Sign in to follow this  
General Duke

An interview taken with a Somalilander regarding ZamZams ordeal

Recommended Posts

abokar.jpg

 

 

Waxaan fursad u helay inaan waraysi kala yeelano arinta xasaasiga ah ee la soo gudboonaatay Samsam Axmed Ducaale oo ku xiran xabsi ku yaal magaalada Hargaysa Cismaan Abokor oo ah siyaasi dhallin yaro ah oo fir-fircoon, kuna takhasusay Cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha, siyaasadda Somaliland-na aqoon durugsan u leh, isagoo ahaa Guddoomiyihii Xisbigii ugu horreeyey Xisbiyada Somaliland ee ILAYSKA.

 

Cismaan waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada London ee cariga Ingiriiska.

 

Waraysiga oo uu qaaday tafaf tiraha Mudugonline.com waxaa su'aalihii aannu weydiinayna Cisman Abokor u dheceen sidaan;

 

Su'aal: Marka hore bal siday u ogaadaan akhristayaasha aan la socon arinta ku saabsan Samsam Axmed Ducaale waxaad naga siisaa horudhac siday arintaan ku bilaabatay iyo halka ay marayso.

 

Jawaab:

Wallaahay Maxamedow, horta arrinta Sam-sam illaa bishii siddeedaadba waynu maqlaynay, laakiin waxad mooddaa in bishii sagaalaad ee September ay xadhkaha goosatay oo meel kasta oo Soomaali joogto laga wada maqlay. Sida aan ku helay warka rasmiga ahna Sam-sam Axmed waxa ay ahayd ardayad aad u da' yar oo ka timi magaalada Boosaaso, soona booqatay abtigeed oo deggan Hargeysa kana tirsan xukuumadda Somaliland, nasiib darro inantii yarayd oo aan aqoon fiican u lahayn Magaalada Hargeysa waxay ku dhex luntay magaaladaa mugga weyn leh ee Hargeysa oo hore loogu maah-maahay "Nimaan hoy ku lahayn habeenna u dumay Hargeysi maxay ku haysaa". Taas oo kelliftay in looga shakiyo basaasnimo laguna xidho saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa iyada oo lagu eedaynayo shirqool ay u maleegaysay Madaxweyne ku xigeenka. Markaa arrintaas illaa bilowgii bishii sagaalaadba waan la' socday, weliba annaga oo dhowr nin oo London jooga ah ayaa si weyn isugu daynay in warkeeda rasmiga ah aannu ogaanno maaddaama ay tahay arrin ku cusub dhaqanka siyaasadda Soomaalida, yacnii inan Soomaaliyeed oo loo haysto basaasnimo. .

 

Su'aal: Waxaa jira warar sheegaya in Samsam Axmed Ducaale markii la keenay maxkamada Hargaysa ay sheegtay in intii ay xabsiga ku jirtay si xun loola dhaqmay oo jirdil iyo waliba faraxumayn ay ku sameeyeen askar ka tirsan qaybta dambi barista CID-da, arintaas ma maqashay maxaase ka jira?

 

Jawaab:

Arrintaas walaal waan maqlay, niman odayaal ah oo aannu u dirnay in ay soo hubiyaanna waadigii ogaa oo waa la xidh-xidhay maalintii maxkamadda oo ay ku jiraan laba mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida, taas oo aannu u fahannay in Samsam la doonayo in maxkamaddeeda aan la ogaan, mana beensanayo in ciidamada CID-du samayn karaan kufsi iyo wax ka xun labadaba, maxaa yeelay maaha sida Booliska iyo milateriga dad lagu soo xulay dhaqan iyo asluub, waa dad lagu soo xulay damiir darro, dhowaanna waxay ku kufsadeen Idaacadda Radio Hargeisa dhexdeeda gabadh dhega la'.

 

Su'aal: Taliyaha Booliska S/L Wuxuu laanta afka Somaliga BBC dhawaan u sheegay in gabadhu ahayd basaasad Dawlad goboleedka Puntland u soo dirtay inay soo ogaato meesha uu ku nool yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland si loo shirqoolo, isagoo intaas ku daray inay iyadu afkeeda ka qiratay markii xabsiga su'aalo arintaas la xiriira lagu weydiiyay in shirqool u maleegaysay madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Miyaan taas loo qaadin

Karin in gabadha la jir dilay haddiiba ay qiratay dambiyadaas culus oo aan u ekayn waxaan suura gal ahayn?

