Cali daalin iyo baa na garan coomirka isaaqe

Cashuun baan jabshaa habarjecloy duul cantarahaye

Hadaan maanta calankii qabsaday ceelka laga taagay

Cajaladaa naloo soo diraa cunugu keenaaye

Carabkii qoyani waa hadlaa hay canjalafayne

In cadaalad sheekadu gasho baan kaa codsanayaaye

 

Afartaa cayaartii libtiyo ka cukanaantii dheh

Cumar iyo markay Samatar gabay nagu casuumaan dheh

Cawl iyo gu'goo cirir ku jira curashadiisii dheh

Bal aan waliba kama caajisee caarada u saaro

 

Casaawiirta nimankii lahaa boqolka cayn cayn ah

Ee idin cadaabee banaan idinka cayntaarshay

Jeereey wadaad caabudeen cuqabadoodiiye

Waa taad cagaag iyo kuraha ku cadibnaydeene

Ee aad sengaha cal iyo buur kaga carceerteene

Cariskaba hadaan idin tusay aad ciir ku lulateene

Nabsaa curiyey cayn iyo nugaal inaad ku ceeshtaane

Canjilka iyo sinaantuba waa cawri aadane'e

Iminkana fufkii baa cigtayo soo cawaal baxaye

Marka inaan cashuurtiyo dhibkii dib u cusbooneeyo

Yaa faras camuudaa ka badan loo carbinayaaye

 

Cabdi maahir jeeskii dhalaye coodinleba qaatay

Cibraanka iyo sanbuur kaan lahaa cuna tigaadiina

Waxba yaan canbaarayn dar aan ciidanba ahayne

Dadka qoloba cuurbow tashoo la ictiraafaaye

Reer yusuf ciid kuma sugayn caydhiskii shalaye

Carootigii subax nimay na carcarsheeyeene

Goortaan carcooriga hadhkii dirir cusbooneeye

 

Waatay calfahii iyo qubeen kabo carbeedkiiye

Celiyaayda fiigaha miyaa caato nagu reebtay

Ku waa caayayee eray xun sow kama cadhoon waayin

Ma cabiidshay ina kaahin baa loo cimaamadaye

Cawaday anoo nool hadii aan calaftidaa gaadhay

Markan soo cimraysiyo xajkii u citiqaad ma'aha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

nsum_s.jpg

 

XOOGAGA SSC U RUQAAN SADAY ISKUNA HAREERAYNAYA GOBOLKA SOOL

 

Warar lagu kal soon yahay oo aan ka hellay xarrunta xoogaga ciidamada ssc ayaa noo xaqiijiyey in gabi ahaanba ay ka guureen dhamaan ciidamadii beelaha SSC ee joogay xarrunta ssc ee buurowadal.

 

 

Ciidamadan oo wata gawaadhiga gaashaaman ayaa la sheegayaa inay qaarkood ka mareen dhinaca hoose ee laascaanod halka qaarkalena ay ku biireen xoogaga dharkayn geeyo inkastoo aan si sax ah loo hayn halka ay beeginyihiin iyo sida ay isu kala qaybiyeen arimaha ciidamada u gaarka ah iyo taatikda milatarigana awgeed aan faah faahin dheeraad ah laga bixin .

 

Wararku waxay intaas ku daryaan inay ciidamo kale laga ururinayo dooxooyinka iyo tuulooyinka nugaasha loo xilsaaray saraakiil u khaasa ururinta ciidamadan sida uu ii sheegay masuuliyiin ciidamo ka ururinay magaalada yagoori oo xiga dhinaca caasimadda gobolka togdheer.

 

waxaa jira ciidamo horay u ahaanjiray maamulka somaliland oo hadda ku sii qul qulaya magaalada dharkayn geeyo iyo meelaha ciidamda lagu ururinayo ,waxaana la sheegayaa in magaalada laascaanood laftigeeda ciidamo ku diraasan yihiin magaalada dhexdeeda ka bilaabidoona dagaal hase ahaatee wali warkaasi lama caddeyn, magaalada boocame,kala baydh,buuhoodle iyo taleex ayaan iyagu wax abaabula ah ku jirin xilli ciidamada xoogaga ssc u diyaar garoobayaan inay gacanta ku dhigaan magaalada lascaanood inkastoo ay ka imanayaan dad iska yaac ah oo qiiraysan.

waxaan kaloo wax abaabul ah ku jirin maamulka puntland oo ay horay uga tirsanaan jirtay laascaanood intii aanay gacanta ku dhigin maamulka riyaale.

lamase garanayo haddii uu dagaalku bilawdo waxay samayndoonaan .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Waa hogaanka Horseed

 

Ceynaanka haaay SSC ARMY noolada halkaas kawadan halganka ,Gabadho iyo wiilal waa inaa dalka xoreysaan anaga wax kastan inila garabtaagan nahey,Cadow gu ha naxo marka la is galan kuwa ay dab ku watan baa xitaa dhabarka xabad kaga furi, hubkana waan ka furanynaa wayna carari hadii alla yirahdo.

 

Darwiishland forces oo u diyaar ah dagaal iyo duulaan ay ku qaadaa snmta ku soo duushay Laaska .

 

waxaan ka codsanayaa dhamaan dadka SSC in ay hiil iyo hooba isla garabtaagaa

 

Mujaahidiinta SSC forces, Xaq iyo Cadaalada dadkiina ayaa u dagaalamasaan, Allah baa idinla jira

 

Guuuuuuuuuuuuul, Gobanimo, Xoriyad, Midnimo SSC iyo dhamaan Soomaaliya

 

 

Somalidiidka SNM maxey cabi doonaan cuni doonaan?

marka booyadaha biyaha iyo raashinka laga gubo ? Walee balaayaa heysata.............

Share this post


Link to post
Share on other sites

duufaan adan carab sooki marki danbe snmta u galay maad ilawday , dufaan dagaalki haye waad ku jabteen waleh ma waagi m16ki ina dafle idin soo diiray eeh aad tirahdeen axmedow dhici wa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Xaji

Hada malazawi ayaad iskuhalaynaysaan soo

maaha hadii xaaladu xumaato.

 

Dhaaxaa kufrigu caawiyee nagu cadaadsheene

Ingiriis carow waana kii cawda loo jaraye

Ma cidlaan ka helay gaalo aan lagu cabanaynin

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Guys buun buunita iyo colaadahii foosha xumaa ee soo dhex maray umada dhulkaa wada degta ha soo celina. Wixii dhacay waa laga dheregsanyahay.. Hada dantu waa nabad in lagu wada noolaadoo nimankiina somaliland ku waashayna dhulkiina ku eekaada...

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

A khadar Dee Somaliland wa dhulkaagii sxb

Did I ever say Somalia isn't my land. Entire land of somalia is my homeland.. Marka nimanyahow bal bahanshan idin madax martay iska daaya oo Somali waa isku mid dhibtii dhacayna waa wada gaadhaye isasaxa oo isqabta iskuna daya inaad xalka wax ka raadisaan intaa docda isu kuusaysaan. If not, labadiina tuulooyin ku ekaaada oo dadka kale tuulooyin kooda amaan siiya.. Intaasi ma waxaan la fahmi karinbaa sidee wax idinka siyihiin..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by A_Khadar:

Guys buun buunita iyo colaadahii foosha xumaa ee soo dhex maray umada dhulkaa wada degta ha soo celina. Wixii dhacay waa laga dheregsanyahay.. Hada dantu waa nabad in lagu wada noolaadoo nimankiina somaliland ku waashayna dhulkiina ku eekaada...

Well said, there is no need for blood shed, a single Somali life is more precious than this clan feud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this