Sign in to follow this  
QabiilDiid

A must read commentary by SECG!!!!!!!!!!!!!!!!

Recommended Posts

Please do not take this lightly. Read it completely and comment on it. SECG stands for Somali Energy Concern Group. Although they didn't outline their objectives on the outset, groups like them are, definitely, sine qua non at these difficult times we are facing at many cross roads. But, one thing for sure, they emit an aroma of nationalism which I really like. Would you recommend the Baidhaba Parliament to take their advice?

 

Well done SECG and thinks to the distributor of your piece Dhahar Online.

 

FAALLO(Somali Energy Concern Group): Muxuu Yahay Heshiiska Qarsoon Ee Dhex Marey Mas'uuliyiin Ka Tirsan DFKGS Iyo Kuwait Energy Oo Sheegtay In Ay Tahay Shirkad Maamuli Doonta Shidaalka Soomaaliya Laga Helo

 

Waxaa billihii la soo dhaafay soo baxayey haddalo iyo qorraalo badan oo is barbar socda kuwaaso inta badan ka hadlayey arrimo la xirriira baarista shidaalka Soomaaliya la sheegay in uu ku jiro. Qorraaladaaso inta badan shirkado ama mas'uuliyiin ka tirsan DFKGS ka soo kala baxay taas oo ay oogu dambeysay maanta oo ay taariikhdu tahay bisha 8aad, maalinteeda 9aad ee 2007 uu qorraal ka soo baxay magaalada Nairobi xafiiska ninka sheegta in uu yahah Ergeyga Soomaaliya u fadhiya Nairobi Mr. Maxamed Cali America wareysi uu siiyey Reuters uu sheegayay in ;" sharcigii Batroolka Maanta ama Berri uu ka doodi doono Baarlamaanka Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhab, taas oo uu ku daray in uu rumeysan yahay dooda ka dib in la gudbin doona sharicga Maareynta Shidaalka si aanan shaki ku jirin".

Ayadoo aad moodid Mr. Maxamed Cali America howlihii sugayey safaarada Soomaaliyeed ee Nairobi ku taal in uu ka door bidey in uu ka hadlo arrimaha Shidaalka Soomaaliyee ee tartanka ba'ani shirkado badani ka dhaxeeyaan ee daneynaya howshaan, ayaad waxaad moodaa in uu Ergeygu shirkadan Kuwait Energy iyo lamaanaheeda shirkada Indonesia laga leeyahay ee la yiraahdo PT Medco Energy in ay ka door bideen in ay baalka geliyaan isaga iyo mas'uuliyiin ka sarreysa ee howshan u xil saarey in uu ka hadlo, ayaa waxay nasiib darado noqotey in marka koowaad Mudanahu uusan ka midka aheyn Gollaha Wasiirada ee arrintan quseyn karta, Marka xigta uusan ka tirsaneyn Wasaarada Batrooka ee Arrintan hoos timaado, Marka Seddexaad uusan ka mid aheyn xubnaha Gollaha Baarlamaanka DFKGS ee arrintan u fadhida in ay ka doodaan si loo arko waxa oogu haboon ee ummada Soomaaliyeed dhaxalkooda noqon kara in ay go'aan ku gaaraan, iyadoo ay seddexdaas arrimood ay jiraan ayaad haddan waxaad moodaa in Mr. Maxamed Cali America amar lagu siiyey in arrimahan aan quseyn uu dhex dabaasho,isagoo kalsooni badan ka heysta Mas'uul sarre.

 

SHARCIGA MAAREYNTA SHIDAALKA IN LA HELO MA MUHIIM BAA ?