 

Jawaab:

Horta Maxamedow aqoon fiican baan u leeyahay taliyaha Booliiska Somaliland, G/Sare Maxamed Cige, waa nin aan sharciga u aabba yeelin ama aan tixgelin, waxa aan xusuustaa waagii uu Wasiirka Hawlaha Guud ka ahaa dowladdii Sal-ballaar ee Gen Caydiid oo uu oran jirey Somaliland dowlad iyo nabad gelyo toona kama jirto, waxa kale oo aan xusuustaa habeenkii uu xabsiga u taxaabayey Boqor Cismaan Buur-Madow ee uu ku lahaa anagaa sharciga ka sarrayna ee soo bax. Markaa taliyahaas Booliska anigu hadalkiisa ma tix-gelinayo, laakiin waxa ayaan darro ah in taariikhda Soomaalida markii ugu horreysay gabar Soomaaliyeed lagu eedeeyo basaasnimo, waxay ila tahay in arrintaasi tahay dembi weyn oo laga galay gabdhaha Soomaaliyeed ee sharafta iyo maamuuska badan. Wixii dalka ka dhacay collaad iyo hirdan siyaasadeed gabdhaha Soomaaliyeed waxa ay ka ahaayeen Xalay Dhalay, mana geyaan gefkan loo geystay Samsam Axmed. Sidaas darteed waxan leeyahay waxa caddaan ah in meel lagaga dhacay dhaqankii, xishoodkii, xurmadii iyo gobanimadii ay gaarka u lahaayeen gabdhaha Soomaaliyeed markii lagu eedeeyey basaasnimo, taariikhda gabdhaha Soomaaliyeedna waxa u furmay baal madow.

Ta kale ee ayaan darrada ah waxa weeye in gabadhaas yar sharafteeda wax lagu yeelo waxay rabtay in ay soo aragto guriga Madaxweyne ku xigeenka, malahay waxa uga fiicnaa in ay dembi toos ah u sameeyaan oo inta ay bastoolad u dhiibaan ay yidhaahdaan madaxtooyada ayaannu ku qabanay oo Riyaale ayay dilaysay. Laakiin wadaadka yar ee miskiinka ah ee madaxweyne ku xigeenka ah ee gurigiisu ku yaallo wadada Jig-Jiga-Yar aadda ee qofkastaaba yaqaanno ayay gurigiisa soo arkaysay waxay ila tahay in aanay dembi ahayn.

 

Su'aal: Dadka reer Somaliland iyo qaasatan kuwa ka soo jeeda Beelaha bariga Somaliland sida Burco oo kale sidee u arkaan arintaan mise ka warqabaan xaalada Samsam?

 

Jawaab:

Arrintani mujtamaca Soomaaliyeed oo dhan dhexdiisa waa ka caan, dadka damiirka leh badankooduna way ka xun yihiin arrintan, waanay la' yaabban yihiin waxaanay kiiska ku sii buuxinaysaa masuuliyiinta xukuumadda oo ku tagri falay awooddii yarayd ee ay hayeen.

 

Su'aal: Dad badan ayaa Aaminsan arinta gabadhaan in xakuumada Riyaale uga danleedahay sidii ay u abuuri lahayd xaalad adag oo kala qoqob ah oo shacabka labada gobol aysan isku gudbin karin, arintaas side u aragtaa? Dhib noocee ah ayaase ka dhalan kara?

 

Jawaab:

Labadan qaybood ee Puntland iyo Somaliland waxa ka dhexeeyey shacabkooda walaaltinimo, deris wanaag, is jacayl, is dhex-gal iyo iskaashi, markaas dabcan waa la oran karaa,waa la kala fogaynayaa, maxaa yeelay maaha markii ugu horreysay ee Riyaale iyo hawl-wadeenadiisu ay ku tallaabsadaan arrintan oo kale, hore waxa ay u xayireen isu socodkii iyo ganacsigii labada shacab, kaddib markii ay ciidamo kala dhex dhigeen, xaalad abuurka iyo nacayb beerku waa badnaa, hadda wad u jeeddaa waxa hargeysa ka socda. Laakiin ma aamminsani in riyadoodaasi u rumoobi doonto, maxaa yeelay awooddooda oo iskaba liidata siina dhimanaysa waqtigan iyo rabitaanka shacabka oo ka weyn rabitaanka qof iyo koox labadaba.

