Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Buubaa Ali Baashe in Bugland

Recommended Posts

Ohhh yeah ,,, the losers.

 

They can't stay in Mogadishu and they can't come to Somaliland. They preferred to move around in between.

 

Buubaa is in Bosaso right now and heading to Garowe in the coming few days.

 

 

Stay tuned for more news about them ...... here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labo Siyaasi oo miisaan weyn waqtigan ku leh Siyaasadaha hoose ee dalka Soomaaliya ayaa gaaray gobalada Puntland, kuwasoo horay uga tirsanaa baarlamaanka Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxa ayna labadan Siyaasi ay kala yihiin Ismaaciil Hure Buubaa (Wasiirkii arrimaha dibada Xukuumadii Cali Maxamed Geedi) iyo Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ka dagay madaarka magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, isagoo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen dhinacyo kala gedisan oo ay ku jiraan Wasiiro ka socda dowladda Puntland ee Soomaaliya, waxa ayna qaateen wada hadalo ku aadan xaaladaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

 

Ismaaciil Hure ayaa maalmaha nagu soo aadan soo gaaraya caasumada Puntland, oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud oo ay ka wada hadlayaan xaalado badan oo ay wadaan Labadan Siyaasi.

 

Cali Baashi Xaaji Maxamuud ayaa ka dagay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirada dowladda Puntland qaarkood, waxaana la dajiyey halka ay degan yihiin Madaxda dowladda Puntland, isagoo xalayba la kulmay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo ay xaalado badan isla soo qaadeen.

 

Cali Baashi wuxuu ka soo duulay dalalka jaarka la ah Soomaaliya, isagoo mudooyinkii ugu dambeeyey isaga iyo Saaxiibadiisa Siyaasadeed ay wadeen ay kaga soo horjeedeen caawinta 20-ka sanno la caawinayo gobalada aan waxba ku heshiin karin ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Badbaada iyo Xal uraadinta xaaladaha Soomaaliya ayaa ugu weynd Ajendaha ugu muhiimsan ee ay Siyaasiinta utageen dalal kala gedisan oo ay kala soo hadleen xaaladahaasi, ayna ka soo qaateen go'aamo ku aadan xaaladaha dalka Soomaaliya oo ay wax badan iska dhaheen.

 

Booqashada ay labadan Siyaasi ku soo gaareen Puntland ayaa ah dhoola-tusyo Siyaasadeed oo ay muujinayaan. markii uu dhawaan sheegay Afhayeenka baarlamaanku in ay shaqada ka cayriyeen Mudanayaashaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Siyaasi Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo horay uga tirsanaa baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, hadase ka mid ah Siyaasiinta Soomaaliyeed, soona gaaray shalay magaalada Gaalkacyo ayaa ka dayriyey xaaladaha ka jira gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

 

Cali Baashi wuxuu sheegay in ay tageen dhawaan dalal badan oo kuyaala Geeska Africa iyo dalal kale oo Africa ah, oo ay kala hadlayeen xaaladaha Soomaaliya, gaar ahaana buu yiri in ay dhinacyadaasi oo dhan ka baxaan riyada oraneysa in ay Koonfurta Soomaaliya ka dhismi doonto dowlad Soomaaliyeed, oo soo gaarta guud ahaan gobalada dalka Soomaaliya.

 

Mr. Baashi wuxuu tilmaamay in ay dalalkaasi kala hadleen in wax lala qabto dadka Soomaaliyeed ee wax qabsaday ama horumar iyo daganaansho uhorseeday deegaanadooda, isagoo ula jeeday dowlad gobaleedyada Puntland iyo Somaliland, oo uu sheegay in ay joogaan dad Soomaaliyeed oo wax badan qabsaday, intii ay dagaalamayeen dadka ku sugan gobalada Koonfureed.

 

Muqdisho wey dagaysaa.

 

Cali wuxuu meesha ka saaray warka oranaya in ay magaalada Muqdisho nabad ka dhici doonto, wuxuuna warkaasi ku sheegay mid aysan waxba ka jirin, isla markaasna dowladdaha iyo Ururada daneeya xaaladaha Soomaaliya laga gadayay buu yiri ku dhawaad 20-kii sanno ee ugu dambeysay, ayna hada garowsadeen dalalkaasi in aysan waxba ka jirin arrintaasi.

 

Khilaafka Somaliland iyo Puntland.

 

Siyaasigan wuxuu sidoo kale cadeeyey in ay kutalo jiraan in ay wada-hadalsiiyaan dowladdaha Puntland iyo Somaliland, isagoo sheegay in ay labadan mandiqadood ay maanta ka madax banaan yihiin dagaalada iyo rabshadaha ka taagan Soomaaliyada kale, ayna kala hadleen dalalkii ay tageen sidii labada Maamul wax badan loo wada-hadalsiin lahaa, gacana loo siin lahaa si buu yiri ay udhameeyaan khilaafkooda dhinaca sohdimaha ah.