Waa su'aal u baahan in ay ummada Soomaaliyeed odorosaan si ay u ogaadaan shirkadahani halka ay ka yimideen iyo hallka ay hiigsanayaan, iyadoo ay runta tahay labada shirkadoodba in ay yihiin shirkado aad iyo aad u mug yar, dhaqaalla badan oo wax qabadeed ama baaritaaneed aysan laheyn ama heli karin. Balse ay jirto xirriir dhow oo ay wada yeesheen mas'uuliyiin sarre DFKGS ka tirsan dortood ay u suurtowday in uu hamigoodu noqdo in ay gacanta ku dhigaan shirkada u qaabilsan Maareysta shidaalka Soomaaliyeed ( Somalia Petroleum Authority ). Shirkada Kuwait Energy oo ay horboodo ama saamiga oogu badani ay leedahay Inanta la yiraahdo Sahra Akbar oo Kuwaiti National ah, Diinteeduna tahay Shiico, kana shaqeyn jirtey Shirkada Dowliga ah ee Shidaalka u qaabilsan dalka kuwait ayaa sannadkii 2005 dabayaaqadeed waxay aas-aastey shirkadan Kuwait Energy oo ka mid ah shirkado yar-yar oo tira badan waddamadan Khaliijka sannadaha dambe ka soo baxay iyagoo ka faa'ideysanaya qiimaha sicir barar ee Siliida ceyriin sood food saartey ayaa waxay la midowdey shirkadan la yiraahdo PT Medco Energy, oo ah shirkada xarrunteedu tahay Indonesia oo iyadu ah shirkad aad u yar wax soo saarkeeduno liito, sida ku soo baxay Joornaalka caanka ah ee JAKARTA POST Qeybtiisa Businesska ayaa waxa uu sannadkii hore bartamihiisa ka qoray shirkadan Medco Energy in ay Deyn badan ku jirto lana liic-liiceyso buuq dhaqaalle, ayey waxa ay soo bandhigtay dhaqaalo xumida soo food saartey awgeed in shirkadan ay shacabka reer Indonesia u soo bandhigto in ay maal gashtaan oo ay Saamiga (shares ) shirkada wax ka gataan, taasoo deymo badan oo ay ku lahaayeen Bangiyada Credit Suisse Group iyo Deutsche Bank AG ay noqdeen kuwa u maareeya iibka saamiyada si ay deymo gaaraya $ 177.000.000 ( Boqqol iyo Todobaatan iyo Toddoba Malyuun ) ay ku lahaayeen ay dib ooga soo ceshtaan shirkada.

 

MUXUU YAHAY HESHIISKA QARSOON KUWAIT ENERGY (SARA GROUP) IYO MEDCO ENERGY.

Sida ay sheegtay wareysi ay siisey Reuters Sara Akbar, gabadha CEO ka ah Kuwait Energy bishan Augost 9keeda, saamigana inta badana iyadu iska leh, ayey waxay suxufigii Reuters u soo bandhigtey in sidan loo kala leeyahay : Kuwait Energy : 40% waxaa iska leh shirkada la yidhaahdo Kuwait Global Investment Group, 37% waxaa iska leh Aref Investment Group, 15% waxaa leh Chicago Based Company, inta soo hartey ganacsato reer Khaleej ah iyo Mas'uuliyiin ka tirsan DFKGS oo dhowaantan ku biirey shirkadan howshan sharci gudbinta Baydhabana wax ka wada. Heshiiska Qarsoon ee meesha ku jira ayaa waxa uu yahay in marka la dhiso Somali Petroleum Authority ( SPA ) ay iyadu ahaan doonto mid ka madax banaan Wasaarada Tamarta Iyo Batrooka, taasoo ay SPA iyo Kuwait Energy ay iyagu ka mas'uul ahaan doonaan waxyaabaha soo socda : Cabirka Dhulka, Qeybinta Dhulka ama Block-yada, Bixinta Qandaraasyada, Bixinta Ruqsooyinka ama Licence, Qiimeynta Shidaalka, Suuq Geynta Batrooka iyo Waxa Ka Soo Hara , La Xisaabtanka Shirkadaha Cida Soo Galeysa Iyo Cida Ka Baxeysa, iwm. Taaso ay sida ay Reuters u sheegtay Sara Akbar The CEO of Kuwait Energy in shirkadeedu lahaan doonta dhaqaalaha ka soo gala maamulka iyo maareynta iyo iib geynta shidaalka ummada Soomaaliyeed ay u oomanaayeen in ka badan kontomeeyo sannadood 49% wax u dhow ay Kuwait Energy iyo Medco ay lahaan doonaan, taasoo ku ah ihaano iyo xaq daro aad u weyn Ummada Soomaaliyeed ee u ooman horumar iyo nabad gelyo, tasoo runtii ah Percentage ama tirro aad u badan oo ay shirkad shisheeya ku lahaato Maamulka Shirkada Maareynta Batroolka Soomaaliyeed, marka loo eego shirkadahan Kuwait iyo Medco Energy oo haba yaraatee wax qarash ah ee la taaban karo aysan ka gelin howlahan cilmi baarista shidaalka ku saabsan arrimaha, ama haddey noqon laheyd wixii kalee horumarin arrimaha bulshada Soomaliyeed ku saabsan oo aysan waxba ka geysan.

