Sign in to follow this  
juma-nne

Somaliland , Puntland army Alliance To rescue Shariif?

Recommended Posts

juma-nne   

Qaylo Dhaanka Ka Imanaya Dawlada Somalia Iyo Tuhunka Ciidamo Somaliland Oo La Sheegayo In La Geenayo Somalia

June 22nd, 2009 Comments Off

 

Warar aan xaqiiqdooda wali la hubin, ayaa sheegaya in dawlada Sheikh Shariif ka codsatay xukumada Riyaale in ay ku kaalmeeso ciidamo ay kaga hor tagayso mucaaridka Al Shabaab, ee ay la dagaalmayso. Ilaa iminka lama oga jawaabta xukumada Riyaale kaga timid Xukumada Sheikh Shariif, waxaase jira cadaadis badan oo ka imanaya wadamada reer galbeeda, kuwaas oo xukumada Somaliland iyo dawlad gobaleedka Puntland ba ku dhiirinaya in ay kaalmeeyaan xukumada Sheikhl shariif, si ay isaga caabiso dagaalka ay kula jirto ciidamada xagjirka ah, ee isku magacaaba Alshabaab.

 

 

 

Maalinta khamiista, ee bishu Jun 25 keeda, 2009 ayaa magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka dhici doontaa casumaad isugu imanayaan Masuuliyiin ka socda Somaliland, Somalia iyo dowlad gobaleedka Puntlad. Kulankaas oo lagu shaaciyay webiste ka Foreign Affairs ka ayaa la sheegay in uu la xidhiidho sidii waji midaysan looga wada hortagi lahaa waxa loogu yeedhay Argagaxisada ka jirta geeska Afrika. Nuqulka warkan ku qoran foreign affairka ka akhriso halkan hoose.

 

 

 

 

 

http://foreignaffair s.house.gov/hearing_ notice.asp?id=1093

 

 

 

Dhawaan ayaa Wasiirka ka tirsan xukumada Sheikh Shariif oo ku magacownaa Wasiirka Amniga dowladda Somaliya iyo saraakiil kale oo katirsan dowlada uu hogaamiyo sheikh shariif Axmed ku geeroyoodeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Baledweyne ee gobalka Hiiraan. Qaraxaani ismiidaaminta ayaa ka dhacay Hotelka Madiina ee ku yaala galbeedka magaalada Baladweyne oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Somaliya . Sarkaalka Mr Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirkii hore ee dowladda KMG Soomaaliya ee dalka Ethiopia C/kariin Faarax Laqanyo iyo saraakiil ugu sareeyey booliska gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen qaraxaa. Mana aha markii ugu horaysay ee kooxaha Al shabaab sameeyaan dilkaa ismiidaaminka ah, balse waxaa sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay qaraxyo lagu sameeyay Somaliland iyo dowlad gobaleedka Puntland, kuwaas oo sabobay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhawwacba keenay.

 

 

 

Xukumada Riyaale ayaa iyadu marnaba shaacin siyaasada cad oo ay ku wajahyso Xoogaga Al-Shabaab, waxaase ay u eg tahay hadii ay dhabowdo warkani , mid si cad dawlada Riyaale dagaal ugu qaadi doonto xoogaga Alshabaab.

 

 

 

Dhinaca kale, Xisbiyada mucaaridka ayaa iyagu ilaa iminka wax hadal ah ka bixin wada hadalkan la sheegay in uu u furmay Dawlada Riyaale, Dawld gobaleedka Puntland iyo Dawlada Sheikh Shariif, ee la xidhiidha sidii ciidan wadajir ah la dagaalanta Al shabaab loo sameen lahaa. Waxaase labada hogaamiye mucaarid marar hore oo ay hadleen ugu baaqeen xoogaga ka dagaalamaya Muqdisho in si nabad ah ku dhameeyaan khilaafkooda siyaasadeed, shacabka iyo maantada masaakiinta ah, ee waxa ay galabsadeen aanay jirina, uga tudhaan dhibaatada.

 

 

 

Dhinaca kale, afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheera) ayaa shalayto shir jaraa’id oo uu khadka taleefonka ku qabtey ku sheegay in aysan Dowlada ka deyneyn dagaalka ay kula jiraan markasta.

 

Waxaa uu ka jawaabayey afhayeenku hadalki shaley ka soo baxey Dowlada Soomaliya ee ahaa in ciidamo lala soo gaadho, xiligaan waxaana uu sheegay ama yidhi “Dowladad kasto oo ciidamo keento ,tayo kastana ha lahaadan waan la dagaalameynaa muslimintuna kama baqaan rirada ciidamada codowga ku ah islaamka” ayuu yiri Afahayeenka Xarakada Shabaab Alamujaahidiin shirkiisa jaraa’id.

 

 

Wixii faah faahina ee la xidhiidha wada hadalkan Khamiista dhacaya iyo wajigu ku dhamaado kala soco Somaliland.Org.

 

Xafiiska Somaliland.Org ee Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland will never give its troops to sh hotel anaga maxa noogu jiira nothing Somaliland government will not send troops to koonfuria haba ku riyooon taas,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Wariyaa xaajiga meesha riwaayada umadda loodhigaayo kuuma muuqato miyaa?

maxaa maanta isu-keenay ina oomaar iyo ina dhoola yare oo midba dhinac metaalaayo. :D . Mid waliba dhinac ayuu xogaagiisa ka urursadaa umadana been usheegaa. Washingto ma djibouti ayaiy ka liidataa ileyn somaliland inageele waa kaa kushaqayste.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bunch of ragtag militias from BS landers will make no difference in Xamar, but the story has it that the unholy regimes from the north will be forced to "make up", and Sharif will be replaced.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The dreams of Puntlanders.... If only they could come true....

 

First, Puntland will be handed control of Somalia through the Americans (1992-1993)...

 

When that didn't work, Puntland will come in with Ethiopian troops to rule forever (2006-2008)...

 

The latest incarnation is wishing for Puntland coming in with Somaliland troops...

 

Even more unlikely than the previous two!

Adkeysta, nimanyahow, adkeysta...

Share this post


Link to post
Share on other sites

SL is too fuuleyaal to join this and PL too phony to be trusted in anyway shape or form.

 

I would say let this folks do their own house cleaning first. Good luck to the winners.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think both P/Sland should go down south and join the war, but first they need some cimaamado and fancy arabic name, how about (Al-Zamaalik for Puntland forces, and Al-Ahli for Somaliland troops), but then they will have one chief of staff, Gen:Indhacade would be appropriot. :D

 

Imagine the confusion, and the misunderstanding the different dialects will cause, I can imagine the P'land forces shouting "Soo dhacyeey" meaning "MADFAC" and then the S'land guys coming out of their bunkers thinking Qat dilivery has arrived.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BRIEFERS:

 

His Excellency Abdillahi Mohamed Dualeh

Foreign Minister

Republic of Somaliland

 

His Excellency Dr. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole)

President

Puntland State of Somalia

 

His Excellency Dr. Crispus Kiyonga

Minister of Defense

Republic of Uganda

Kampala, Uganda

 

His Excellency Mohamed Omaar

Foreign Minister

Republic of Somalia

Note Witnesses may be added.

Why is the S'land guy above farole and Omaar, umhuu, I think this indicates there is recognision on the way. weldone landers. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this