Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabab got beaten in guriceel by ahl suna waljamaca

Recommended Posts

Dagaal Degmada Guriceel ku dhexmaray Xoogagga Al-Shabaab iyo Xoogag ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca

 

Sabti, December 27, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in duleedka Degmadaas uu saaka dagaal ka dhacay, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyo Xoogagga Al-Shabaab iyo Xoogag kale oo ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

 

Dagaalkan ayaa wuxuu la xiriiraa dagaallo horay Degmada Guriceel ugu dhexmaray labada dhinac, iyadoo dagaallo midkan ka horeeyay ay ku itaal roonaadeen Xoogagga Al-Shabaab.

 

Dagaalkan ayaa wuxuu saameeyay dadka ku dhaqan nawaaxiga halka ay dirirta ka dhacay oo ah Tuulo lagu magacaabo Gaban, waxaana tuuladaas gebi ahaanba isaga cararay dad reer miyi ah oo ku sugan.

 

Ilaa iyo haatan laga oga khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay ka soo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka iyo weliba rasmi ahaan waxa uu salka ku hayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guri ceel oo ay la waregeen Ahlu sunah wal jameeco iyo ciidamo Ethiopian ah oo ku soo wajahan

 

Wararkii ugu danbeeyey ee laga helayo guri ceel ayaa waxaa ay shegayaan in halkaasi ay iskaga baxeen Xoogagii Al-shabaab ee gacanta ku haye ee saakey ay ku dagalameen kuwa Ahlu Sunah waljameeca oo la sheegey in hada ay ku suganyihiin gudaha magaaladaas.

 

Qasaaraha dadka ayaan la sheegin inta saxda ah ee uu yahey marka laga reebo 4 ruux oo la sheegay in isbitaalka la gaarsiiyey waxaan wararkii ugu danbeyey ee halkaasi laga heyley ay shegayaan in xabadi aysan ka socon oo ay joogsatey ka dib markii ay dib uga gurteen Xoogagii xarakada Al-shabaad oo la sheegay in meel aan ka fogeyn ay hada ku suganyihiin , balse Ciidamadii Ahlu sunah ay hada joogaan isteeshinka iyo xarunta Degmadaasi lana arkayo ayakoo si raxanraxan u dhaxmaraya xiligan.

 

Dhanka kale wararka laga helayo guri ceel iyo balanbalae ayaa shegayaa in ciidamadii Ethiopia ee baryhan ku sugnaa Degmada Balanbal ay u soo dhaqaaqeen dhanka Guri ceel soona faarujiyeen halkaasi lamana oga waxa xiligan ku soo beegay dagaaladu ka dhaceen Degmada Guri Ceel ee Gobolka galagadud, waxaana jira warar kale oo sheegay in dadkii aysan wali ku soo laban degmadaan guri ceel walow ay degantahey xiligaan.

 

Sidoo kale waxaa jira in xarunta gobolka galagaduud dadkii degana oo ay saakey ku soo biireen kuwo ka soo cararey dagalada Guri ceel ay welwel hor leh sii qaadeen markii ay maqleen ciidamo Ethiopian ah oo ku soo fool leh deeganada gobolka ee deriska la ah Dhuusamareeb

Share this post


Link to post
Share on other sites

-- Timoweyn credibility at stake, as ethiopians move towards guricee--

Waxaa goordhow degmada Guriceel la wareegay xoogag hubeysan oo taabacsan ururka Ahlu Sunna Waljameeca kuwaas oo saaka dagaal ku qaaday degmada Guriceel oo ay horey ula wareegeen ururka Al-shabaab.

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ayaa sheegaya in hadda gudaha magaaladaas ay ku sugan yihiin xoogaggi weerarka soo qaaday kuwaas oo meesha ka saaray xoogagga Al-shabaab oo ay saaa dagaal la galeen.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku waramay in xoogagga la wareegay degmada Guriceel oo la magac baxay Al-baxar ay taageero ka helayaan ciidamo Itoobiyan ah, waxaana wararku sheegayaan inay hub iyo saanad milatari ka heleen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

 

Isla ilo wareedyadaas ayaa ku waramaya in xoogagga la wareegay degmada Guriceel ay aad u hubeysan yihiin ayna u muuqdaan kuwa aad isu soo abaabulay.

 

Xaaladda degmada Guriceel ayaa hadda degan waxaana degmada ku sugan oo gacan ku heynteeda la wareegay xoogagii dagaalka ku soo qaaday kuwaas oo hadda magaalada difaac kaga jira.

 

Wixii ka soo kordha kala soco wararkeena dambe Insha'alaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

as much as i abhor these peaceful aslu sunna joining the fray and see no need for a religious orgs capturing any tuulo, good for them and hope these locals defend themselves against these waahabi funded shaytans.

