Sign in to follow this  
Mintid Farayar

The Holhol Incident

Recommended Posts

Originally posted by NGONGE:

^^ Actually, if you listned to me and calmed down you would have seen.....

I see I'm not the only who noticed his hyperventilation :D

 

For some reason, my posts tend to have that effect on the fellow ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

madaxda ssc oo laaluush siiyey ciidamada riyaale si aan loo qabsan,tukaraq,iyo kastamka loona weerarin.

 

 

Isimadda SSC ayaa waxaa ay subixii Sabtida ee ay taariikhdu ahayd 23-kii waxaa ay ka anbabaxeen magaalada Garoowe si ay ugu qayb galaan Shirka Holholeed ee ay madaxda dhaqanku ku balansanaayeen, waxaanna la filayey in ay shirkaas Isimaddu iskaga xogwaramaan qodobadii ka soo baxay Shirkii Kenya ee Horseed.

Inkasta oo ay labada maamul bilowgii Shirka Holholeed ka muujiyeen diidmo iyo baqdin badan, ayaa haddana waxaa uu maamulka Puntland maalmihii ugu danbeeyey dhawr gole ka sheegay in aysan shirka Isimadda SSC is hortaagayn.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa kulan uu la qaatey Garaad Jaamac Garaad Cali 22-kii bisha maalin ka hor anbabaxii Isimadda waxaa uu u cadeeyey Garaadka in Maamulku aanu shirkaas wax dhib u gaysanayn, isagoo dardaaran iyo dhiiri galin bandanna u muujiyey.

 

Maxaa dhacay markii ay Isimaddu u anbabaxeen Holhol?

 

Abaaro 10-kii subaxnimo ayey isimaddii u kolanyeysteen gogosha Holholeed ee kulanku ka dhacayey, ka dib markii xubno uu hogaaminayey Garaad Mashqare ay ku soo warbixiyeen in shirkii diyaar yahay.

 

Markii ay Isimaddu gaadheen Tuuladda Faliidhyaale oo qiyaastii holhol u jirta 55km ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Ciimado ka socda maamulka Riyaale ay qabsadeen Holhol iyo madashii shirka , sidoo kalena ay qabsadeen kaantaroolka galbeed ee Tuka-raq.

 

Tuka-raq oo ah meesha looga leexanayey Tuulladda Holhol ayaa waxaa dhankeeda Bari ku taal Kastamka Gobolka Sool ee Puntland, kaasi oo ay ka dhasheen qaabka loo maamulo dhaqaalaha ka soo baxa kastamkaas khilaafyo xubanaha Golayaasha Puntland ee SSC labo u kala qaybiyey.

 

Inta badan Isimadda ayaa markii uu u xaqiiqoobey warkii ayaa waxaa ay go;aan ku gaadheen in ay u leexdaan Tuuladda Carooley waddo hoosena ay ka soo galaan Holhol, Garaad Jaamac Garaad Cali oo isimadda xoogaa ka danbeeyey wararkuna ay ku yaraayeen ayaa waxaa uu hore ugu gudbey Tuuladda Godqaboobe,si uu warar dhamaystiran uga hello,maadaama aan wax isgaadhsiin ah haysan Isimadda madasha holhol sii joogey.

 

Qadar daqiiqado ah markii Garaadku uu halkaas taagnaa ayaa waxaa soo maray Wasiir ku xigeenka Maalliyadda Cabdi qawdhan,Xildhibaan Cali Dhaga-cade iyo gaadhi kale oo uu watey maamulaha ama Xisaabiyaha Kastamka Tuka-raq Kayse

 

Wuxuunna wasiir ku xigeenkii Garaad Jaamac ku yidhi Garaad Soo soco wax dhib ahi ma jiraane ,hase yeeshee taas ma uusan rumaysan,wuxuuna garaadkuu u dhaqaaqay dhanka Boocame isagoo uga sii gudbey Tuuladda Saaxdheer.

 

 

 

Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Goboladda SSC ayaa markii ay dhacdadan maqleen waxaa ay shir deg deg ah la yeesheen Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire waxaa ay su'aalo ka weydiiyeen waxa uu kala socdo weerarka Malayshiyada Hargeysa ay ku qabsatey Deegaano Gobolka Sool ah.

