Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sh sharifs government on somaliland recognition.

Recommended Posts

DAWLADDA SH.SHARIIF OO SHURUUD KU XIDHAY AQOONSIGA S/LAND

 

 

Aqoonsiga Somaliland wuxuu ku xiran yahay taageerada dawladda Sh. Sariif.

 

 

Aqoonsiga Somaliland wuxuu ku xiran yahay taageerada dawladda Sh. Sariif.

 

 

Waxa beryahaaba si qarsoodi ah u socday wada hadalo dhexmarayay qaar ka mid ah madaxda sare ee Somaliland iyo dawladda Sh. Shariif ee Somaliya oo ay si buuxda u daadihinaysay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka (US State Department). Shirarkan oo lagu kala qabtay meelo kala duwan sida Djibouti, iyo Washington DC ayaa waxa ka kala qayb galay kooxo kala duwan oo ka kala socday labada dhinac.

 

 

Hadaba wada hadaladaas oo ilaa hadda meel fiican maraya ayaa haddana waxa jira ama ka muuqata woxogaa aamindarro ah oo ku kala dhex jirta labada kooxood. Tusaale ahaan maamulka S/land waxa uu shuruud uga dhigay in uu maamulka Sh. Shariif ku dhawaaqo aqoonsiga S/land kahor inta aan waxkale laga wadahadal, halka maamulka dawladda Sh. Shariif ay sal uga dhigtay in ay Somaliland marka hore gacan weyn ka geysato lugo isu taaga dawladda kumeel gaarka ah, kadibna marka ay dhamaan dalka (koonfurta Somaliya) gacanta ku wada dhigto ay aqoonsandoonto gooni-isu taaga S/land.

 

 

Ku-xigeenka wasiirka koowaad ee dawladda ku meel-gaadhka ah, isla markaana ah wasiirka maaliyadda, Mudane Shariif Xasan Sh. Aden oo hogaaminayay kooxda matalaysa dawladda kumeelgaadhka ah ayaa sheegay in Somaliland ay ka awood badan tahay inta ay moodayso, isla markaana ay ku haboonaan lahayd in ay ka ciyaarto arrimaha geeska Afrika kaalin hogaamiyenimo. Waxa uu sheegay in uu isagu aaminsan yahay in S/land ay xaq u leedahay in ay danaheeda ka tashato, laakiin aanay ilaa hadda marin siddii ay taas ku heli lahayd. Illaa hadda S/land waxa la moodaa in ay cid marti uga tahay arrimaha mandaqadda, ayuu yidhi wasiirku.

 

 

Dhinaca Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee USA, Mudane Yusuf Budle oo kamid ahaa kooxda matalaysa Somaliland ayaa sheegay in aanay marnaba suurto gal ahayn in ay siddii lixdameeyaddii S/land ku saxeexdo heshiis indho la’aan ah.

 

Waanu isku baahanahay, laakiin iyagaa naga baahi badan. S/land sideeda ayay ahaanaysaa mana baaba’ayso haddii aanaan aqoonsi ka helin dawladda Somaliya, laakiin toodu (dawladda kumeelgaadhka ah ee Sh. Shariif) halkii kuwii kahoreeyay mareen ayay maraysaa haddii aanaan anagu aqoonsan/rabin. Yusuf Isaga oo ka jawaabaya arrinta qayb ka ciyaarka arrimaha mandaqaddana waxa uu yidhi: Awoodayadu waa mid aanu u isticmaalno oo keli ah wixii dalkayaga iyo dadkayaga u dan ah, kumana lumino heshiisyo macnmo daro ah. Haddii ay maanta dawladda Sh. Shariif ku dhawaaqdo aqoonsiga S/land, dalalka kalena ictiraafaan heshiiskaas, waxa naga balan ah in Muqdisho ay ku degdo muddo bil ka yar.

 

 

Shirarkan is****jooga ah oo si qarsoodi ah u socday beryahaas ayaa lamoodaa in ay marayaan meel ay iskaga soo dhawaadeen intii hore, laakiin ay weli u dhiman tahay in laga gudbo xaaladda cakiran ee is aaminaadda ah.

 

 

Waxa lagu wadaa in qaar kamid ah masuuliyiinta ugu saraysa ee dawladda kumeel gaadhka ahi booqdaan magaaladda Hargeysa muddo aan fogayn, in kasta oo ay jirto cabsi ah in ay ka faa’iidaystaan mucaaridka Somaliland oo mar kasta ku sheega xidhiidhyada noocan ah in ay xukuumadda S/land gadayso madaxbanaanida S/land. Mr. Budle oo arrintan ka hadlayaana waxa uu yidhi “S/land mar kasta danteeda u luminmayso Calibaa odhan iyo Caashaa odhan. Waxa aanu rumaysanahay in aanu wax wada qabsan karno dawladdan Sh. Sharif anaga oo isku danaysanayna, waa haddii ay gartaane. Aqoonsiga S/land waxaanu ku raadinaynaa si kasta oo suurto gal ah, dublomaasiyad, xoog, maal/lacag iyo la shaqayn dalalka danaha ka leh geeska afrikaba.

