Sign in to follow this  
Suldaanka

Wararka Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Wafti ka socda EU & Hay'adda soo gaadhay Ceerigaabo

 

Ceerigaabo (Qarannews) Xubnahan weftiga ah oo ka kala socda EU-da iyo hay’adda German Agro Action (GAA) islamarkaasna ka kooban laba xubnood oo kala ah Mrs. Irris Krebber (GAA East Africa regional Director) iyo Mr. Luciano Mosele (EC Technical ***. And Agriculture) ayaa duhurnimadii maalinta Isniinta ee 26/3/2007 gaadhey magaalada Ceerigaabo, waxayna xubnahan oo ay weheliyaan Mr. Daniel Bromkal (GAA Erigavo Project Manager) iyo Mr. Abdirizak Mohamed Warsame ( GAA Erigavo Project Coordinator) oo iyagu in muddo ahba ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ay isla gelinkii danbe maalintaas xafiiska maayorka degmada Ceerigaabo kulan kula yeesheen madaxda dawladda (Heer gobol iyo Degmoba), halkaas oo xubnahan weftiga iyo madaxda xukuumaddu isku dhaafsadeen xog waraysi kusaabsan socdaalka weftigan iyo waxqabadkoodaba iyagoo xubnahan weftiga ahi sheegay in ay halkaas joogi doonaan muddo saddex maalmood ah, iyagoo madaxda xukuumadduna dhinacooda weftigan uga mahad naqay safarkoodan ay ku yimaaddeen Ceerigaabo, islamarkaasna sheegay socdaalka weftigan in ay ka filayaan midho-dhal wax ka tari doona horumarka gobolka Sanaag.

 

Ugu horrayn Maayorka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo kulankaas ka hadlay ayaa yidhi "Waannu ku faraxsan nahay in aad noo timaaddeen, waxannuna rajaynaynaa imaatinkiinnani in ay wax weyn noo kordhin doonto iyadoo hay’addan GAA in muddo ahba nala joogtey oo samaysay qiimayntii wax qabadkeeda, imminkana diyaar u ah in ay wax noo qabato, idinkana waxannu idinka filaynaa wixii dhiniciinna kaga xidhan hay’addan in aad u fududayn doontaan". Isagoo hadalkiisa sii watana maayorku wuxu intaas kusii daray " Meeshani waa ka fogtahay caasimadda Somaliland ee hargeysa hay’aduhuna waxay jecel yihiin meelaha caasimadda u dhow in ay wax ka qabtaan, taas waxannu rajaynaynaa in aad noo tixgelisaan, hay’adaha kalena noo gaadhsiisaan".

 

Mr. Luciano (EC Tech. ***. & Agricul.) oo hadalkiisa la turjumayey ayaa isaguna yidhi "Waxan jecelahay in aan idiinka mahad celiyo sida wanaagsan ee aad noo soo dhoweyseen, imaatinkayagauna wuxu ka marag kacayaa baahida meeshan ka jirta in aannu idinla aragno iyadoo ka fog caasimadda, waxanna idiinballan qaadayaa qiimayntayada iyo caawimadayaduba in ay idiin sii socon doonto, idinkana dhiniciinna waxa laydinka filayaa in aad dedaal samaysaan oo had iyo jeer u qaylisaan in meeshii la yimaaddo oo dadka tustaan inta ay le’eg tahay dhibaatada idin haysata iyo wixii aad soo saari karaysaan iyo weliba waxa loo baahan yahay intaba". Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi "Ngo-yada debedda intooda badani ma oga dhibaatada Ceerigaabo ka jirta laakiin baahidiinna in aad diyaarisaan oo u gudbisaan hay’adaha wax qabanaya ayaa loo baahan yahay, maammul ahaanna waa in ay idinka go’an tahay horumarintu". "Waxan sidoo kale idiinka mahad celinayaa gacanta aad siiseen hay’addan GAA waadna wanaagsan tihiin haddii aad la socotaan sidii wax laydiinku qabanayo waayo annagu mashruucan waa bixinaynaa laakiin mashruuca idinka ayaa iska leh". Ugu danbayn Mr.Luciano wuxu yidhi "dhinaca kalena garoonka diyaaradaha ee Ceerigaabo ayaannu codsanaynaa in maammulku xoogga saaro sidii loo hagaajin lahaa iyadoo ay dhib tahay in waddada dhulka laydiin soo maro halkanina fogtahay oo aan baabuur lagu iman karin, annagoo weliba hay’ad ahaan ka qayb qaadanayna hagaajinta garoonka haseyeeshee gacanta ugu weyn idinka ayaa laydinka filayaa in ay idinka timaaddo".