 

Su'aal: Ma jiraan wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay sameeyeen shacabka Somaliland iyo hay'adaha xaquuq insaanka u dooda sidii loo sii dayn lahaa Samsam?

 

Jawaab:

Haa walaal way sameeyeen, odayaasha la xir xirayba kamid bay ahaaayeen, hay'adaha xuquuqul insaanka aad bay uga hadleen, saxaafaddu usbiicii ugu dambeeyey aad bay uga hadashay, waana laga hadli doonaa, sababta oo ah waxani waa dhaqan iyo dheg bi'in.

 

Su'aal: Ma jiraan Siyaasiyiin reer Somaliland ah oo arintaan ka hadlay adiga ka hor?

 

Jawaab:

Walaal hadda waxan ogahay in xildhibaanada Axmed Dirir iyo Gubadle loo xiray arrinta Samsam, inkasta oo markii dambe la sii daayey, laakiin Illaa hadda ma ogi siyaasiyiin muhiim ah oo ka hadlay arrinta, waanan la' yaabbanahay sababta ay taasi u dhacday.

 

Su'aal: Cusmaan ahaan adiga maxaad u soo jeedin lahayd dawlada Somaliland ee arinta gabadhaas?

 

Jawaab:

Wallaahay wax aan u soo jeedinayaa ma jirto sababta oo ah qof aad taqaan yaad tahay lama yidhaahdo, caqligooda ayaan aqaan, taariikhdooda ayaan aqaan, taladooda ayaan aqaan, laakiin shacabka Somaliland iyo Samsam Axmed Ducaale ayaan midba eray oran lahaa haddii aad ii oggolaato.

 

Su'aal: Waad oran kartaa Cismaan?

 

Jawaab:

Shacabka Somaliland waxan leeyahay, waad ogtihiin in habluhu meel kasta joogaan caawana Boosaaso ama Gaal-kacyo laga soo helayo boqolaal hablood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, markaa waxan leeyahay haddii damiirkiinii dhintay oo aydaan xumaanta ka dhiidhiyayn gabdhihiina kayd xun ha u dhigina ee diida dheg-xumada dhulkiina laga wadao. Samsamna waxa aan leeyahay iska samir Adeer waa lagugu gefay, hablaha Soomaaliyeedna ma geyaan basaasnimo iyo been abuur midna, ogowna dhibta laguu geystay in cidda kuu geysatay ay isku qoomamayn doonto mustaqbalka.

 

Waad mahadsan tahay

 

Mudugonline.com

 

 

http://mudugonline.com/2004/october/271004maanta.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Ilaahay ha us sahlo miskiinada. It's a really disgusting thing to have happened to a young sister.

 

As long as we have the likes of Ina Ducaale in our homeland .. there is hope!

 

 

I must say Smithy, you've surpassed yourself with this particulare selection of news article. It's actually balanced and represents reer SL as normal humans for once. *what a shocker* Must be the Ramdan spirit. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaalinta cadaaladda iyo dhawrista sharafta iyo xuquuqda bai’aadanimo ee qofku waa aasaaska nolosha mujtmacyada, waxaanay ka mid yihiin xilalka ugu waaweyn ee dawladi dhabarka u ridato.

 

Hadaba waxaa ayaan darro ah in dad magac dawladeed ku socdaa ay ku kacaan tacadiyo dhan ka ah xuquuqda iyo sharafta qof aan waxba galabsan..

 

Waxaan shaki lahayn in qof kasta oo maqla sheekada iyo waxyaabaha naxdinta leh ee lagula kacay gabadha 17 jir ah ee Samsam Axmed Ducaale uu aad uga xumaanayo haddii ay in uun ku dambayso damiir iyo garasho dadnimo.