 

SHARCIGA MAAREYNTA SHIDAALKA IN LA HELO MA MUHIIM BAA ?

Jawaabtu waa Haa. Runtii aqliga saliimka ahi wax uu inoo sheegayaa, in haddii aanan la helin wax sharci ah oo kala haga ummada ama hey'adaha dowliga ah iyo kuwa aanan dowliga aheyn, shirkadaha caalimaga ah iyo kuwa aanan aheyn, eysan marnaba suurto galeyn in uu waddanku horumar gaaro, taasoo helida sharcigu uu muhiim yahay markii uusan ku xirneyn dano gaar ah oo shaqsiyaad wataan ama sida hadda u muuqata in ay shirkado dano gaar ah wata ay hor boodayaan sida Kuwait Energy iyo Medco Indonesia. Muxuu yahay danaha u qarsoon ee ay shirkadaha wataan oo eynaan shacbi weynaha Soomaaliyeed ogeyn ? Waxa uu yahay in shirkadahan lacag gaareys dhowr boqqol oo kun oo dollor ku bixiyeen diyaarinta sharcigan caalamiga ahi taasoo dhowr waji soo kala marey shirar lagu kala qabtey ; Jakarta Indonesia, Malindi Kenya, Paris France, Abu Dhabi UAE, iyo Kuwait oo saldhig u ah hagida howshaan, ayaa lagu go'aansadey in shirkadan loogu badalo 4 Blocks oo waa weyn oo shidaal laga baarayo in la siiyo iyo in 49% ay xaq u leeyihiin in ay qaataan maareynta Somalia Petro. Authority, taasoo markii wax soo saar yimaado isu roggi doontaa in ay Boqqolaal Malyuun oo Dollar ay si fudud ku helaan shirkadaha shisheeyey iyagoon waddan waxba maal gelin.

Labadan shirkadood haddii ay ahaan lahaayeen labo shirkadood oo heysta dhaqaalle badan oo ay kaga qeyb qaadan karaan raadinta shidaalka la sheegay in uu Soomaaliyo dhex ceegaago waxba kuma jabnaateen. Balse markey door bideen ay o-g-a-a-d-e-e-n (came to know, not tribal name) in aysan u aheyn dhaqaalle badan ay kula tartami karaan shirkadahii waa weynaa ee horey dhaqaalaha badan ku bixiyey baadi goobka shidaalka sida : Conoco, Chevron, Shell, Agip, Elf, iwm iyo kuwa cusub ee hadda raba in ay baadi goobaan oo ay leedahay dowlada China oo ka midka ah shirkadaha adduunka oogu waa weyn sida : CNOOC, CNPC, iwm. Ayaa shirkadahan yar-yar ee Kuwait Energy iyo Medco Energy waxay door bideen in ay meel soke ka soo laabtaan oo yiraahdaan, haddii aanan marnaba dhaqaalle ahaan la tartami karin shirkadahan waa weyn, kolka waa in aan kaga hormarnaa maareynta maamulka shidaalka iyo walxaha la xirriira. Sidaa darteed ayaa misana haboon in la is weydiiyo muxuu yahay waxa ku hoos qorsoon gudbinta sharciga shidaalka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed la hor dhigey maanta in ay aqriyaan, muxuuse noqon doonaa ma mid maskax iyo caqli taam ah loogu fakarey lagu falanqeeyey looguna aayi doono mustaqbalka fog ee ummada Soomaaliyeed ayuu ahaan, mise mid lacagta dollarka ee Kuwait laga keenay mid lagu kala tuuro ayuu ahaan, sida uu Mudane Maxamed Cali America sheegay in si fudud loo gudbin doono kal fadhiga Baarlamaanka Soomaaliyeed, isaga oo u hadlayey in uu ka war hayo codeynta mustaqbalku sida ay u dhaci doonto.