 

Mrs. Irris (GAA East Afr. Regional Director) ayaa iyaduna dhinaceeda hadal kooban ka jeedisey kulankaas iyadoo tidhi " Lagasoo bilaabo 1990 hay’adda GAA waa kazoo shaqaynaysey Somaliland haseyeeshee annaga haddii aannu nahay waannu ku cusub nahay halkan (Ceerigaabo), marhaddii ay nagu tahay bilawna waxannu jecelnahay in aannu marba wax ka baranno meeshii sida wax looga qabanayey". Iyadoo hadalkeeda sii wadatana waxay intaas raacisay "Siyaasadda GAA waa in ay caawiyaan dadkii u baahan in la caawiyo, waxa kale oo muhiim u ah nabadgelyada waxayna ka shaqaysaa hay’addani GAA waddammo badan oo kuwa kale aanay rabin in ay tagaan sida Afganistan, Congo, Liberian, World tong countries iyo Somalilan, haddii nabadgelyo la helo gaar ahaanna Deniel-team (GAA Erigavo) waxa naga go’an in aannu idin caawinno oo wax idinla qabanno laakiin tallaabada ugu horraysaa waa nabadgelyada annaguna inta aannu joogno meelihii wax laga qaban lahaa ayaannu soo arkaynaa waadna mahadsan tihiin".

 

Guddoomiyaha maammulka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo kulankaas ka hadlay ayaa isaguna yidhi " Anigoo u mahad celinaya xubnihiinnan ka socda EU-da iyo hay’adda GAA waannu idin soo dhowaynaynaa diyaarna waannu u nahay in aannu idinkala qayb qaadanno waxqabadkiinna". Dhinaca nabadgelyada isagoo ka hadlayana guddoomiyuhu wuxu yidhi "Ilaalinta nabadgelyada ee hay’adda GAA annaga ayay noo fiican tahay iyadoo meel kastana wax ka dhici karaan laakiinse gobolkani waa ka nabad qabaa hay’adaha in lagu waxyeelleeyo, waxana muhiim ah madaxda hay’addan GAA ee halkan joogtaa in aaannu isla fahamno nabadgelyada iyo in aannu ognahay marka ay meel u baxayaan oo ay nasoo ogaysiiyaan kahor inta aanay bixin, gaar ahaan Project Manager-ka (Mr.Daniel), mana doonayno wax aan GAA diyaar u ahayn in aannu ku qasabno laakiin wada shaqayntu waa muhiim". Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas raaciyey "Dhinaca garoonka dareenka aad ka aragteen iyo gacanta aad ka geysanaysaanba waannu idiinku mahad celinaynaa annaguna dhinacayaga waannu ka qayb qaadanaynaa".

 

 

Qarannews

 

Ceerigaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanaag Web: Wefti EU-da ah oo Gaadhay Ceerigaabo iyo Kulan ay la yeesheen Madaxda...

 

Waxaa Maanta duhurnimaddii ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo wefti ka EU-da iyo Hay'adda German Agro Action (GAA), weftigan oo si heersare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo wuxuu ka koobnaa laba xubnood oo kala ah Mrs. Irris Krebber (GAA East Africa regional Director) iyo Mr. Luciano Mosele (EC Technical ***. And Agriculture), waxaa magaalada Ceerigaabo kaga soo horreeyey weftigan qaar mida saraakiisha hay'adda GAA oo ay ka mid ahaayeen Mr. Daniel oo ah GAA Erigavo Project Manager iyo Abdirizak Mohammed oo ah isna Erigavo Project Coordinator.

