Sign in to follow this  
Mintid Farayar

HorseedMedia Links Pirate Mafia with Faroole and Son

Recommended Posts

Muxuu Yahay Qorshaha Cusub ee Puntland ee Ku Aadan Burcad Badeeda?

 

Monday, May 11th, 2009 at 5:25 pm

 

 

 

Cumar Siciid

Editorial Horseed Media

 

Burcad Badeeda sanadihii lasoo dhaafay saameynta ku yeeshay Caalamka iyo dalka Soomaaliya waxaa horey looga qoray warbixino badan iyo barnaamijyo muujinaya habka ay u shaqeeyaan iyo cida ka danbeysa, hadaba waxaa markii ugu horeysay si cad wareysi arrintan uga bixiyey Mr.Abshir Boyax oo kamid ah hogaamiyaasha Burcad Badeeda, wareysigan ayaa dhexmaray Boyax iyo Suxufi ka socda Jariirada New York Times, wuxuuna ka dhacay Makhaayad caan ah oo kasoo horjeeda xarunta Madaxtooyada Garowe, Puntland.

 

Abshir Boyax oo asagu hada si nabadoon ku jooga magaalada Garowe ayaa uga waramay suxufiyiinta Ajnabiga ah sida ay u hawlgalaan iyo waliba waxa ku kalifa inay noqdaan burcad badeeda.

 

Abshir Boyax wuxuu qirtay inuu ka danbeeyey afduubka ugu yaraan 25 Markab oo laga qaatay madax furasho, wuxuuna wareysigan siiyay Suxufiga JEFFREY GETTLEMAN oo ka socda Jariirada New York times oo uu kula kulmay meel ku taal Farasmagaalaha Garowe, oo ka soo horjeeda Madaxtooyada Puntland.

 

 

Abshir Boyax oo markii ugu horeysay muuqaalkiisa caalamka loo bandhigay asagoo fadhiya Farsmagaalaha Garowe (Sawirka New York Times)

 

Su’aasha ayaduna is weydiinta mudan ayaa ah inta kabadan 70 ragga ah ee lagu hayo xabsiga Bosaaso ee qaarkood lagu xakumay xabsiyada dhaadheer iyo Abshir Boyax waxa ay ku kala duwan yihiin?

 

 

Abshir Boyax oo ah nin qirtay inuu afduubay 25 markab Puntlandna si weyn looga yaqaan wareysiyadana ku bixinaya Madaxtooyada Garowe horteeda, muxuu arrinkaasi ka qabaa sharciga Puntland iyo kan Shariicada Islaamka ee maxkamaduhu wax ku xukumaan?

 

JEFFREY GETTLEMAN oo ka warbixinayey sida ay u dhaqan yihiin burcad badeeda ayaa warbixintiisa ku sheegay in burcad badeeda aad ku dhex arkeyso magaalada Garowe ayagoo wata gawaari qurxoon iyo guryo cusub oo laga dhistay magaalada Garowe iyo Hotelo ay ku qaxweeyaan burcad badeeda.

 

Suxufigan ayaa wax yaabihii ugu yaabka badnaa ee uu kusoo arkay Garowe ku sheegay inuu arkayey Abshir Boyax oo ah nin si weyn caan uga ah magaalada Garowe kana mid ah hogaamiyayaasha burcad badeeda oo la kaftamaya mid kamid ah saraakiisha sar sare ee Booliiska Puntland, asagoo calaamatu su’aal saaray sida ay Dawlada Puntland uga go’an tahay ka hortaga burcad badeeda.

 

Wuxuuna ku kaftamay sida uu sheegay suxufigan inay qaraabo yihiin Boyax iyo Sarkaalka Booliiska ah.

 

Dhinaca kale wuxuu suxufigan soo qaatay kulan ka dhacay Garowe oo dhexmaray Odayaasha, Dawlada iyo Burcad badeeda, asagoo sheegay in mid kamid ah Burcad badeeda oo lagu magacaabo Abdirizak Elmi Abdullahi u sheegay in ay gor gortan ku jiraan!