 

Saadiq Abshir Garaad iyo Saleebaan Yuusuf Dhigane (Indha-buur) oo Xildhibaanadda u Hadley ayaa waxaa kale oo ay madaxweyne ku xigeenka wax ka weydiiyeen Shirqoolka Isimadda loo dhigey iyo Xubnaha Maamulka ka tirsan ee la kulmey Taliye Yaasha Maleeshiyaadka Riyaale ee weerarka soo qaadey.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa isagoo arimahaas ka jawaabaya ayaa waxaa uu yidhi "Puntland qorshe cad oo qeexan ayey ka leedahay Gobolka Sool,balse haddii aan wax dhaqdhaqaaq ah samayno Soomaliland dhulkoo dhan ayey qabsanayaan, hadii lagaa awood roonyahayna waa in aad siyaasad adeegsataa", wuxuu intaas sii raaciyey waa la soconayaa waxay halkaas u yimaadeen sidii ay shirka holhol u burburin lahaayeen,marka hawshoodu u dhamaatana waa noqonayaan..

 

Intii uu Madaxweyne ku xigeenku ku hawlahaan ka jawaabidda qodobada Xildhibaanadu weydiiyeen, ayaa waxaa kulankii yimi Wasiir ku xigeenka Maalliyadda Cabdi Qawdhan iyo Xildhibaan Cali Dhaga-cade oo ahaa xubnihii la sheegay in ay dhanka galbeed ee Tuuladda Tuka-raq kula kulmey horjoogayaasha Maleeshiyaadka Riyaale.

 

Sidoo kale waxaa shirkii ka soo qayb galay dhar wasiir oo kala ahaa Wasiirka Duulista Hawadda Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) Daahir Xaaji Khaalif Wasiirka Hawlaha guud iyo dhawr wasiir ku xigeen oo kale oo dhammaantood u dhashay Goboladda Sool Sanaag iyo Cayn.

 

Xildhibaan Cali Dhaga-cade ayaa si badheedh ah u sheegay in ay la kulmeen Taliye yaasha Ciidamada Soomaliland ee weerarka soo qaadey, wuxuunna isagoo arintaas ka hadlaya yidhi " Annakaa u tagney Ciidamada Soomaliland , waxaanuna la kulaney Cali Afdheere oo Cabdi Qawdhan (Cabdi Halas)Abtigiis ah iyo Faysal Bootaan Iyo Nin (Bariga Burco ah)" wuxuu intaas sii raaciyey oo yidhi" ujeedkayaguna wuxuu ahaa in aanu Tuka-raq oo Beelkaliya degto u badbaadino"

 

Cabdi Qawdhan ayaa isaguna hadalkii u baxay oo yidhi"waanu tagney Tuka-raq waana badbaadiney ee Axmed Karaashoow maad Xuseen Ducaale Dheeg la hadashid oo holhol badbaadisid" Axmed Karaash ayaa ugu jawaabey" Adeer hadaad hadal Soomaliland ku celin kartid la hadal Laascaanood haynooga baxeene.

 

Dadweynaha SSC iyo guud ahaan Puntland ayaa wax layska weydiinayaa wixii dhacay 23 bisha waxaanna soo baxaya warar xaqiijinaya in Maamulka Puntland uu bixiyey dhaqaalihii hawlgalkaas ku baxay, Wasiir ku xigeenka Maalliyadda Cabdi Qawdhan uu Bangiga Garoowe ka saarey lacag ka badan 10,000 Toban kun oo doolar.

 

Waxaa soo baxaya su;aalo dhawr ah oo ay dadweynuhu is weydiinayaan kuwaas oo leh.Maxay yeeli doonaan Isimaddii Shirqoolka loo dhigey gaar ahaan kuwo aan wali ka qancin Puntland, Faroole fadeexadan talaabo ma ka qaadi doonaa mise wuuba ku faraxsan yahay.?

 

Dhanka kale qorshahan iyo dhacdadii fashilantey ayaa waxaa ay wajigabax ku keentey Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay aad isku dhaw yihiin wasiir ku xigeenka Maalliyadda iyo Xildhibaanka fadeexadani ka dhalatey,waxaanna ay wararka suuqu sheegayaa in uu soo food saarey walwal iyo cabsi badan, ka dib markii si aaney filayn uu u burburey shirqoolkii sadexda geesoodka ahaa.

shirqoolka waxaa ka daran.

 

jamac nur muse. garowe.

 

madaxda ssc ee puntland oo xoraynta gobolka sool kala waynaatay in dhaqaalo laga helo tukaraq oo aan la qabsan kastamka iyo inay gobol ku shaqayso tuulada tukaraq.iyadoo wasiiro,xildhibaano, iyo masuuliyiin sar sare u guntadeen .sidoo looga faa iidaysan lahaa haysashada gobolka sool in lagu sii shaqeeyo meelo kale iyadoo aan looba jeedin dibu xorayn.