 

SHAQSIYAADKA FARANSIISKA AH EE HOWLAHAN KU MASHQUULSAN " FRENCH CONNECTION"

Patric Mollier oo ah nin ay dhalashadiisu tahay Faransiis, isla markaasna ah CEO shirkada PT Medco Energy ayaa waxaa la soo xirriirey la taliyaha siyaasada iyo dhaqaallaha xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFKGS Prof. Cali Maxamed Geedi Mr. Daniel oo ay isaguna dhalashadiisu tahay Faransiis. Labada nin ayaa waxay ahaayeen quburada ka dambeysa in qorshahan la dejiyo, taasoo hadda ka hor ay dhowr jeer isku dayeen in ay shirkado reer galbeed ah oo ay kula shireen France iyo Swiss-ka iyo Italy ay guul daro ku dhamaadeen markii ay u babac dhigi waayeen xaaladaha murugsan ee markaa ka jiray Soomaaliya. Taasoo tuhunka hadda ugu badani ee ka imaanaya Nairobi uu yahay in ninka shisheeye ee Faransiiska ahi uu yahay midka ka dambeeyo qorraalada is barbar yaaca ah ee baryahan dambe ka soo baxay wargeysyada caalimaga ah ee reer Galbeedka, taas oo kaga dan leeyahay in lagu jahwareeriyo shirkado waa weyn oo hami u soo hayey bal mar uun in ay Soomaaliya degaanadeeda nabdoon wax ka eegaan.

 

MAXAA LA GUDBOON BAARLAMAANKA KU MEEL GAARKA SOOMAALIYEED.

Soomaalidu waxay yidhaahdaan : Waarimeysaan e' War Ha Idin Ka Haro. Ha isku dayina marnaba in aad gudbisaan sharci aan dan iyo maslaxad u heyn ummada Soomaaliyeed, taasoo haddii aad ku dhacdaan dabinkaa eydaan u maara heyn doonin sidii aad oogu bixi laheydeen 25ka-35ta sanno ee soo socda.

Sharcigu Maareynta Batroolka haddii uu noqdo mid aanan sharuudo iyo dano gaar ah ku lamaaneyn wey haboon tahay in la gudbiyo, balse sida ay durbadiiba madaxda shirkadaha Kuwait Enery iyo Medco sheegteen in ay 49% ( Afarta iyo Sagaal Boqqolkiiba ) ay iyagu leeyihiin dhisida Maamulka Maareynta Shidaalka Soomaaliyeed, cidii gudbisaa ama u codeysaa gudbinta barnaamijkan, wuxuu ahaan doonaa dambiile Qaran oo dollar walba ay shirkadahaas qaateen mas'uuliyadeed qaadi doono. Qoraalkeygaan aan oogu tallo galey in aan ku dareen geliyo ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in ay wacaan lana xirriiraan wakiilada xildhibaanada beelahooda ama degaanada ay ka soo jeedaan una sheegan in aysan sidan macquul aheyn in sharci lagu gudbiyo, hana weydiistaan xildhibaanadu in ay arkaan heshiisyada qarsoon ee aan miiska ummada Soomaaliyeed loo soo bandhigin.

 

By : Somalia Energy Concern Group

 

SOMALIENEGYCONCERNGROUP@Gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by peacenow:

In English please.

I can translate to Arabic, wuld u like that?...just jokin, dont Panic am just Islamic!

Share this post


Link to post
Share on other sites

I can’t believe this article was published with the amount of simple grammar/spelling errors in it. I find myself agreeing with most of the sentiments it so poorly expresses tough—the effort of educating the public about these shady deals is quite commendable. Also the attempt to advise tfg parliament, though a bit misplaced, and urge them to take correct measures to restore some balance in this move, if not outright oppose it, is worth the effort. But as I said the whole piece is poorly written and hence deems the body that produced it ineffectual.

 

I think caadi bay iska noqotay in af soomaaliga sida news tabloids ka loo qoro, oo aan lasiin mudnaanta uu leeyahay marka la qorayyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The queen regnant of the Somali national resources kingdom: learn her name. Her name is Kuwait’s Sara Akbari. If the Embagati Parliament endorses the Somali national resources legislation, it is not farfetched that this lady could have a claim (a lion’s share) on potential discovery of oil and minerals in Somali Republic. As the SECG (read the beginning of the thread) discovered, the queen’s fly-by-night entity is not a wealthy financier with billions of US Dollars to invest in exploration and/or willing to advance funds to the Somali people to rebuild their shattered institutions nor it is a renown world oil exploration company with tools and equipment (technology and science), but it is a forged copy of Enron structured to shuffle decks of legal documents. The only seed money they want to invest in this Somali project is a pocket change to bribe some TFG official.