 

Dagaalada Muqdisho.

 

Mudanahan horay uga tirsanaa baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya ayaa muujiyey sida uga xun yahay dagaalada ka socda caasumada dalka Soomaaliya iyo gobalada Koonfureed, wuxuuna dhinacyada oo dhan ku eedeeyey kuwa uadeegaya dano Shisheeye, balse aan ka talineyn danaha dadka Soomaaliyeed ee ku sugan koonfurta Soomaaliya.

 

Rajada Cali Baashi ee ku aadan in ay dagaaladaasi joogsadaan ayuu ku sheegay in ay tahay mid uusan marnaba qabin,isagoo cadeeyey in ay hada dagaalamayaan dad markii hore isku meel ka soo wada jeeday, doonayayna in ay mar uun xukunka dalka qabtaan, kuwaas oo uu sheegay in ay usoo kala hormareen Xukunkii, dagaalkuna umuuqanayo mid aan joogsi laheyn.

 

" Dagaalka Xamar wuu soconayaa, mana joogsanayo, waayo sidan aan ognahay waxaa hada dagaalamayaa waa labo qolo oo mudo dheer saaxiibo ahaa, dagaal soo wada galay usoo dagaalamay in ay qabsadaan hogaanka dalka, kooxahaas qaarkood ayaa ku soo hormaray hogaankii, markaas dhinicii kalena dagaal ayay bilaabeen si ay kooxdan meesha uga keexayaan, marka ma muuqanaya rajo uu ku joogsanayo dagaalkaasi" Ayuu yiri Cali Baashi Xaaji Maxamuud.

 

Muran Siyaasadeedka Somaliland.

 

Cali wuxuu ka dayriyey muran Siyaasadeedka ka taagan gobalada Somaliland, taasoo oo uu sheegay in ay ku wajahan tahay arrimaha Doorashada, isagoo ugu baaqay dadka Somaliland in ay ka tashadaan Aayahooda, wuxuu sheegay in raga ugu sareeya Maamulkaasi lugu eedaynayo in ay iska fariisteen kuraastii ka dhaxeysay dadka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay in ay arrimahaasi soo afjaraan.

 

" Aad baan uga xun-nahay waxa ka socda Somaliland, waxaan Alle uga baryaynaa in uu Alle ka saaro oo ay heshiiyaan,wararka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in rag ay isku dhajinayaan xilalkii umada udhaxeeyey, waxaana ragaas ugu baaqaynaa in ay xilalka dowladda isku hayaan" Ayuu yiri Cali Baashi Xaaji Maxamuud.

 

Soo galitaanka ciidamada dowladda Itoobiya.

 

Mr. Baashi ayaa ku sifeeyey ciidamada dowladda Itoobiya soo galitaankooda mid lugu qasbay, isla markaasna ay dad shalay doonayay in ay baxaan ay maanta uyeerayaan ciidamadaasi dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay in aysan dowladda Itoobiya dan ka laheyn in ay ciidamadeda galiso Soomaaliya, isagoo sheegay in hadii Itoobiya ay halis ka dareento ku soo wajahan dalkeeda, ay soogalineyso ciidamadeeda oo ay iska difaacayso dhibaato hanaankeeda Maamul ku soo wajahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Xaaji_xundjuf, how you can call traitor some one who believe the unity and the integrity of his nation do you know mr buuba is veteran SNM and that not make him cessionist

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Originally posted by Jacaylbaro:

Ohhh yeah ,,, the losers.

 

They can't stay in Mogadishu and they can't come to Somaliland. They preferred to move around in between.

 

Buubaa is in Bosaso right now and heading to Garowe in the coming few days.

 

 

Stay tuned for more news about them ...... here.

then i YOU HAVE verifyt that SOMALILAND IS not a free nation :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Buubaa waa siyaasi marba meesha cagaarku yaal u carara. Hadii run larabo dee maanta xoogaa cagaar ah yaa boosaaso yaal odeygana koley fara madhnaan lasoo diri maayo. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by juma-nne:

Buubaa waa siyaasi marba meesha cagaarku yaal u carara. Hadii run larabo dee maanta xoogaa cagaar ah yaa boosaaso yaal odeygana koley fara madhnaan lasoo diri maayo.
:D:D

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...for the common Somali...Habar walba waa Siyaasiyad and leader...Waa waxa horumar noo diidey in dad la iska cabsanaado!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this