Sign in to follow this  
Saalax

Magaalada Ceerigaabo Oo Maanta Si weyn Looga Ciidey

Recommended Posts

Saalax   

Ceerigaabo Oo Maanta Si weyn Looga Ciidey.(Daawo)

 

6iioo50wwpfzuompt3n.jpg

 

Ceerigaabo(Qarannews) Iyadoo kaddib gudashadii Soonka Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ay maanta ahayd maalin si isku mid ah looga wada ciidey dhammaan daafaha dunida ee Muslimiintu ku sugan yihiin ayaa subaxnimadii hore si aan kala hadh lahayn waxa dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira dhammaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay ay u dareereen fagaaraha garoonka kubbadda cagta (Daalo Stadium) ee magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay ku tukadeen Salaaddii Cuudul-fidriga.

 

Kasokow culimadii fagaarahaas takbiirta iyo wacdiga ka jeediyey ayaa waxa kale oo fagaarahaas dadweynaha kala hadlay Maayorka Ceerigaabo oo hadal kooban oo hanbalyo iyo duco ah halkaas ka yidhi iyo Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo isagu safar muddo dheer qaatay oo uu ku tegey caasimadda Somaliland ee Hargeysa islamarkaasna xukuumadda cusub ee Somaliland mar kale usoo magcawday guddoomiyaha gobolka Sanaag kaddib laba habeen ka horn soo gaadhey Ceerigaabo oo isaguna dhiniciisa dadweynaha usoo jeediyey waano iyo talooyin la xidhiidha in ay isku duubnaadaan oo wanaagga ka shaqeeyaan islamarkaasna aanay isugu gargaarin xumaha siiba dhiigga iyo magaha iwm, sidoo kalena halkaas hanbalyada ciiddan iyo duco farabadan guud ahaan bulshada Somaliland iyo gaar ahaanba gobolka Sanaag uga jeediyey.

9kj9gwzqos7fsgogfrv.jpg

 

vdm229kg0fq2z6yr1106.jpg

 

Dadweynaha halkaas isugu soo baxay oo ay salaaddaas kala qayb galeen Maayorka degmada Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa gaar ahaan haweenka iyo carruurta da’yarta ah waxa ka muuqatey bilicda iyo dhalaalka midabbad kala duwan ee huga ay xidhnaayeen, iyadoo intaas ay usii dheerayd ray-raynta iyo farxadda carruurta yaryar oo laga maqlayey dhawaaqyada kala duwan ee waxyaabaha ay ku cayaarayeen.

 

9v54pf8amk749v7dx1d.jpg

 

Dhinaca kalena dadweynaha kale oo salaadda kaddib saxaafaddu makroofoonka la dhex qaadday ayaa iyaguna dhinacooda hanbalyooyinka farxadda ciiddan oo kala duwan hawada isaga tebinayey.

 

Guddoomiyaha Suxufiyiinta Sanaag oo ka mid ahaa dadkii hanbalyada tebinayey ayaa yidhi "Anigoo ku hadlaya magacayga C/laahi Xuseen Darwiish iyo magaca Ururka Suxufiyiinta (Sanag Media Group) ee aan guddoomiyaha u ahayba waxan ugu horrayn hanbalyo manta u dirayaa guud ahaan ummadda reer Somaliland meel ay jogaanba iyo gaar ahaan suxufiyiinta reer Somaliland oo aan leeyahay ciiddan ciiddeeda Eebbe haydinku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo. Waxan kaloo hanbalyo u dirayaa Madaxweynaha Somaliland Md-Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan ku hanbalyaynayo qaab-dhismeedka xukuumadda cusub iyo gaar ahaan dib usoo magcaabista Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo aan leeyahay bulshada reer Sanaag xukuumaddu arrintaas kalsooni badan iyo wada shaqayn ayay kaga kasbatay".

 

zfm2vgod9y8rgqfridv.jpg

 

 

Qarannews/Ceerigaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Very Beutiful, Maasha Alaah. Ceerigaabo residents have proven that Somali's can co-exist and enjoy peace and progress together.

 

 

Thanks for the photos

Share this post


Link to post
Share on other sites

xudedi ....saxib...they have acheived it because they all subscribe to somaliland.....regardless of clan.

 

thats the secret...

 

Islam - the individual - the family - the nation.

 

cerigavo's population has grown, i can tell by the picture it was a little village back in the day now look at all the children and people.

 

Mashalah...inshalah it will be one of Somalilands biggest cities.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Captain_Mike20, it's already one of the biggest cities in Somaliland, it has bigger population than Berbera, Buhoodle, Las anod, according to the voter registrations.

 

 

Mashallah indeed this city is growing fastly.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Xudeedi:

Very Beutiful, Maasha Alaah. Ceerigaabo residents have proven that Somali's can co-exist and enjoy peace and progress together.

 

 

Thanks for the photos

Indeed Ceerigaabo wa magaalo lagu daydo for it's progress and unity as one.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by NASSIR:

Wow, Huge crowd by Ceerigaabo, the capital of Sanaag region.

Will visit it someday Insha'allah.

 

Thanks Libaahe.

No problem sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

they achieved it because they live under the Shahada...when they lived under somalia they murdered and raped one another and fought bitter wars. no the common policy is,

 

ISLAM - THE INDIVIDUAL, THE FAMILY THE STATE - SOMALILAND.

 

Somalia is dead saxib, Somaliland is the temporary solution until we get an islamic world order. because we need to develop, we need to keep growing and it provides that and stability, all this democracy bulls**t doesnt mean anything, what we wait for is an islamic world order, and until we get that we have a xalal government with the shahada on its flag.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

lol@ Mike what are you smoking, nobody is talking about somalia or somaliland, i am all for khalifah Islamic state however that is when the sugar oil daddies ( saudi arabia and other islamic countries want to unite all the islamic nations to form the khalifah, other then that we shall never unite with somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hales   

other then that we shall never unite with somalia.

Whether the tide in Waqooyiga turns towards unionism, regardless you dont call the shots here.

 

Eid wanaagsan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gallad   

Maasha Allah. NIce pics. Sanaag is big province with large population. I have seen the picture of Dhahar and Badhan, and Ceerigaabo.

 

Masha Allah, its not like how fake Duke and his friends makes Sanaag. Sanaag has one of the biggest populations I have ever seen. Nice pics and well done to all of you sanagians out there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this