Sign in to follow this  
RedSea

Maakhirland leader comes to Hargeisa...slap on the face of PLand.

Recommended Posts

RedSea   

hadhwanaag 2008-11-13 (Hadhwanaagnews) Hargeysa, -(HWN)-Jibriil Cali Salaad oo horaantii 2007-dii kaga dhawaaqay deegaanda sanaag bari maamul madax banaan oo uu u bixiyey maamul goboleed la yidhaa maakhir state isla markaana isku magaacabay Madaxweynaha maakhir state ayaa muddo saddex todobaada ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu socdaal kaga yimid degmada Badhan ee gobolka Sanaag bari oo uu la badii sanadood ee ugu dambeeyey uu ku sugnaa.

 

Jibriil Cali Salaad oo hore uga mid ahaan jiray golihii hore barlamaanka Somaliland ayaa markii uu ku soo bixiyey liiskii baarlamaanka golaha wakiilada cusbaa 29 kii September 2005-kii ayaa ka cadhooday ka dib ku dhawaaqay maamul uu ula baxay Maakhir State.

 

Siyaasigan Jibriil Cali Salaad oo ka mid ahaa siyaasiyiinta bariga Sanaag isla markaana k tirsanaa golihii hore ee wakiilada ee wakhtigiisu dhamaaday ayaa markii dambe horaantii 2007 dii maamul madaxbanaan kaga dhawaaqay deegaanada Sanaag Bari taas oo uu wakhtigaasi sheegay in maamulkaasi ka madaxbanaan yahay somaliland iyo Puntland-ba balse sida la ogyahay badhtamihii 2007-dii ayuu siyaasigaasi u boqoolay dhinaca koonfurta Somalia ee Muqdisho taas oo la sheegay in Madaxweynaha imbagaathi ee cabdilaahi Yuusuf ay kulano ku yeesheen magaalada muqdisho iyo Baydhaba.

 

Socdaalkiisa wakhtigan xadirka ah uu ku yimid caasimada oo aan si rasmiya loo ogayn ujeedada uu salka ku hayo ee uu daaran yahay ayaa hadana waxay ilo xogogaal ahi sheegayaan in socdaalka wakhtigan ee uu siyaasiga jibriil Cali Salaad ku yimid caasimada ay ka dhalatay xidhiidh hoose oo isaga iyo madaxweyne Riyaale dhexmaray taas darteedna ay tibaaxuhu sheegeen in madaxweyne Riyaale ka dalbaday inuu yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa taas oo siyaasigan jibriil cali Salaad-na uu ka aqbalay imaatinka caasimada, waxayna tibaaxuhu sheegeen in mudadii uu ku sugnaa caasimada uu dhawr kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada balse ilaa hada si rasmiya looma oga waxyaabahay ka wada hadleen, waxayse ilo u dhuun daloola Madaxtooyada Somaliland ay sheegayaan in madaxweyne Riyaale iyo Jibriil Cali Salaad ay ka wada hadleen arimo ku saabsan xaalada Siyaasadeed ee deegaanada Bariga Sanaag iyo guud ahaanba duruufaha wakhtigan xaadirka ah ku xeeran.

 

Jibriil Cali Salaad oo aanu khadka tilifoonka kula xidhiidhnay shalay galab ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax tafaasiila ka bixiyo ujeedada socdaalkiisa uu ku yimid Hargeysa isagoo noo sheegay inaanu wakhtigan xaadirka ah diyaar u ahayn inuu ka hadlo socdaalkiisa balse waxa uu noo sheegay inuu mar dambe ka hadli doono isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ maalmahan waan yar xanuunsanayey balse gadaal ayaan idiinka warami socdaalkayga imikase diyaar uma ihi ee iga raali ahaada”

 

Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   
Mujaahidow, sow teynu isku ogeyn Jihaadka uun in laga shaqayo- Maxaa labadan naagoodoo gambada is jiidaya guntiga kuugu xidhay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Ofcourse, I am against him. For, I dont support secessionism. He is just another example of Xaabsade. I thought, he was in Baydhabo with the TFG. Malaha xaggaasna waxbuu kasoo waayay. Big time loser!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Laba_X:

Mujaahidow,
sow teynu isku ogeyn Jihaadka uun in laga shaqayo- Maxaa labadan naagoodoo gambada is jiidaya guntiga kuugu xidhay?

^^^ :D:D:D

 

Mujaahid dont lose interest in the south :D .

 

As for Jibriil, I thought he was unemployed since the arrival of the senior General!

Share this post


Link to post
Share on other sites

what some of you completely fail to understand, perhaps due to ignorence or willful blindness, is that self proclaimed man have very little effect in this part of there world. What matters, and you all seem to in agreement in ignoring it, is the people's will. It matters not who goes to hargeisa or god know where, people have made again and again clear, they want no part of that mafrishland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

General Ilka-jiir the running candidate for Puntland leadership is the don in Sanaag nowadays. Having said that, the seccessionists have a lot to fear should this man wins Presidency of Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this