Sign in to follow this  
Xudeedi

Bari: Puntland; The Beginning of the End

Recommended Posts

Xudeedi   

Breaking News: Dhammaadkii Puntland oo bilowday!

 

Dagaallo ba’an ayaa la soo sheegayaa inay ka dhaceen dhowr goobood oo aan Boosaaso saa uga fogeyn, ka dib markii foodda ay isku dareen dagaalkaa ciidammo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, iyo ciidammo degaanka u dhashay. Dagaalka ayaa ka bilowday Karin Boosaaso maanta duhurnimadii, waxa kale oo la sheegayaa dagaal ka dhacay Laag iyo Boosaaso dhexdeeda.

 

Madaxweyne Faroole ayaa BBC-da u sheegay in dhinacoodu guulaystay oo ay dileen 13, iyagana saddex askari ka dhaawacantay. Hase ahaatee, warka runta ah oo weriyuhuba xaqiijiyey, ciidammada Puntland ee Faroole amarka ka qaata, waxa soo gaadhay jab weyn. 4 baabuur waa laga gubay, labo iyagoo hubkii saaran yahay bay ka goosteen, hub badanna gacantaa looga dhigay.

 

Faroole qasadkiisu waa inuu beesha caalamka marin habaabiyo oo ka gado meesha argagixisaa joogta. Odayaasha iyo waxgaradka degaankuna waxay hore u caddeeyeen in argagixiso aanay joogin dhulkooda, haddiise cid xiriirro bannaanka yeelatay jiraan, in iyaga aan loo gacan dhaafin.

 

Dhanka kale masuulka ugu sarreeya ee beesha ********** ugu jira dawladda Puntland, Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir, ayaa la sheegayaa inay Faroole iskaga hor yimaaddeen arrintan. Waxa la saadaalinayaa in haddii dagaalku ku baaho meelo badan, ay noqon doonto Dhammaadkii Puntland, haddii aan cid caqli u saaxiib ahi daba qaban. Sababtoo ah, afartii beelood ee u waaweynaa ee ku bahoobay Puntland labo horay u qulquleen: *********** iyo Dashiishle. Imminkana ********** ka bixitaankiisa Puntland wuxu sabab u noqon karaa Puntland oo dunta ama noqota meel ********** uun ku kooban.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Xaaladdii ugu dambaysay ee Galgala iyo askari sas ku diley labo

 

 

Wararka nagaga imanaya magaalada Galgala ayaa sheegaya in ciidammada Puntland isku urursanayaan meesha loo yaqaanno Karin Boosaasood oo ka hooseeya buuraha Dhalan iyo Majayahan. Ciidammadan oo odayaasha degaanku uga digeen Madaxweyne Faroole, inay ku dhaqaaqaan hawlo faragelin ah ayaa halkaa fadhiya. Shil la sheegay inuu dhacay xalay ayaa la sheegay in askari ka tirsan ciidanka Puntland uu saqdii dhexe sasay cabsi awgeed, ka dibna baas ku furay askartii la joogtey. Labo askari ayaa halkaa ku dhintay midna waa ku dhaawacmay. Cabsida askarigan ayaa ka dambaysay, meeshaas oo ay soo eegayaan buurahaas oo hadda ka hor dagaal ka dhacay.

 

Dhanka kale Madaxweyne Faroole oo tuulada Xarfo (Tuulo Buuryaqab) kula kulmay Islaanka Cumar Maxamuud, ayaa la sheegayaa inuu hadda la soo noqday feker ka duwan kii hore. Warar aan ku kalsoonnahay ayaa sheegaya in Faroole looga digey inuu ku degdego weerar indhala’aan ah oo degaannaas ku qaado, garabna maro talada odayaasha oo warbaahinta aad looga sheegay.

 

Mr. Faroole ayaa hanjabaad iyo cagajuglayn ka sii daayey saxaafadda, horena u diiday inuu wada xaajood la galo odayaasha iyo cuqaasha beesha **********. Laakiin, arrimahaas hadda waxa la sheegayaa inay Mr. Faroole la soo qadhaadhaadeen uuna xawilayo inuu hadal la furo odayaasha.

