Sign in to follow this  
Jacpher

Reer Qansax: Not ready to learn to forget and move on

Recommended Posts

Jacpher   

Likewise, we, the clan of Aw-bakeyle are not ready to just forgive & forget all that has been committed against us. Not that quick.

 

Beesha ********* oo maanta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka sheegtay in Soomaali oo dhan ay isu baheysteen dhibaateynteeda

 

Talaado, July 24, 2007(HOL): Iyadoo maanta la soo gebagebeeyay qodobkii ku saabsanaa Xalinta Khilaafaadyada Beelaha ayaa maanta waxaa ka doodista qodobkaas lahaa Beesha ******* oo ka mid ah Beelaha waa weyn ee Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka qeybgelaya.

 

Xubno u hadlay Beelaha ******* ayaa marka laga reebo Beesha ********* waxay sheegeen in khilaafyada u dhaxeeya Beelaha Soomaaliyeed lagu xalin karo in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdo, isla markaana la iska cafiyo, halka Beesha ********* ay sheegtay in ay soo jeedintaas waxba ka qabin, hayeeshee ay dhibaato tirsaneyso.

 

Nabaddoon Xaaji Cabdi Yare oo ka mid ah Odayaasha Beesha ********* ee ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Beeshiisa ay dhibaato ka tirsaneyso dhamaan beelaha Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in la isugu tegay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore, isla markaana dhibaato baaxad leh loo geystay. Nabaddoonka waxaa uu sheegay in uusan kaliya u doodeynin ka xaal-marinta dhibka loo geystay balse ay Beeshiisa diyaar la tahay in ay xaal-marin ka bixiso wixii ay geysatay oo dhibaato ah.

 

Beelaha kale ee Soomaaliyeed oo maalmihii aynu ka soo gudubnay qodobkan fikirkooda ka dhiibtay ayaa waxay isku raaceen in wixii dhacay la iska cafiyo, isla markaana loo soo jeesto sidii Qarannimadii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa.

 

 

Beesha ****** oo furtay ka doodista Qodobka ayaa Odayaal iyo waxgarad u hadlay waxay sheegeen in ay bixin doonaan wax kasta oo lagu sheegto, inkastoo ay ku talo bixiyeen Dadkii u hadlay in ay soo dhaweynayaan soo jeedinta Beelaha kale ka timid ee ku aadan in la iska cafiyo wixii horay u dhacay.

 

Ajendayaal kale oo ay ugu culus yihiin qeybsiga Kheyraadka iyo Awoodda Dalka iyo weliba Xag-jirnimada Diimeed ayaa u harsan Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo aan ilaa iyo haatan rasmi ahaan loo shaacin waqtiga uu shirkooda soconayo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka badan 1000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha ****** iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

Mogadishu, Somalia

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Adiga xageed noo kala wadaa. Did you know historically Aw-bakeyle & Qansax were blood brothers? Waryaa learn your history.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Heer-Sare:

^Aw-Bakeyle Clan waa "dameertii geela didisey ee wali sii bururfleyn" sheekadoodu.

 

Dambigey soomaali kagaleen hadii lugu iloobey waxay ahayd inay afkooda haystaan.

Waa tanaa, kuwaanoo kale inta soomali ku jiraan ayaa la leeyahay lets move on. Waryaa dambiga aay soomali ka galeen oo aan ahayn inaay kaa hayeen dugaaga iyo Cabdullaahi Yuusufoo kale bal adeer inoo sheeg bal?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Adeer Cabdullahi cidna kama haysid awoowe hadaad rabtana soodaa bal hala arke e!

 

Teeda kale, dambiga aan ka hadlaayo waaka arintan haatan taagan(civil war) keeney waadna ogtahay cida ka dambeysey.

 

Dambigaba waxaa dhigey siday aniga ilatahay USC iyo caqli xumidooda waayo markey wadanka lawareegi lahaayeen ey dawlada dhisi lahaayeen ayeey waxay dheheen D BLOCK oo dhan wadanka halaga saaro taasaana keentey inaa taad dhigteen soomaali iloodo hadana waa gartiin inaad lasoo shir tagtaan waa nala-laayeey. Tan iyada ah qolya kale oona hada sheegeyn ayaa caan ku ah soomaalibaa nalaysey idinku dhako kale keena

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Cabdullahi wadanka waa laga hayey waligiisna wuxuu ku riyoon jiray ayuu maanta meel cidla ah ka helay oo ahayd inuu dalka & jamhuuriyada oo dhan gacanta u gesho amxaaro wuuna suubiyey balse uma suurtagaleyso.

 

Ta kale su'aashii aan ku weydiiyey kama aadan soo jawaabin. Mar haddii aad sidaa u hadlaysid adeer soomali adigoo kale weeye markaa wax laga sugaba iska yar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabaddoon Xaaji Cabdi Yare oo ka mid ah Odayaasha Beesha ********* ee ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Beeshiisa ay dhibaato ka tirsaneyso dhamaan beelaha Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in la isugu tegay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore, isla markaana dhibaato baaxad leh loo geystay

the best joke of the year :D

 

[ July 25, 2007, 11:42 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^I highly doubt if reer Qurac are any better.

 

I don't think this is unique to one clan or sub clan or any specific aggression towards a certain group. If anyone is going to claim some type of injustice, it should have been those that were placed in the point five column. The focus should have been a political reconciliation rather than tribal one. That's where the conflict lies.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Originally posted by Garyaqaan*:

quote: Nabaddoon Xaaji Cabdi Yare oo ka mid ah Odayaasha Beesha ********* ee ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Beeshiisa ay dhibaato ka tirsaneyso dhamaan beelaha Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in la isugu tegay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore, isla markaana dhibaato baaxad leh loo geystay

the best joke of the year
:DMaxaad ku qoslaysa? waa runtisee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this