Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Xildhibaan ka tirsan Puntland oo ku dhawaaqay in la qabto Doorashooyin horleh!

Recommended Posts

Mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa qoraal uu baahiyey ugu baaqay Baarlamaanka Puntland inuu meel mariyo doorashooyin cusub oo madaxtinimada Puntland ah oo wakhtigeeda lasoo hormariyo.

 

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cabdiwali Muuse Shire (Dhamuuke) ayaa qoraal uu u diray Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne kuxigeenka iyo Golaha Wakiilada ugu baaqay in lasoo hormariyo xiligii Doorashadii Madaxtinimo ee Puntland.

 

Xildhibaankan ayaa qoraalkiisa nuqul kamid ah oo soo gaaray Horseed Media ku xusay in ay jiraan arrimo badan oo u baahan in wax laga qabto xiligan deegaanada Puntland asagoo ku saleeyey arrimaha amniga iyo waliba xaaladaha ka jira gobalada Puntland qaarkood in ay laga maar maan tahay in lasoo hormariyo doorashooyinkii Puntland si buu yiri wax looga qabto dhibaatooyinka baaxadleh ee hada taagan.

 

Waa markii ugu horeysay oo xildhibaan ka tirsan Puntland baaq caynkaan oo kale soo bandhigo, xili Dowlada Puntland ee uu hogaamiyo Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole xilka heyso muddo ka yar 2 sano. Mana cada in baaqan ay soo dhaweyn doonaan Baarlamaanka Puntland ee uu xildhibaankan ka tirsan yahay.

 

Inkastoo ay jiraan caqabado badan oo salka ku haya amniga ay ka jiraan Puntland, hadana qaar kamid ah dadka siyaasada u dhuun daloola ayaa sheegay in baaqan la hubin inuu taageero weyn ka heli doonin Baarlamaanka, walow ay jiraan caqabadahaasi waxaa ayaguna jira arrimo badan oo uu maamulka wax ka qabtay iyo kuwo uu qorsheenayo, xili maamulka wakhtigii loo doortay ay wax badan uga hartay.

 

Hayeeshee Xildhibaan Cabdiwali Muuse Shire (Dhamuuke) ayaa sheegay in balanqaadyadii hore ee hogaanka Puntland horey u jeediyey aan wax badan laga qaban.

 

Qoraalkii xildhibaan uu u gudbiyey Golaha iyo Xukuumada ayaa u qornaa sidatan:

 

Xildhibaan Dhamuuke oo Gudddoonka sare ee Baarlamaanka Puntland u soo Jeediyey in La Qabto Doorasho Xilligeedii Laga Soo Hormariyay

 

Og: Dhammaan Xubnaha Golaha Wakiilada Daw/Puntland

Og: Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland

Og: Madaxweynaha Dawladda Puntland

 

Ujeeddo:- Doorasho Xilligeedii Laga Soo Hormariyo

 

Siyaasad wanaagsan

Amni Sugan

Maamul tayaysan

Golayaal wada shaqeeya

Garsoor hufan

 

Waxaa 1998-dii la dhisay Dawlad Goboleedka Puntland oo ay ku bahoobeen 5 Gobol iyo Deegaanka Buuhoodle (Bari, Sanaag, Nugaal, Sool, Mudug iyo Degaanka Buuhoodle). Taasi waxay ahayd MASIIR UMMADEED oo ka timid baahi dadweyne, si ay u helaan maamul tayo leh oo suga amniga dalka una horseeda ummadda horumar dhaqan-dhaqaale (socio-economic development). Dhismaha DGPl wuxuu kale oo ahaa qaab-dib-u-heshiisiineyd, ahna kan kaliya oo Soomaali la isugu keeni karo Nadaam Federaal ah oo Dawlad Dhexe oo midaysan lagu gaari karo.

 

Hadda, Puntland waa toban jirsatay waxna waa qabsoomeen, wax badanna waa laga gaabiyay in la qabto maamulxumo darteed, sida sugudda amniga, adeegga bulshada, horumarinta dhaqaalaha, iyo nadaamka suuqa xorta ah oo la dhaawacay.