 

Dadka degaanka ayaa wacad ku maray inay iska caabbinayaan weerar kasta oo kaga yimaadda ciidanka Puntland. Odayaashuna waxay taagan yihiin arrintan in lagu xalliyo si nabada, marka laga reebo dhawr iimaan laawe oo iyagu Faroole ku baal jira.

 

Shirkii baarlammaanka iyo wasiirrada beesha ayaa lagu go’aamiyey in Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir arrinta faraha looga qaado. Jananka oo aan ahayn nin kaftan lagu yaqaanno ayaa laga hayaa, “Faroole ha soo taabto salka arrintan….” yacni, hadduu gardarrada joojin waayo, iyo weerarka qaawan. Ugu dambayntii Mr. Faroole oo talooyin cusub Islaanku ku kordhiyey ayaa laga sugayaa inuu la yimaaddo hab ka duwan qaabkii hore loogu diiday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Good news, Warlord Siilaanyo, warlord Faroole, and their snm-ssdf clan militia will be defeated soon

 

no more somalidiid-land and pirateland

 

 

Lets welcome the Maakhir State of Somalia

 

Somaliweyn is back, somalidii xalasha aheed are back

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cry me a river kid, nobody cares about your sub-clan or clan for that sake. This Atom guy will be dealt with like it or not, this is a matter of national security.

 

Second.,,,,,we, the rest puntlanders, careless if you and your kinsmen seize being part of Puntland. We don't collect any taxes from any of your poor little regions, and that desert empty land's value was to use it politically to counter the secessionist agenda. And Bosaso, you can live there peacefully, but the day you bring chaos and mayhem,,,,,that day will be your last day in Bosaso..Salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nothing will end and nothing will unravel. The Al Shabaab militia have been decayed today. Atom and the people of Galgala are hostages to foreign designs and today the state is trying to liberate them.

 

Che Adeer your boys have been defeated today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^The seeds of mistrust and angry passions have already been planted evidenced by H-boys turn on each other.Whether Atom is defeated or tomorrow matters little.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lol. You have always been a simple man, we had a huge war between heavily armed clans before. This does not even compare, some youths who don't even accept the truth in their comfortts in the west won't change a thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

^The seeds of mistrust and angry passions have already been planted evidenced by H-boys turn on each other.Whether Atom is defeated or tomorrow matters little.

In other words, even when al shabaab loses, it wins by creating clan mistrust?

 

I suggest if you have any relatives in Bosaso to call them, for you will find that the Galgal locals are also against Sheikh Atam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ A couple of shots were fired; a couple of people died on either side and suddenly it is the beginning of the end for Puntland. Are these poeple posting this nonsense Somali? Even the dogs of xamar (the dogs, not people) would laugh at such an overreaction. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Mid kaa yar ee Xudeedi la leeyahay hadii wax ka naxaaya jiraan isbitaal ha lageeyo

 

Waligaa ma aragtay qof u oonaya dad aan dilo, ciidan aan uruursado, hadii la iska kay ciliyana anaa qabiilkaygii lagu soo duulay, war ileen tanoo kale!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by General Duke:

^^^ lol. You have always been a simple man, we had a huge war between heavily armed clans before. This does not even compare, some youths who don't even accept the truth in their comfortts in the west won't change a thing.

But now the conflict has changed from clan rivalry to religious fanaticism. This will inevitably lead to the brainwashing of innocent youth, changing the landscape of the conflict up North to one which is similar to that of the South.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Originally posted by NGONGE:

^^ A couple of shots were fired; a couple of people died on either side and suddenly it is the beginning of the end for Puntland. Are these poeple posting this nonsense Somali? Even the dogs of xamar (the dogs, not people) would laugh at such an overreaction.
:D

Oo kaalay Burco Dog maleh miyaa? :D

 

Horta kaalaya, markuu Ramadaanku soo dhawyahay maxay dagaaldu u qarxaan oo ebar la iskaga dhigaa? Walee waa yaab!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this