 

waxaana qormadan ku cad in laaluush loo geeyey saraakiisha maamulka riyaale arintaasoo si cad ay u sheegeen inay beel ahaan ku difaacayeen mar hadii ay beel ahaan soo qaadeenna uu soo galayo odaygu genaral cabdi .

gen/cabdi samad waa masuulkii hore ee ciidamada maamulka riyaale waxayna is wada yaqanaan dhamaan saraakiisha snmta isagoo taliye u ahaan jiray.imina waa madaxweynaha ku xigeenka ahna ku simaha madaxweyne faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Isimada SSC oo shalay si rasmi ah uga furmay Buuro-Wadal

 

 

Shir albaabadu u xidhan yahay oo ka furmay tuulada Buura-Wadal loona diidey dhamaan saxaafada sidoo kale ay dibada ay ka joojaan Cuqaasha IWM...

 

 

Shirkan wali saxaafadda looma soo gudbin waxa ay isimadu ka hadlayaan sidoo kalena lama garan karo ajandayaasha ay ku hawlan yihiin.

 

 

Balse shirkan waxa uu yahay mid qaatay wakhi badan iyada oo lagaba yaabo in maalmaha soo socda la fadhiyo.

 

 

Garaad ka mid ah Garaadada ayaa noo sheegay in shirkoodan yahay sidii Laascaanood loo xorayn lahaa isla markaasna ay Isimadu ficil ku dari doonaan qodobada ay gaadhi doonaan.

 

 

Isimadda SSC ayaa la filayaa in ay go'aanmo waxtar u leh ku gaadhaan shirka, iyada oo wax ugu muhiimsana ayba tahay sidii shirkan loogu gorfany lahaa shirkii Horseed Ee Nairobi iyo sidii loo taageeri lahaa inkasta oo ay jiraan Isimo aan iyagu qabin fikirkaas.

 

 

Isimadda SSC ayaa dhawr jeer hore u yeeshay shirar kale duwan kuwaas oo Go'aamadii ka soo baxayna aysan noqon kuwo dhaqan galay meesha sartu ka qudhuntayna ay noqotay cidii fulin lahayd.

 

 

Balse iminka waxaa jira Hogaan ay samayteen dadka degan SSC oo hadii ay Isimadu taageeraan looga gam'i karo xoraynta Laascaanood.

 

 

Intii aanu shalay shirkani furmin waxaa salaan sharaf ugu yimi Isimadda beelaha Gobaladda Puntland kuwaas oo isimadda kula dar daarmayey in ay soo saaraan go'aa wax tar u yeesha dadkooda iyo dalkooda.

 

 

 

 

 

burowadal3.jpg

 

burowadal1.jpg

burowadal2.jpg

 

Burowadal4.jpg

 

burowadal5.jpg

 

burowadal7.jpg

 

burowadal6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Mintid, This is very pathetic argument to say that the sool community is better off under somaliland. For example adhicadeeye a somaliland degaan, you find that just yesterday puntland diaspora handing out food relief to drought stricken nomads.

 

Watch here

 

Why isn't somaliland assisting in the drought because it doesn't have the funds to do so, all they can do for somaliland is sign fake contracts to give them "hope" such as the cement factory in berbera!!!

 

Secondly, the communities in ssc have politicians and garaads. Two sections!!! the garaads are all puntland supporters as was witnessed by garad jamac arrival in bossaso.

 

However the politicians do sway to hargeisa and garowe side, but the key decider will always be the garad who is the head of the clan, whilsts the politician is really just the individual!!!

 

Finally, all of burco and erigavo is underdeveloped my friend, not one masharic that has ever been invested in that area by rayale. Believe me when i say their lifeline is bossaso port and not berbera and if u don't believe me why u think they use the SOMALI SHILLING FOR? Because they know full well were their financial interest lies and it isn't in hargeisa or berbera.

 

Silanyo will reverse everything egal did, i know that if he is elected there!!! if he is not, i know that he will cutt toghdheer and his clans land and establish and autonomous region that comes under somalia!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Silanyo will reverse everything egal did, i know that if he is elected there!!! if he is not, i know that he will cutt toghdheer and his clans land and establish and autonomous region that comes under somalia!!!

You Wish ..................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sikaawe   

"Landcruiser gado, soo bari galeey geeska afrikooowm, guuxiisa mood gob inaad ku tahay.............................."

 

Personal enrichment without looking at surroundings and the environment you live in is synonyms with Somalis and the third world's short-sightedness.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this