 

Sidaas darteed, waxaan shacabka reer Puntland iyo Golaha wakiilada ugu bishaaraynayaa in haddii fursadan la iisiiyo inaan qabto Xilka Mdaxweynaha D/G Puntland aan ka samayndoono Puntland INSHAA ALLAH, dib-u-habeyn iyo isbedel baahsan oo saameyndoona Maamulka DG Puntland si loo soo noleeyo Heyadaha Dawladda oo aan hadda shaqayn loona dhiso kuwo kale oo loo baahan yahay. Waxaana ka mid ah kuwa amniga, horumarinta dhaqaalaha si kor loogu qaado maciishadda dadweynaha, heyadaha caddaaladda, adeegga bulshada, dhawrista deegaanka, abuuridda heyad samafal (Welfare society) loona jeedo daryeelka dan yarta iyo naafadda.

 

Siyaasadeyduna waa daafacaadda nidaam Federaal ah ee Dawladda Qaran oo Somalia, oo wax ka hooseeya dadkeenu mamaba aqbaleyn; sal-u-dhigidda iyo horumarinta dhaqaalaha; sugidda iyo xojinta amniga dalka oo dhinac walba ah; Difaaca dibedda, Burcad Badeedka, Afduubka Beriga, Deegaanka, Arrimaha Federaalka, Habaynta iyo soo noolaynta haybadda hayadaha Dawladda iyo Hogaamiyaha, Anshaxa iyo Asluubta Bulshada, La shaqaynta iyo Kalsooni siinta Hay’adaha caalamiga ah iyo u hogaansanka sharciga.

 

Haddaba, anigoo tixraacaya qoraalkaas akhriskiisu qurruxda badan yahay, aniguna aan soo minguuriyey anigoo khalad ka dhawraya una soo koobiyeeyey sidii uu Madaxweynuhu xilliguu musharaxa ahaa u soo qortay, waxaa isweydiin leh:

 

1. Maxaa ka qabsoomay ballanqaadkaas kor ku xusan?

Ra’yigayga maanta Puntland waxay maraysaa in ay isugu soo ururto Garoowe, oo ay shirar beeleedyo ka socdaan hareeraha caasimadda Puntland ee Garoowe, sida Buurowadal, Qardho iyo meelo kamid ah Gobolka Mudug, iyadoo beelo ka mid ah Puntland ay ku biireen Maamulka Galmudug, kuwa kalana ay hadda wada hadal leeyihiin iyaga oo tirsanaya in ay waayeen xaqqii ay ku lahaayeen Muwaadinimadooda sida Beesha Meheri (Carrab Saalax) oo laga qaaday kursigii Golaha Wakiilada ee Gobolka Nugaal iyo wasiirkii ay ku lahaan jireen Xukuumadihii hore ee soo maray Puntland, iyo beelo badan oo aan wax masab ah ka hayn Puntland, iyagoo ka mudan kuwo la siiyey kuraasi fara badan.

 

2. Puntland waxay maraysaa maanta in laga ufoodo Xaruntii Madaxtooyada ee Dawladda Puntland, taas oo madaxweynuhuna Dikreeto ku soo saaray in aan Golaha wasiiradu imaan karin Madaxtooyada Gelinka hore haddii aysan OGOLAANSHO ka haysan Agaasimaha Madaxtooyada Cali-barre Jaamac ama ku xigeenkiisa Axmed Caydiid, waa wax aan adduunka ka dhinac in Wasiir xasaanad leh lagu wargeliyo in uu fasax weydiisto shaqaalaha Madaxtooyada ee Madaxweynuhu iskiis u qorto.

 

3. Waa wax aan weli caalamka iyo deriska ka dhicin in Isimo hawshii loo igmaday ee beelahooda u fadhiya, mudanna xurmo, lagu weeraro rugtoodii, weerarkaasna laga abaabulo halkii ugu sarreysay ee looga talinayey dawladda Puntland, waxaa wax lala yaabo ah in ciidankaas uu watey xoghaynta gaarka ah ee madaxweynaha oo ah nin rayid ah oo aan ciidan weligiis soo marin, maxaad ku tilmaami lahaydeen arrintaasna?

 

4. Maanta Puntland, waxay maraysaa meel aysan weligeed gaarin sumcad ahaan iyo amni ahaan labadaba, waayo waxaad ka dheregsan tihiin in maanta warbixintii Qaramada Midoobay loo gudbiyey ee sannadlaha ahayd, Puntland lagu eedeeyey in ay xiriir dhaw la leedahay BURCAD BADEEDDA, taas oo waliba la magac-dhabey Madaxweynha, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Waxaad la socotaan in aysan weligeed Puntland ka dhicin dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayo Golayaasha Dawladda, kuwaas oo aad ka xusuusataan:

 

1. Wasiirkii Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka Warsame Cabdi Shirwac (Seefta)

2. Xildhibaan IBraahim Cilmi Warsame (IBraahim Cilmi Gaab)

3. Xildhibaan Cabdullaahi Cali Cismaan.

4. Xildhibaan Maxamed Cabdi Jibriil.

5. Gudd. Maxkamadda Darajada 1aad ee Boosaaso Sheekh Maxamed Cabdi AWaare.

6. Qaraxxii lala Beegsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, kaas oo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Guddoomiyaha (Naaleeye), halka dhaawac culus uu ka soo gaaray Darawalkiisii (Sanka).