Share this post


Link to post
Share on other sites

When they are desecrating xabaalihii sheekhyadii diinteena Islaamka faafiye, meel walbana gaarsiiye, when they start violating those xabaalo sheekhyadaas ku duuganyihiin, then it was bound to happen some will fight back. Very understandable.

 

What would be unfathomable will be dagaal diimeed hadda iyo koow. Another 20 years of dagaal sokeeye oo diinta ku saabsan. Oh, Eebboow.

 

Now dadkii geeriyooday waa hore tagay xabaalahooda ayee jibinoyaan, but soon Sheekh Macalin Nuur oo nool wali ayee soo xiri doonaan kuwaan magaca dhalinta wato, probably accusing him misleading the populace farther away from "authentic" version of diinta.

_________________

 

Qabrigii Sheekh Nuur Xuseen ee tuulada Baladul Kariim oo la sheegey in la burburshey

 

Qabriga mid ka mid ah culumada suufiyada ee ugu caansanaa qarnigii naga tagay Sheekh Nuur Sh. Xuseen ayaa la sheegey in la burburiyey sida uu saxaafada ugu xogwaramay Sheekh Cabdiqaadir Sh. Abuukar Soomoow oo u hadlay xarakada Ahlu Suna ee dariiqada Suufiyada.

 

Haddaba maxaad ka taqaanaa Sheekh Nuur Sh. Xusseen, dib ayaan u eegeynaa.

 

Sheekh Cabdiqaadir Soomoow oo u waramay saxaafada gudaha dalka ayaa xarakooyinka Shabaabka iyo Jabhatul Islaamiya ku eedeeyey in ay burburinta ka dambeeyeen sida ay faafisey idaacadda Shabeelle, hase yeeshee xariiro lala samayay degmada Jilib ee ku dhow halka la sheegey in uu falka ka dhacay ayaanan wali loo kala xaqiijinin jiritaanka arrinta, saraakiil aan la hadalnayna waa ay ka gaabsadeen, balse waxay qireen jiritaanka xamlo lagu cirib tirayo quraafaadka iyo qabuuraha la barakaysanayo.

 

Hadabe maxaad ka taqaanaa Sheekh Nuur Sh. Xuseen, iyo tuulada Baladul Kaariim? SomaliTalk ayaa dib u jaleeceysa waxa kugu seegan.

 

Sheekh Nuur Sh. Xuseen wuxuu ka mid ahaa culumadii ugu waaweynaa qarnigii tagay ee dariiqada Suufiyada, xaruntiisa waxay ahayd tuulada Baladul Kariim oo 12 km u jirta degmada Jillib dhanka waqooyi, waxay tuulada dhanka kale ka jirtaa wabiga Jubba, waxay ku taalaa mid ka mid ah dhulbeereedyada ugu hodansan Soomaaliya.

 

Sheekh Nuur waxa uu lahaa xir aad u tirro baddan oo lagu qiyaasi jirrey kumanaan, sanadkiiba mar ayaa shacabka ku nool koonfurta oo dhan ay u siyaaro tagi jirreen, iyadoo marka xiliga siyaarada la gaaro aad moodi jirtey in magaalooyinka qaar dadkii oo dhan ay ka wada haajireen, ninkii arka ee markaasi ugu horeysa wuxuu niyada iska oran lahaa “malaha meeshani waa kacbadii.”

 

Dadka tagaya qofkasta waxaa waajib ahayd in uu geeyo hanti inteey dooniba hala ekaatee, waxyaalaha ugu cajiibka baddan waxay ahaayeen in ay iska caadi ahayd in aad aragtid nin dadka siyaarada u yimid ka mid ah oo ceesaan xarig ku wadda, gabadhii uu dhalay oo 19 jir ahna ceesaanta xariga qoorta kula xirey oo labadoodaba siyaaro ahaan u geynaya, gabadha Sheekha ayaa ku daraya mid ka mid ah xirta oo aysan waligiis filim ka daawan.

 

Waxaa meesha ku yaala masaajid aan sidaasi u weyneyn oo uu sheekha degenyahay, Sheekha inta baddan lama arko, wuxuu ku jirraa meel xeebdaab ah, duleel yar oo darbiga laga duleeliyey ayuu Sheekha gacanta kasoo dhiibtaa isagoo ay ugu marantahay marro cad oo dhowr dhalo oo catar ah lagu dul jabshay oo aadan malayn karin kamkamka ka baxaya, markaasaa dadkii oo safaf ku jirra uu midkoodba salaamayaa gacanta oo uu dhowr jeer shuminayaa oo uu ku barooranayaa isagoo barakaysanaya.

