Sign in to follow this  
Abtigiis

ONLF reprisals against Puntland arrive in the form of Poetry

Recommended Posts

Abtigiis   

Two long poems one with the title "Dhabayac low kuusan", the other "Kudka Bari".

 

Waxse dhaygag aadmiga ku riday, taad ku dhaqantaane

Haddaad idinku dhabarka u goddaan, dhigasho xaalkeeda

Dhawaaquna masayr kaa yahood, dhalfada weyn dooni

Dhankaa kama naqaanee ugee, kii kubaray dheesha

 

Dhiidhiibso isagaa ku odhan, kuguna dhaantayn e

Dhadig iyo labood baa tihiin, wax u dhexeeyaaye

Dhalfadii d.a.boolnayd markuu, kuu dhilqiyo gaalku

Adoo dheehu kaa duulay baad, dhiirin socotaaye

 

Hayeeshee wax dhacay baa jirrooy, dhibi ka joogtaaye

Umad dhacantay baa muuqata oon, dhurra u laabnayne

Haddaad idinku wada dhuuqsateen naago dhex- xidhkoodii

Dhabahoodii idinkaa maroo, dhaclihii qaba e

Dhadiggiinu dhinacay u kici, waabad dhaxasheene?

 

Afartaa dhakada moowga riday, dhabayac low kuusan?

Dhamac kulul qalbiga ma uga rogay, dhuxulo naaroobay?

Dharbaaxooyinkaygaan aqiin, dhaaw! makaga siiyey?

Hadda micida kuma dhuujin oo, waan ka dhimayaaye

Dhawaaq kale markay soo ceshaan, taan ku dhigi doono

Dhabanada haddii ayna qaban, dhagaxyadaan saarro

Allay lehe dhiggood baan ahay, iyo Dhabayac low kuusan

 

 

Gabaygu wuu dheeryahay, laakin inta kale waa arar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garowe: Dawladda Puntland oo beenisay war ka soo baxay ONLF.

27. oktober 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Dawladda Puntland ayaa sheegtay in aysan waxba ka jirin in ay dawladda Itoobiya gacanta ugaliyaan dad udhashay Ismaamulka Soomaalida ee dawladda Itoobiya, isla markaasna waxa ay sheegeen in ay talaabadaasi mid ay ka been sheegeen Jamhada ONLF.

 

Saraakiisha Madaxtooyada ee dawlada Puntland ayaa sheegay in ay maqleen Eedaynta ONLF, ayagoo sheegay in aysan waxba ka jirin in ay dawladda Puntland ay dad udhiibtay dawladda Itoobiya, waxa ayna intaasi ku daray in aysan ciidamadooda qaban dadka Soomaaliyeed.

 

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin arrintaasi, isla markaasna aysan marnaba ka suuragaleyn dawladda Puntland in dad Soomaaliyeed loo gacan galiyo dawladdaha jaarka la ah Soomaaliya.

 

" Taasi ma dhici karto, waa been ay sheegtay ONLF, oo aanan garan karin ujeedada ay leedahay, dad aan dhiibnay ama laga qabtay Puntland oo ay ka xeysteen Itoobiya ma jiraan" Ayuu yiri Sarkaal sare oo ka ag dhaw Madaxweynaha dawladda Puntland oo ka gaabsaday Magaciisa.

 

Xuseen Maxamed Nuur oo ah Madaxda Warfaafinta ee ONLF ayaa xaqiijiyey in dad udhashay beesha ****** laga qabtay magaalada Boosaaso, loona gacan galiyey dawladda Itoobiya oo uu dagaal adag kala dhaxeeyo Jamhada ONLF oo ah Jamhada ay leeyihiin Beesha ******, dagaal adagna kula jirta dawladda Itoobiya oo maamusha gobalada Soomaalida ee kilalka Shanaad.

 

Dawladda Itoobiya ayaa la rumeysan yahay in ay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyey dawladda Puntland, waxaana maalmihii ugu dambeeyey soo baxayay warar kala gedisan oo ku saabsan halka uu salka dhigtay xiriirkaasi, markii ay ciidan ka tirsan dawladda Itoobiya si sharci daro ah ku galeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

 

Warar hoosaadyo ka tirsan dawladdaha Puntland iyo Addis Ababa ayaa sheegay in uusan maalmihii ugu dambeeyey xiriirka labada dhinac wanaagsaneyn, isla markaasna ay jireen waxyaabo laysku mari waayay oo ay ka mid yihiin talaabadii carada ku beertay Madaxda Puntland ee ahayd in ay ciidamada dawladda Itoobiya, si sharci daro ah ku galaan gudaha magaalada Gaalkacyo, taasoo ay jawaabteeda ka gaabsatay dawladda Itoobiya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

KUDKA BARI

 

Hayeeshee Kaloorahan dhacaan sheegi kii wadayee

Dhulka oo kalkii hoorayoo karin la soo daayey

Raxamd eebahay keenayon kala go'ayn waayo

Kalay buuxa dhiijaamo kidh ah rahhu ka dhaaleeyey

Kaymaha caleemobay iyo dooga kala seexday

 

Ummad nabad ku daaqdoo xornimo ugu kifaaxaysa

Oo aan kadeed iyo dhib qabin kala irdhaysiiya

Oon diiin ku kala leexan oo yahay kitaabkoodu

Kalmadii ilaahay ku yidhi koonka anigaa leh

 

