Sign in to follow this  
General Duke

Local millitia foil attack on airport chase cowards out..

Recommended Posts

The people are organissing working with the TFG and taking great steps to ward of attcaks in their neighbourhoods.

 

 

maleeshiyxaafad.jpgIska horimaad dhexmaray Ciidamada Madaniga iyo Koox Madaafiic ku tuurtay airporka

Last Updated::2007-02-22 19:03:30

 

Muqdisho:- Rasaas xoogleh ayaa maanta ka dhacday Xaafada Al Baraka kadib markii shacabka deegaankaasi ku dhaqan ay

iska caabiyeen kooxo maleeshiyo ah oo damacsanaa in ay madaafiic ku tuuraan Aiporka.

 

Kooxdan hubeysan ayaa labo madfac ku tuuray Airporka, balse ayagoo ku hawljira in ay madaafiic kale tuuraan ayaa waxaa ka dul yimid maleeshiyo laga aruuriye xaafada Al Baraka oo loogu talo galay in ay la dagaalamaan kooxaha aan la aqoon ee weerarada ka wada magaalada Muqdisho.

 

Qadar yar oo is rasaaseyn ah kadib ayey halkaasi ka baxsadeen kooxdii hoobiyaha watay ayadoo la sheegay in ay ka carareen qaar kamid ah rasaastii ay damacsanaayen in ay ku ridaan Airporka magaalada Muqdisho.

 

Maanta ayey labo madfac kusoo dhaceen Airporka Muqdisho, kuwaasi oo aan khasaaro geysan isla markaana ku dhacay nawaaxiga Airporka.

 

Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxay hada bilaabeen in ay sameystaan ciidamo u gaar ah oo amniga xaafadaha suga kana hortaga kooxaha madaafiicda ka dhex tuura magaalada.

 

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga daalay rasaasta madaafiicda ah ee magaalada dhexdeed ay ka tuuraan kooxihii ka haray maxaakiimta.

 

Madaafiicdan la tuura ayaa had iyo goor keenta in ay ciidamada Dowlada ugu soo jawaabaan madaafiic kale duqeyntaasi oo keenta dhib badan oo shacabka soo gaara.

 

Todobaadkan ayey xaafadaha magaalada Muqdisho bilaabeen in ay sameystaan maleeshiyooyin hubeysan oo ah kuwo lagu doonayo in ay ka hortagaan maleeshiyooyinka kale ee shaqaaqooyinka ka wada Muqdisho.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Ilaalada Madaniga ah ee Xaafadda Al-baraka oo dagaal xooggan la galay koox ka mid ah ah kuwa...

Posted to the Web Feb 22, 13:36

 

 

Muqdisho (PP) – Koox hubeysan oo ah kuwa madaafiicda ku tuura goobaha muhimka ah iyo ciidammada deegaanka Al-Barakaha ee Degmada Hodan ayaa dagaal xooggan isaga horyimid, dagaalkaas oo sababay dhaawaca hal qof.

 

 

 

Dagaalkaan ayaa la sheegay in kooxihii burcadda ahaa looga dhaawacay illaa saddex ruux, waxaana ay ku qaateen gaarigii ay wateen oo ahaa nooca loo yaqaanno Caasiga, waxaana la sheegay intii aanu dagaalka billaaban inay kooxahaas ka rideen halkaas dhow baasuuke oo ay u rideen dhinaca dadka rayidka ah ay daggan yihiin.

 

 

 

Ciidammo xaafadeedda deegaanka Al-baraka ayaa waxaa la sheegay inay eryeen kooxihii riday rasaastaas, waxaana rasaas xoog badan ay ka dhacday xaafadaha, iyadoo markii dambe laga guulaystay kooxihii burcadda ahaa.

 

 

 

Deegaanka Al-Baraka ayaa habeen hore kooxo hubeysan ay ka rideen madaafiic ay la beegsadeen saldhigyada ciidammada Ethiopia ay daggan yihiin ee wasaarada gaashaandhigga. Waxaana taasi ay keentay inay ku soo jawaabaan madaafiic waaweyn oo sababay dhaawac iyo dhimasho aad u xoog badan.

 

 

 

Dadka deegaanka ayaa waxay si weyn uga caroodeen falkaas ay ka sameeyeen xaafadda kooxaha burcadda ah, waxaana tani ay keentay in la iska dhiciyo, iyadoo tani ay qayb ka tahay dadaallada ay wadaan dadka xaafadaha Muqdisho ku yaalla.