 

 

posted by

Gabileynews desk

 

 

Ayan Ismail

 

Somali Media

 

St. Paul, MN USA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh hotel darajadiisa waxay kordhaysa marku somaliland sxb ka dhigto. haa dii kale sh hotel buu ahanaya , laakin marku somaliland ehel ka dhigto sh sharif buu noqonaya

imikana sarraatul mustaaqiinka ayuu ku socda lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

jawaab

 

 

Dawladda Somaliland oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadal ka soo yeedhay Maamulka Sh. Shariif

Written by Qarannews

Apr 27, 2009 at 11:46 AM

Hargeysa(Qarannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in ay jiraan dadaal loogu jiro wada hadallo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Sheekh Shariif hogaamiyo, kaas oo ay Xukuumaddu si adag u beenisay isla markaana ka digtay cawaaqibka ka dhasha isku day kasta oo la rabo in la isa soo hor fadhiiso laba wadan.

Xukuumada oo daba socotay dhawaaq ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Muqdisho Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay wada hadal la gasho Maamulka Koonfureed, sugaysana inta uu maamulkaasi cagahiisa isku taagayo.

 

Wasiirka khaarijiga Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo maanta shir jaraaid ku qabtay Hargeysa ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay jirin cid Somaliland wakiil ka ah oo wada hadalo la wada Somaliya. "Waxa maalmahan danbe soo if baxaya hadalo ka soo yeedhay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Muqdisho oo ku andacoonaya inay Somaliland diyaar u tahay wada hadalo ay la galaan, kuwaas oo aanu u aragno been cad.

 

qof masuul ahna in uu waxaan jirin ku hadlo waa laga wanaagsan yahay. arrintaa aad iyo aad baanu uga xunnahay aadna waanu u cambaaraynaynaa Warkii u danbeeyayna waxa uu ka soo baxay Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo arrimaha dibada u qaabilsan Maamulka Shariifka.". ayuu yidhi WAsiir Ducaalle

 

Isagoo Hadalkiisa sii watana waxa uu intaa kudaray "Riyo beena iyo nin arrintiisu hadal noqotay waxaanu leenahay Somaliland Arrimaheeda way dhamaysatay cid ay jiritaankeeda ka baryaysaana ma jirto, Qaddiyadda Somaliland Muqdishana uma Haysana, Maxamed Cabdillaahi Oomaar-na (wasiirka Khaarijiga Maamulka Shariifka), Qaar ka horeeyayna oo sheeganayay inay dhiig iyo dhul Somaliland la wadaagaanba way ku lug go'een. Markaa waxaan leeyahay Walaal dariiq khaldan ayaad haysaa, haddaad wax halkaa ka samaysanayso ka samayso laakiin annaga ha nagu soo gabban. meel aanu ku codsanay iyo cid aanu u soo diranayna ma jirto in aynu wada hadalno, waxaananu idiinka digaynaa in arrimahaas oo kale aad iska ilaalisaan.".

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdillaahi Maamed Ducaalle mar uu ka hadlay shakhsiyadda Wakiilka arrimaha dibadda u qaabilsan Somalila, Maxamed Cabdillaahi oomaar waxa uu sheegay in uu yahay qof aan wax badan kala socon arrimaha siyaasadda Somaliland, oo ku hambabaray uun shirkii Jabuuti isagoo Hargeysa Jooga,kadibna baxsad ku tagay shirkaasi "Inan dhalinyara oo Hargeysa Joogay baad ahayd, oo waliba sida la ii sheegayo maalmihii uu socday shirkii Jabuuti Baabuur Land cruiser ah Halkan kaga baxsaday, hore waxaa u jirtay inaanu waraaqo kuu dhiiban jirnay adigoo shakhsi ah oo arrimo ganacsi ah, waxaananu u haysanay nin nasteex ah, haddii aad is tidhi arrimahaas uga faaiidayso wada hadalo waxaanu ku leenahay ha ku hungoobin ee ka joog.". ayuu yidhi wasiir Ducaalle.

 

Qarannews Desk

Hargeysa, Office

Admin@qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumada oo daba socotay dhawaaq ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Muqdisho Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay wada hadal la gasho Maamulka Koonfureed, sugaysana inta uu maamulkaasi cagahiisa isku taagayo.

 

This shows the successionist have no confidence in their desire to dismemeber Somalia. How in the world can you avoid talking to the Somali governnment marka ay caga dhigato as the FM Oomsr suggested. I think the FM of Somalia knows the thinking of ruling cabal in SL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;459713 wrote:

 

Dhinaca Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee USA, Mudane Yusuf Budle oo kamid ahaa kooxda matalaysa Somaliland ayaa sheegay in aanay marnaba suurto gal ahayn in ay siddii lixdameeyaddii S/land ku saxeexdo heshiis indho la’aan ah.

Laa yaa garaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this