Kol qudhuun wixii kala furfuree koxba dhan u caydhshay

Waabayda koontiyo wixii kiciyey duufaanka

Marka aan u kuur galay inbadan kadiso waa yaabe

Diiwaanka kayd iyo dhacdada kala rogeen baadhay

Kudkii bari ka yimidbaa kulkiyo keenay aafada'e

 

Kadka qoriga keeb lagu rogmaday kalaqda yeedhaysa

Kumanyaal kurkii laga jaray kuman laxaad beelay

Kumanyaal agoontooway oon korin itaalkoodu

Kumanyaaal waxay kayd dhigteen kolonyo waysaaqday

Kala lumida kumanyaal aan lahayn kab iyo raadkooda

Soomaalida kadeedkaa ku dhacay kala jabkaa gaadhay

kudkii bari ka yimid baa kulkiyo keenay aafada'e

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I was under the impression those with Shakespearean erudition will not miss when politics is discussed in a form other than prose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

Well, in this instance, your 'impressions' are inspired and motivated by spurious ONLF propaganda that you've so ghoulishly contrived, and is therefore, not appreciated one bit. But on the other hand, I guess it is understandable that you place all your hopes on cheap propaganda-- even though your predicament deserves, no-- DEMANDS unwavering resolve on the part of you and your co-hearts, Mr A&T.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

With regard to my conversations with you, I have long realised anyone who has the misfortune of arguing with what the poet above has referred to originators of the 'kud' in the EAST, will be suffering the fate of Sisyphus. Speaking of who, I know you were a greek philosopher in your, what first or second life before being banned for numerous breach of SOL laws only to reapper under a different name, with the tacit approval of the site managers.

 

Sisyphus was an arrogant and deceitful man who tricked the gods. Displeased at being duped, the gods sentenced him to spend eternity pushing an enourmous boulder up a hill. He would push it most of the way up the hill, then the boulder would roll back down to the bottom and he had to do it all over again and again and again. Every minute of every day, the story goes, Sisyphus pushes the boulder up the hill, only to watch it roll back down.

 

I think it is a curse imposed on me for offending the good ladies of SOL.

 

 

Anyway, the taunt of the liberation fighters goes on:

 

Bal inay karaahaad yihiin, koram iblays fuulo

Waa niman kobtii ay tagaan, nabad ka duub tahaye

Waa niman ku xaasid ah khalqiga, kii la nool abide

Waa niman kitaab beena mara, kun iyo kow jeere

Waa niman kadaabnimada helay, Koobkii loo dhigaye

.....

korka qolofta kaad ka guran jirteen, korankortii diinka

Carsaanyadaad ku noolaan jirteen, dib ugu koorseeya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Cowke, waxan Culimada Boosaaso ka qaylisiiyey miyaa been ah? APL uun ha akhrine bal iska hubi warkan aad thread walba ku qoreyso!

Culimada ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa si kulul uga hadlay nin ka soo jeeda Dhulka Soomaali galbeed oo uu Maamulka Puntland sida la xaqiijiyay u gacan galaiyay Gumeysiga Itoobiya, ninkaasi oo ka mid ahaa shan nin oo dhulkaa ka soo jeeda oo maalmo ka hor laga qabtay Dekada Magaalada Boosaaso xiligaas oo ay ka soo dagayeen Dooni ay ka soo raacen dalka Yemen.

 

 

 

Culimada Kala ah Sheekh Axmed Daahir , Sheekh Xasan Xuseen Axmed iyo Sheekh Fu’aad maxamuud xaaji nuur ayaa Salaadii makhrib kadib hadlo kukul oo ay arintaas uga soo horjeedaan waxa ay ka jeediyeen Masaajidda kala ah Al-Rashiid, Ramadaan, Iyo Al- aqsaa... ka sii akhri http://www.somalimirror.com/2009/10/27/culimada-magaalada-boosaaso-oo-si-kulul-uga-hadaly-nin-loo-ga can-galiyay-itoobiya/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

 

Anyway, the taunt of the liberation fighters goes on:

^^

If only churlish taunts would liberate lands, then maybe you and I would be on the same page. :D

 

I bet you think you are being really witty and original with this torrent of vituperation! But NOT! Heard that before, A&T?

 

And what should we send you and your ilk for your non-stop nagging these last two days ? How about anything you can use to stuff it!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Maaddeey:

Cowke, waxan Culimada Boosaaso ka qaylisiiyey miyaa been ah? APL uun ha akhrine bal iska hubi warkan aad thread walba ku qoreyso!

Shanta nine ee doonida lagala degey ayaa mid ka mid ah la dhiibey kaasina waxaa lagu magacaabaa Cabdi Xussen Yuusuf, doonida waxay timid dalka Yemen, markii ay dekeda Boosaaso kusoo xiratayna waxaa si gaar ah dadkani ula degey illaalada Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, sida ay odayaasha ku doodayaan.

 

But acordig to Cowke this meeting was also a propagandha ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Abtigiis waan u jeedaaa. Sophist iyo kii Xiinow ahaa inta ay ka soo galyaan isha ka dhowr ayaan is leeyahay.

 

Kobtaas kaga hay aadeerkiis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warkani war la hubo ma aha ee yaan lagu degdegin. Hadiise ayba dhacday oo tuugada loo yaqaan PIS ay lacag ku raadsatay dhallinyaradaan dhibaatayntooda, yaan shacabka reer Puntland lagu eedayn falxumada arxandarrada ah ee ay PIS maalin walba ku samayso shacabka reer Puntland iyo walaalahooda ONLF.

 

Mr. Somalia, awoowe you need to calm down.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this