Sidoo kale waxaa falalkaas lala beegsaday Saraakiil, Aqonyahan iyo Ganacsato.

 

Waxaa wax lala yaabo ah in dhmmaan dilalkaas dadkii loo qabtay aan wax tallaabo ah laga qaadin, iyadoo Madaxweynaha Puntland uu Saxaafadda u sheegay in la hayo, ama la garanayo dadkaas, isagoo tusaale u soo qaatay in gacanta lagu hayo ciddii dishay IBraahim Cilmi Gaab.

 

Ugu Dambayn, waxaan Gudddoonka sare ee Baarlamaanka Puntland u soo jeedinyaa in la qabto Doorasho xilligeedii laga soo hormariyo, waa wax Caalamka oo dhan ka dhaca, haddii xukuumaddu ku guuldaraysato hawlihii loo igmaday fulintooda, ayna ballanqaaday markii ay tartamayeen, taas oo ah inta kor ku xusan.

Arrintu saw uma eka, “La mood noqonse weydey”

 

Waxaan qabaa in aan taageero badan uga helayo MOTION-kaygaan xubnaha Golaha wakiilada ee Dawladda Puntalnd, anigoo haya caddaymo badan, soona bandhigi doona marka uu furmo kalfadhiga Golaha wakiilada ee soo aadan 15/06/2010, haddii ALLAHA awooda lihi ogolaado.

Mahadsanidin.

 

Xildhibaan Cabdiwali Muuse Shire (Dhamuuke)

Galkaio, Puntland Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

I agree with him 100%, Faroole is a total failure

 

Faroole should resign immediately, if he wants to rescue Puntland, every day new city or region is leaving the Puntland Confederacy

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

to save what is left, we know SSC regions left already,

 

The concern are those regions who are still part of 'confederacy' like Mudug, Nugaal and Bari

 

We heard Faroole left Qardho meeting with so much anger

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I think you are making noise for no reason dear Dalmar, Puntland is doing ok, Faroole time to leave will come..Also Puntland is not a confederacy, no one is going to leave anything. If you are upset at Faroole, work to get rid of him the way he did Cade, and so on. Through the system.

 

Multi party system is important for the future..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Duke

 

Forget SSC, almost 3 years SSC regions were NOT part of sosocalled Puntland, now you need to worry about mudug nugaal and bari

 

Just like people of Buuhoodle and Laascaanood "Puntland haa naga deyso faragalinta iyo lug gooyada"

 

Shacabka SSC waa karheen marna Cadde marne Faroole

 

Shacabka SSC waa tashadeen mana sugayaan mid kale oo la mid ah cadde/faroole, oo sidii Cadde laga soo sheegay ku dhaha shacabka SSS "Yaa Akhii, hadaa tihiin reer SSC naga taga, waana wareeriseen,ordoo dhulkiina aada xoreesta ama ku biira somalidiidka, idinkaa kala qeybsan ee ordoo xaabsade lahishiiya ama iska celiya, SSC maaha shaqo u taala Puntland, Puntland waxaa wax kasta kala weyn difaaca Galkacyo/Baraxley iyo la dagaalanka shabaab, iyo kursi madexweyne ama ra'iisul wasaare la siiyo reerka Puntland Iska kale ee dage bari/mudug/nugaal, SSC iyo waxa aad sheegasaan wax na quseeya maaha"

 

 

Waxaa xaqiiq noqotay in shacabka SSC ee ku khasaareen wakhti badana kaga lumay Puntland, al hamdulilah hada shacabkii SSC runta ayee ******** waana ka tashadeen Puntland, mardanbe ma shaqeenaso beentii kha-in-nimadii Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninyahow Dalmar, ileyn nin iska hadlayaa ayaad noqotay. Waxaana u egtahay nin runta diidan... haa waa run inuu Xaabsade arin idinka kaliya idiin taal inuu yahay ee ama iska celiya ama la heshiiya, laakin anaku diidnay inaanu tolkeen aanu u kala eexano.

