Sign in to follow this  
General Duke

Minneapolis: Banquet for President Faroole Ministers: PICS

Recommended Posts

Originally posted by Che -Guevara:

If I pay hundred bucks, there better be happy ending, not sort thing you are thinking people
;)

Happy ending eh? mmm what will that be, just wondering...

Share this post


Link to post
Share on other sites

zFarooleIlkajirDhalac1l.jpg

 

USA: Madaxweyne Faroole iyo waftigiisa oo ka qayb galay casho sharaf ay u sameeyeen qurbajoogta Puntland ee Minnesota.

30. juni 2009

 

Minneapolis, June 29 | Munaasabad casho sharaf ah oo si bilan loo agaasimay ayaa xalay ka dhacday huteelka Hilton ee Minneapolis.

 

Munaasabada oo ahayd casho sharaf loogu talagalay waftiga M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ay weheliyaan wasiirada arrimaha gudaha Gen. C/llahi Axmed Ilkajir iyo qorshaynta Faarax A. Dhalac ayaa waxaa martigeliyey golaha Qurbajoogta Puntland.

 

Bilawgii cashada ayaa waxaa buraanbur nuxurkiisu ahaa soo dhawayn iyo iskaashi ay yeelato bulshada Puntland waxaa tirisay Xaawo Ayeeyo.

 

Wasiirada arrimaha gudaha Gen. C/llahi Axmed Ilkajiir iyo qorshaynta Faarax A. Dhalac oo ka hadlay cashada ayaa mahadcelin kadib dulmar ku sameeyey la kulamadii safarkooda mudadii ay ku sugnaayeen Maraykanka.

 

Waxaa sidoo kale ay xuseen horumarka siyaasadeed ee Puntland ay hiigsanayso, iyo dadaalada dimuqraadiyadeed ee ay wado dawlada Puntland.

 

M/weynaha golaha Qurbajoogta Puntland 'Puntland Diaspora Forum' Ambassador C/qadir A. Xaashi oo isna ka hadlay cashada ayaa tilmaamay ahmiyada munaasabadanu ay u leedahay qurbajoogta Puntland, gaar ahaan Minnesota.

 

Md. Xaashi ayaa dulmar ku sameeyey aasaaskii golaha qurbajoogta Puntland, ujeedooyinka loo aasaasay, faa'iidooyinka uu u yeelan doono bulshada Puntland, dal iyo dibad, iyo himalada dheer ee uu hiigsanayo mustaqbalka.

 

M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ahaa marti sharafka cashada ayaa uga mahadceliyey dadka reer Puntland ee Minnesota soo dhawaynta haboon, isku-duubnida ka muuqata, iyo sida ay u danaynayaan Puntland.

 

Waxaa uu sheegay in markii ay xukuumadiisu la wareegtay hoggaanka Puntland ay la kulmeen carqalado xoog leh oo horyiil Puntland, oo uu ka xusay dhaqaalaha oo aad u liitay, iyo ciidanka oo aad u kala daadsanaa taasina ay saamayn xoog leh ku yeelatay siyaasada guud ee Puntland.

 

Waxaa uu xusay in sida keliya ee ay Somalidu isku raaci karto uu yahay nidaamka dawliga ah ee federaaliga ah, bud-dhigna u ah dawlada federaalka ah ee Somaliya.

 

Waxaa uu sheegay in hore loogu khasaaray nidaamka dhexe uuna gayeysiiyey Somaliya burbur, dibna aan loogu noqon doonin.

 

Waxaa uu sheegay in Puntland ay tahay udub iyo muraayad Somali u taagan, ayna tahay meel Somali u dhaxayso.

 

Dhismaha hay'ada daryeelka bulshada ee Puntland ayaa uu sheegay in ay tahay hay'ad loogu talagalay in ay taakulayso bulshada inteeda nugul, loogana gol-leeyahay in lagu daryeelo adka naafada ah, agoonta, iyo kuwa maskaxda wax uga dhiman yihiin.

 

Waxaa uu ammaanay dumarka oo uu sheegay in ay galeen kaalintii ragga, ayna tahay in kaalintooda la garawsado, bulshaduna ay aqoonsato dawrkooda bulsheed.