 

Waxay 3:00 galabnimo kulan la yeesheen kulan madaxda gobolka Sanaag oo ay ku jireen Madaxda degmada iyo kuwa Gobolkuba, waxaana goobtaas ka hadlay Maayarka, Badhasaabka iyo qaar ka mida xubnaha weftigan, waxaana ugu horrayn kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha degmada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur isaga oo aad ugaga mahadnaqay hay'adda GAA sida wacan ee ay ugu heellan tahay caawinta gobolka Sanaag, wuxuu guddoomiyuhu u sheegay weftigan in magaalada Ceerigaabo ay ka fogtahay caasimadda hay'adaha dalkuna ay jecel yihiin oo qudha inay wax u qabtaan goobaha u dhow dhow caasimadda laakiin waxaanu rajaynaynaa inaydin ka duwanaan doontaan oo aad tixgelin siin doontaan gobolkan.

 

Mr. Luciano ayaa wuxuu u mahad celiyey madaxda gobolka Sanaag kuwa degmada Ceerigaabo isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisan, wuxuu sheegay inay halkan u yimaaddaan si ay wax uga ogaadaan baahida meesha ka jirta, gobolkiinanina maaha inuu aamuso ee waa inuu u qayliyaa hay'adaha oo baahida ku baraarujiyaa" ayuu yidhi.

 

Waxa kale oo goobtaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo sheegay inay ku soo dhoweynayaan EU-da iyo hay'adda GAA gobolka Sanaag, wuxuuna sheegay inuu kala qayb qaadan doono waxqabadkooda, ammaanka hay'ada GAA iyo EU-da ama hay'adaha kale ee caalamiga ahiba annaga ayay noo fiican tahay, laakiin waa inay dhaqdhaqaaqooda nala soo socodsiiyaan si aanu u sugi karno ammaankooda, markay meel u baxayaan waa inay nala soo socodsiiyaan, mana jeclin waxaanay GAA diyaar u ahayn inaanu ku khasabno" ayuu ku soo gebogebeeyey Guddoomiyuhu.

 

Maamulaha Shabakadda Sanaagweb.com

Ismail Hussein "Buluke"

Ceerigaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Biyo Guduud Xarunta tababarka ciidamada Somaliland

 

 

Magaalada Biyo guduud waxay in ka badan 55KM dhinaca bari ka xigtaa magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaa goobtaas ku yaal mid ka mida xeryaha tababarada Somaliland ugu waaweyn, waxay ahayd 26/03/2007 markii aan safar ku tegey Biyo-guduud si aan ugu kuur galo xaaladda goobtaas ka jirta.

 

Waxaan Biyoguduud ku sugnaa muddo ka badan 6 Saacadood, dadka goobtas ku dhaqani waa dad soo dhoweyn leh, waxaa tuulada biyo guduud ka socda ganacsi u badan meelo cunto, ganacsigaas oo ay sababtay ciidanka ag deggan aaggaas, gebi ahaan goobtu waa meel Somaliland ah, waxaadna dareemay in hadal haynta ugu badani ay tahay siyaasadda Somaliland, waxa qudha ee dadka markaad la sheekaysato aad ka dareemaysid waa iyaga oo aad uga xun waddo la'aanta aadna ugu canaanta xukuumadda Somaliland oo doorashada uun ku gasha.

 

Waxaa xerada tababarada ee Biyo guduud la keenay ciidan laba casho ka hor iyada oo ay horena tababar uga furnaayeen oo ay ku xeraysnaayeen ciidamo kale, waxaan la sheekaystan qaar ka mida ciidamada xeradaas ku xeraysan oo markaas ku sugnaa tuulada Biyo Guduud, waxay ii sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin goobtan ayna aad ugu mahadnaqayaan macalimiintooda wanaagsan, waxay ii sheegeen oo aad u xiiso badnayd in goobtaas loogu diyaariyey waxbarasho ciddii doonaysa, iyada oo loo qabtay macalimiin.