 

Maxay galabsatay ee cunugtan mustaqbalkeedii, gabadhnimadeedii iyo sharafteedii loo baabiiyay? Maxaa waalidkeedii iyo ehelkeedii walwalka,dhibka iyo walaaca intaa leeg loogu beeray?Maxaa wayaabaha uu Eebbe xarimay loogula kacay gabadhan yar ee muslimadda ah?Samsam maxaa loo silciyay?

 

Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan waa wax yaabaha horyaala ee la rabo inay jawaab waafi ah ka bixiyaan maamulka Riyaale oo uu kow ka yahay madax weyne ku xigeenka oo isagu ah ninka masuulka ka ah dhibaatada iyo xadgudubyada loo geystay gabadhan.

 

Ma’ ahan wax Soomaalida ku cusub in qof loo ciqaabo oo dambi looga dhigo qabiilkiisa ama meesha uu ka yimid, waana halka hallaagu inooga yimid ee dawladnimadeenii ku burburtay.

 

Waxaan shaki lahayn in dambiga keliya ee gabadhani gashay uu yahay iyadoo ka timid deegaanada Puntland inay ku khaldantay oo is hortaagtay iridka guriga madax weyne ku xigeenka Somaliland iyadoo rabtay guriga abtigeed oo xukuumadda Somaliland ka tirsan, waxaana hubanti ah in haddii ay gabadhani meel kale ka soo jeedi lahayd ayna arintu sidan u dhacdeen.

 

Hadaba xadhiga gabadhan oodhacay bishii august ee aynu soo dhaafnay ayaa hadda saxaafadda Soomaalidu siiba bogagga internetka si aada u hadal hayaan sida foosha xun ee laga yaqyaqsoodo ee ay ciidamada Booliska iyo kuwa dambi baadhista ee maamulka Hargeysa ula dhaqmeen gabadhaas.

 

Arinta gabadhan ayaa dadka badankiisu ku soo baraarugay ka dib markii rag ka tirsan ururada xuquuqda bai’aadamka u dooda oo gabadhaas arinteeda darteed loo xidhxidhay warkooda laga sii daayay idaacadda laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. Xidhitaanka dadkan ayaa ahayd arin uu maamulka Riyaale ku cabudhinayay sheekada gabadhan taasoo si fiican inoo xusuusinaysa hab dhaqankii taliskii digtaatooriga ahaa ee Maxamed Siyaad oo xukuumadda Riyaale si aada uga shidaal qaadato.

 

Hadaba gabadhan oo sida la sheegayo ay falal jidh dil iyo kufsi isugu jira u geysteen ciidamada Booliska ayaa arinteedu ay soo jiidatay indhaha dadka xuquuqda aadanaha u dooda ee ku sugan magaalada Hargeysa kuwaas oo dadaal weyn ugu jira sidii gabadhaas yar arinteeda wax uga qaban lahaayeen.

 

Gabadhan oo lagu soo eedeeyey inay maleegayasay shirqool lagu dilayo Madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa dadka xogogaalka u ahi ku tilmaameen eeddaas wax lagu qoslo oo aan sal iyo raad toona lahayn.

 

Haweenay ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland oo ku sugan magaalada Hargeysa oo aan la xidhiidhay ayaa ii xaqiijisay in dad badan oo ay ka xustay Raaqiya Oomaar ay dadaal ugu jiraan sidii ay ariantan wax uga qaban lahaayeen. Waxay haweenaydaasi intaa ku datay in haddii waxa ay gabadhani sheeganayso ay dhab noqdaan oo la xaqiijiyo in haweenka reer Hargeysa oo dhammi ay dibadda u soo bixi doonaan kana mudaharaadi doonaan oo aanay dhayalsanayn.

 

Booliska Somaliland ayaa ah kuwo loo adeegsado cabudhinta shacbiga, iyadoo had iyo jeerna lagu eedeeyaan inuu leeyahay hab dhaqan aan waxba ka duwanayn midka ********ta oo sharci xidha iyo wax xakmeeya aanu midna jirin, taasi oo ay ka markhaati tahay xad gudubyadii ay kula kaceen muwaaadiniin Somaliland iyo Soomaalida kaleba ka tirsan sanadihii ugu dambeeyay.

