Sign in to follow this  
Suldaanka

Somaliland army takes control of Las Qorey port town

Recommended Posts

Somaliland oo la wareegtay Gacan ku haynta Degmada Laasqoray, Puntland oo xaqiijisay Arintaasi

 

Warkii 09-Jul-2008 iyo Qormadii: c/qaadir gaabuush

Waxaa saaka la wareegay gacan ku haynta degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ciidamo taageersan Maamulka Somaliland sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag C/laahi Cumar Cashuur .............

 

 

 

 

Ciidamadan saaka la wareegay gacan ku haynta Laasqoray ayaa isugu jira kuwa udhashay deegaankaasi iyo kuwa kale, kuwaas oo dhamaantood ka wada tirsan Ciidamada Military-ga Somaliland ee Gobolkaasi Sanaag , Ciidamada Somaliland ayaa hada ku sugan irida hore ee laga galo degmada laasqoray mana jiraan wax iska caabin ah oo ay la kulmeen xiligii ay magaalada soo gaadheen sida ay Afnugaal u xaqiijiyey dad deegaanka ah balse ku sugan magaalada Boosaaso.

 

 

 

C/laahi Cumar Cashuur Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag ayaa intaasi raacshay mar uu uwarameyey Somali Broadcasting Corporation in ciidamadii Puntland ee laasqoray hada ku sugan yihiin Degmada Badhan ee isla gobolka Sanaag , taliyuhu ma aanu sheegin sababta iyo qaabka ciidamada Puntland uga soo baxeen magaalada Laasqoray oo aad muhiim uga ah jiritaanka Dowlad Goboleedka Puntland .balse wuxuu cadeeyey in Ciidamada Somaliland ay hada ku sugan yihiin Laasqoray sida ugu dhakhsaha badana ay uga saari doonaan.

 

 

 

Gobolka Sanaag ayaa waxaa uu ka mid yahay meelaha sida weyn ay ugu muransan yihiin maamulada Garoowe iyo hargaysa, waxayse xiisadan cusub bilaabatay ka dib markii koox Somali ah ay la tageen duleedka Laasqoray dad ajaanib ah oo ay soo afduubteen taas oo sababtay in ciidamo Labada Maamul ka socdaa halkaasi gaadhaan ..

 

 

 

Qabsashada Laasqoray ayaa noqonaysa Guuldaradii Labaad ee xukuumada hada ka talisa Puntland iyadoo horena ay gacanta Madaxwayne cadde Muuse uga baxday inta badan Gobolka Sool gaar ahaan Magaalo madaxda laascaanood ,

 

 

 

C/qaadir Gaabuush

 

Afnugaal.com

 

Gaabuush6@hotmail.com

 

+256-774-833715

Share this post


Link to post
Share on other sites

ajnabiyiinta%20la%20heysto.jpg

 

Somaliland oo qarka u saaran inay xoog ku furato Muwadiniin u dhashay Jarmal

 

Ciidamadda Melleteriga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isku gadaamay degaan buuraleeyda Calmadow oo afduub loogu heysto lamaanayaal u dhashay dalka Jarmalka oo badda laga afduubtay.

 

Afduubayaasha heysta dalxiisayaasha u dhashay Jarmalka ayaa ku hanjabay inay dilayaan hadii rasaas kaga soo dhacdo dhinaca Ciidamadda Somaliland,waxaana socda dadaal loogu jiro sidii afduubayaasha nabadgelyo ugu sii deyn lahaayeen labada Muwaadiniinta Jarmalka.

 

Ergo uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Somaliland ayaa shir xasaasiya la leh saraakiil metelaya afduubayaasha oo ku sugan Laas qoray waxayna ka wada hadlayaan sidii sharuud la'aan lagu sii deyn lahaa labada lamaane ee u dhashay Jarmalka

 

Ciidamadda Somaliland ayaa shalay dagaal qaraar la galay afduubayaasha hasse yeeshee kuma aysan guuleeysan inay gacanta ku dhigaan labada dalxiise oo burcada ay ka afduubteen doon mareysay dhinaca gacanka cadmeed.

 

Ciidamadda Puntland ayaa duleedka Laasqoray ka galay heegan buuxa waxaana laga cabsi qabaa inay dilaacaan colaada u dhaxeeya labada dhinac hadii lagu guuleeydareysto waanwaanta.

 

Dalxiisayaasha Jarmalka oo Weriyeyaal Somaliya booqdeen ayaa eheladooda u diray dhambaal ay ku sheegayaan inay weli bad qabaan laakiin aysan ogayn sida ay xaaladooda ku dambeyn kareyso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Why do people compare the Incompareable? somaliland is a functioning entity, regardless of the wrong path it is following: secessation. Puntland on the otherhand is nothing more than a club where a group of gangsters, pirates, hijackers, human traffickers and money launderers share their loots, masquerading as 'politicians'. It is an entity that was given birth to out of envy and 'ana waa ika' mentality. Nothing more. No wonder it is crumping into pieces.

 

This is not to exonerate the 'myopic' secessionsits up north who wouldn't blink their eyes to sell the land of the Somali's to the highest bidder. But at least, they have a system in place.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland on the otherhand is nothing more than a club where a group of gangsters, pirates, hijackers, human traffickers and money launderers share their loots, masquerading as 'politicians'.

Couldn't agree more.The men running this place are shameless. A change and new direction is in order!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   

Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

 

 

This is not to exonerate the 'myopic' secessionsits up north
who wouldn't blink their eyes to sell the land of the Somali's to the highest bidder
. But at least, they have a system in place.

how so ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Paragon. The comment you made yesterday was by far one of the funniest. And I mean in a good way. lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by LANDER:

quote:Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

 

 

This is not to exonerate the 'myopic' secessionsits up north
who wouldn't blink their eyes to sell the land of the Somali's to the highest bidder . But at least, they have a system in place.

how so ?
Kindly awaiting Mr. A&T's explainations to this accusation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

Somaliland is Libaax - Laasqorey was part of Puntland Administration right? was it part of the colonially demarcated British Somaliland?

by the way the people in Puntland are not bad..it is the men who run the administration who are awful as hell. Same can be said some of the leaders in Somaliland too.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Saasaa la rabaa, Badhanna waa ku xigtaa.

 

Pirates Moneylaunders should stay Bossaso and garowe haday joogi waayaanna waa loogu imaan. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Marshadaa u gashan jinguwa miyaad leedahay , armuu farizoonaha ka go'aa intey dhahaan sheelaraha ayaan xoog u isticmaaleenaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

All this maati Soomaaliyeed loo qaxinaayo, lagu qaxar dhibaayo, dhalin Soomaaliyeedna dhiigooda lagu daadinaayo just to show off the world -- to show off how to 'rescue' afar gaal oo Jarmal ah.

 

Ma dhiigooda ayaa ka qiimo badan kuwa Soomaaliyeed? Ar muxuu dhiigeena raqiis noqday, Soomaalidii ugu horeyso ka dhigtayna.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this