 

Waxay aad uga cabanayeen ciidankaasi iyaga oo ku guda jiray markaas hagaajinta waddo togga biyo guduud ka gudubta, waxay ii sheegeen in aanay haba yaraatee haysan wax qalaba oo ay wadadan ku hagaajiyaan, ayna gacmohooda ku hagaajin doonaan, ayna jeclaan lahaayeen haddii ay helayaan qalab inay iyagu bixin lahaayeen xooggooda inay hagaajiyaan waddooyinka u dhowdhow tuulada.

 

Maamulaha Sanaagweb.com

Ismail Hussein Mohammed

Erigabo Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safarkaygii iyo Ceerigaabo: Magaalo ka aradan Waxqabadka Maamulka Somaliland

 

Central_Magaalada.JPG

 

Magaalada Ceerigaabo waa magaalo istaraatijiya oo dhacda dhinaca bari ee Jamhuuriyadda Somaliland, waana magaalo madaxda gobolka Sanaag, Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxay xuduud la wadaagtaa gobolada Bari, Sool, Togdheer iyo Saaxil.

 

 

Xaaladda guud ee magaalada Ceerigaabo aad bay u deggan tahay, wax dhibaato ah oo ka jirtaana ma jirto, xagga ammaanka ma jirto magaalada ceerigaabo waxay kaga duwan tahay magaalada Hargeisa, waxaad dareemay muddada aad dhex socoto magaalada ceerigaabo inay leedahay dawlad hoose oo ka wax qabad badan dhammaan dawladaha hoose ee Somaliland, wax qashina oo magaalada dhexyaal oo indhahaagu qabanayaan ma jiraan.

 

Dawladda hoose ee magaalada ceerigaabo waa isha qudha ee laga dheehan karo xukuumadda Somaliland iyada oo dhistay muddooyinkan dambe Musqulo ama (Public Toilets), timajarayaal loogu talo galay dadka danyarta ah oo casri ah, dib u dayactirka gegida ciyaaraha ee Daalo, maaha waxqabadka dawladda hoose intaa oo qudha, laakiin intaasi waa hordhac ay qabteen sannaddan 2007.

 

Magaalada Waxaa ka jira dugsiyo waxbarasho oo aad u tiro badan oo gaadhay illaa 10 iskuul, waxaana wax ka barta arday ka badan 5000 oo arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, sida ay noo sheegeen qaar ka mida masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada ee gobolka Sanaag mar ay shabakadda Sanaagweb.com wax ka waydiisay inay wasaaraddoodu ka hawlgasho bariga Sanaag iyo inkale waxay noo sheegeen inay dhawaan ka soo laabteen Badhan iyo bariga Sanaag ayna si toos ah u tagaan, lana socdaan xaaladdooda waxbarasho.

 

La soco warbixinaha dambe ee ku saabsan magaalada Ceerigaabo

 

 

Garoonka_Dib%20u%20dhis.JPG

 

 

Gaadiidka%20Qashinka.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

The people.

 

Biyo guduud? I was there last year mate; there was no xero ciidan-- as a matter of fact I purchased a plot of land there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Ceerigaabo waa magaalada Puntland iyo Somalilandba aaney wax uqaban. Sanaag gobol ahaan inkastoo ragii udhashey ey calamada ukala hayaan Puntland iyo Somaliland (Xasan Daahir Afqudhac V-president of Puntland is from Ceerigaabo) (The finance minister of Somaliland is from Ceerigabo; yes the infamous Cawil is ceerigaabaawi).

 

Runtii waa wax laga naxo. Dib udhaca gobolkan waxaa mas'uulka ah dadkooda. Arinkaan arin wax qabad u baahan weeye. Inaanu kula mashquulno burco iyo Laascaanood ama Garowe iyo Hargeisa.

 

Ceeri to'laan ayaa ku dhacdey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

THANK YOU SOPHIST

 

Ceerigaabo waa magaalada Puntland iyo Somalilandba aaney wax uqaban

 

WHEN I SAID WHO IS CONTROL I MEAN SLAND BLAND

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

xox,

 

Just look at the red, white and the green painted on the tower in the middle of the city. That should be enough for your answer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this