 

Waxyaalaha kale waxaa ka mid ah dadka siyaarta aadaya Sheekha waxa ay ka tufan jirreen taxliil, taasoo marka uu qofka kula noqdo reerkii uu ka yimid dadka oo dhan inta soo xoomaan la wada barakaysan jirrey oo saf loo gali jirrey (sidii biyihii samsamka), taxliishu wax kasta ayay daawo u ahayd sida la aaminsanaa, ninka siyaarta aada dadka kale waa uu ka sharaf badnaan jirey, qofka xirta ka tirsan waaba la barakaysan jirey, qofka caadiga ah ee digriga aad u yaqaana dadka waa ka takoornaan jirrey, isaga ayaana loo yeeran jirey si uu taxliil reerka ugu tuffo, qofka siyaarta ka baaqda waxa uu qofka aadaya kula dardaarmi jirey “walaaloow marka aad meesha tagto niyada igu qabbo iina soo ducee in uu illaahay I geeyo mar uun”

 

Marka siyaarta la’isugu taggo maalmo dhan iyo habeeno ayaa digriga si weyn loo oogi jirey, dadka inta loo waayo meel ay ku hoydaan ayay banaanka is dhex seexan jirreen rag iyo dumarba.

 

Wixii ka dambeeyey dhimashadii Sheekha oo muddo 20 sanno ka hor ah, tuulada Baladul Kariim dadkii wa ay ku yaraadeen, mana loo tagi jirin wax siyaaro ah, laakiin wali waxaa jira dad ka tirsan qoowmiyada Jareerweynta iyo Soomaali kale oo illaa maanta soo siyaarta qabriga Sheekha iyo goobtii uu ku noolaan jirey, dad ka mid ah qaraabada Sheekh magac iyo sharaf ayay wali ku dhexleeyihiin bulshada Baladul Kariim waana la siyaartaa wali.

 

Haddii ay dhab noqoto in la burburshey qabriga Sheekha, ma ahan wax layaab leh, waxayna ka mid tahay talaabooyin la mid ah oo dhawaan maamulka Islaamiga ah ay ka qaadeen magaalooyinka Kismaayo iyo Baardheere.

 

Waxaan kusoo gunaanadayaa sheeko qosol baddan oo dhacday dagaaladii sokeeye. Mid ka mid ah maleeshiyooyinkii qabsan jirey gobolka ee isku baacsan jirey, ayaa tagay tuuladani Baladul Kariim, mid mööryaanta ka mid ah oo aad u dhib badnaa ayaa galay xeebdaabkii Sheekh Nuur uu fariisan jirey, markaas ayuu maro cad ku duuftey gacanta catarna mariyey, inta uu qorigiisa qaatay ayuu soo xoomiyey dad meesha ka dhawaa oo asxaabtiisa ay ka mid ahaayeen, markaasuu ku yiri “
War gacanteyda shumiya oo ka barakaysta, Jareerkii halkan fadhin jireyba waad u yeeli jirteene
” isaga oo gacanta kasoo dhiibaya godkii yaraa ee darbiga ka duleeshanaa. [sick mööryaan badow ah.]

 

[Qoraalka waala tifaftiray]

Share this post


Link to post
Share on other sites

And according to their own, waa Shabaabka kuwa ahee, official mouthpiece:

 

Saddex qabri oo waawayn oo sida guryaha u dhisnaa oo maanta lagu burburiyay tuulada Baladul-kariim ee deegaanka Jilib

 

Ciidanka Xisbada ee wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa maanta bilaabay in ay dhulka dhigaan saddex qabri oo waawayn oo laga dhex dhisay dhisme sida masaajidka ah oo ku yaala Tuulada Baladul-kariim oo 8 km galbeed ka xigta magaalada Jilib.

 

Saddexdan qabri waxa ku aasnaa sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanku Wadaad magaciisa ay ku sheegeen Sheekh Nuur iyo labo wiil oo uu dhalay oo la kala oran jiray Sheekh Axmed iyo Sheekh Cabdi, kuwaas oo dadka deegaanku ay ka barakaysan jireen oo xoolo u keeni jireen qabrigooda, taasoo si cad uga soo horjeeda shareecada Islaamka.

 

Maaha markii u horaysay ee wilaayada Jubooyinku ay burburiyaan dhismayaasha qabuuraha, waxana hore ay dhulka u dhigeen qabuuro waawayn iyo kaniisad ku taalay magaalada Kismaayo.