 

Arrintan ayaa u eg mid ay dhibaatadeeda dareemeen dadka ku nool xaafada Hodan oo ay habeen walbaa ay kooxo hubaysan ay la beegsan jireen hubabka noocyadiisa kala duwan , waxaase labadii habeen ee la soo dhaafay ay xaafadu ahayd mid ay ilaalo gaar ah ay ka hayeen dadka deegaankaas degan si ay isaga caabiyaan kooxahan.

 

Xaafadda Al-baraka ayaa waxay hadda ku jiraan heegan aad u xooggan si ay uga hortagaan madaafiic kale oo laga tuuro agagaarkooda, waxaana lagu wadaa in dadka deegaanka ay si weyn uga hortagaan fal kasta oo lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo shacabka deegaankaas.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadweynaha Muqdisho oo ka hor yimid kuwa ku dhex dhuumanaya

 

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hor yimid dableyda ku dhex dhuumaneysa ee madaafiicda ku rideysa farriisimada dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Ciidamo xaafadeed madani ah una badan dhallinyaro ayaa iskood u go'aansaday in ay ka hor tagaan in hoobiyayaal laga rido xaafadahooda, kuwaas oo ay suurta gal tahay in dhinaca dawladda looga soo jawaabo halkaasna uu khasaare naf iyo maalba leh uu ka dhaco.

 

Magaalada Muqdisho ayaa laga nastay weeraradii iyo weerar celiskii muddo laba habeen ah inkasta oo ay dilal goonni goonni ah ay ka dhaceen.

 

Maxamed-Deeq Cabdalla

 

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha ciidamada madaniga oo ka war bixiyay qaabka ay u shaqeeyaan.

Mogadishou, Ciidamada madaniga ee gobolka Banadir ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka ay u wada shaqeeyaan iyo xiriirka ka dhaxeeya, iyaga iyo dowladda Somalia.

 

Gudoomiyaha ciidamada madaniga ee gobolka Banadir Cismaan Max'ed Cawaale ayaa sheegay in soo ifbixtaanka mar kale ee howsha ciidamada madaniga ay timid baahida loo qabo aawadeed, isagoo ku macneeyay qulqulatooyinka ka jira caasimadda Somalia in ay tahay kuwo ay wadaan koox yar oo argagixiso ah ku waa oo dadka rayidka ah ku dhex dhuumaaleysta , waxa uuna sheegay in aysan doonayaan kooxahaasi in marnaba wadanka uusan yeelan dowlad.

 

Waxa kaloo uu tilmaamay in door muhiim ah ay ka ciyaarayaan amaan ku soo dabaalida caasimadda, isagoo cambaareeyay weerarada madaafiicda ee magaalada Muqdisho ay argagixisadaasi la beegsanayaan meelaha ay shacabku dagan yihiin si ay khalkhal nabadooda u galiyaan cabsina ugu abuuraan.

 

Guddoomiyaha isagoo hadalkiisa sii wata ayuu wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in shacabka daga magaalada Muqdisha ay xilweyn iska saaraan gacan ku dhigidda argagixisadaas naftooda iyo ubad kooda hororka ku ah.

 

Hadalka Mas'uulkaan ayaa ku soo beegmay xilli ciidamada Madaniga ay dhowr jeer oo hore ay iska hortaageen qorshayaal xaafadaha Muqdisho qaar la doonayay in madaafiic lagaga tuuro ciidamada xoogga dalka Somaliyeed.

 

Mataan Gaaboow:Mogadishou

 

Tifatire, Oday

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a good development. The people of the neighbourhoods have to protect themselves and avoid being subjected to violence by people who throw mortars at the government whilst hiding amongst children and innocent people.

 

The game is up.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

I am sure they will definately sort it on the ICU side, these young men are being blinded.

 

 

There is no reason for them to support a puppet govt, let a lone a clan led one.

Share this post


Link to post
Share on other sites
DigibAc   

It’s unwise to think it easy to stop people that want to attack the TFG militia and foreign forces from doing so. After all, it doesn’t take much to fire a couple of mortars.

 

The best solution is for the government to ask the foreign troops to leave the country and for the government to work with the Somali people towards reconciliation, after all reconciliation was the reason this government was created.

 

Unless the foreign forces leave the country and a true reconciliation process is conducted we might see the violence in Somalia mirroring the violence of the early nineties.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this