 

Abshir Boyax ayaa asagu sheegay inay doonayaan in shaqo lasiiyo oo laga dhigo Ciidamo bada illaaliya, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in diyaar u yihiin inay joojiyaan burcad badeednimada hadii wax kale loo balan qaado.

 

Dawlada Puntland oo horey ayadu u sheegtay inay burburineyso burcad badeeda kana hortageyso ayaa u muuqata mid hada gor gortan fool ka fool ah kula jirta Burcad badeeda.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa asagu khudbado ka akhriyey Masaajidka Salaada Jimcaha asagoo ka codsaday shacabka inay kasoo horjeestaan burcad badeeda, ayuu yiri suxufigan ka socda New York Times.

 

Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Puntland horey u dhisay guddiga la dagaalanka Burcad badeeda oo ah kii ugu horeeyey oo Puntland laga dhiso.

 

Madaxweyne Farole oo wareysi siiyey suxufigan ayaa asagu sheegay in burcad badeeda ay dhaqan rogeen bulshada, asagoo sheegay inay keeneen ficilo ka baxsan Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka.

 

Sidoo kale odayaasha iyo Culumaa’udiinka ayaa ku eedeeyey burcad badeeda inay fidiyaan falalka anshax xumada ah, khamriga iyo cudurada faafa sida AIDS-ka.

 

Hase yeeshee waxaa muuqan ayuu yiri suxufigan tilaabo kale oo wax looga qaban karo burcad badeeda. Walow ay jiraan culumaa’udiinka iyo odayaasha inay ka digeen in lasoo dhaweeyo burcada.

 

Yusuf Hassan oo ah Tafaftiraha ah Garowe online ayaa u sheegay suxufigan in Boyax uu kamid yahay raga ugu horeeyey oo bilaabay burcad badeednimada ayadoo dhalinyarada hada ku biirtay burcad badeednimada ay isku dayaan inay wadadiisii raacaan. Wuxuuna sheegay inuu Boyax iyo raga lamid ah yihiin dad si weyn looga tixgeliyo magaalada Garowe.

 

“He’s respected as a pioneer,” said Yusuf Hassan, the managing editor of Garoowe Online, a Somali news Web site.(New York Times)

 

 

Garowe online maaha markii ugu horeysay oo ay saxaafada Caalamka usoo bandhigto burcad badeeda sanadkii lasoo dhaafay ayey sidan oo kale wareysi looga qaaday Abshir Boyax, magaalada Eyl u gudbisay saxaafada caalamka gaar ahaan telefishonka CNN. (Ka daawo Videoga dhanka bidix)

 

Garowe online ayaa ah warbaahin uu si gaar ah u leeyahay wiilka uu Madaxweynaha Puntland dhalay, ee Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

 

Maaha markii ugu horeysay Suxufi ajnabi ah iyo Boyah ay wada kulmaan bilihii lasoo dhaafay ayaa sidan oo kale waxaa kulan siiyey Boyax iyo suxufi ajnabi ah Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo asagu ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha Puntland , suxufigaasi ka socday Times Online ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Wiilka Madaxweynaha isku xiray asaga iyo burcad badeeda , Inkasta oo Saxaafadda Caalamku ay ku bixineyso dedaal dheeraad ah iyo dhaqaale sidii xog looga heli lahaa burcadda loona gadi lahaa warkooda ayaa waxaa muuqda in Puntland uu ka furmey suuq kale oo ah sidii loo kulan siin lahaa burcadda iyo saxaafadda halkii wax laga qaban lahaa burcadda , qayb yar oo kamid ah qoraalka Times Online ayaa ahaa sidan:

 

Our meeting takes place at a virtually deserted farm 15km outside Garowe. Mohamed is the son of the newly elected president of Puntland and does not want to be seen in public cavorting with pirates. Moreover, Boyah has recently contracted tuberculosis and Mohamed insists that we meet him in an open space. (Halkan ka akhriso Maqaalkii Times Online) Ama Garoowe Online

 

Maqaalka waxaa qorey oo u direy Times Online Jay Bahadur oo ah nin qora Buug la dhaho Burcad Badeeda Puntland, waxaana kala shaqeynaaya Garowe Online, oo ah Warbaahin uu lee yahay Wiil uu dhalay Madaxweynuhu,bal akhristoow adigu meel u qaad.

