Sign in to follow this  
Saxardiid

Lascaano's dilemma

Recommended Posts

News from Radio Las Ano

 

Puntland oo aad ugu degdegaysa dagaal isla markaana aan dhowreyn wada tashiga hogaamiyeyaasha beelaha SSC ee ku aadan xaalada cakiran ee ciidamada is hor fadhiya

Jimce, January 16 2004

 

"Magaalada Lascaanod waxaa laga qabtay wax weyn, dadkuna waa puntland laakiin mas'uulinta Puntland waxaad moodaa inaysan ka fiirsanayn ficilada keli taliska ah ee ay ku maamulayaan khilaafka ka jira degaanka ee ah ciidamada dhawaan laga soo diray Hargeysa sidii looga saari lahaa degaanka, isla markaana looga baajin lahaa beelaha Deriska ah iskudhac aan faa'iidooyin badan laga dhaxlayn." Sidaas waxaa yiri CABDI CASAYR oo ka mid ah duqayda beelaha dega magaalada Lascaanod ee aad ugu ololeynaya soo afjaridda dhibka ka jira degaanka Sool.

 

Cabdi Casayr waxa uu RadioLascaanod u sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland uu saaka khudbad ka jeediyey magaalada Lascaanod, wuxuuna ku baaqay in la dareero oo dagaal la qaado. Taasi haddii aanu nahay odayada degaanka nama soo dhaweyn, waxaadna moodaa inay ka muuqato abuurid colaad aanu wasiirku garanayn cawaaqib xumada ay wadato.

 

Sidoo kale mar Radio Lascaanod wax ka weydiiyey GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SOOL Mudane IBRAHIM JAMAC DAAD waxa uu yiri: "Dawladda Puntland waxa looga baahan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo wada tashi ku dhisan ay ku wado arrimaha nabadgelyada ee gobolka, isla markaana aysan fursad siin askariga jecel inuu dagaal dhaco oo ah waxa keliya ee uu wanaajiyo. Waxaa lagama maarmaan ah in mas'uulinta gobolka ee ka kooban maamul iyo odayaal fursad la siiyo ballaadhan oo ay arrimaha ku maamulaan iyo dhaqaale ay hawsha ku socodsiiyaan, isla markaana aan waqtiga la soo gaabin."

 

Dawladda Puntland iyo mas'uulintooda waxa ay in dhaweydba hawlo wax ku ool ah oo ku aaddan dhinaca maamulka ka wadeen gobolka Sool caasimadiisa ee Lascaanod. Dadweynahu dibad iyo gudaba 100% aad ayuu u soo dhaweeyey, waxaase walaac badan laga muujinayaa in dawladdu ay horseeddo dhibaato weyn oo degaanka iyo deriskaba waxyeelo u ah iyaga oo xoog wax ku wada iyo wada tashi la'aan aysan siinayn mas'uulinta Gobolka iyo Odayada degaanka.

 

Dawladda Puntland waxa ilaa hadda ay ka qabatay magaalada Lascaanod keliya dhawr arrimood sida banaynta guryihii dawladda ee dadku degay, dhismaha xabsiga Lascaanod, dayactirka garoomada Ciyaaraha, iyo sugidda nabadgelyada iyo kala dambaynta. Waxaa dhiman in maamulka lagu baahiyo gobolka Sool oo dhan. Waxaa dhiman in gobolada kale ee Cayn iyo Sanaag sidaas oo kale waxqabad looga hirgeliyo. Waxaa dhiman in dad badan oo shilimaad ka heli jiray dhianca Hargeysa dhaqan celin iyo horumar la tuso, iwm.

 

Isimada Habarjeclo waxa ay soo saareen baaq nabadeed oo ay ku caddaynayaan inaysan ka raalli ahayn waxa uu wado Calooshii u shaqaystaha weyn ee Fu'ad Adan Cadde iyo madaxweynaha maamulka Hargeysa , isla markaana ay aad uga soo horjeedaan in degaanka nabadgelyadiisa lagu dumiyo siyaasad aan aqoon iyo dan midna ku fadhiyin oo mas'uuliyad daro ka muuqato. Waxa sidoo kale ay baaqaas ugu baaqeen beelaha SSC iyo dawladda Puntland in dadku walaalo yahay, lana sii wado walaaltinimadii iyo wada noolaashihii.

 

Waxaa aad moodaa in wasiirada Puntland ee ku sugan Caasimada Sool ee Lascaanod ay ku xisaabtamayaan mudada ay sii joogi karaan magaalada si ay shaqooyinkoodii ugu noqdaan, taas oo aad moodo inay ficilkooda iyo abaabulkooda uu ka muuqdo, keeni kartana inay si fudud go'aano u gaadhaan iyaga oo waqtiga ku xisaabtamaya laakiin aan ku xisaabtamayn muddada xalka dhibaatooyinkani u baahan yihiin.

 

Ugu dambayntii waxa mas'uulinta Gobolka Sool oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolku mudane IBRAHIM JAMAC DAAD ka codsanayaan dawladda Puntland iyo mas'uulintooda inay hawsha u daayaan maamulka Gobolka iyo odayada degaanka. Waxaa sidoo kale looga baahan yahay in dawladda Puntland ay xoogga saarto dhinaca diblomaasiyadda oo ay dhaqaale ku bixiso sidii hawshan si nabadgelyo ah loogu soo afjari lahaa, iyada oo ciidanka Militariga ah ee Puntland ee jooga lascaanod aysan ficil ku dhaqaaqayn iyaga oo aan kalatashan isla markaana wargelin maamulka Gobolka.

