Sign in to follow this  
Xaq

Breaking News: TFG Re-Captures Beledweyne

Recommended Posts

Xaq   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Gobolka Hiiraan ay si toos ah ula wareegeyso oo aysan dib dambe uga bixi doonin kadib markii dhowr jeer ee horey ay kabaxday.

 

Dagaal kasii bilowday Ceelgaal illaa Magaalada Baladweyne la iskula yimid oo dhex maray Ciidamada dowladda iyo kuwa Xisbul Islam ayaa waxaa ugu dambeyntii isaga baxay magaalada Baladweyne Xisbul Islam.

 

Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ah Mas’uul katirsan Ciidamada dowladda horkacaya isla markaasina horey u ahaa Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Baladweyne iyo meelaha ku dhaw ay ku duulayaan oo ay ka xureynayaan kooxaha heysta.

 

Dabageed waxa uu sheegay in Magaalada Baladweyne oo dhan ay ka saareen Kooxihii kusugnaa isla markaasina ay hawlo kale oo dabagal ay jiraan lakin ugu horeyn Baladweyne ay xaqiijin doonaan.

 

Mar la weydiiyay sababta ciidamadooda ay gudaha Baladweyne u geli waayeen waxa uu sheegay in ciidamadoodu ay yihiin kuwa daalan isla markaasina ay dooneynin in gudaha magaalada ay galaan haddii ay galaanna ay magaalada kala aadayaan taasina aysan aheyn wax iminka u taal oo weli ay u harsan tahay hawl kale oo culus.

 

Dabageed waxa uu sheegay in ay si rasmi ah markani ula wareegayaan magaalada Baladweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan, waxaana ay horey uga bixi jireen qorsheyaal jiray lakin wixii haatan ka dambeeya ay arrintaasi dhamaatay.

 

Waxa uu ku eedeeyay kooxaha dowladda kasoo horjeeda in ay dhibaato weyn ku hayeen shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hiiraan lakin dowladda arrintaasi ay go’aan ka gaartay oo ay ka xureyn doonto meel waliba oo ay joogaan isaga oo beeniyay in wax ciidamo Itoobiyaan ah ay lasocdaan.

 

Kooxaha Mucaaradka ayaa sida muuqata culeys kale waxa uu kasoo foodsaarayaa Gobolada dalka iyadoo Bakool iyo Hiiraan dagaallo ay ku heystaan. http://www.mareeg.com/fidsan.php?sid=14159&tirsan=2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Xaq:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Gobolka Hiiraan ay si toos ah ula wareegeyso oo aysan dib dambe uga bixi doonin kadib markii dhowr jeer ee horey ay kabaxday.

Dowlad fadaraal ah oon hal degmo qabsan karin ,,, ayaan daranaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Mar Itoobiyaan baa qabsaday ayaad maqli , marna dawlad, markalena Hisbi , mar kale Alshabab

 

tani ciyaar way dhaaftaye jah wareer dheh ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse Cabdi Caraale oo ah xoghaya gashaandhiga Ururka Xisbul islam ayaa maanta beeniyey inay ciidamada dawlada kmg ahi la wareegeen magaalada Beledweyne,hadalkaasi oo ka soo yeerey Sarkaal ka tirsan ciidamad dawlada kmg ah.

 

Sacaadihi la soo dhaafey ayey ahayd markiii saraakiisha dawladda kmg ah ee gobolka hiiraan warbaahinta u sheegeen inay magaalada gacan ku haynteeda la wareegeen ka dib dagaalo ay la galeen ururka xisbul islam.

 

Muuse Caraale ayaa si weyn u beeniyey inay ciidamada dawladu la wareegeen gacan ku haynta magaalada Beledweyne waxaana uu sheegtey Muuse caraale inay ciidamadoodi xarumihii ay horey u joogi jireen joogaan ayna gacan buuxda ugu jirto magaalada beledweyne.

 

Muuse Carale ayaa yir

 

" Waa cadaan haddi ay magaalada jaanis u helaan inay soo galaan waxad arki lahaydeen iyagoo dadka dhac u geysanaya islamarkaasna dhibaateynaya shacabka balse tani waxay iidiin cadeyneysaa inaysan cag soo dhigi kariin magaalada gudaheeda''.

 

Sidoo kale Muuse Caraale ayaa wacad ku marey inay dagaalo adag la geli doonaan ciidamada dawlada iyo kooxaha la socda ,waxaana uu sheegey inay ka guuleysan doonaan ,hadii ay wax weerar ah ku soo qadaan magaalada iyo shacaba ku nool.

 

Hadalkan beeninta ah ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihii la soo dhaafey dagaalo culusi ku dhexmareyeen ciidamada dawlada kmg iyo ururka xisbul islam. Sidoo kale hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli u sarkaal ka tirsan dawladu sheegtey inay la wareegeen magaalada beledweyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

I positively forgot about the TFG. We (of the Caravan) have rested a little since the bearded gunmen got into loggerheads with each other.

 

It's all about high profile state visits for us. Us meaning people who are pro-law and order. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Jafe101:

Mar Itoobiyaan baa qabsaday ayaad maqli , marna dawlad, markalena Hisbi , mar kale Alshabab

 

tani ciyaar way dhaaftaye jah wareer dheh ,,,
:D

loool...breaking news, wax baa la qabsaday iyo wax baa la diley ka dhammaan weyney ee Ilaahoow sidaan si dhaanta noo keen!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this