 

Howlgalkan ayaa sidoo kale ku soo aaday wakhti wilaayada kale ee Shabeelada Hoose iyaguna ay ku mashquulsanyihiin Dabargoynta daroogo la sheegay in gobolka laga beero, kuwaas oo shalay ay kusoo qabteen cadadkii ugu badnaa ee daroogo lagu arko soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koox diini ah oo eedeyey Alshabaab

 

Dariiqada Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku eedeeyay ururka Alshabaab inay burburiyeen qabigii uu ku aaskaa Sheekh Nuur Xuseen oo si weyn looga xurmeeyo Gobolada koonfureed ee Soomaaliya.

 

Afhayeenka Ahlusunna Sheekh C/qaadir Sh. Abuukar [soomoow] oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay burburiyeen qabriyada Sheekh Nuur Xuseen iyo laba wiil oo uu dhalay.

 

"Qofka Muslimka in la dhibo isagoo nool iyo isagoo dhintay waa wax aan diinta Islaamka ku banaaneyn" ayuu yiri Sh. Soomoow oo intaas ku daray in la dumiyo qabri uu ku duugan yahay qof Muslim ah oo culumo ahaa raad kuma lahan diinta.

 

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay maanta burburiyeen qabriyada Sheekh Nuur Xuseen iyo laba wiil oo uu dhalay oo ku yaalay deegaan lagu magacaabo Badalu-kariim oo galbeed kaga beegan degmada Jilib.

 

Mas'uuliyiin u hadlay Alshabaab ayaa sheegay in goobaha ay burburiyeen ay ahaayeen kuwo ay dad gaar ah ku xirnaayeen, ayna aamisan yihiin in lagu caabudi jiray dadkii ku aasnaa, sidaa daraadeedna ay go'aansadeen inay burburiyaan.

 

"Dhamaan go'aanada ay ku kaceen Alshabaab iyo Jabhal Islaamiyah waa kuwo ay jeebkooda kala yimaadeen, waa arrin u muuqata inay dadka ku gaaleynayaa, kuna galayaan dambiyo waaweyn" ayuu yiri Sheekh Soomoow.

 

Afhayeenku wuxuu ugu baaqay Ahlusunna inaysan wax talaabooyin ah qaadan arimaha socda, isagoo ugu baaqay Alshabaab inay joojiso falalka ay ku burburinayso qabriyada culumada la xurmeeyo iyo masaajidada.

 

"
Dad aan Soomaali ahayn ayaa ka qaybqaatay duminta qabriga Sheekh Nuur Xuseen, sida dadka deegaanku ay noo xaqiijiyeen
" ayuu mar kale yiri Sh. Soomoow oo intaa raaciyay waxaana shacabka u sheegaynaa in Alshabaab aysan diin wadin.

 

Sh. Soomoow ayaa ku tilmaamay Alshabaab inay yihiin koox takfiir ah, isla markaana ugu baaqayo dadka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan isla markaana ay fiiro gaar ah u yeeshaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

I came across this article by Ali Fatah @ WardheerNews, "Talk of the town" section, in which he elaborates with concise and consistent evidence the Arab League's intervention in Somalia and other parts of the world.

 

Al-Shabaabs will pursue the Talibanization of Somalia even if Ethiopia withdraws.

 

I believe Somalis will rise above the Qabiil inferno and imbroglio and defeat this group before they plant a firm root throughout Somalia. We are not a friend of extremism. It defies the very nature of our nomadic individualism and egalitarian principle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Hayaha, maantana ma qabrigii Sheekh Nuur Xusseen ee illaa Tanzania looga yimaado ayeey Al-Shabaab burburiyeen?

 

Wiilasha Al-Shabaab iyagu maslaxada miyaa cadow ku ah horta? Waa maxay daandaansiga iyo af-lagaadeeynta ee ay caadaysteen?

 

War si ay lafna ku xaganto ilkana ku nabad galaan ha laga yeelo arrinkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

There is no such thing or group as Ahlu-Sunna Waljamaha which is armed and have technikals, its just another name used now by the clans of South Mudug, its a war between Alshabaab and the clan.

 

Now that Ethiopia is leaving, the TFG is almost finished, Alshabaab are no longer useful to the clan and hence the clan is doing everything to desimate and destroy these destructive crazy boys gathared from all corners of Somalia and their foreign collegues.

 

Ahlu Sunna wax la dhaho oo organised ah, tabarna leh Somalia majoogaan, dagaalka dhowrka bari socday oo Madaafiic iyo tikniko culculus la isku garacaayay Shabaabkana daba lagaga dhacay, waa fooxlayaashii bunka marsan jiray waa hard to believe...

 

The news in just today report, Alshabaab have been chased out from Gelinsoor, Dhuusamareeb, cadaado and Guriceel, nimanki balaayaa qabsaday dhinacyadaa laga wada maray Lol...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this