 

Jay Bahadur is working on a book The Pirates of Puntland, with news agency Garowe Online (garoweonline.com). E-mail: piratesofpuntland@gm ail.com

 

Qofna dhegxumo iyo sumcad daro meeshii u danbeysey ayuu aduunka ula mariwaayey marka uu maqlo magaca Puntland pirates wadnaha ayaa xanuuna dadka qarkiis, halka dadkii ka agdhawaa maamulka sida Wiilka uu dhalay Madaxweynuhu ay ganacsi iyo buugaag samayn ay kaga jiraan

 

Farah Dhalac oo asagu ah Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland ayaa u sheegay Jariirada New York Times, in burcad badeeda ay dhanka kale usoo jiideen indhaha beesha caalamka oo ay taasi tahay wax yaabaha wanaagsan oo laga dhaxlay burcad badeeda. Asagoo sheegay in dhibaatada burcad badeeda ay keentay in caalamka uu deeq dheeraad ah siiyo Soomaaliya.

 

Puntland officials acknowledge, grudgingly, that the pirates have helped them in a way: bringing desperately needed attention and aid.

 

 

“Sad but true,” said Farah Dala, Puntland’s minister of planning and international cooperation. “After all the suffering and war, the world is finally paying attention to our pain because they’re getting a tiny taste of it.” (New York Times)

 

Nimco Ismaaciil oo ah gabar ka shaqeysata magaalada Garowe oo nolol maalmeedkeeda kala soo baxda diyaarinta Aroosyada, ayaa sheegtay in muddooyinkii danbe ay aad usii badanyeen aroosyada ka dhaca magaalada Garowe oo ay sameystaan raga dhaqaalaha ka hela burcad badeednimada.

 

Nimco ayaa sheegtay inay jiraan dad kasoo horjeeda burcad badeednimada, balse inta badan dhalinyarada ku sugan Garowe (Caasimada Puntland) ay jecel yihiin inay noqdaan burcad badeed ama ayba hada ku jiraan burcad badeeda.

 

Hadaba waxaa is weydiin muddan warbixinadan kasoo baxaya magaalada Garowe ee ah caasimada Puntland sida ay dhaawac ugu noqon karto sumcada Dawlada Puntland ku leedahay dunnida.

 

Dawlada Puntland ayaa dhawaan caalamka ka codsatay lacag dhan 20 million oo dollar, lacagtaasi oo la sheegay in lagula dagaalami doono burcad badeeda.

 

Warbixintaasi ayaa waxaa lagu qeexay in burcad badeeda ay ku sugan yihiin meelo fog fog oo buuraley ah oo dhib badan isla markaana loo baahan yahay dhaqaale lagu bixiyo qalabkii iyo ciidankii soo qaban lahaa.

 

Waxaase su’aal ah fikir qaabkee ah ayuu caalamka ka qaadan karaa Abshir Boyax oo ah hogaamiyaha burcad badeeda Eyl oo wareysi ku bixinaya makhaayadaha qurxoon ee ugu caansan ee Garowe oo dhawrka tilaabo u jirta Madaxtooyada Puntland?

 

Madaxweynaha Puntland ayaa asagu horey u sheegay in safarkiisii Nairobi ay beesha caalamka ku tiri maamulka Puntland iyo burcad badeeda xiriir baa ka dhaxeeya, taasina ay beeniyeen.

 

Warbixintan New York Times & Times Online ayaa kamid xogta dhaawaca ku noqon karta Dawlada iyo gaar ahaan Madaxweynaha Puntland oo uu wiilkiisa uu xiriirinayo burcad badeeda iyo Suxufiyiinta ayagu kumanaanka kun ee dollar ku bixinaya sidii ay u heli lahaayeen xog la xariirta Burcad badeeda gaar ahaan kuwooda kusugan Puntland.

 

Marka laga yimaado dhibaatooyinka Dawlada Puntland kala kulmi karto ka gadida qorshaheeda ee dalalka deeqda bixiya, waxaa hadana muuqda in ficilka ka imaanaya Garowe yahay mid ka duwan kan caalamka loo gudbiyo taasi oo noqon karta waji gabax siyaasadeed oo ay Puntland Dawladeeda in muddo ah kasoo kaban.