 

Marka anigu waxaan adiga kuugu talin lahaa, inaad calaacalka yaraysid oo aad sheekada raqiiska ah aad joojisid.

 

Horta Dalmar, adigu maxaad u aaminsatahay Puntland la'aanteed reer SSC ineeyna waxba qabsan karin? Shakiga waxa kugu abuuraya maxaa weeye? Soo ma'aada igu oran, midnimadiina ayaad ka shaqeynaysaan oo wax walba dhagdhagweeyaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadde Muuse

"Yaa Akhii, hadaa tihiin reer SSC naga taga, waana wareeriseen,ordoo dhulkiina aada xoreesta ama ku biira somalidiidka, idinkaa kala qeybsan ee ordoo xaabsade lahishiiya ama iska celiya,

I don't see Cadde said anything wrong here, its upto the SSC ppl to sortout their mess, don't blame S'land or P'land buddy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dalmar, adeer you are making no point, SSC is part of Puntland and there is nothing else to get confused over. Even "Somaliland" is part of Somalia, nothing has changed, but labels.

 

The Xabsade issue is an internal clan issue, which you need to address, no one will come and take out Xabsade for you.

 

Everything has a timing, the SSC community make up a big chunk of the Puntland admin, from Ministers, police, military and business community, and they are still part of the state.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

^^^^^^^^

 

there is no prooooobleeeem, you all imagining these thingsssssssssssssss!!!!! when you wake up you will be chanting puntland! puntland.

 

loooool

 

duke since when did you practice hypnosis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Waxaa saaka subaxnimadii ka dhacay Degmada Horufadhi ee gobolka cayn mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo maamulka C/raxmaan faroole ee ka arimiya magaalada garoowe. Halkan ka Dhagayso.

 

 

Mudaharaadkaasi ayaa waxaa isuugusoo baxay dhamaan shacabka kunool Degmada Horufadhi ee gobolka Cayn kuwaasi oo ku dhawaaqayay halku dhigyo kala duwan oo ay ku dhaleecaynayaan Maamulka C/raxmaan Faroole kuna taageerayaan Hogaanka Gobolada SSC Dr,saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) iyo Cali Xasan Axmed (Sabarey).

 

Dadwaynahan mudaharaadayay ayaa waxay shacabka reer Puntland ugu baaqeen inay ka hadlaan maamulka Faroole faragalinta qaawan ee uu ku hayo danaha gobolada SSC

Share this post


Link to post
Share on other sites

the very though of Mudug, Nugaal and Bari dividing is laughable. those provinces were united even before puntland and the civil war, just that their union was informal. the SSC issue is internal and as moonlight said neither S'land or P'land fault. i think the best soltion for the SSC is for them to create their own state like S'land or P'land. then S'land or P'land can concentrate on internal developments without military build up over a pointless border.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Puntnomads,It's more like Eastern Sanaag & Eastern Sool, that is if the makhiiris and darawish want to form a state together.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Sacad, adeer you are no more than a desperate minority who suffers from scars of inferiority. Your are a minority among a minority, which explains your repeated claims of wishful thinking. The only place for you in Sanaag is the small village near Burco, (Ceel Afweyne lol). In terms of land, your rightful constituency is from Hargaisa to Ceelafweyne, whereas Makhir is from Ceerigaabo to Bosaaso. They are both roughly around 400 Kilometers.

 

Is Ceerigaabo in Eastern Sanaag? Is Damala Xagare in Eastern Sanaag? is DaarAsalaam in Eastern Sanaag? is Yuube in Eastern Sanaag? is Laasa Surad in Eastern Sanaag? is Shimbiraale in Eastern Sanaag? is Biyogaduud in EAstern Sanaag? They are all in Western Sanaag. You only defeat yourself with such silly claims. Makhir Country is bigger than Togdheer and Waqooyi Galbeed. Your entire HY is matched with one Makhiri Subclan. Miskiin

 

Darwiish and Makhir are siblings but because of their comparative large mass of land and population, each constituency is matched with your entire Hargaisa triangle.

 

Sacad you are hilarious, your tone conveys deep inferior rhetoric. Have you ever thought about why in the North, political representation is divided into 4 segments? Darwiish and Makhiri’s although siblings are separated simply because of political, scale of population and economic weight. Remember now, you are only a minority among a minority.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this