 

Waxay u egtahay in askartani ay kalsooni buuxda ka haystaan madaxdooda maxaa yeelay haddii kale sidan umaanay dhaqmeen, sidaas darted dhaqan xumidani waa mid xidhiidhsan min hoos ilaa kor, taasi ayaana u sabab ah in dadkii loo xidhxidhay arinta Samsam qaarkood codsadaan is casilaada taliyaha Booliska Somaliland.

 

Waxaa iyana wax lala yaabo ah sida ay arintan uga gaabsatay oo indhaha uga qarsadeen saxaafadda xorta ah ee Somaliland iyo idaacadda BBC-du oo dad badani wariyaha Hargeysa uga soo warama ku eedeeyeen inuu isagu arintan cabudhiy.

 

Waxaan shaki ku jirin in haddii aanu maamulka Somaliland arintan si dhakhso ah wax uga qaban ay u soo jiidi doonto sumcad xumo iyo dhaleecayn uga timaadda inta u heelan daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda bani’aadamka.

 

Ugu dambaystii waxaa hambalyo, bogaadin iyo taageero mudan dadka ku hawlan iskana xilqaamay wax ka qabashada arinta Samsam oo ay ugu horeeyaan ururada xuquuqda bani’aadamka u dooda ee Somaliland .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shacabka reer Hargaysa iyo Maamulka yaan la isku khaldin

Hussein Maxamed Huubsireed

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Bismilaahi raxmaani raxiim,

 

Dhamaan shacabka Somaliyeed waan idin salaamay meel aad joogtaanba, waxaa Somali meel ay joogtaba ay afka ku hayaan ama ay layaaban yihiin dhacdada cajiibka ah ama naxdinta leh ee ka dhacday Hargaysa arinkeeduna wali socdo, Dhacdadaas oo ah tan ku dhacday Samsam Axmed ducaale oo ah ilma yar oo waliba dumara oo aan waxba galabsan.

siyaasadna aan shaqa ku lahayn, In lagula kaco faraxumayn Jir dil iyo xabsi iyo ciqaab iyadoo loo aanaynayo in ay ka soo jeedo Goboladaa Puntlland , hadaba su'aasha meesha ku jirtaa 'waxa ay tahay , dhaqamada ay kula dhaqmayaan maatada aan ka soo jeedin Hargaysa Ciidamda Somaliland xagee bay ka keeneen mase la qabaan shacabka reer Somaliland ficiladoodaas.

 

Wwaxay tahay jawaabtu shacabka reer somaliland waa shacab somaaliyeed oo kala kulmay cadaadis iyo faraxumayn badan Dawladii rajiimkii Alaha u naxariistee waa siyaadbaree.

 

Raga hada xukuumada Hogaaminayana waa ku wii Siyaad bare Basaasiinta u ahaa ama dadka cadaadiska ku samayn jiray, shaqadadoodii ay u qaban jireen siyaad bare ayay ku dhaqmayaan.

 

Shacabka Somaliland iyagaa dhiban oo Cabursan oo saxaafad iyo meel kale toona aan fikradooda ka dhiiban karin gacan ku gabadana ah, Hargaysa waxay ahayd meel lagu tilmaami jiray nabad lagu hirto oo xaqiiq dhaanta meela badan oo somaliya ka mida laakiin hada waxaa cad in aysan ka duwanayn Ciraaq, ama dhul aan nabad ahayn sharaftuna ka fogtahay, mar hadii laga waayay Qof caqli leh oo ka dhiidhiya faraxumada iyo dhaqan xumada, diintii ay ka f******** bini aadnimadii ay ka f********, waxaana aan filayaa somali inteeda kale cadaawad in ay ku beerayaan ,mustaqbalka Maamulka Hargaysana uu ku danbayndoono meel lagu tilmaamo in ay ku nool yihiin ******** sharciyaysan.

 

Wabilaahi tawfiiq,

 

 

Hussein Maxamed Huubsireed

mohamoud_hussein@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ameenah, LOL sister how are ya. I love the Somaliland people and I hate Riyaale and the other crooks. I posted it to show that there are many reasonable people who are not being heard.

 

To think I got attacked by some for posting the article as it was.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this