 

Waxaa uu codsi u jeediyey gobollada Koonfureed ee Somaliya in ay ku dadaalaan dhismaha dawlad goboleedyo si loo hanto hirgelinta nidaam federaalka ah oo gobollada dalku ay ku midaysan yihiin.

 

Casha sharaft ayaa waxaa lagu casumay 300 marti sharaf ah oo ka tirsan qurbajoogta Puntland ee Minnesota iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

 

M/weynaha iyo waftigiisa ayaa 30-ka bisha (maanta) shir weyn kula yeelan doona Minneapolis Convention Centre Somalida Minnesota ku nool.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice pics sii fiican baa loo soo dhaweyo puntland diaspora.

War say wax u jiraan? even die hard landers are falling in love with Faroole. :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha PL oo la kulmey jaaliyada Minnesota

30 Jun 30, 2009 - 10:45:08 AM

 

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaya xaflada casho ee Minnesota

Madaxweynaha Puntland iyo waftigii uu hogaaminyey ayaa xaley 29 June,2009 ka qayb galey xaflad casho ah oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Qurbajoogta Puntland [ Puntland Diaspora Forum] tasoo ka dhacdey Hotel Hilton oo ku yaal Bartamaha magaalada Minneapolis.

 

Xafladan casho oo ay kasoo qayb galeen jaliyada reer Puntland ee ku nool Minnesota iyo marti sharaf kale oo ay kamid yihiin masúuliyiin ka socota gobolka [ Minnesota] kuwaasoo tiradooda kor u dhaafeysay 300 oo qof.

 

Furitanka kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay xogwarano ku saabsan socdaalkii wafdigu ku yimid Washington iyo kulamadii kala gadisnaa ay la qaateen masúulyiinta ka tirsan hay'adaha dowliga ah ee Mareykanka.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Wasiirka qorsheynta xiriirka caalamiga ah ee Puntland oo ka hadley munaasabadaan ayaa sheegey in maamul cusub ku guuleystey inuu dib u dhiso hay'adihii dowliga ah kuwoodii ugu muhimsanda sida ciidamada, Maliyada iyo arrimaha bulshada. Waxay kaloo Wasiirada xuseen sida ay lagama maarmaanka u tahay tabagalinta nidaamka xisbiyada badan iyada oo maamulka cusub ku guleysay meel marinta Dastuurka cusub.

 

Amb.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ah Gudoomiyaha Golaha Qurba joogta Puntland [ Puntland Diaspora Forum] oo ka hadley sida ay lagama maarmaanka u tahay isku xirka qurba joogta Puntland iyo MGPL iyo kor u qaadida sumcada Puntland [ Puntland International Profile]. Gudoomiyaha Golaha Qurba joogta Puntland Amb.Cabdulahi Cabdi Xaashi ayaa ku soo dhoweeyey hadalka Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole oo halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadley doorka maamul goboleedka Puntland ka jiro xal u helida dhibaatada ka taagan Somalia gaar ahaan Konfurta iyo qaybo ka tirsan gobolada dhexe isaga oo xusey in Somalia isugu imaan karto oo kaliya nidaamka Federaalka.

 

Mr.Farole ayaa jaaliyada ka codsadey iney ka qayb qaataan dib-u-dhiska Somalia gaar ahaan maamul goboleedka Puntland isaga oo xusey iney uga qeyb qaadan karaan siyaabo kala duwan, sida dib u dhiska hay'adaha ku mashquulsan arrimaha bulshada [ Iskuulida, xarumaha caafimaadka].

 

Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
sool_boy   

Originally posted by MoonLight1:

quote: Nice pics sii fiican baa loo soo dhaweyo puntland diaspora.

War say wax u jiraan? even die hard landers are falling in love with Faroole.
:D:D:Dthe good thing about somalilanders is if they see good paly ,they admit it , and that is progreesive mntlty many somalis lack.

Share this post


Link to post
Share on other sites
sool_boy   

Originally posted by Sophist:

Duke, good pics.

 

The above pic with the red tie! that is Gaashaan right?

 

S.

i think thats Amb.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this