Sign in to follow this  
Xaq

Breaking News: TFG Re-Captures Beledweyne

Recommended Posts

Xisbul Islaam oo lawareegay Goobihii lagu Dagaalamay ee Duleedka B/weyne.

 

By Somalimirror on 4 Nov, 2009 9:37 AM in Main, Wararka

 

CaraaleXoghaya Gaashaandhiga Al-Xisbul Islaami Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa Shaaciyey inay soo afjareen Dagaaladii Qaraaraa ee Saaka ka bilowday Duleedka Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan isagoona Sheegay inay gacanta ku dhigeen Dhamaan Goobihii lagu Dagaalaya sida Buurta Jenta Kundisho.

 

 

 

Caraale oo Dagaalka kadib la hadlayey Idaacada Shabeelle ee Magaalada Muqdihso ayaa sidoo kale Sheegay in Ciidamadoodu kusii raadjoogaan Firaxdka Ciidamada DKMG ah oo uu Carabaabay inay u baxsadeen Deegaanka Ceelgaal oo ay Markii hore ka soo ruqaansadeen.

 

 

 

Caraale oo Dagaalka ka kahadalayana waxa uu yiri:“Dagaalku Waa soo gaba gaboobay Saaka Subaxnimadii ayuu Dagaalka bilowday Magaalada Balad-weyne oo ay maalmo dhaweed ku soo duuleen Ciidamada Cadawga ah iyo kuwa Calooshood u Shaqeytayaasha ah ee Jabuuti oo Rida ah Ilaahey Subxaanahu watacaalaa Fadligiis Saacada hada aan kula hadlayo waxaan kaala hadlayaa meeshii ay daganaayeen ee Saldhiga u aheyd ee Janta Kundishe Weyna jabeen Ceelgaal kama sokeeyaan Raacdadoodii ayey Ciidamadu ku sii maqan yihiin Ilaaheyna Subxaanahu watacaalaa wuu jabiyey Qasaare badane wuu gaaray dib ayaan isagoo faahfaahsan didin kaga soo Sheegi doonaa”

 

 

 

Ujeedka Ciidanka DKMG ah ayuu ku Sheegay inay Diidanaayeen kudhaqanka Shareecada Islaamka isagoo leh:“Guusha iyo Nasriga ilaaheybaa nasiiyey Cadawgiina waa jabay waxay diidanaayeen kudhaqanka Shareecada Islaamka waxay diidanaayeen kulimada Alle inay kor noqoto waxey googooyeen Calamadii Towxiidka ku qornaa ee aan meelaha suranaya Ilaahey Subaxaanuhun watacaalaaw wuu baabi’yey baqdin toodii iyo dhaawacoodii iyo Cararkoodii iyo meydkoodii ayaa meelwalbaaba hada lasii raacdeynayaa oo la daba taagan yahay”.

 

 

 

Waxa uu sdioo kale Sheegay inay Dagaalka saaka iyagu qaadeen ayna kaga Dabatagi doonaan meelwalba oo ay tagaan Ciidanka DKMG ah wuxuuna yiri:“Dagaalka anagaa Qaadanay Maxaayeelay Markii hore eyey nagu soo qaadeen markaasey Meelasha layiraa Jantakundisho ayagu horey u qabsadeen oo Ciidamadeenu ay ka soo insixaabeen anagaa hada ku duulnaya anagaana ka saarnay weyna Jabeen, Ceel gaal iyo meesha ay ka yimaadeena waa looga daba dagayaa Ilaahey Idinkiisa”.

 

 

 

Tafaasiisha Dagaalka iyo Qasaaraha ka Dhashay ayuu Sheegay Sheekh Muuse inay Dib ka soo Sheegi doonaan marka ay helaan tirakoob Dhab ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this