Sign in to follow this  
Ameer

Shariif Xasan Sh. Adan oo ku guuleystay doorashada guddoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliy

Recommended Posts

Ameer   

Shariif Xasan Sh. Adan oo ku guuleystay doorashada guddoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliyeed

 

Jimco, May 28, 2010 (HOL) - Wararka naga soo gaaray goobta ay ka dhacayso doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in Mudane Shariif Xasan Sh. Adan ku guuleystay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed. Mudan Shariif Xasan ayaa wareegii 1-aad helay 219 cod halka qofkii ku soo dhawaa uu ah Muane Cabdi Xaashi Cabdullahisi helay 147 cod.

 

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka dib ka tanaasulay in uu isu soo taago wareega 2-aad sidaa ayuu ku guuleystay Mudane Shariif Xasan .

 

Xildhibaanada halkaa joogay oo codkooda dhiibtayaa ayaa dhammaa 388 xildhibaan

 

Warbixin dheeraad oo doorashadan ku saabsan ayaan dhawaan idiin soo gudbindoonaa

Souce Hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

sharif sakiin asaga ayaa is doortey, aadan madoobe buu meesha ka bannaystey. wallee waa nin balaayo ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Shariif Xassan Shiikh Adam oo ku guuleystey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

May 28, 2010

 

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u doortey Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Adam, Xildhibaanka ayaa waxaa la tartamaayey musharixiin gaaraya 4 kuwaas oo sadex kamid ah ay ka tanaasuleen tartankii, kuwaas oo kala aha:

 

Xil. Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil

Xil. Axmed Cabdullaahi Xuseen (Fanax)

Xil. Cabdikaafi Macalin Xassan

 

Shariif Xassan ayaa helay codad gaaraya 217 cod halka Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu halay 143 cod, xildhibaanada goobta fadhiyey ayaa dhamaa 388 xildhibaan.

 

Kadib doorashada ayaa waxaa isla goobtii lagu dhaariyey Shariif Xassan, waxaana uu ku fariistey kursigii Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Waa markii labaad ee loo doortey booska afhayeenka sanadkii 2004-tii ayaa Xildhbaano gaaraya 180 xildhibaan u doorteen in uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waqtigaas oo uu ku cusbaa siyaasadda Soomaaliya.

 

Waxaa xilka laga qaadey sanadkii 2007 kadib markii uu ku biireey xoogaga mucaaradka, waxaana lagu baddalay Shiikh Adan Madoobe, oo isaga lagu cadaadiyey in uu xilka iska casilo.

 

Xildhibaanka la tartamaayey Shariif Xassan oo magiciisa la yiraahdo Xil.Cabdi Xaashi ayaa ka soo galay baarlamaanka Gobolada Waqooyi ama Somaliland, waxaana la sheegayaa in uu taageero ka haystey Madaxweynaha Dawladda Federaalka.

 

Dhanka kale waxaa maanta aad loo adkeeyey amaanka xarunta doorashadu ka dhacaysey, mana jirin wax rabshado ah oo dhacay intii doorashadu socotey xoogaga mucaaradka ayaan wax madaafiic ah ku ridin, mudadii doorashadu socotey.

 

Amina Axmed Cali (Ladan)

Muqdisho, Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Nin dooran doorta xaw dhahdeen! :D

Oraah Soomaali baa oranaysa "Ninkii khayrkii loo xiirayoow adna soo qoyso" Madaxweyne Sharif muxuu sugayaa, this guy wuu u dhaarsan yahay shaki kuma jiree, hadduusan is geddin oo haddana siyaasad kale hoosta kala soo bixin.

Runtii, Soomaaliya in labo jeer la xoreeyo ayay u baahan tahay, marka koowaad Xariif Xasan in laga xoreeyo, marka labaadna Al-habaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Allamagan:

lol @ Nin dooran doorta xaw dhahdeen! wuu iska dooranaa miyaa sheekadu?
:D

lol...arkeysidaa saaxiib. Waa iska caddayd markii ay ka billaabatay baarlamaanka gudihiisa doodda ah in Aadan Madoobe wakhtigiisii dhammaaday ay arrintu tahay in Xariif Xasan meesha u soo xusul-duubayo.

Anigu kolleyba wakhtigaas ayaan maqlay in xariifku uu diyaargarow ku jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this