Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Warns Bugland

Recommended Posts

Hargeysa(Qarannews)-Wasiirkaka Arrimaha Gudaha JSL Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa uga digay Maamul-goboleedka Bariga Somaliya ee Puntland inay ka joojiyaan Daandaansiga Gar-darrada ah ee ay ka wadaan Gobollada Bariga Somaliland, gaar ahaana Sanaag kuwaas oo ay haatan ka socdaan Hawlaha diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland.

Wasiirku waxa uu sidaa ka sheegay Mar uu maanta Kormeer dhinaaca diiwaangelinta ah ku marayay Degmada Gar-adag ee Gobolkaasi, waxaanu wasiirku Jawaab kulul ka bixiyay Hadal ka soo yeedhay Ninka lagu magacaabo Xasan Daahir Afqudhac oo Puntland ka ah Madaxweyne ku xigeen, isagoo wasiirku tilmaamay in Afdhuqac ku riyoonayo waxaan jirin xaqiiqadana indhaha ka lalilanya waxa uu hadalkiisa Wasiirku ku bilaabay; "Ninkaa Sheeganaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo aan u malaynayo hadaladii u yidhi inay ahaayeen Riyo, Somaliland Cidna ku xad gudbi mayso hase yeeshee Taako kasta oo ka mid ah Dhulkeeda Diiwaangelintu way ka dhacaysaa, Qof kasta oo reer Somaliland ahna Xuquuqda uu leeyahay wuu helayaa oo wuu qaadanayaa kaadhka Dhalashada iyo ka codbixintaba, Cid ku khasbaysaana ma jiro". ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guduhu.

 

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray in haba yaraatee aanay Somaliland caado u lahayn gar daandaansiga iyo ku xadgudubka deriskeeda, hase yeeshee ay mar kasta ka go'an tahay sugida xuduudaheeda kana difaacayso cid kasta oo soo faro galisa, " reer Somaliland iyagaa diyaar ah, iyagaa danahooda wada yaqaan, iyagaa meel ilaahay ku wada abuuray oo is jecel oo ehel iyo abba isu ah, isir sooc wax la yidhaahdaana dalkan kama jiro, waana loo siman yahay warqada dhalashada, ee waxaan ninkaa leeyahay (Afqudhac) ha riyoon walaale indhaha kala fur". ayuu Wasiirka arrimaha guduhu Hadalkiisa ku soo xidhay.

 

Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa beryahanba ku hawlanaa sidii aanay gobollada bari gaar ahaan sanaag Beri iyo Sool uga qabsoomi lahayn diiwaangelinta iyo doorashooyinka soo socda, iyagoo xadka soo dhoobay ciidamo ka soo jeeda deegaanadaas balse taageersan Maamulkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

Originally posted by AfricaOwn:

My Somali reading ability is poor Jac..What is this about?

Waar yaa JB, inanka afkiinii clan land wax ugu turjum dee, waa ku sidee cidlada iyo kuwan samaliyeed ha ku haleyne. Waa maxay halka line eed u xariiqday. :D I mean warka ha jumladayne u tafaariiqee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this