 

Shacabka Puntland ayaa isku raacsan in loo baahan yahay in laga dhabeeyo takoorida kooxaha burcad badeeda ah ee deegaanada kasoo jeeda, arrintaasi oo ay culumaa’udiinka in badan ku baaqeen shacabka in badan oo kamid ahna ay ka dhabeeyeen.

 

Waxaase la is weydiin doonaa xiliga ay Dawlada Puntland ka dhabeyn doonto sidii gacan bir ah ugu qaban lahayd hogaamiyaasha iyo burcad badeeda dhex mushaaxa magaalooyinka waaweyn ee Puntland intaan loo gudbin tuulooyinka fog fog ee xeebaha ku teedsan.

 

Dawlada Puntland ayaa markii ugu horeysay kulan la yeelatay koox Burcad Badeeed ah kulankan ayaa dhacay ka hor Mudaaharaad looga soo horjeedo Burcadda oo Dawladda Puntland soo qaban qaabisay 07.05.2009 kulankan ayaa ahaa mid fool ka fool ahaa, waxaana ka soo qaybgalay rag badan oo Burcad Badeed ah, kulankaasi oo ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taala magaalada Garowe, ayadoo aan weli wax faah faahin ah laga soo saarin natiijadii kasoo baxday kulamadaasi.

 

Kulamadan ayaa noqon kara kuwo miro dhala waa hadii ay burcad badeeda yihiin dad balantooda kasoo baxa oo joojiya falalkooda, hase yeeshee waxaan weli hakad gelin afduubka ka socda xeebaha Soomaaliya.

 

Waxayna kulamada lala yeelanayo burcad badeeda markale dhibaato usoo jiidi kartaa Dawlada Puntland maadaama ay fursad u siiyeen burcad badeeda in sidii koox siyaasadeed loola xaajoodo, ayadoo aysana jirin weli natiijo la taaban karo oo kulamadaasi kasoo baxa.

 

Halkan ka akhriso maqaalkii New York Times (May 2009)

 

http://www.nytimes.c om/2009/05/09/world/ africa/09pirate.html

 

Halkan ka akhriso maqaalkii Times Online

(April 2009)

 

http://www.timesonli ne.co.uk/tol/news/wo rld/africa/article61 00783.ece

Share this post


Link to post
Share on other sites

huum huum.

The capital is burning and your obsessed wth piracy, Mintid dee iska daa nimanku waa koonfurian navy forces, with a bit of a high tax.lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by wacdaraha_aduunka:

Desperate attempt bruh huh but adress these issues

 

We don't like yall and you people don't like us..just another day :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually this article shows that overall people are sick of pirates and want Faroole to solve it. May be grooweonlije is working to expose this criminal gang so that the population will support the govt when the time is right to take action.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AfricaOwn:

quote:Originally posted by wacdaraha_aduunka:

Desperate attempt bruh huh but adress these issues

 

We don't like yall and you people don't like us..just another day
:D
Speak for yourself mate, just speak for yourself!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Desperate seccessionist

 

Mintid is angry young boys get millions of $$$ in Eyl and the west has not yet blown off Bosaaso... lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

We can bash the PIS as corrupt for arresting someone, call President Sharif "Sheik Hotel", we can complain about the so called corrupt practices of the previous Puntland admin. But nothing about the criminals working out of Eyl, and all the leaders who are saying nothing about it. The money has poisoned so many people and the president son meets with these criminals. Yet, no call for an investigation like their was outrage for the PIS (the day it happen a few were asking for them to be disbanded and angered at it's head), but not now. There's no call for any action, as long as they are making money right.

If we are going to complain about corruption or ask for changes we need to look at every single problem at EVERY LEVEL, not just ones that don't invlove money like the PIS or something. There should be outrage at Mohamed Faroole and we must demand answers. The article where Mohamed Faroole brought the reporter to the Pirate leader, just backs up what some in the UN and other places are saying about the Puntland Admin and piracy. No one will want to help our state if this keeps continuing, how can we expect 20 million or an invite to the piracy conference when the son is engaging in this?

Wake up people!!! Dont pick and choose who you want to criticize.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this