 

I am writing above because the fear of this thing becoming real seems to be materializing day in day out because Somali news outlets are not dropping it. Check this piece from SBC….

 

Kuwait oo sheegtey inay heshiis lagu saarayo shidaalka Somaliya la gashey...

 

11 Aug 2007

 

Shirkada shidaalka ee Kuwait Energy ayaa shaaca ka qaadey inay heshiis shidaalka Soomaaliya lagu soo saarayo ay la gashey DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Madaxa shirkada Kuwait Energy Sara Akbari ayaa wareysi gaar ah oo ay siisey wakaalada wararka Reuters waxay ku sheegtey in dawladeedu ay wado qorshe shirkada ay madaxa ka tahay ee Kuwait Energy ay mudo aad u dheer shidaal kaga soo sarayo wadanka Soomaaliya, iyadoo shirkada Kuwait Energy ay arintan la kaashan doonto shirkada kale ee PT Medco Energy International oo ah shirkad shidaalka qoda oo laga leeyahay dalka Indosiniiya.

 

Sara Akbari madaxa shirkada Kuwait Energy waxay xustey in heshiiska uu dhigayo in 49% saamiga shidaalka Soomaaliya inay qaadan doonto soo saaristiisa shirkada ay madaxda u tahay, iyadoo xustey in ay la wadaagi doonto saamigaasi shirkada PT Medco ee Indoniisiya.

 

Madaxda shirkada Tamarta iyo dodida shidaalka wadanka Kuwait waxay sheegtey in heshiiska ay la gashey dawlada FKMG ah loo gudbinayo Baarlamanka Federaalka KMGa ah, iyadoo marka baarlamanka uu ansixiyo ay shirkadu bilaabi doonto inay soo saarto shidaalka Soomaaliya, waxaana taasi ku tilmaamey talaabo wanaagsan oo ay shacabka Soomaaliyeed qaadeen.

 

“Soomaaliya waxaa ku kedysan shidaal iyo gaaska dabiiciga ah, waxaana aaminsanahay in hadii la soo saaro in laga faa’ideysan doono oo Soomaaliya uu ka qaadi doono culeyska dhaqaale, laakin ma qiyaasi karo inta uu la egyahay baaxada shidaalka ku keydsan Soomaaliya” ayay tiri Sara Akbari.

 

Dhawaan Baarlamanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxaa loo qaybiyey sharciga saliida, iyadoo warar SBC ay ka heshay ilo wargal ay sheegayaan in xukuumada Ra’isalwsaare Cali Max’ed Geedi ay dhistey shirkad lagu magacaabo Somalia Petroleum Authority (SPA) oo la sheegay inay noqon doonto shirkada sharciga ah ee Qaranka ee maamul iyo maareyn ku sameyn doonta shidaalka laga soo saarayo dhulka Soomaalida.

 

Ilo wareedka wargalka ah waxay sheegeen in dhismaha shirkadan iyo nuqulada qodobada sharciga batroolka Soomaaliya uu baarlamanku dhawaan ka doodi doonto taasina waxaa ku xiran wax kasta oo ku saabsan heshiisyada shidaalka Soomaaliya eel ala galey shirkadaha shisheeyaha, kuwaasi oo ay galeen maamulada iyo dawlada DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Boqolkii sano ee ugu dambeeyey waxaa ciida Soomaaliya lagu sheegayey in uu ka buuxo nooc kasta oo ka mid ah shidaalka dunida laga isticmaalo, laalin boqolkaasi sano oo ay shirkado waa weyn oo ay xitaa Mareykanka qaar la leeyahay sida Conoco aysan soo saarin dhibic batrool, waxaana soo saarista shidaalka Soomaalida u aragtaa riyo maalmeed iyo dhaan dabagaale, sidey doonto ha ku timaadeen ama sababtey doonto ha loo saaree in shidaalka aan la soo saarin.

 

SBC News Desk

 

Note: sorry pals. Tight schedule. No time for translation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this