 

Waxaa maamulka gobolku iyo dadweynuhu aad u soo dhaweeyeen sida hufan ee Guddoomiyaha ciidanka Boolisku mudane C/risaq Maxamud Yusuf uu hawsha u wado, iyo sida uu ula tashanayo maamulka gobolka, isla markaana uu u sugay ammaanka degaanka. Ciidanka Booliska oo hawshooda sidaas u sii wata iyo maamulka iyo odayada oo diblomaasiyad iyo dhaqaale ku maamula khilaafka ayaa ah waxa keliya ee xal u noqon kara dhibka degaanka ka jira, iyo aayaha shacabka iyo Dawladda Puntland iyo beelaha deriska ah intaba.

 

Ahmed M Hassan

 

Isha Warka:RadioLascaanod.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Mr Ceelbuur and Soyaal, all that the pic shows is how Abdiqaasim likes to pose for pictures (notice how he is looking at the camera) and Ina Yeey wants to get down to business regardless na'mean.

 

 

A picture says thousand words na'mean. ;)

 

hehehehe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I hate to burst anyone's bubble but Abdi seems to me like he's in control at that particular table....

Notice how he is at the head of the table :D

 

Sorry to burst your bubble Smith, but maybe Abdulahi Yusuf is a big man up in Bari and Nugaal, but he is no more powerful then the other warlords in the conference. Sorry.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Even the pictures are being analysed frame by frame, dot by dot...cajiib ahaa.

 

Well, let me add my kumi iyo taano then.

 

Let's see, first, what our "statesmen" are drinking.

 

First, the guy who directly is facing C/qaasin is having fun with faanto. {Not good sign for an experienced "statesman"}

 

Shaatigaduud doesn't seem to have any drink placed infront of him. {Perhaps he overstayed in Nairobi close to two years and had had enough with faanto iyo kooko}

 

Kenya's foreign minister is having a specialized bottle water. {Suits it}

 

C/laahi Yuusuf is drinking kooko. {Not a good sign for the "future" president}

 

C/qaasin's drinking is partially covered and not that clear. He too ordered kooko, I guess.

 

Max'ed Qanyare Afrax is drinking one of those bottles I had seen in Xamar shipped from Dubai. {at least not bad considering it is water}

 

Bottom line, either order fancy water, coffee or tea where it suitable--or nothing else

 

Jaaw.

Share this post


Link to post
Share on other sites

HORN AFRIQUE, what ever makes you happy bro, LOL

He is at the head of the table, he is wearing a hat he is in control lol. What matters is the new government being formed. And not who is drinking KOKO or mineral water.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^^^^^Well I guess so dee walaal, only it's going to be interesting to see what Abdulahi Yusuf and "family members" do if he's not chosen president. Claim that the conference is not legit? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

"^^^^^Well I guess so dee walaal, only it's going to be interesting to see what Abdulahi Yusuf and "family members" do if he's not chosen president. Claim that the conference is not legit?"

 

Dear bro, It seems you are still stuck in the days of Afweyne when certain people couldnt seperate "family" and "government" LOL

 

We have seen how long Arta has lasted, we have seen what happened to all the other "governments" in Mogadishu, whats needed is a power sharing system that takes into account everybody Puntalnd, Somaliland, Mogadishu and where ever you said you was from was it Dhusa Mareb or Kismayu? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by SmithNwestern:

"^^^^^Well I guess so dee walaal, only it's going to be interesting to see what Abdulahi Yusuf and "family members" do if he's not chosen president. Claim that the conference is not legit?"

 

Dear bro, It seems you are still stuck in the days of Afweyne when certain people couldnt seperate "family" and "government" LOL

 

We have seen how long Arta has lasted, we have seen what happened to all the other "governments" in Mogadishu, whats needed is a power sharing system that takes into account everybody Puntalnd, Somaliland, Mogadishu and where ever you said you was from was it Dhusa Mareb or Kismayu?
:D

Inadeer we both know very well any government beer-laawe sets would never be as qabiil diverse as the former government and thats speaking from fact.

 

Just look at "Puntland" and you will see the real meaning of family members in government Smith. Only one laf of the sub-sub-clan of yours keeps beer-laawe in government so don't act the more ignorant.

 

It's interesting how Kismayo rolled off your tongue isn't it? Why is it that when you're from Bari and Nugaal, all the way from waqooyi bari that you are also very quick to jump to Kismaayo at any given chance? Mucjiso. War yaa ileen balaayo arkay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Lol beer-hindi according to the garowe trio has set up a system of goverment that would put liberty, le abbes seyeis and all the bewigged men deliberating aside tha banks of the potomac top shame.

 

I asked the same question concerning kismayoo to one of the trio, the particular one i have no recollection as they all seem to be glazing and meshing into one persona, he did not have an answer and neither does minister smithy, he is the right jilib, of jilib of laafo you know.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Dejavou allover again. Who's Basil and who are the Germans again?

 

 

Basil: They're Germans. Don't mention the war.

German Guest : Will you stop talking about the war?

Basil : Me? You started it!

German Guest : We did not start it.

Basil : Yes, you did, you invaded Poland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this