Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somailland Oo Laga Beerayo Bariis

Recommended Posts

Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare] ayaa shaaca ka qaaday inay ku hawlan yihiin qorshe cusub oo ay dalkan Somaliland kaga beerayaan Biriis aan u baahnayn biyo badan oo dalal badan oo Qaarada Africa ku yaala lagu soo tijaabiyey, isla markaana waxa uu asteeyey maalinta cuntada Somaliland oo uu ku tilmaamay 10 December sanadkasta.

 

Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay Mar uu maanta u waramayey Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews oo ka xogwareysatay iyo arrimo kale.

 

Wasiirka Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare oo ka hadlayey maalinta ay Somaliland u asteysay inay u aqoonsato maalinta cuntada dalka waxa uu yidhi “16 October waxa maalinkasta dunida looga dabaal-dega maalinta cuntada adduuna, waxa maanta sharaf noo ah inaan ku dhawaaqo maalinta cuntada Somaliland, oo aanu In-shaa Allaahu ka dhigi doono 10 December Sanadkasta, si loo qiimeeyo sanadkan wixii inoo qabsoomay ee inoo soo go’ay”

 

“Maalinta 16-October ee Maalinta cuntada Aduunkana ay Goboladu tar-tan galaayaan sidii ay u soo saari lahaayeen cuntooyin ku filan” ayuu yidhi Wasiirka Wareysigiisa oo koobnaa.

 

Wasiirku waxa uu ku dooday in intii ay qiimaynta wadeen inay sanadkan ku guuleysatay maalinta cuntada Somaliland degmada Gatiitalay ee Gobolka oodweyne oo aanu u qaban doono Xafladii. “Waayo waa meeshi Ugu horeysay ee cunto wada wadani ah na tustay ee noo sameysay, oo ay ka marmeen cuntadii dibada uga imanaysay”.

 

Md. Aadan Axmed Cilmi waxa uu shaaca ka qaaday inay dalka dhawaan ka beri doonaan Biriis tijaabo ah, oo uu ku tilmaamay in ka dibada inooga imanaya lagaga maarmi doono, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Maanta waxaanu idiin sheegaynaa in aanu hayno mashruuc kale oo tijaabo ah, oo Bariisa oo aan u baahnayn Biyo badan oo uu ku baxo Nerica Rice, waa biriis wanaagsan oo Africa lagu tijaabiyey dalalka Sera-lion, Liberia, Ghana, Yuganda, Ethiopia, oo inagana [somaliland] imika ina soo gaadhay”

 

Wasiirka Beeruhu waxa carabka ku adkeeyey Gobolada ay u qorsheeyeen inay Beerista biriiska ka bilaabi doonaan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Biriiska waxaa beeristiisa waxaanu ku tijaabin doono Gobolada Togdheer, Saaxil, Maroodi-jeex Iyo Awdal, degmada Gatiitalayna ee Gobolka Oodweynana ka mid ayey noqonaysaa. Waana bariis wanaagsan oo marka uu dalkeena ka baxo waxa uu noqonayaa wadani, taas inshaa Allaahu dhawaan ayaanu bilaabaynaa, waana mashruuc innagu cusub. Waanuna ku guuleysan doona haddii Ilaahay yidhaahdo.”

 

Arrintan uu Wasiirka Beeraha Somaliland Aadan Axmed Cilmi Dhoola-yare ka dhawaajiyey maanta ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee Somaliland laga beero biriis oo ka mid ah cuntada quutal-daruuriga ah ee ay dadyowga adduunku isticmaalaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Bariis bay 2009 beereyan kuwaas na waan la yaaba

Ma sheekadii udub weyaan ma midhihi bariiska lugu beereye ba imika la hellay

:D

 

Ya usheega the climate is not for rice (constant humidity and constant rain)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually, even in Afghanistan and, until recently South Somalia, were exporting fruits.

 

Imagine how much could we gain if a trade channel, an air cargo line or anything was set-up to market our products...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by Norfsky:

quote:Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Bariis bay 2009 beereyan kuwaas na waan la yaaba

Ma sheekadii udub weyaan ma midhihi bariiska lugu beereye ba imika la hellay

:D

 

Ya usheega the climate is not for rice (constant humidity and constant rain)
True say. I was part of a discussion yesterday with regards to planting tea in the Somali highlands. That sounded more reasonable.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

Originally posted by Mr.Paragon:

quote:Originally posted by Norfsky:

quote:

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Bariis bay 2009 beereyan kuwaas na waan la yaaba

Ma sheekadii udub weyaan ma midhihi bariiska lugu beereye ba imika la hellay

:D

 

Ya usheega the climate is not for rice (constant humidity and constant rain)
True say. I was part of a discussion yesterday with regards to planting tea in the Somali highlands. That sounded more reasonable.
Pray tell - what do you really know about planting tea? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^What do you want to know about my knowledge in the subject? That I am addicted to it is not enough knowledge? smile.gif

 

PS; about bariis planting in Somaliland, I think I have some brief knowledge in the field of green revolution (in double/tripple monocropping of rice) in SE Asia. Atleast I remember writing an essay on it many years ago. smile.gif It's possible that it'll work in Somaliland but I wont be too enthusiastic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mr.Paragon:

^What do you want to know about my knowledge in the subject? That I am addicted to it is not enough knowledge?
smile.gif

 

PS; about bariis planting in Somaliland, I think I have some brief knowledge in the field of green revolution (in double/tripple monocropping of rice) in SE Asia. Atleast I remember writing an essay on it many years ago.
smile.gif
It's possible that it'll work in Somaliland but I wont be too enthusiastic.

Well, that is the point lad ..... Let's see if it will work as planned ,,,, in few years time, it is possible to have Somaliland Rice ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this