Sign in to follow this  
Siciid1986

Jabhadda ONLF Oo Afduubtay Afar Nin Oo Reer Somaliland Ah

Recommended Posts

Jabhadda ONLF Oo Afduubtay Afar Nin Oo Reer Somaliland Ah

Thursday, 03 December 2009

Hargeysa(Geeska) -Jabhada ONLF oo ah jabhad hubaysan oo dagaal kula jirta dawlada fadaraalka Itoobiya, ayaa Isniintii todobaadkan deegaanka Qolad, oo ka tirsan kililka shanaad ee Itoobiya isla-markaana qiyaas ahaan 40 Km dhanka Koonfureed ka xigta degmada Xarshin ka afduubay afar nin oo reer Somaliland ah.

 

Jabhada ONLF, waxa kale oo tacadiyo kula kacday haween badan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo la sheegay in ay deegaanka Cafuuflay oo isna aan ka fogayn QOLAD u tageen si ay uga soo shitaan dhuxul ay u iib keenaan Magaalada Hargeysa.

 

Haweenka Tacadiga ay u gaysteen Ciidamada Jabhada ONLF, oo tiro badnaa, ayaa la sheegay in jabhadu ka gubtay ilaa 10 god oo kuwa dhuxusha lagu sameeya ah, waxaana la sheegay in ay khasaareen ku dhawaad 20 Milyan oo lacagta Somaliland ah.

 

Waraysi Kooban oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay Telefoon kaga qaaday Nin Magaciisa ku soo gaabiyay Ismaaciil, oo sheegay in xaaskiisu ka mid tahay haweenka Tacadiga loogu gaystay deeganada ay u shaqo tageen ee ka tirsan Kililka shanaad ee Itoobiya, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya deegaanka dumarka lagu waxyeeleeyay waxa uu yidhi “Deegaanka ONLF-tu haweenka tacadiga ugu gaysteen waa meel Cafuuflay u dhow, dumarka oo ahaa dumarka dhuxusha keena Hargeysa, waxay ka gubeen godad ilaa 10 gaadhaya, waxayna soo gaadhsiiyeen khasaare balaadhan oo ilaa 20 milyan ah.”

 

Mr Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay in Deegaanka QOLAD oo isna ka tirsan kililka shanaad, isla-markaana qiyaas ahaan 40Km u jira Magaaalada Xarshin, ay Isniintii todobaadkan weerar ku soo qaadeen kana afduubeen afar nin oo wakhtigaa qodayay barkad “Waxa kale oo dhacday in ay habeen hore (habeen saddexaadkii) ay afar nin ka afuduubaan deegaanka Magaciisu yahay QOLAD, ilaa imikana raggaasi la afduubay way maqan yihiin, markaa meeshuna waa halkii barigii hore wax ka dhaceen, iyaguna wixii ayay dib u soo toosiyeen, markaa anaguna waxa aanu ka baqaynaa in ONLF-tu colaad cusub dhex dhigto dadka deegaankaasi wada dagan, oo colaadaasi joogsan waydo.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Siciid1986:

Haweenka Tacadiga ay u gaysteen Ciidamada Jabhada ONLF, oo tiro badnaa, ayaa la sheegay in jabhadu ka gubtay ilaa 10 god oo kuwa dhuxusha lagu sameeya ah, waxaana la sheegay in ay khasaareen ku dhawaad 20 Milyan oo lacagta Somaliland ah.

Boraartu orgiga ka weyne islaamahu ma gibirkii( canshuurtii) ayey bixin waayeen...Agah! icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Koora-Tuunshe:

ONLF oo afduubatey rag reer S/L ah.... So what... S/L does it to them all the time.

Lets stick with this attitude in the future. Don't cry about Somaliland "injustice". Its all fair out there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

I am little bit confused here. The news mentions that the Tuulo is located in Kililka 5naad. and again says Soomaliland kasoo jeeda.

Why not just say peopple afiliated with clans from somaliland?. Why all this political corectness.

 

If that happens to be true then another unfortunate fuel for further somali internal turmoil and victory scored for the opressor Woyanes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this